Silsiladda Taariikhda Islaamka

Qaybta 1aad

Manhaj-kayga xagga qoraalka.

Xuruufta.

Taarikh-daan oo aan kasoo qaadan doonno masaadirta Islamiga ah oo carabi ku qoran waxaa jira xarfo badan oo afka Carabi-ga ku jira oo aan laga helayn xarfaha Soomaali-ga ah wax waafaqsan sida ay u dhawaaqayaan carabi ahaan, sidaa darteed waxaan isticmaali doonaa xuruuftaan soo socota booskii xarfahaas. 

Th xarafka afaraad ee Alif ba’da. Tusaale cuthmaan.

Z xarafka kow iyo tobnaad ee Alif ba’da. Tusaale Zako.

Gh Xarafka sagaal iyo tobnaad ee Alif ba’da. Tusaale Baghdad. 

Xuruuftaan sadexda ah kaligood ma ahan xarfaha aan dhawaaqooda laga heli karin xuruufta afka soomaaliga, ee waxaa jira inay ayagu ugu dhawaaq fog yahiin.  Sidoo kale waxaa jira xarfo kale oo aan ayagana dhawaaqooda lagu qori karin farta soomaaliga sida xarafka sagaalaad ee Alif ba’da iyo laga bilaabo xarafka afar iyo tobnaad ilaa todobo iyo tobnaad ee Alif ba’da xuruuftaan oo dhan kuma lahan dhawaaqooda oo kale farta soomaaliga.

Hadaba qofku markuu akhrinayo taariikh-daan waa inuu maskaxda ku hayaa dhawaaqii xarfahaas inta badanna waa magacyada, illayn luuqadda waa la turjumayaa magacyadase waa in dhawaaqooda lagu ilaaliyo siduu ahaa haddii kale dhadhankoodii la heli mayo. 

Soo aroorinta macluumaadka.

Siirada Nabiga (scw) waxaan si wayn u tixraacayaa kitaabka “Raxiiqul-Makhtuum” waxaase jira inaan keeni doonno siyaadooyn -insha allah- ama aan ka tageyo wixii aan u aragno in laga maarmi karo, haddiise aan macluumaadka kasoo qaado meel aan ahayn kitaabkaan waxaan sheegi doonaa meesha aan kasoo qaadnay.

Taariikh-da kale ee ka dambaysa Siirada Nabiga (scw) dawlad walba waxaan sheegi doonaa kitaabka aan tixraaci doono iyo meeshii wixii macluumaad ah oo siyaado ah aan kasoo qaatay.

Magacyadda.

Magacyada, meelaha, dhacdooyinka, wadamada amase dadka haddii lagu heli karo sida ay u qoran yihiin afafka latin-ka waan sheegi doonaa magacii oo qows ku jira -insha allah- haddiise aan la helin waxaan u qorayaa sida ay u dhawaaqayaan oo far-soomaali ah. Tusaale, Jaziiradda siqilliya (Jaziiradda Scile).

Nusuusta.

Nusuusta diinta xadiith-ka Nabiga (scw) waxaan sheegi doonaa kitaabka uu ku jiro iyo darajadiisa sixada iyo dacfiga hadba sida culumada Islam-ku ku xukumeen xadiith-kii aan waayo culumada Islam-ka ee waawayn wax ka hadley darajadiisa waan sheegi doonaa inaanan helin darajadiisa.

Aayadaha qur’aanka waxaan sheegi doonaa suuradaha ay ku jiraan iyo raqamkooda wixii ku saabsan xagga tafsiirka macnahooda waxaan kasoo qaadanayaa tafsiirka Al-imam Ibn kathiir oo ah mid ku habboon koobnaantiisa iyo xeeldheeridiisa awgeed.

Gabayada carabiga ah.

Gabayada carabiga ah oo ah run ahaantii shay dhib badan in la turjumo, sababtoo ah in gabayadu dawr wayn ka cayaareen samaynta dhacdooyinka macna waynna leeyihiin oo aan laga tagi karin oo dhinac ah iyo in aan murtidoodii oo dhan lagu keeni karin qoraal oo dhinaca kale ah darteed. Hadaba, dad badan oo luuqadaha kale wax ku turjumay waxay qoreen macnahoodii annaguse waxaan isku dayaynaa inaan gabayga ku muujino gabay ama geeraar af-soomaali ah –insha allah- oo aan annagu sameynay macnihiisuna ku aaddan yahay gabaygii carabiga ahaa. 

Turjumaadda luuqadda.

Luuqadda carabi-gu waa luqadda ugu badan ee ku dhexjirta af-soomaali-ga mana suurowdo qof af-soomaali wax ku qorayaa inuu iska ilaaliyo mana jirto wax sabab ah oo nagu kallifi karta inaan iska ilaalino afka carabi-ga. Sidaa darteed kaliya waxaan fiirinayaa in ereygu yahay mid soomaalidu fahmi karto carabi-ba ha ahaadee haddii la fahmayo waan qorayaa haddaanse la fahmayn waa turjumayaa.

Waxaase kala jira turjumo xarfi ah iyo turjumo xikmadda ah waxay kala yihiin inuu qofku ilaaliya xarafka macnihiisa oo qura tan hore iyo inuu qofku ilaaliya xikmadda macnaha ku jirta hadday doonto yaysan xaraf ahaan ugu aaddanaane tan dambe. Waxaan anigu ku socon doonaa turjumada xagga xikmadda. Tusaale “Somali language” turjumada xarfiga ahi waa soomaaliga luqadda, turjumada xagga xikmadduse waa luqadda soomaliga marka waa kala cad yahay farqiga u dhexeeya labadaan.


Dhismihii Kacbada (Masjidka Xaramka) 

Sida Alle qur’aankiisa ku caddeynayo kacbada waxaa dhisay Nabiga Alle ee Ibraahiim iyo wiilkiisa Nabiga Alle ee Ismaaciil (cs) qisaduna waxay u dhacdey sidaan. Nabiyullah Ibraahiim asalkiisu wuxuu ka soo jeedaa dhulkaan loo yaqaan ceraaq (Iraq) Magaala yar oo saraan daanta galbeed ee wabiga furaat oo magaceeda la yiraahdo (Ara) waa meel hadda ku aaddan kufa agteeda waxaana jira looxaan dhulka laga soo faagay hadda oo laga helay warar faahfaahsan oo ku saabsan magaaladaan iyo qoyska Ibraahiim (cs) iyo xaaladooda diineed intaba.

Ibraahiim (cs) magaaladaan waa ka hijroodey dhinaca magaalada kale ee xaraan kadibna dhulkaan Falastiin halkaas oo uu ka dhigtay saldhigga wayn ee dacwadiisa, hadaba Ibraahiim (cw) wuxuu u bixi jiray safaro dacwo oo uu ku maray dhulka Falastiin oo dhan iyo meelo kale oo dunida kamida. 

Safaradaan mid kamida ayuu Ibraahiim (cs) ku tagay dhulka masar, halkaas oo uu fircoonkii masar ka talinayey u dagay shirqool ka dhan ah Ibraahiim (cs) iyo Zawjadiisa sharafta badan ee (Saara). Shirqoolkaan oo ahaa Isku day uu fircoonkaani isku dayay kufsi uu la damcay Saara oo ahayd –mid lasiiyey quruxdii aduunka nuskeed- Alle shirqoolkaan waa ka badbaadiyey ayadoo fircoon uu ka arkay Saaro mucjizo wayn oo uu darteed aqoonsaday xariirka wayn ee Saara ay la leedahay Alle uuna qirtay fadligeeda iyo sharafteeda isla-markaana uu siiyay gabar shaqaale ah oo magaceeda la dhoho (Haajara) Saarana ay dhankeeda u guurisay gabadhii ninkeeda Nabiga Alle ee Ibraahiim (cs). 

Ibraahiim (cs) wuxuu ku soo laabtay Falastiin asagoo Alle ka siiyay Haajara (Ismaaciil). Hadaba, dhalashada wiilkaan wuxuu masayr ka keenay Zawjada wayn ee Ibraahiim (cs) waa Saaree -inaysan ayadu dhali jirin darteed- ilaa ay Ibraahiim (cs) ku kalliftay inuu fogeeyo oo masaafuriyo Haajara iyo wiilkeeda yar Ismaaciil. 

Ibraahiim (cs) wuxuu la safray Haajara iyo wiilkeeda yar Ismaaciil ilaa uu kalasoo galay dhulkaan Xijaaz uuna dajiyay geed wayn hooskii oo ku yaal tog aan beero lahayn oo u dhaw barxadda uu Alla u doortay inay noqoto Bayt-kiisa sharafta leh ee Xaramka oo markaa ah dalcad kor u dheer oo daadadku ka maraan labada dhinac. 

Wuxuu dajiyay geed wayn hooskii oo ku beegan ceelka Zamzam-ka meesha uu ku yaal korkeeda mana jirin markaa cid ku nool eeryadaan biyona malahayn wuxuuna ag dhigey dambiil ay ku jiraan xoogaa timira iyo sibraar biyo ah waana iska tagay markuu wax yar ka dhaqaaqay ayuu gacmaha kor u qaaday asagoo Alle ka baryaya inuu kaligii ku halleeyay ugana tagay dadkaas meesha cidlada ah lagaga tagay kagana baryay Alle inuu ka dhigo meel dadka qalbiga kaga taal oo ay isagasoo shubmaan uuna ku irsaaqo dadka ku nool noocyada thimaarta si ay Alle ugu shugriyaan, duca dheer oo Alle ku sheegay qur’aankiisa suurado badan sida suuradda Ibraahiim dhamaadkeeda wuxuuna Ibraahiim (cs) isaga laabtay dhulkii Falastiin, isl-markiiba saadkii yaraa waa dhamaaday halkaas oo Haajara iyo wiilkeeda Ismaaciil gaajoodeen oomeenna markaas Alle uu usoo fatahay isha macaan ee Zamzam-ka naxariista iyo fadliga Alle taasoo u noqotay quud iyo wax ay gaajada ku moodaan. Qisadaanna waa qiso dheer oo lawada yaqaan. 

Muddo kadib waxaa meeshii soo maray qabiilo carbeed oo loo yaqaan (Jurhamta-labaad) oo markii hore mari jirtay togaan hase-ahaatee aan ku aqoon biyo iyo dad midna Markay arkeen Haajara iyo wiilkeeda waxay uga idan qaateen inay la dagaan, halkaas oo Ismaaciil uu ku dhexbarbaaray qabiiladaan carbeed bartayna afkooda.

Ibraahiim (cs) dhiniciisa wuxuu safaro badan ku soo aaday makka si uu u kormeero duriyaddii uu meesha kaga tagay inkastoo aan la aqoon inta goor uu kormeerkaan Ibraahiim (cs) ku yimid, hadana qur’aanku wuxuu sheegayaa labo kamida.

Labadaan safar kan hore intuu ku guda jiray ayuu Alle subxaanah riyo ku amray Nabi Ibraahiim (cs) inuu gawroco wiilkiisa Ismaaciil -Alla u dhawaansho darteed- arrintaan oo ahayd imtixaan adag oo Alle ku marsiiyay Ibraahiim (cs) inuu wiilkiisa kaligii lagu arko gawroco, sidoo kale Ismaaciil inuu aabihiis ka yeelay inuu fuliyo waxa Alle amrayo. Markay labadooduba Alle u hogaansameen oo imtixaankii ku guuleysteen ayaa Alle ugu badalay wan wayn. 

 Labo safar oo kalana waxaa sheegaya xadiith ku yaal saxiixul-bukhaari in Ibraahiim (cs) Ismaaciil oo maqan uu yimid gurigiisa oo xaaskiisa waraystay oo ay dhib-sheegatay markaa Ibraahiim (cs) ku yiri waxaad ku dhahdaa iska badal kaabadda guriga oo Ismaaciil yimid uuna gartay in ninka yimid uu aabihii yahay uuna kula taliyay inuu xaaskaan iska furo inuu Ibraahiim mar kale soo laabtay sidoo kale Ismaaciil oo maqan oo uu waraystay xaaskiisa oo ay markaa Alle amaantay oo khayr sheegatay markaa uu yiri waxaad ku dhahdaa adkee kaabadda guriga Ismaaciil gartay cidda timid inay aabihii tahay uuna amrayo inuu xaaskiisaan xagsado.

Safaradaan uu Ibraahiim (cs) ku yimid kormeerka mid kamida oo ah intii Ismaaciil barbaaray kadib ayuu la kulmay wiilkiisa Ismaaciil asagoo leebab qoranaya geed wayn oo Zamzam-ka u dhaw hooskiisa, markuu arkay Ismaaciil aabihiis oo mudda dheer aysan is-arag wuxuu salaamay salaan ay isku burureen, waalid ilmihiisa aan mudda dheer arag iyo ilmo aan waalidkiis mudda dheer arag salaantood. Safarkaan ayaa Alle amray Nabigiisa Ibraahiim (cs) inuu dhiso masjidka Kacbada dalcaddaas uu Alle doortay korkeeda, markaasay bilaabeen dhismaha oo udubada u taageen, markay dhameeyeenna Alle subxaanah wuxuu Nabigiisa Ibraahiim amray inuu dadka ugu yeero inay usoo xajiyaan kacbadaan la dhisay marka waxaa la yiri Ibraahiim (cs) intuu buur dheer dhaladeed fuulay ayuu qayladiisa tan ugu dheer ku dhawaaqay “war dadoow Alle wuxuu idin saaray Xaj ee usoo xajiya kacbadiisa” qayladaan oo dunida daafaheeda gaadhay oo aduunkoo dhan laga maqlay.

Marka maalintaa laga bilaabo ayuu dadku bilaabay inay usoo xajiyaan kacbadaan xaggeeda diinta Nabi Ibraahiim-na ayku faaftay jaziiradda carabta oo dhan iyo meelo ka baxsan intaba.

Ismaaciil markuu barbaaray hooyadii Haajarana ay dhimatay oo uu noqday nin caqli badan sharafna badan, qabiilkii carbeed ee Jurham waxay u guuriyeen gabadha uu dhalay kaaba-qabiilkooda (madaad Ibn camar) waxaana Alle ka siiyay labo iyo toban wiil oo wada hanaqaaday kulligoodna ay ka farcameen qabiilooyin tarmay, halkaanina waa meesha ay ka bilowdeen carabta loo yaqaan (waladu Ismaaciil) ama cadnaaniyiin oo nabigu (scw) uu kasoo jeedo. 

Qabiilooyinkaan markii hore waxay noloshoodu ku tiirsanayd ganacsiga laga keeno dalka Yaman sidoo kale dhulka Shaam iyo Masar, Markiise ay ballaarteen intooda badan waxay ku faafeen gudaha iyo hareera jaziiradda carabta ayagoo isu badalay xoolo dhaqato iyo reer guuraa raac raacaya hadba meeshii roobku maro waxay kaloo dhiseen dawlado yaryar iyo maamulo dhaqso u baaba’ay kadibna taariikh-doodu waxay ku dhuntay mugdiga zabaanka.

Gudaha Makko waxaa kaga haray faraca Qiidaar Ibn Ismaaciil oo kaliy ah isaga ilmihiisu waxay salka dhigteen Makka oo ay isaga farcamayeen ilaa uu ka dhashay Cadnaan oo ah awowga 21-naad ee silsiladda abtirsiga Nabiga (scw) cadnaankaan ayaana carabta cadnaaniyiintu ka xafideen abtirsigooda, waxaana jira xadiith daciif ah oo la yiri Nabigu (scw) markuu abtirsado oo uu gaaro cadnaan wuu ka istaagi jiray oo oran jiray nasab-yaqaannadu beenbay sheegeen. 

Hadaba intii Ismaaciil uu noolaa furaha kacbada iyo maamulkeeduba waxay gacanta ugu jireen Ismaaciil (cs) markuu dhintayna waxaa isaga dambeeyay laba wiilashiisa kamida oo kala ah Naabit kadibna Qiidaar markay dhinteenna maamulkii kacbada waxaa la wareegay awowgood xagga hooyo waa Madaad Ibn Camar oo ah saan sheegnay kaaba-qabiilka qabiilada Jurham ee Makka dagan kadibna maamulkii kacbadu qabiilkaan Jurham ayuu gacanta ugu jiray ayadoo faraca Ismaaciil (cs) aysan waxba ku lahayn inkastoo ay ahaayeen dad la Ixtiraamo inuu aabohood kacbada dhisay daraadeed.  

Sidaas ayaa hadaba qaaruumo badani ku gudbeen, ilaa ay xumaatay taladii Jurham oo awoodoodii wiiqantay oo musuqmaasuq dhexgalay markaa waxay bilaabeen inay boobaan hantidii kacbada u taallay sidoo kale inay furtaan dadka wafdiga ah ee Xajka gudanaya, arrintaan oo ah mid aad uga caraysiinaysay cadnaaniyiinta (faraca Ismaaciil) sidaa darteed qabiilka khuzaaca oo ah qabiilo dagta hareera Makka ayaa ka faa’iidaysatay xaaladdaan hadaba ayagoo taageero ka haysta cadnaaniyiinta ayay dagaal ku qaadeen Jurham si fudud-bayna uga qixiyeen Makko ayagoo markaa la wareegay maamulka iyo awoodda kacbada intaba. 

Waqtiga Nabi Ismaaciil (cs) Makko joogay waxaa lagu qiyaasaa inay ku aaddan tahay labaatan qarni kahor taariikh-da dhalashada ciise, tani waxay ka dhigaysaa muddada ay Jurham maamuleen kacbada 21-tan qarni ugu yaraan. 

Muddada ay qabiilka khuzaaca maamulayeen Makko carabta cadnaaniyiintu maamulka Makka waxba kuma lahayn hasa-yeeshee waxaa jiray xurma diineed oo ay lahaayeen sida in ayaga looga dambeeyo qaar kamida camallada gudashada Xajka sidoo kale inay dib u dhigi jireen bilaha xurmada leh, cadnaaniyiintuna waa faafeen dagaanka Makko waxaa kagasoo haray lafaha Qureysh oo ah faraca Fihir Ibn Maalik. 

Maamulkase waxba kuma lahayn ilaa uu kasoo baxay Qusayi Ibn kilaab oo ah awowga shanaad ee abtirsiga nabiga oo uu Qureysh isku duway (mideeyay) isla-markaana uu ku qabsaday Khuzaaca maamulka Makko kadibna arintii dagaal ay isu badashay, dagaalkiina uu kaga gacansareeyay, markuu Makko qabsaday wuxuu dhisay guri loo yaqaan (daaru-nadwa) oo ah baarlamaan yar oo Qureysh laga maamulo, hawlaha Qureesheed col iyo nabad-ba Qusayi ayaa halkaa ku gorfayn jiray, dhamaan masuuliyaadka Kacbada iyo hawlaha Qureesheed gacantiisa ayay ku jireen ilaa uu Makko ka dhigay sidii xukuumad yar oo kale, markuu dhintayna xeerarkii uu Qusayi dajiyay waxay u raaci jireen sidii diintii.

Waxay hadaba Makko gacanta ugu jirtay Qureysh ilaa Nabiga (scw) laga soo saaray sida aan arki doonno. 

Akhri Qaybat 2aad...

Silsiladda Taariikhda Islaamka

Qaybta 2aad

Muuqaal Guud oo ku saabsan Carabta

Nabiga (scw) Kahor. 

Taariikh-yahannadu sida ay isku waafaqsan yihiin qarniga lixaad iyo kan todobaad ee Ciise dabadii waxay ahaayeen quruunta aadanuhu soo maray kuwii ugu xumaa ee garaadka iyo garashada dadku ugu hoosaysey(1). Ma jirin wax horumar ah oo laga sameeyay xagga farsamada iyo wax soosaarka, mana jirin nolol iyo dhaqaale fiican, mana jirin wax maamul ah caddaalad ku dhisan mana jirin dulmiga iyo liidnimada ummadda dhinac walba kaga habsatay meel loola ciirsado.

Dadku waxay u kala qaybsanaayeen madax ama boqorro kalli-taliyaal ah, wax distuur ah oo qaban karana uusan jirin dadka kasareeya qaarkood laga aaminsan yahay in dhiig ilaah jirkooda ku soconayo iyo dad wayne dulmiga iyo xaqdarradu dhinac walba kaga habsatey cid ay ula ciirsadaan ama ula cararaanna aysan jirin, lamida beer wax soo saarta waxa ay soo saartana usoo gudbisa madaxda oo markaa ay u adeegsadaan kibirkooda iyo qooqooda.

Hadaba si aan u fahano Nabiga (scw) kahor xaaladda jirtay, waxaan u baahanay inaan dulmar ku samayno muuqaalka guud ee nolosha sida: Siyaasadda, Diinta, iyo Akhlaaq-da Carabta iyo ummadaha kale ee ku hareeraysan intaba.

Xukunka iyo Dawlad-nimada

Maamullada ka jiray dhulka carabtu markii Nabiga (scw) lasoo diray waxay ahaayeen laba nooc, nooc u dhisan hab dawladeed oo ay ka taliyaan boqorro taaj madaxa loo saaro iyo nooc ah kaaba-qabiillada iyo madaxda lafaha usrooyinka oo haysta dhamaan waxa awood ah ee boqorku haysto qabiilkooda dhexdiisa.

Qaybta hore ee u dhisan sida dawladaha waxaa ka dhisnaa dhulalka carabta afar maamul oo ka kala dhisnaa Yaman, Ceraaq (iraq), Shaam iyo Xijaaz (sucuudiga), taariikh-dooda oo koobana waa sidaan.

Yaman

Shacabkii ugu horeeyay ee carbeed ee lagu aqoonsaday dhulka yaman waxaa la oran qoomka reer Saba, waxaana laga helay taariikh-dooda oo faahfaahsan looxaan laga soo saaray godad la faagay sida muuqatana waxay ilbaxnimadoodu horu-kac wayn samaysay oo awoodoodu waynaatay oo dhulal badan isku kala bixiyeen muddo gaaraysa 11-qarni oo ka horaysa dhalashada Ciise, waxaan hadaba waqtigooda ku kala qaybin karnaa afar qaybood.


Dhismayaashii Ma´rib

Biyo-xireenkii Ma´rib:
Joog: 16 mitir
Ballac: 60 mitir
Dherer: 620 mitir
Waxa uu biyaxireenkaasi waraabin jirey dhul baaxadiisu dhan tahay 9,600 hectares [Halkii Hecter waa 10,000 miter oo laba jibbaaran). Waxaa biyo xireenka burburiyey duufaankii Arim.
Akhri suurada Saba: Aayadaha 15-17
ISHA::: www.miraclesofthequran.com

1-     Qarniyadii gudbay ka hor sanadka 650-ka ee  dhalashada Ciise horteed, waqtigaas boqorradooda waxaa lagu magacaabi jiray Makrabu-Saba waxaana magaalada madax u ahayd Sarwaax oo hadda burburkeedu yaallo meel maalin looga socdo dhinaca galbeed ee Ma’rab. Waqtigaas waxaa la sheegay inay reer Saba awood wayn yeesheen oo aad isu ballaariyeen ilaa ay gaareen heer ay ummaddo gumaystaan gudaha dhulalka Carabta iyo meelo ka baxsan intaba waqtigoodii ayuuna bilowday dhismaha biya-xireenka wayn ee loo yaqaan biya-xireenka Ma’rab oo magac wayn ku leh taariikh-da yamaneed.

2-     Laga bilaabo sanadka 650-ka kahor dhalashada Ciise ilaa laga soo gaaro sanadka 115-ka kahor dhalashada Ciise, mudadaan waxay ka tageen magacii Makrabu-Saba waxaana loo aqoonsaday madaxwaynaha Maliku-Saba, waxayna magaala madax ka dhigteen Ma’rab waxaana burburkeedu yaallaa meel lixdan mayl u jirta Sanca dhinaceeda bari.

3-     Muddada laga bilaabo sanadka 115-kii kahor dhalashada ciise ilaa laga soo gaaro 300-kii Ciise dabadii, muddadaas waxaa xukunkii reer Saba qabsaday qabiilada ximyar oo dumiyey waxayna caasimad ka dhigteen magaalada Ridaan waxaana ku bilowday hoos u dhac iyo burbur dawlado waawayn oo cariiryey iyo ganacsigoodii oo fashilmay darteed.

4-     Muddada ka dambaysay sanadkii 300 ee Ciise dabadii ilaa Islaamku galay Yaman, Muddadaan waxaa yaman ka dhacay xasilooni darro iyo inqilaabyo hubaysan iyo dagaallo qabiil oo dhaawacay awoodoodii ilaa ay taasi sababtay inay madax bannaani doodii waayaan ilaa Romaniyiintu soo galeen dhulka yaman kadibna sanadka 340-ka amxaaradu qabsatay dhulka Yaman ayagoo taageero kahaysta Romanka ayna sii xukumayeen ilaa sanadkii 378-dii Ciise dabadii, sanadkaas ayaana Yaman iska cayriyeen Amxaarada laakiin waxaa dhacay in biya-xireenkii waynaa ee Ma’rab uu daldalooshamay kadibna uu dhacay daadka wayn ee qur’aanku sheegay wuxuuna ahaa dhacdo wayn oo keentay in magaalooyinkii isu badaleen lama dagaan oo shucuubtii kala carartay. 

Sanadkii 523-dii ayuuna yuusuf du-nawaas Al-yahuudi qaaday duulaan ballaaran oo ka dhan ah dadka kiristaanka ah oo uu isku dayay inuu diintooda khasab kaga saaro oo yuhuudeeyo ayna diideen ilaa uu qoday godad dab lagu shiday oo dadka uu holacaas ku tuurayay mana uusan kala saarayn caruur, dumar iyo rag toona dadka uu dilayna waxaa lagu tilmaamay labaatan ilaa afartan kun, arrintaanina waxay sababtay inay ka caraysiiso Imbiraadoorka(2) wayn ee Room ilaa uu ku guubaabiyay Amxaarada oo u diyaariyay doonyaha dagaalka markaa Amxaaradu ay qabsadeen Yaman markii labaad sanadka 525 ayadoo uu hogaaminayo Aryaad kadibna waxaa gaadmo ku dilay Abraha oo la wareegay hogaankii Amxaarada Yaman waana ninkii intuu dhisay kaniisad wayn isku dayay inuu Kacbada dumiyo dadkana uu ku khasbo inay kaniisadiisa usoo xajiyaan sida inoo imaan doonta -Insha Allah- kadibna yamaniyiintu waxay kaalmo ka raadsadeen dawladda Furus (Persia) ilaa ay Amxaarada ka saareen dhulkooda sanadkii 575-tii laakiin waxay durba noqdeen mustacmarad hoostimaada Furus oo Kisraa(3) uu u soo diro hadba nin xukuma oo reer Furus ah sidaasayna ahaayeen ilaa Islaamku galay Yaman oo maamulihii ugu dambeeyay oo la oran jiray Baadaan uu islaamay sanadkii 638-dii. 

Xiira (iraq)

Waxaa xukumi jiray ceraaq dawladda Furus lagasoo bilaabo markii uu dawladda ka dhigay reer Furus ninka loo yaqaan Qayruushka wayn waqtigaas oo ku aaddan sanadka 557 kahor dhalashada Ciise, mana jirin cid awooda inay la dagaalanto Furus ilaa uu kusoo duulay ninka loo yaqaan Al-iskandar Al-maqduuni oo markaa burburiyay Furus ayna u qaybsameen boqorro xunxuna waqtigaas ayaa qabiilooyin carbeed dageen ceraaq iyo jaziiradda furaat wayna sii joogeen ilaa markale reer Furus awoodoodii soo laabatay oo yimid Kisraa Ardashiir oo uu asaasay dawladda loo yaqaan Dawlatu-Saasaaniyah.

Markaas ayay ka dhisteen Ceraaq boqortooyo yar oo carbeed oo ayaga hoos timaada oo carabta reer miyiga ah u edbisa owood kalana aan lahayn sidoo kale inuu ka urursado ciidan uu kahorgeeyo Roomaaniyiinta oo loollan wayni ka dhexeeyay waligood.

Mararka qaarkoodna Kisraa ayaa Ceraaq usoo diri jiray nin reer Furus ah oo u maamula markii carabka uu fahmi waayo, sidaas ayay Ceraaq ku jirtay ilaa uu Islaamku qabsaday oo reer Furus uu ka saaray ciidan uu hogaaminayo khaalid Ibn waliid. 

Shaam

Shaam waa dhulka ay ku yaallaan wadamada maanta loo yaqaan suuriya, lubnaan, urdun iyo falastiin, hadaba waqtigii Carabtu ay Yaman ka qaxday daadkii kadib sidaan soo sheegnay ayaa dhulkaan waxaa soo galay qabiilooyin carbeed oo ka tirsan qabiilada Qudaaca isla-markaana ay dageen dhulkaan shaam kadibna Roomaaniyiinta ayaa isku duway oo waxay u dhiseen boqortooyo ay ku xukumaan carabta reer miyiga ah sidoo kale ay ka horgeeyaan dawlada reer Furus markay ciidan u baahdaan.

Waxaa hadaba dhulkaan Romanka u xukumi jiray qoys carbeed oo loo yaqaan Dajaacimah ilaa ay ka yimaadeen niman loo yaqaan Aala-qassaan oo ay dumiyeen boqortooyadii Dajaacimada waqtigoodana waxaa lagu qiyaasay bilowgii qarniga labaad ee ciise dabadi ilaa dhamaadkiisii kadibna Qaasaasinada ayaa xukumayay ilaa Islaamku ka galay dhulkaan oo muslimiintu dumiyeen dawladaan boqorradooda kii ugu dambeeyana uu Islaamka u hogaansamey khilaafadii Cumar. 

Maamulka Xijaaz

Sidaan soo sheegnay makko waxaa xukumayay Ismaaciil iyo wiilashiisa ilaa ay kala wareegeen qabiilka Jurham oo ay Makko xukumayeen muddo dhan 21-qarni kadibna ay kala wareegeen qabiilka kale ee Khuzaaca ayaguna ay xukumayeen sadex qarni ilaa uu soo baxay ninka loo yaqaan Qusayi Ibn Kilaab oo ah awowga shanaad ee Nabiga (csw) markaa uu ku qabsaday Khuzaaca xukumka Makko ilaa uu ka qabsaday kadib markuu Khuzaaca dagaal la galay.

Hadaba markuu Qussayi la wareegay hogaanka Makko oo ahayd sanadkii 440-kii Ciise dabadi ayuu maamulka Makko si buuxda u galay gacanta Quraysh gaar ahaana Qussayi, markuu qabsaday wuxuu Quraysh u qaybiyay maamulka qabiil walba qaybtiisa wuuna badalay dhamaan wixii hore loo yaqaanay waxaan ka ahayn wixii uu diin u arko aan la badali karin kadibna wuxuu dhisay guriga loo yaqaan Daaru-nnadwa oo ka dhigan sida baarlamaan oo kale talada arrimaha waawayn lagu gooyo . 

Qussayi wuxuu hogaamin jiray Daaru-nnadwa sidii madaxwayne sidoo kale wuxuu xiri jiray calanka dagaalka oo calan lama taagi jirin la’aantiis sidoo kale waxaa gaar u ahaa furaha Kacbada oo uusan albaabkeeda furi karin nin aan isaga ahayn isaga ayaana ka shaqayn jiray Kacbada iyo arrimaha Sanabada sidoo kale waxaa gaar u ahaa waraabinta xujayda oo ah in dadka xujayda ah loo dhigi jiray qabaallo waawayn oo biyo zamzam lagu qasay timir iyo zabiib looga buuxin jiray arintaan oo ay u arkeen sharaf wayn waxaa iska lahaa Qussayi sidoo kale waxaa gaar u ahaa marti galinta xujayda oo ayaduna sharaf wayn ka dhigan.

Waxaa soo dhan Qussayi ayaa gacanta ku hayay taladiisa iyo xeerarka uu dajiyayna intuu noolaa iyo markuu dhintayba waxaa loo ilaalin jiray sidii diin oo kale.

Hadaba Makko iyo qabiilka Qureysheed inkastoo aysan ahayn dawlad wayn ama ciidan iyo dhaqaale wayn leh, hadana waxay ahayd saldhig diineed oo carabtoo dhan ay ku fiiriyaan il ka haybaysanaysa,waxkasta oo Makko lagu soo gooyo carabtu waxay u arkeen wax aan la khilaafi karin sidoo kale Makko waxay ahayd meesha carabtu ay xajka u yimaadaan sidaan soo marnay, sidaa darteed waxay noqotay magaalo ganacsi oo macna wayn ugu fadhida carabta inteeda kale waxay kala xukumi jireen khilaafaadka carabta dhex yimaada arrimahaas oo Makko u muujinaya sidii maamul dawladeed oo kale mana jirin shisheeye kor ka maamula sida maamulada carabta kale taasoo reer Makko ka dhigtay dad xor oo madaxbannaan oo qadarin wayn ku leh carabta dhexdeeda, sidaas ayaana Qureyshtu gacanta ugu hayeen ilaa Nabiga (csw) laga soo diray sida inoo imaan doonta –insha Allah-. 

Maamulka Carab Inteeda Kale

Carabta inteeda kale oo ah dad xoolo dhaqato iyo beeraleey isugu jira wixii u dhaw maamulada aan soo sheegnay waxay raacsanaayeen maamulka u dhaw inkastoo ay ahayd raacsanaan iska magac kalliya ah wixii aan aan u dhawayna waxay ahaayeen dad xor ah oo madax bannaan hadaba waxaa jiray madax ay qabiiladu magacaabato oo kaabba-qabiilla ah qabiiladuna waxay ka dhignayd sidii dawlad yar ah oo ay hogaaminayso isu hiillinta ku dhisan ilma adeernimada iyo tolnimada sidoo kale nafaca laga helo wixii hanti ah oo cid kale laga furto.

Kaabba-qabiilku wuxuu qabiilkiisa ku dhex lahaa dhamaan wixii awooda oo uu leeyahay boqorka taajka leh qabiiladuna waxay ahayd mid raacsan talada odageeda col iyo nabad iyo dhib iyo dheef intaba aanna sina uga bixi karin talada odayga waxayna ahayeen kalligii taliyaal xadka dhaafay ilaa qaarkood marka uu xanaaqo kumannaan seefood la xanaaqayaan oo aan waydiinayn muxuu odaygu la carooday hasa-ahaatee raadinta sharafta iyo magaca iyo tartarnka ka dhexeeya isaga iyo ilma adeeradii ayaa waxay ku kallifaysay inuu waxyaalo wanaag ah sameeyo sida deekhsi-nimada dulqaadka geesinimada ixsaan falka iyo waxyaalo lamida ilaa ay kasbadaan magac wayni gaar ahaan ay helaan amaanta gabyaaga oo ahaa raadyaha qabiilada.

Waxaa kale oo kaabba-qabiilku lahaa xuquuq kale oo u gaara waxaana kamid ahaa in markii dagaal la qaado haddii xoolo la furto lasiin jiray afarmeelood oo meel sidoo kale wixii dhexda inta lasii socdo lahelo oo hanti ah sidoo kale wixii uu gaar u tilmaanto sida shay qaali ah oo uu helo sidoo kale wixii qaybsami kari waaya isaga ayaa gaar u lahaa sidaas ayuuna gabyaagu ka yiri.

  • Xukunkaagu inuu nagu fulaa xiiso wayn mudane(4)
  • Mudanoow waxaan maal dhacnoo meesinka u jiidno
  • Afarmeel markii loo dhigo lagugu maamuus dheh
  • Waxaad maagto oo kula qurxoon waa mid kuu qoran dheh
  • Wixii marinka lagasii helana maalik adigaaw ah
  • Waxaan madax-katiris qaybsamayn waa mid kugu gaara ah.

Xaaladda Siyaasadeed

Haddaan soo sheegnay maamullada carbeed waxaa inoo haray inaan sheegno xaaladooda siyaasadeed sida ay ahayd.

Waxayna ahayd run ahaantii mid aad u liidata gobollada xiga dawladaha Furus iyo Rom waxay ahayd xaaladooda siyaasadeed mid aad u liidata oo gacanta ugu jirta gumayste ka xoog badan waxaa dhici jirtay markii shisheeyuhu boqordhan u caroodo in loo soo diro laba nin oo soo hogaamiya hadduusan soo hogaansaminna ummaddaas oo dhan inta lagu soo duulo la rogo dadku dulligaas ayey ku jireen aan wax kusoo kordhayaa jirin, waxaa dusha kaga dhacayay noocyo xaqdarro, dil, cadaadin iyo bahdilid ah ayagoo aamusan waxna aana samayn karin xukunku waa kaligii talis xuquuqduna waa midaan laguu qirsanayn cid loo dacwoodo iyo meel loo cararana ma jirin. 

Xaalada Diineed.

Markii hore carabta badan keedu waxay rumeeyeen dacwadii Nabiga Alle ee Ismaaciil markuu ugu yeeray diintii Nabi Ibraahim (cs) waxayna haysteen tawxiidkii Nabi Ibraahiim la yimid sidaa darteed waxay caabudi jireen Alle oo kaliya oo ay diintiisa aaminsanaayeen ilaa quruumuhu dheeraadeen oo wixii la illaaway oo ay diintii kasoo hartay rumaysnaanta Alle iyo xoogaa muuqaaladii diinta ah.

Markaa ayaa waxaa yimid nin magaciisu la dhaho Camar Ibn luxayi oo ahaa kaabba-qabiilka Khuzaaca markii horana ahaa nin lagu bartay wanaag iyo deekhsinimo iyo cibaado ilaa dadku jeclaadeen hadalkiisa la dhagaystay ayagoo moodaya culumada aqoota leh, marka ninkaasi wuxuu safar ku tagay dhulka falastiin halkaas oo uu ku soo arkay reer shaam oo sanabo caabudaya arrintaas ayaa la qurux badnaatay wuxuuna mooday wax xaq ah sababtoo ah shaam waa dhulkii nabiyadu imaan jireen markaa wuxuu la yimid sanabka Hubal oo dhigay Kacbada gudaheeda uguna yeeray reer Makko shirkiga iyo Alle inay cibaadada cid kale la wadaajiyaan taas oo ay ka yeeleen kadibna wax yar lagama joogin in carabtii kale reer Makko ku raaceen illayn waa dadkii xaramka oo diinta yaqaanaye.

Sanabada mar hore lasameeyayna waxaa kamid ahaa Manaat oo yaallay xeebta badda kadibna waxaa la sameeyay Al-laat oo la dhigay daa’if kadibna Cuzaa oo la dhigay toga Nakhla, sadexdaan sanab ayaa ugu waawaynaa sanabadooda kadibna shirkigii waa faafay ilaa uu gaaray guri walba iyo tuulo walba ilaa qabiilo walba ay samaysteen sanab u gaara, waxaa kaloo la sheegay Camar Ibn luxay inuu lahaa shaydaan wax u sheegsheega markaa uu tusiyay meesha ay ku aasan yihiin samabadii qoomkii nabi Nuux (cs) markaa uu soo faagtay oo keenay Waddan, Suwaacan, Yaghuus, Yacuuq iyo Nasran markii xajka lagaaray ayuu qabiilo walba mid u dhiibay ilaa meelkasta laga buuxiyey sanabo la caabudayo, markii Nabigu (Scw) Makko furtay wuxuu Kacbada gudaheeda ka nadiifiyay 360 sanab oo la galiyay.

Sidaas ayaana shirkiga iyo cibaadada sanabadu waxay ku noqotay muuqaalka ugu wayn ee noloshooda ka muuqda waxayna lahaayeen caadaad iyo qaabab loo caabudo sanabka oo intooda badan uu dajiyay Camar Ibn Luxayyi waxayna markii hore u arkayeen waxa Camar Ibn Luxayi uu keenay bidco wanaagsan oo aan baddalayn diintii nabi Ibraahiim.

 Waxaana kamid ahaa inay sanabada hareerohooda ganoodsandaan iyo inay magan-galaan oo baryaan oo u qayshadaan waqtiyada dhibku qabsado oo ku dul dawaafaan ayagoo aaminsan inay u shafeeco qaadayso Alle agtiisa oo wax ka tarayso waxa ay doonayaan.

Inay ugu dhawaadaan gawrac iyo xoolo magacooda lagu gawracayo sidoo kale in sanabka lagu khaas yeelo wax kamida cunadooda cabbitaankooda beerahooda xoolahooda nool hadba sidii ay ula muuqato waxayna lahaayeen sababo badan oo waxyaalahaan qiil looga dhigto marka samaynayo.

Inay nidarka ka galaan oo magacooda ku dhaartaan oo magacooda wax ku qaybsadaan iyo inay sanabka isu duleeyaan kana cabsadaan ayagoo aaminsan inuu leeyahay awood ilaah oo ayaga ka adag.

Sidoo kale waxay rumaysan jireen xidiga-sheegyada iyo curaafiinta iyo faalalowyada iyo kaahinada, kaahinkuna waa nin sheeganaya inuu qaybka qarsoon ogyahay iyo waxa imaandoona curaafkuna waa nin sheeganaya inuu ogyahay siraha sida waxa dhuma meesha ay yaallaan faalalowguna waa nin dhulka xarxariiqa xidiga sheeguna waa nin sheeganaya marka roobku da’ayo iyo waxyaala lamida.

 Kaahinada qaarkood waxay sheegan jireen inay leeyihiin Jinni lashaqeeya oo akhbaarta u keena,sidoo kale waxay baasaysan jireen maalmaha qaarkood xawaayaanada qaarkood cudurada guryaha qaarkood dumarka qaarkood oo ay leeyihiin waa wax saancaddo ku jirto markay safar aadayaan ama dan leeyihiina waxay duulinayaan shimbirka ama ugaarta ayay didinayaan hadday dhinaca bidix aaddo waxay oranayaan waa shar oo dantii waa ka laabanayaan.

Sidoo kale waxaa jiray waxyaalo ka haray diintii Nabi Ibraahiim kulligeedna kama aysan tagin sida gudashada xajka iyo ilaalinta bilaha xurmada leh oo runtii ahaa raxmad ay ku kala nastaan dagaallada dhacana la joojiyo.

Diintaani hadaba waa diinta shirkiga ee jaahiliga waxaa kaloo jira diimaha ahlu-kitaabka qaarkood oo carabta soo galay waxaana kamida. 

Diinta Yuhuudda.

Markii Roomaanku qabsaday Falastiin qaar kamida yuhuudii dhulkaa ku noolaa ayaa usoo qaxay dhulalka carabta ilaa ay soo dageen madiino iyo khaybar waxaana kamid ahaa lafaha Qurayda bani nadiir banuu qaynuqaac iyo kuwa kale ayadoo dad carabta ladagaan ahi ay diintooda qaateen.

Sidoo kale waxay gashay Yaman ayadoo duu-nawaas oo Yaman ka talinayay uu khaybar yimid uuna ka kaxaystay labo xaakhaam oo Yuhuuda oo geeyay Yaman wiilkiisuna uu isku dayay inuu dadka ku khasbo Yuhuudnimada sidaan soo marnay.

Hasa-ahaatee diintaani waxay ahayd diin baddalantay oo khuraafaad kalliyihi kasoo haray oo markaa xaakhaamadu sheegtaan inay awliyo yihiin iyo inay dadka qalbigiisa iyo waxaan bishimihiisa soo marin sheegtaan inay ogyihiin khuraafo iyo sixir.

Diinta Nasaarada

Waxay dhulalka carbeed kusoo gashay qabsashadii Amxaarada iyo Roomaanku qabsadeen Yaman sidoo kale qabiilooyinka carbeed ee la dariska ah dhulalka Roomaanku dagaan ayadoo dadka faafiya kiristaanka ay jaziiradoo dhan dhex mareen waqtigaan waqti ku dhawna waxaa kasoo baxay najraan nin karaamaad badan laga arkay oo la oran jiray Faymiyuun oo markaa reer najraan ay diintiisa nasaarada qaateen.

Hasa-ahaatee carabta diintaan haystaa waxay ka ahayd sheegasho ee maysan u haysan si wanaagsan.

Sidoo kale waxaa jiray diimo kale sida: mujuusiyada iyo saabi’iyada laakiinse carabta waa ku yaraayeen. 

Xaalada Diineed.

Diinahaan aan soo sheegnay waa kuwii carabtu haysatay markii Islaamku yimid hasayeeshee ma jirin cid ku dhaqanta diimahaan sidaa darteed macaasida iyo dhaqan xumadu waxay ahayd wax meel walba ku faafsan.

Dadka loo yaqaan culumada diinta ee Yuhuudu waxay isu badaleen saaxiro iyo kuwa sheeganaya inay qaybka ogyihiin iyo xoolo raadin xattaa hadday diintu dhunto.

Nasaaraduna waxay noqotay diin wathani ah oo aan la fahmiba karin waxay keeneen isku khaldid Alle iyo khalqigiisa ka dhaxaysa oo aan la fahmi karin mana lahayn dareen dhaba oo ay ku lahayd carabta diintaan sheegata.

 

Faahaafhin

(1) fiiri (Maadaa khasira caalamu bi inxidaadil muslimiin Abuu Ac-laa Al-mowduudi) safxada 47

(2) Imbiraadooriyad waa dawlad wayn (empire) oo gumaysata shucuub aad u badan.

(3) Kisraa waa ninkastoo madaxwayne ka noqda Furus (Persia)

(4) Tixdan gaaban waxaa turjumay Abdirizak Musanaf (qoraha taariikhdan. 

Akhri Qaybta 3aad....

Silsiladda Taariikhda Islaamka

Qaybta 3aad

Arrimaha Bulshada Ee Carabta Nabiga (scw) Kahor.

Waxaan kasoo hadallay muuqaallo ku saabsan siyaasadda iyo xukunka jaziiradda carbeed ka jiray Nabiga (scw) kahor iyo diimaheeda, waxaa hadana inoo haray inaan isha marino si kooban arrimaha bulshada, dhaqaalaha, iyo akhlaaqdu sida ay ahayd,. Hadaba waraaqaha soo socda waxaan dulmaraynaa arrimaahaan.

Dhismaha Qoyska.

Bulshada carabtu waxay ahayd dabaqado iyo heerar kala noocnooc ah kalana sareeya oo xaalada hooda gaarka ahina kala duwan yihiin, marka la fiiriyo dabaqada dadka sharafta leh sida qoysaska magaca dheer, kaabba-qabiilada, mas’uuliyiinta sarsare xariirka u dhexeeya ninka iyo xaaskiisu wuxuu ahaa mid aad u sareeya oo runtii kaa yaabinaya, waxay haweenaydu lahayd xorriyad buuxda xagga meel marinta ujeedadeeda, fullinta codkeeda iyo cadkeeda inay goosato, waxay ahayd marwo xurmo wayn leh oo la ilaaliyo oo darteed seefaha la isugu qaato dhiigana la isaga daadiyo. Inta badan markuu gabyaagu doonayo inuu ka hadlo wax laqadariyo oo kamida waxyaalaha carabtu waynayn jireen sida geesinimada iyo deekhsi-nimada waa inuu hadalkiisa ku bilaabaa amaanta gabdhaha iyo ka sheekaynta quruxdooda haddii kale hadalkiisu soojiidasha iyo macaan yeelan mayo, waxaa dhici karay in haweenaydu hadday doonto qabiilooyinka dab colaadeed ka dhexhuriso amase gole nabadeed isugu keento, laakiinse waxaasoo dhan oo jira ninka ayaa ahaa hogaanka reerka muran la’aan. Markii nin marwo loo guurinayana waxaa talada iska lahaa gabadha qaraabadeeda ayaduna wax xaq ah uma lahayn inay diiddo guurka waligeedu la doonay.

Tani waa xeerka u yaalla dadka dabaqada sare, waxaase jiray heerar kale oo bulshada ah oo isku xirka ninka iyo haweenaydu intiisa badan uu aad u foolxumaa gaar siisnaana xad aynu ku tilmaami karo un-ceeb iyo foolxumo sharaf la’aan iyo faaxisho, waxaana kamid ahaa guurarkaas kuwaan.

  1. Guurka dadka ee aan maanta naqaan, kaasoo ninku uu gabadha waligeeda ka doono (waydiisto) kadibna la siiyo kadibna meher loo magacaabo markaasna sidaas uu ku guursado, iyo guurkale.
  2. In ninku gabadha uu doonayo inuu guursado uu ku yiraahdo markay ka mayrato dhiigga (caadada) u tag ninkaas hebal ah oo isu-dhiib isaguna waa ka fogaanayaa oo reeraysan mayo korkeedana taaban mayo ilaa ay caddaato inay ninkii ay isu-dhiibtay u uur-qaaday, markaas ayuu dhisanayaa oo la dagayaa gabadha, waxayna ku magacaabi jireen guurkaan (istibdaac isu-dhiib) waxayna sidaas u samaynayaan jeclaysi inay ilmo qayma leh oo ninkaas magaca dheeri dhalay uu helaan.
  3. In koox rag ah oo toban ka yar ay haweenayda isku mar u galaan oo wada reeraystaan, hadaba markay uur-qaado oo umusho oo dhawr habayn laga joogo umusheedii ayay u cid diraysaa kulligood ninkoodna ma diidi karo wayna wada imaanayaan, markaas ayay leedahay rag-yohow waad ogtihiin arrintiinu siday ahayd ilmo ayaanna dhalay waana ilmahaagii hebaloow, waxayna ku magacaabaysaa kay la jeclaato ninkaasaana loogu magacdarayaa.
  4. In haweenaydu tahay dumarka jirkooda ka ganacsada, marka rag aad u badan ayaa usoo galaya mana diidayso cid usoo gasha guryohooda korkoodana calamo ayaa u suran lagusoo raaco marka hadday uur-qaado markay umusho dadkii u galmooday oo dhan ayaa lasoo ururinayaa waxaana loo yeerayaa sinji-sooce markaas ayuu ilmaha midkood raacsiinayaa ninka la raacsiiyaana ma diidi karo.
  5. Markii rasuulka (csw) lasoo diray waxaan oo dhan waa dumiyay.(1) 

Sidoo kale waxaa jiray xariiro guur oo ku dhisan waranka caaradiisa iyo qoriga afkiisa sababtoo ah dagaallada u dhexeeya qabiilooyinka kala duwan ma kala joogsan jirin qolada dagaalka laga guulaystana dumarkooda oo dhan waa la bannaysan jiray, waxaase la yaableh caruurta ay ku dhalaan arrintaan waligood waa lagu caynayaa.

Waxaa kaloo guurka la xariira in ummadda casrigaan jaahiliga noolayd aysan lahayn xad tirada xaasaska lagu joojiyo, sidaa darteed ninku wuxuu guursanayaa hadduu rabo toban dumar ah, wuxuu wada guursanayaa labo gabdhood oo walaala ah wuxuu guursanayaa haweenayda aabihii furay ama ka dhintay, sidoo kale ma jirin xad furitaanku ku istaago sidaa darteed intuu boqol jeer furo ayuu haddana ceshanayaa.

Foolxumada zinadu waxay ahayd mid ku faaftay dhammaan heerarka bulshada oo dhan, hasayeeshee waxaa jiray dad yar oo rag-yo dumarba leh oo naftoodu qadariya oo iskala sharaf wayn inuu ceebtaan zinada ku dhoco, dumarka xorta ahina waa dhaameen kuwa adoomaha loo yaqaan. Bulshada jaahiliguna wax ceeba uma arag inuu ninku sheegto ilmaha uu zinada ku dhalay. (2) 

Xariirka u dhexeeya ninka, caruurtiisa iyo qaraabadiisa.

Calaaqada u dhaxaysa ninka iyo ilmihiisa carabtu waa ku kala duwanayd, qaarkood aad ayay u jeclaayeen ilmahooda wuxuuna gabyaagoodu yiri.

  • Dhexdayada ilmuhu udgoon ubaxa geedahaye.
  • Waa beerkayagi oo arlada aga-maraayaaye. (3)

Qaarkalana gabdhaha ayay xabaal-nololoodin jireen (nolosha ku aasi jireen) cabsi ay ka qabaan ceeb gabadhu usoo jiido iyo waxla’aan, wiilashana waa dili jireen cabsi ay ka qabaan faqri iyo goojo, hasayeeshee dhaqankaan kuma tirin karro caadooyinka faafay sababtoo ah baahi wayn ayay wiilasha u qabeen inay cadowga ka horgeeyaan darteed, fiiri qur’aanka suurat ancaam A-151, suurat naxli A-85-89, suurat Israa A-31, suurat kuwirat A-8, aayadahaan oo kulligood Allaha wayni ku xaarintinimeeyay kuna joojiyay caadadaan foosha-xun ee nolol ku dilka caruurta taasoo ah dhaqan kasoo horjeeda diinta, insaan-nimada iyo damiirka oo Islaamku joojiyay.

Marka la fiiriyo xariirka u dhexeeya walaalaha, ilma-adeerta iyo tolka wuxuu ahaa xariir aad u xooggan, waxay u noolaayeen tolka dartiis una dhiman jireen isku duubnida iyo midnimadu waxay ahayd mid ka muuqata halka qabiilada dhexdiisa toosoo ay xoojinayso hiilka iyo isxigsigu, waxayna ku socon jireen halku-dhigga caanbaxay ee oranaya “u hiilli walaalkaa hadduu gardaran yahay iyo haddii laga gardaran yahay-ba” macnihiisa runta ah ayadoo aan loo leexin sida Islaamku u saxay oo ah in u hiillinta daalimku tahay in gacanta la qabto oo laga joojiyo dulmiga.

Hasayeeshee ku tartamidda magacraadinta iyo madaxtinima doonka ayaa marar badan hurin jiray colaado ka dhex aloosma qabiilooyinka hal oday kasoo wada jeeda sida aan ka aragno Ows-yo Khazraj, Cabas-yo Dibyaan iyo kuwo kale oo badan.

Marka la fiiriyo xariirka u dhexeeya qabiilooyinka kala duwan, wuxuu ahaa mid aad u fog oo xubin-xubin u kala googo’an awoodooda oo dhanna waxay ku dhamaan jirtay sabuubo iyo colaado iska shidan, hasayeeshee cabsida laga qabo caadooyinka qaarkood oo la wadaago iyo khuraafaadka diiniga ah ayaa xoogaa fududayn jiray ololka dagaaladaan iyo holacooda, waxaa kaloo jiray isgaashaan-buursiyo iyo israacsanaan qabiilooyinka qaarkood xiranayaan oo kuwa kale ay kaga soo horjeedaan taasoo marmar isu keeni jirtay qabiilooyin kala duwan, sidoo kale bilaha la xurmeeyo waxay u ahaayeen raxmad iyo gargaar dadku ku kala nastaan oo noloshu soo noqoto.

Isku duuduub xaaladda arrimaha bulshadu waxay ahayd mid dhulka taalla liidnimo iyo indha la’aan, jahliga iyo aqoon darridu udbaheeda ayay mudatay, khuraafaadka iyo aaminsanaanta malluugtu cirkay isku shareertay, dadku waxay isaga nool yihiin sida xoolaha, haweenayda suuqaa lagu kala iibsadaa mararka qaarkoodna waxaa loola dhaqmaa sida dhagax aan dareen lahayn, midnimo ma jirto, maamul ku sheegyada meelaha qaarkood ka jiray ujeedadooda ugu wayn waxay ahayd hanti masaakiinta laga xoogay in khasnadaha laga buuxiyo iyo dagaallo loo soo jiido cidda ay is-hayaan oo kaliya.

Arrimaha Dhaqaalaha

Arrinta dhaqaaluhu kama duwanayn arrinta bulshada, waxay taasina inoo caddaan kartaa markaan fiirino dhaqaalahoodu waxa uu ku tiirsanaa, hadaba laf-dhabarta dhaqaalahooda ugu wayn ee ay danahooda ku gaaraan waxay ahayd ganacsiga, wareegtada ganacsiga iyo waxkala badalashaduna ma suuroobi karto ilaa amaanku arlada korkeeda hareeyo kaasoo ahaa mid ka maqan oo laga waayay jaziiradda carbeed dhexdeeda marka laga reebo bilaha la xurmeeyo, bilahaan ayaa muuqaalka ganacsiga la arki jiray oo suuqyada carbeed ee caanbaxay cukaad, majanna, iyo dilmajaaz la fariisan jiray.

Dhinaca sancada iyo wax soo saarka waxay ahaayeen ummadaha kuwa ugaga fog, dhammaan farsamada carabi soo saartana waxa ugu waynaa samaynta dharka (dumidda) iyo soohidda-yo magdinta hargaha waxaana un laga soo saari jiray Yaman iyo Xiira (ceraaq), gudaha jaziiradda way jireen xoogaa beero ah iyo dhaqashada xoolaha nool dumarka carbeedna dhamaantood waxay ku mashquuli jireen tidaca iyo falagta, laakiin waxaanoo dhan waxay ahaayeen wax dagaallada unloo hayo, faqriga, waxla’aanta, gaajada iyo qaawanaantu waxay ahaayeen wax ummadda oo dhan wada saabtay.

Akhlaaqda

Dhinaca akhlaaqda, qofna kama qarsoona in dadkaan casriga jaahiliga nooli ay lahaayeen dhaqamo xun, caadooyin foolxun iyo waxyaalo caqliga fayoobi diidayo oo dareenku ka didayo, laakiinse taasoo jirta akhlaaqda wanaagsanna waxay ka haysteen qayb wayn oo runtii qofkii u fiirsada ku keenaysa yaab, qaadanwaa iyo argagax taasoo ay kaaga muuqanayso inay tahay sababta Alle (sw) dhexdooda uu Nabigiisa sharafta badan uga doortay waxaana ka mida akhlaaqdaan wanaagsan.

I. Deekhsinimada

Wax bixinta carabtu waa ku tartami jireen oo isugu faani jireen gabayadooda inta badan waxay ku dhameeyeen deekhsinimada inuu ku faanayo ama qofkale ku amaanayo, waxaa dhici jirtay in qoysku hanti ka leeyahay hal irmaan oo uu caruurta iyo naftiisaba u maalo markaa martidu ku soo hoyato habaynka bartankiisa xilliga dhaxantu dhacayso markaas deekhsinimadu qalbigiisa gilgisho oo uu inta istaago neefkaas uu hanti ka haysto oo nolosha qoyskiisu gabi ahaan ku tiirsan tahay uu martidiisa u gawroco.

Waxaad kaloo ka garan kartaa, inay ku faani jireen cabitaanka khamrada iyo sarqaamida, ayagoo aan ugu faanayn inay fiican tahay balse inay ku bixiso deekhsinimada iyo waxbixinta saacadaha ay sarqaansan yihiin sida uu yiri Cantra Ibn Shadaad.

Markii aan sarqaamaan hantida saalif bixiyaaye. Sumcaddayna lama dhaawacoo waa mid saamiya e. Saaniga markaan keeno deekhsi saacidaan ahaye. Sinji hore fir igu miilmay iyo farac silloomayna. (3) 

Sidoo kale waxay isku mashquulin jireen qamaarka oo hanti badan la isugu dhigan jiray ayagoo u arka inuu yahay sabab kamida sababa wax lagu bixiyo, wixii hanti ah oo ay ku kala qaadaanna waxay siin jireen masaakiinta, sidaa darteed waxaad arkaysaa qur’aanku inuusan diidin nafac yar inuu ku jiro khamrada iyo qamaarka laakiin dambiga iyo dhibka ku jiraayi ka wayn yahay nafacooda fiiri Al-baqarah A-219.

II. Ballamaha Iyo Axdiyada

Waxaa kaloo akhlaaqdooda wanaagsan ka mid ahaa fulinta ballamaha iyo axdiyada, markay ballan iyo axdi galaan waxay u arki jireen diin lagu dhaganaado waxayna fududaysan jireen ilmahooda oo ladilo ama guryahooda oo dab colaadeed galo fulinta ballanta darteed, waxaadna ka garan kartaa qisadii Haani Ibn mascuud Ashaybaani iyo dagaalkii uu dawlada Furus (Persia) kala horyimid sababtii keentay.

III. Gobanimada iyo dhawridda shakhsiyadda

Waxay ahaayeen kuwa ilaaliya gobanimada oo shakhsi ahaan isla sareeya xorriyad ku nool sidaa darteed maysan aqbali karin liididda, bahdilidda iyo in sumcadooda hoos loo dhigo, tanina waxay keeni jirtay geesinimo xadka dhaaftay iyo ficilada dhakhsaha ah, hadday maqlaan kalimad amase oraah ayka urinayaan bahdilid ama liidid waxay u yaaci jireen seefaha iyo qalabka waxayna hurin jireen colaadaha guyaalooba ayagoo aan u aabayeelayn wixii kasoo gaara.

VI. Ku adkaysiga Go’aamada

Markay go’aan qaataan majirin wax ka leexin kara, waxaana uga dhexmuuqan jiray sharaf, magac wayni iyo wax lagu faano in go’aankaas la fuliyo marar badan waxay khatar galin jireen lafahooda ka salgaaridda go’aanka awgeed,Sidaa darteed hadduu ninku wax ku go’aansado lagama fili karin kanoqosho.

V. Badownimada

Waxay ahaayeen dad iska badow ah oo aan ilbaxnimadu wasakhayn amase ku dhalan doorsoomin oo dabcigoodu iska fudud yahay nadiifna yahay, taasina waxay keentay inaysan aqoon beenta, khayaanada, dabamartaynta iyo isbabadalida wayna ka didi jireen dhaqamadaan.

IV. Dulqaadka.

Dhaqankaan dulqaadka iyo u kaadsiga waxbay ka haysteen wayna isku amaani jireen, hasayeeshee aad ayuu ugu yaraa geesinimada xad-dhaafka ah darteed.

Waxaa inoo muuqata in akhlaaqdaan wanaagsan ay lahaayeen, inkastoo dhaqamadaan qaarkood uu dhib soo jiidi karo hadana laf ahaanteeda waa dhaqamo wanaagsan oo nafac wayn soo jiidaya markii latoosiyo waana tan Islaamku sameeyay, waxaa kaloo muuqata in akhlaaqahaan kuwa ugu waxtar badan uguna nafac rooni ay yihiin fulinta axdiga-yo ballanta, gobanimada iyo dhowrista haybadda nafta iyo ku adkaysiga go’aanka iyo fulintiisa, sababtoo ah ma suuroobi karto in sharka iyo fasaadka la dumiyo ama la unko nadaam caddaalad iyo khayr ku dhisan haddaysan jirin awoodaan lama loodiyaanka ah.

Waxaana laga yaabaa akhlaaqdaan wanaagsan iyo meesha jaziiradda carabtu dunida kaga taal ee istaraatiijiga ahi inay yihiin sababta Alle subxaanah ummaddaan ugu doortay inuu dusha u saaro risaalada Islamka ee wayn, gaarsiinteeda ummadaha iyo badbaadinta aadanaha intiisa kale.

Abtirsiga Nabiga (scw) Iyo Usradiisa.

Abtirsiga Nabiga (scw) waxay taariikh-yahannadu u qaybiyeen sadex qaybood. Qayb dhamaan dadka siirada qoray iyo nasab-yaqaannadu ay isku waafaqsan yihiin inay saxiix tahay wax khalad ahina aysan ku jirin waana ilaa laga gaaro Cadnaan awowga 21-aad ee Nabiga (scw).

Qayb la isku khilaafay saxnaanteeda oo dadka qaarna ka gaabsadeen qaarna mariyeen waana laga bilaabo Cadnaan ilaa laga gaaro Nabi Ibraahim (cs). Iyo qayb aan cidina ka shakisanayn in khalad badan iyo wax aan saxnayni ay ku jiraan waana wixii ka sareeya Ibraahiim (cs) ilaa laga gaaro Nabi Aadam (cs). Sidaa darteed waxaan ka sheegaynaa kaliya qaybta ugu horeysa oo saxnaanteeda uusan wax khilaaf ahi ka jirin mana jirto faa’iido wayn ah oo ku jirta qaybahaan kale marintooda, qaybtii koowaadna waatan.

Muxamad Ibn Cabdillaah Ibn Cabdilmudalib -magaciisa kale shaybah- Ibn Haashim -magaciisa kale Camar- Ibn Cabdimanaaf -magaciisa kale Mughiira- Ibn Qusayi -magaciisa kale Zayd- Ibn Kilaab Ibn Murrah Ibn Kacab Ibn Lu’ayi Ibn Ghaalib Ibn Fihir -magaciisa kale Qureysh isagaana qabiiladu ku magacaaban tahay- Ibn Maalik Ibn Nadar -magaciisa kale qays- Ibn Kinaanah Ibn Khuzaymah Ibn Mudrikah -magaciisa kale Caamir- Ibn Ilyaas Ibn Mudar Ibn Nazaar Ibn Macad Ibn Cadnaan.

Usrada Nabiga (scw)

Usrada Nabigu (scw) ka dhashay waxaa loo yaqaan qoyska Banii-Haashim ayadoo loogu magacdarayo Haashim Ibn Cabdimanaaf awowga labaad ee Nabiga (scw), run ahaantii waxay ahaayeen qoys magac sare iyo haybad wayn leh odayaasha iska daba-kacay waxay ahaayeen odayaal Alle u doortay inuu faracooda ka dhaliyo makhluuqa oo dhan kii ugu khayr badnaa Rasuulkii Alle (scw), dhinac walba oo laga fiiriyo caqliga, deekhsinimada, xilkasnimada iyo sumcadda waxay ahaayeen dad tusaale loo soo qaato. Waxaan hadaba u baahanay inaan dulmaro taariikh-da Haashim iyo odayaasha ka dambeeya intaynaan gaarin dhalashada Nabiga (scw).

-Haashim- wuxuu ahaa Haashim ninka Qureysh wakiilka uga ah waraabinta iyo martigalinta xujayda waxaana xilkaan loo magacaabay markii la xalliyay khilaaf soo kala dhexgalay labada reer ee Banii-Cabdimanaaf iyo Banii-Cabdidaar oo ku saabsanaa sidii loo qaybsan lahaa xilalkii uu hayn jiray aabohood Qusayi Ibn Kilaab oo aan soo marnay inuu yahay ninkii Qureysh mideeyay oo dhisay aqalka Daaru-nadwa kadib markii uu xaramka ka saaray qabiiladii maamuli jirtay ee Khuzaaca.

Haashim wuxuu ahaa nin maalqabeen ah (hanti badan) oo deekhsi ah sidoo kale yeeshay magac wayn iyo sharaf badan waana ninkii ugu horeeyay ee xujayda Makka ku martisoora suqaarka, -hilib jarjaran rooti lagu burburiyay- magaciisa oo markii hore la oran jiray Camar ayaa arrintaan darteed waxaa lagu niinaasay Haashim (burburiye) rootigii uu hilibka dadka ugu jajabin jiray awgeed niinaastaan oo magaciisii ka caanbaxday, sidoo kale waa ninkii ugu horeeyay oo reer Makko u jideeya labada safar ee ganacsi oo midna xagaagii loogu boxo Yaman midna diraacdii loogu boxo Shaam waana halka uu gabyaagu ka yiri.

  • Camar waa halyaygii, Hodan-nimada gaaroo
  • Tolkiisa oo harsha, waadiga (*) halkiisii
  • Abaaruhu ku hiifeen, Caatada ku hugan tahay
  • Hilib rooti lagu jaray, Hagarli’I ku siiyoo Haqab tiray dhibkoodii.
     
  • Waa hoodo Eebee, Sida hawd-ka lagu maro
  • Hanti loo agaasimo, Ayagoon halgaranayn,
  • Hanadkii u kacayoo, Hilin qodaxle mariyoo
  • Safar hawd-ka lagu maro, cadan laga hoyaatimo
  • Midkaloo hanaanloo, Shaam laga hoyaatimo U horseeday weeyaan.(3) 

Arrintaan safarada ee Haashim uu horseeday markii dambe waxay noqotay isha dhaqaalaha ee Qureysh ugu wayn oo sanadkii hanti boqolkun oo diinaar oo dahabi ah kor u dhaaftay ay ku kala badali jireen, waxayna noqotay wareegto ganacsi oo wayn oo dadkoo dhani ku xisaabtamo waana arrinta markii dambe Alle (sw) uu kaga waramay uguna abaalsheegtay Qureysh suuradda Qureysh.

Hadaba bilowgii sanadkii 497-dii ciise dabadii ama sanadkii ka horeeyay dhamaadkiisa ayuu Haashim safarkii ganacsiga ugu baxay Shaam, markuu marayey yathrib (madiina) ayuu kula kulmay gabar la yiraahdo Salma Bint Camar oo u dhalatay lafta Banii-Najaar, ee qabiilka Khazraj, gabadhaas ayuu guursaday habaynno ayuuna Yathrib kula aqalgalay kadibna safarkiisii Shaam ayuu usii gudbay gabadhiina reerkoodii ayay lasii noolayd ayadoo uur-qaadday Cabdilmudalib, markuu marayay magaalada Qaza (ghaza) ee dhulka Falastiin ayuuna ku dhintay.

Dhinaca kale gabadhii isla sanadkii gudihiisa ayey dhashay wiil waxayna ubixisay shayba (cirro) cirro uu madaxa ku lahaa darteed, waxayna ku tarbiyaysay guriga aabaheed ee yathrib, mana jirin cid ehelkiisii reer Makko ah oo wiilkaan ka warhaysay.Haashim wuxuu caruur katagay afar wiil oo kala ah Asad, Sayfi, Nadlah iyo Cabdulmudalib iyo shan gabdhood oo ayana kala ah Shifaa, Khaalida, Daciifa, Ruqiya iyo Janna.

Cabdulmudalib- Waxaan soo marray labada shaqo ee waraabinta xujayda iyo martigalintooda inuu hayey Haashim markuu dhintayna waxaa la wareegay walaalkiis Mudalib Ibn Cabdimanaaf, (wuxuuna ahaa nin sharaf badan oo la maqlo oo amaan Qureysh ku dhex leh waxaana lagu niinaasi jiray fayaad (shube) deekhsinimadiisa darteed), waxaan kaloo soo marray in Haashim wiil shayba (cirro) loo bixiyay ugu dhashay madiino, hadaba markuu wiilkii koray noqday ama waxyar dhaafay waxaa akhbaartiisa maqlay adeerkiis Mudalib markaas ayuu raadiyay oo u sadcaalay xagga madiino markuu arkay ayuu ilmeeyay oo laabta ku qabtay oo faraskiisa ku qaatay, markaas wiilkii yaraa ayaa yiri ku raaci mayo ilaa hooyaday ogalaato, Mudalib markaas ayuu hooyadiis waydiista inay u ogolaato oo ku darto markaas ayey diiday.

Markaas ayuu Mudalib yiri waxaan u kaxaynayaa inuu la wareego mulkiyadii aabihiis iyo xaramkii Alle ee maxaad iigu diidaysaa? Markaas ayay ogolaatay inuu la tago wiiilka, hadaba markuu Makko lasoo galay isagoo ratiga ku sita ayaa dadkii dheheen kani waa adoonkii Mudalib ayagoo moodaya adoon uusoo gatay markaasuu yiri adoon ma ahee waa ilmihii walaalkay Haashim halkaas ayayna wiilkii shayba (cirro) ahaa ka raacday Cabdulmudalib adoonkii Mudalib.

Sidaasuu Cabdulmudalib adeerkiis Mudalib kula noolaa ilaa uu hanaqaaday kadibna adeerkiis Mudalib sadcaal ayuu u baxay markuu marayay tuulo Radmaan oo Yaman ku taal ayuu ku geeriyooday, xilalkii uu hayayna waxaa la wareegay Cabdulmudalib, wuxuuna kasoo baxay kaalintii aabayaashii kasoo bixi jireen waana caanbaxay oo sharaf waynaaday tolkiisoo dhanbaana qadariyey oo jeclaaday wuxuuna gaaray sumcad iyo heer aan aabayaashii midna hore u gaarin ilaa uu ka noqday caaqilka Qureysheed ee aan laga daba hadlin.

Inkastoo uu mudnaan wayn yeeshay, markuu Mudalib dhintay Cabdulmudalib waxaa ku soo booday adeerkiis kale oo la dhoho Nowfal Ibn Cabdimanaf oo ka xoogay xilalkii uu hayay oo ka dhaxlay aabihiis Haashim iyo adeerkiis Mudalib, Cabdulmudalib wuxuu u ergooday odayaal Qureysheed oo ka codsaday inay ka qabtaan gardarrada Nowfal kula kacay markaasay dheheen anagu adigiyo adeerkaa kala dhexgali mayno markuu hiil ka waayey ayuu warqad ay ku qoran yihiin tixo gabay ah u diray reer abtigiis Banii-najaar (reer madiino) oo uu hiil iyo garab ku waydiisanayo, marka waxaa soo dhaqaaqay abtigiis Abu Sacad Ibn Cidiyi oo wata siddeetan nin oo fardoolay ah ilaa uu soo gaaray oo dagay Abdax (tog duleedka Makko ah) waxaa marka ka hortagay Cabdulmudalib oo yiri “Abti soo gudba oo daga” markaas ayuu Abu Sacad yiri “Wallaahay inaanan dagayn ilaa aan Nowfal la kulmo” kadibna waa soo dhaqaaqay ilaa uu soo kor istaagay Nowfal oo kacbada harkeeda odayaal la fadhiya markaas ayuu inta seefta galka kala baxay yiri “Allaha Kacbada leh ayaan ku dhaartaye haddaadan wiilka aan abtiga u ahay u celin xilalkiisa seeftaan inaan ku qabadsiinayaa” markaasuu Nowfal yiri “waa u celiyay” markaasuu Abu Sacad odayaashii ku yiri ka marag ahaada arrintaan.

Markaas ayuu Abu Sacad dagay oo Cabdulmudalib ku dagay sadex cisho kadibna inta cumraystay ayuu Madiino isaga laabtay, arrintaani markay dhacday Nowfal wuxuu isbahaysi la xirtay qabiilka Banii-Cabdishamsi lagaga soo horjeedo qoyska Banii-Haashim, Qabiilka Khuzaaco oo aan soo marray inay xaramka maamuli jireen ayaa markay arkeen hiilka Banii-najaar usoo hiilliyeen Cabdulmudalib ayaguna yiri hiilkiisa anagaa idiinka xaq leh sidaad u dhasheen ayaan anana u dhalay, -taasina waa inay Cabdimanaaf oo awowgiis ah dhaleen- markaasay inta Daaru-nadwa galeen isbahaysi la xirteen Banii-Haashim lagaga soo horjeedo Nowfal iyo Banii-Cabdishami, isbahay sigaanna waa kan sabab u noqon doona dagaalkii Nabigu (scw) Makko ku qabsaday sida inoo imaan doonta.

Intii Cabdulmudalib arrimaha Kacbada gacanta ku hayey dhacdooyinka qabsaday waxaa ugu waynaa labo dhacdo.

Tanhore waxay ahayd, sidaan soo marray markii qabiilka Jurham laga qixiyay Makko oo ay carareen, waxay aaseen ceelkii Zamzamka ayagoo waliba ku aasay hanti muhiim ah oo Kacbadu lahayd oo ah seefo, gaashaamo iyo labo deero oo dahab ka samaysan meeshiina waa qariyeen, hadaba waxaa Cabdulmudalib riyo lagu amray inuu ceelkii zamzamka qodo meeshuu ku yaalla waa loo sifeeyay markaas ayuu qoday oo alaabtii soo saaray oo seefihii Kacbda albaab uga sameeyay deerooyinkiina gudaha u galiyay Zamzamkiina xujayda ka waraabiyay.

Hadaba, markii uu bilaabay qodida oo ceelkii Zamzamku muuqday ayey Qureysh ku qabsatay Cabdulmudalib oo yiraahdeen shaqada qaybtayada nagasii sharafta kaligaa qaadan mayside, Cabdulmudalib-na waa diiday oo yiri arrintaani waa arrin aniga la igu khaas yeelay, marka maysan ka harin khilaafkiina waa kululaaday ilaa ay isula xukun tageen haweenay xidiga sheegad ah oo u dhalatay Banii-sacad oo khaybar fadhida mana aysan soo laaban ilaa wadada Alle ku tusiyey burhaan u caddaysay in hawshaan qodida ceelka Cabdulmudalib lagu khaas yeelay.

Sida uu Ibn Isxaaq sheegay, ergada baxay waxay ahaayeen labo kooxood mid cabdulmudalib la socota iyo mid qureysh kasocota hadaba markay dhexda marayeen ayaa kooxdii cabdulmudalib biyihii ka dhamaadeen markaasay kuwii kalana biyo u diideen marka kooxdii cabdulmudalib haraadkii ayaa kululeeyay ilaa ay isu diyaariyeen dhimasho oon dartiis oo dheheen nin walbow ninkii kaa hordhinta xabaal, marka Cabdulmudalib ayaa ratigiisii istaajiyay, meeshii ratigu fadhiyey ayaa biyo kasoo burqadeen arrintaan ayaa lala yaabay oo lagu ogolaaday in Cabdulmudalib lagu khaas yeelay qodida ceelka zamzamka.

Dhacdadaan ku qabsashada qodida ceelka markay dhacday oo cabdulmudalib kacarooday ayuu nidar ku galay in haddii Alle siiyo toban wiil oo ay hanaqaadaan ilaa ay gaaraan inay difaaci karaan inuu midkood mahadnaq dartiis u gawroco Kacbada agteeda.

Dhacdada labaad waxay ahayd, waxaan soo marray in Xabashidu qabsatay Yaman ayagoo uu doonyaha iyo maraakiibta dagaalka u diyaariyay imbiraadoorka Room (Byzantine Empire) hogaamiyaha mad-habta Orthodex-ka oo xarunteedu tahay kaniisada baaxadda wayn ee Aya sofia ee ku taal qusdandiiniya (Constantine-nople).

imbiraadoorka Room  


Kaniisada Ayasofya

Markay qabsadeena hogaamiyihii ciidanka xabashida watay ku xigeenkiisii Abraha Ibn Sabaax Al-xabashi uu gaadmo ku dilay ciidankiina la wareegay arrintaan oo ka caraysiisay boqorka xabashida ee Najaashi islamarkaana Abraha uu boqorka iska maslaxay, hadaba Abraha markuu dilay taliyihii ciidanka uu boqorkiina iska raalli galiyay wuxuu sidaa ku noqday hogaamiyaha sare ee Yaman ku-simaha uga ah Najaashi.

Markuu kursigaa sare ku fariistay islamarkaana arkay carab oo u xajinaya Kacbada Makko, wuxuu Sanca ka dhisay kaniisad wayn wuxuuna damcay inuu xajka carbeed u leexiyo xageeda, warkaan markii la maqlay waxaa ka carooday nin u dhashay qabiilka Banii-kinaana (qolo kacbada aad u qadariya) marka intuu kaniisadii waqti habayn ah galay ayuu qibladeeda saxaro ku dhamooqay, Abraha markuu arrintaan ogaaday ayuu caro isla-madaxmaray oo go’aansaday inuu Kacbada dumiyo waxaa kaloo la yiri boqorka Najaashi ayaa ku amray Abraha inuu Kacbada dumiyo, labada kay noqotoba wuxuu lasoo dhaqaaqay col ballaaran oo kor u dhaafay lixdan kun oo dagaalyahan si uu kacbada ugu dumiyo.

-colkaan waxaa loo yaqaan taariikhda ciidankii maroodiga- waxaana colku watay maroodiyaal sagaal ah ama sadex iyo toban, Abraha wuxuu naftiisa u doortay maroodi ugu wayn maroodiyaasha in isaga lagu qaado.

Markay carabtu maqleen ujeedada Abraha go’aansaday oo ah inuu Kacbada dumiyo arrintaani waa la waynaatay waxayna isku dayeen inay kahor istaagaan fulinta go’aankaan, kulana dagaalamaan hadduu diido, waxaa marka soo baxay nin kamida madaxda reer Yamaneed iyo waxgaradkooda oo loo yaqaan Du-nafar wuxuuna qabiilkiisa iyo ciddii kale oo ku raacdaba ugu yeeray inay Abraha la dagaalamaan, waana ka yeeleen dagaalkiina waxaa ku gacan sareeyay Abraha waana la jabiyay carabtii hogaamiyihii ciidanka Du-nafar-na waa la qafaashay.

Markuu marayay dagaanka qabiilka Khathcam waxaa jidgooyo ku sameeyay ciidan uu hogaaminayo nin la yiraahdo Nufayl Ibn Xabiib, dagaal kulul markuu dhacay kadibna waa la jabiyay qabiilkii Khathcam hogaamiyihii ciidankana waa la qafaashay mana uusan dilin -inkastoo uu markii hore damcay- ee wuxuu ka dhigtay dhul yaqaan, waxaa muuqata in Abraha la jabin waayay taasoo loo qaatay in Alle uu ka doonayo inuu Kacbada ku muujiyo sharafteeda quwad ka baxsan aadanaha oo Abraha jabisa.


Kacbada

Markuu marayay magaalada Daa’if waxaa soo dhaweeyay dadkii daganaa ee Thaqiif ayagoo iska maslaxay cabsi ay ka qabaan inuu ka dumiyo sanab ay qadariyaan oo layiraahdo Laata, waxayna ku dareen nin dhulyaqaan ah oo loo yaqaan Aba-rughaal.

Colkaani waa sii gurguurtay ilaa uusoo gaaray Maghmas (duleedka Makko) halkaas ayuu dagay wuxuuna diray sahanno iyo colal yaryar oo dagaallo yaryar ku qaaday hareeraha Makko waxayna dheceen xoolihii dhulka ay mareen daaqayay oo dhan, marka waxaa xoolahaan ka mid ahaa geel labo boqol oo halaad ah oo Cabdulmudalib leeyahay. Abraha marka wuxuu diray nin la yiraahdo Xannaadah Al-ximyari oo ergo ah uuna u diray reer Makko, wuxuuna ku amray inuu u keeno ninka reer Makko ugu sharaf iyo magac wayn, iyo inuu u sheego inuusan boqorka Abraha u imaan inuu la diriro haddaysan ayagu ka hor istaagin duminta Kacbada, marka ninkii markuu Makko yimid waxaa la tusiyay Cabdulmudalib Ibn Haashim markaas ayuu fariintii gaarsiiyay.

Cabdulmudalib-na wuxuu yiri la diriri mayno mana awoodno inaan la diriro, laakiinse gurigaan Kacbadu waa beytkii Alle iyo Nabigiisa Ibraahiim, hadduu Alle difaacana waa Kacbadiisii anagase wax awooda uma lihin aan ninkaan kaga hortagno.

Ergaygii markaas ayuu Cabdulmudalib usoo jeediyay inuu raaco, markay usoo galeen Abraha oo uu arkay Cabdulmudalib waa qadariyay oo kursigiisii kasoo dagay oo dhulka la fariistay, Cabdulmudalibna wuxuu ahaa nin muuqaal wayn oo haybad wayni ka muuqato, markaa Abraha wuxuu turjubaankii ku yiri waydii ninkaan maxaad iga doonaysaa oo iigu timid? Cabdulmudalib wuxuu ku jawaabay waxaan boqorka ka doonayaa inuu geelaygii uu iga dhacay ii celiyo, Abraha wuxuu yiri u sheeg markii aan ku arkay waad ila waynaatay oo waan ku qadariyay, markaadse hadashay waad ila qaymo dhacday, ma waxaad igala hadlaysaa labo boqol oo halaad oo aan kaa dhacay oo aadan igala hadlayn guri ah diintaada iyo diintii aabayaashaa, anigoo u imid inaan dumiyo? Cabdulmudalib wuxuu ku jawaabay “anigu geelaan leeyahay Beyt-kuna wuxuu leeyahay Rabbi difaacan doona, Abraha wuxuu yiri marka iga hor istaagi maysid markaasuu yiri adigaa isyaqaan haddaad doonto dumi.

Marka Abraha geelii waa u celiyay Cabdulmudalib, waxaa kaloo lasocday Cabdulmudalib qaar kamida odayaasha Qureysheed marka waxay Abraha usoo bandhigeen inuu xoolohooda kala bar qaato oo uusan dumin Kacbada waana ka diiday. Cabdulmudalib markuu Makko kusoo laabtay ayuu Qureysh amray inay ka baxaan xaramka oo buuraha dhalooda iyo hawdadka ku cararaan si aan colku u baabi’in.(4)

Dhinaca kale Abraha iyo colkii markii waagu u baryay ayuu colku is cabbeeyay oo isu diyaariyay inuu hujuum ballaaran ku qaado xaramka, hadaba markay marayeen waadiga Muxassar oo u dhexeeya Mina iyo Muzdalifa (goobaha xajka lagu guto) ayuu maroodigii waynaa fariistay oo diiday inuu hore ugu dhaqaaqo xagga Kacbada, markay u jeediyaan koonfurta, waqooyiga amase bariga waa boodayaa oo dhaqaaqayaa markayse u jeediyaan xagga Kacbada waa fariisanayaa, goor ay xaaladdaan ku sugan yihiin ayaa Alle usoo diray “korkooda shimbiro raxan raxan ah, oo ku tuuraya (ku rushaynaya) dhagaxyo dhoobo-naareed ah, markaasay ka dhigeen sidii bal la daaqay oo kale, (bal inta la jaray dhulka bilkaxan oo kale)” shimbiruhu waxay u ekaayeen dafooyinka iyo haadda baqalyada shimbir walbana wuxuu sitaa sadex dhagax, hal qowlalka uu ku sito iyo labo uu adimada ku sito oo u eeg iniinaha iltukaha.

Qofkii uu dhagaxaasi ku dhoco wuxuu u googo’ayaa xubin xubin isla markiina waa bakhtinayaa, hasayeeshee dhagaxu kuligood kuma wada dhicin sidaa darteed ciidankii waa yaaceen ayagoo sidii mawjadda badaha isugu tumanaya oo isu jiiraya markaasay gabi kasta ka daateen meelkastoo godanna ku bakhtiyeen, Abraha qof ahaan waxaa Alle usoo diray cudur xun oo xubnihii la daateen oo cadba mar go’ay oogadiina haragu ka diirmay wuxuu Sanca gaaray isagoo oogadoo dhan diiran tahay laabta ayaana dillaacday wadnaha agtiisa waana dhintay islamarkiiba.

Run ahaantii waxay ahayd dhacdo wayn oo ah mucjizo layaab badan oo lagu isticmaalay awood ka baxsan qudrada aadanaha iyo waxa uu garan karo labada.


Suurat Al-Fiil: (Ayadaha 1-5)
1. Ma Ogtahay sida Eebba ku falay asxaabtii maroodiga ´Colkii´. 2. Miyaan Eebbe ka yeelin dhagartoodii wax dhumay. 3. Oosan ku dirin korkooda Shimbiro kooxa ah. 4. Markaas Eebbe ka yeelay Bal la daaqay sidiis.


Dhacdadii ´ciidankii maroodiga´ waxaa lagu qiyaasaa in ay dhacday bishii Muxarram, sida ku xusan Roman Calendar. ISHA: www.islamonline.net


Qureysh dhinacooda markii hore waxay ku firdheen hawdadka iyo duurarka waxayna isku ilaaliyeen buuraha dhaladooda ayagoo ka baqanaya colku inuu cagta mariyo oo tirtiro, markii hadaba colkii ay ku habsadeen baladii ku habsatay ayey guryahooda ku soo laabteen ayagoo nabada qaba, dhacdadaanna waxaa Alle (subxaanah) kaga waramay suurada Al-fiil.

Dhacdadaani waxay ahady bisha muxaram konton maalmood ka hor dhalashada Nabiga (scw) ama shan iyo konton -waana sida taariikh-yahanada intooda badani qabaan- waxayna ku beegan tahay dhamaadka February amase bilowga March sanadka 571-da ciise dabadi, waxayna ahayd hordhacmo Alle horseed uga dhigay Nabiga (scw) iyo Kacbadaba, maxaa yeelay markaan fiirino beytal-maqdas waxaan arkaynaa in qibladaan Alle ku salladay oo gacanta u galiyay mushrikiin sanabo caabud ah ayadoo dadka haystaana ay muslimiin ahaayeen sidii uu sameeyay bukhtanasar hogaamiyihii baabiliyiinta sanadkii 587-dii ciise horti, sidoo kale Roomanka sanadkii 70-kii ciise dabadi, laakiinse Kacbada Nasaaradu ma qabsan ayagoo markaas muslimiinta jira ahaa, ayagoo dadka Kacbada haystaana yihiin mushrikiin Sanabo-caabud ah.

Waxay dhacdadaani kusoo beegantay marxalad hadalhaynteedu gaarayso dunida horumartay ee markaa jirtay inteeda badan, sababtoo ah Xabashidu waxay hoos imaanayeen embiraadooriyada wayn ee Room oo ay Orthodex isla yihiin xariir wayna ka dhexeeyo, Furus-na (Persia) waxay loollan kula jireen Roomaaniyiinta iyo gaashaanbuurtooda oo gaadayeen waxwalba oo ku dhaca sidaa darteed islamarkiiba Yaman ayagaa qabsaday dhacdadaan kadib, labadaan dawladoodna ayagaa matalayay caalamka horumaray markaas.

Dhacdadaani waxay soo jeedisay indhaha caalamkoo dhan oo tusisay burhaanta Kacbadaani leedahay iyo sharafteeda, iyo inuu yahay meel Alle doortay oo barakaysan, waxay tafsiir u ahayd xigmadda qarsoon ee ku jirta in Alle u gargaaray gaalo sanabo caabud ah dadkii iimaanka lahaana la halaagay si waliba ka baxsan caalamka asbaabaha ee la garan karo, sidaa darteed hadduu qof xaramkaan u dhashayi nabinimo sheegto waxay ahayd wax la rumaysan karo dhacdadaan awgeed.

Cabdulmudalib wuxuu dhalay toban wiil oo kala ah Xaarith, Zubayr, Abu-dalib, Cabdulaahi, Xamza, Abu-lahab, Ghiidaaq, Maquum, Safaar iyo Cabaas waxaa kaloo la yiri waxaa kaloo la yiri kow-yo toban ayadoo lagu daray Qutham, waxaa kaloo la yiri sadex-yo toban ayadoo lagu daray cabdilkacba iyo Xajlan, gabdhahana lix kala ah Umulxakam, (baydaa) Barrah, Caatikah, Safiyah, Arwa iyo Umayma.

-Cabdulaahi Aabaha Nabiga (scw)- Cabdulaahi hooyadii waxaa la yiraahdaa faadima Bint Camar Ibn Makhzuum, wuxuuna ahaa wiilasha Cabdulmudalib ninka ugu wanaagsan uguna dhawrsoon uuna ugu jecel yahay, waana ninka la gawracay, taasina waxay ku dhacday markay Cabdulmudalib wiilashiisu toban gaareen, oo uu hubsaday inay difaaci karaan wuxuu u sheegay nidarkii uu hore u galay inuu midkood shugri u gawracayo markaasay ka yeeleen, markaasuu magacooda ku qoray leebka qidaaxa (qoryo wax lagu qaybsado) oo u geeyay uqaybsanaha sanabka Hubal –si uu qoryaha u rido- qoryihii ayuu riday markaasay waxay ku dhacday Cabdulaahi, markaasuu Cabdulmudalib mindi afbadan soo qaatay iyo wiilkiisa Cabdulaahi oo Kacbada xageeda ulasoo dhaqaaqay si uu u gawroco, waxaa ku qabsaday oo u diiday Qureysh gaar ahaan abtiyaashii Banii-makhzuum iyo walaalkiis Abu-dalib oo ay isku hooyo yihiin, markaas ayuu Cabdulmudalib yiri maxaan hadaba nidarkaygii ka sameeyaa?

_________________________________________
1- fiiri xadiith-ka caisha ee uusoo saaray abu-da’ud kituubu nikaax
2- waxaad ka garan kartaa qisada Sacad iyo Cabd Ibn zamca ay isku qabsan jireen wiilka oo nabigu wiilkii firaash raacsiiya sidoo kale ninbaa nabiga ku yiri wiilkaan wiilkaan anaa dhalay hooyadiis ayaan ka zinaystay.
3- Tixaha gabayga waxaa turjumay Abdirizak Musanaf
4- Fiiri tafsiirka Ibn kathiir suurada Al-fiil
(*) Harsha waa buur makko u dhow, waadiga waxaa loo yaqaan Makko.

Daabacaad: SomaliTalk.com | October 3, 2004

Isha Sawirrada: Google search |

QAYBTA 2aad

QAYBTA 4aad 

Silsiladda Taariikhda Islaamka

Dhalashadii Nabiga (scw) iyo Afartan Sano oo Nabinimada kahoreeyay

Waxay inoo maraysay arintii naderka ee Nabiga aabihii, wuxuuna ahaa sidaan.

-Cabdulaahi Aabaha Nabiga (scw)- Cabdulaahi hooyadii waxaa la yiraahdaa faadima Bint Camar Ibn Makhzuum, wuxuuna ahaa wiilasha Cabdulmudalib ninka ugu wanaagsan uguna dhawrsoon uuna ugu jecel yahay, waana ninka la gawracay, taasina waxay ku dhacday markay Cabdulmudalib wiilashiisu toban gaareen, oo uu hubsaday inay difaaci karaan wuxuu u sheegay nidarkii uu hore u galay inuu midkood shugri u gawracayo markaasay ka yeeleen, markaasuu magacooda ku qoray leebka qidaaxa (qoryo wax lagu qaybsado) oo u geeyay uqaybsanaha sanabka Hubal –si uu qoryaha u rido- qoryihii ayuu riday markaasay waxay ku dhacday Cabdulaahi, markaasuu Cabdulmudalib mindi afbadan soo qaatay iyo wiilkiisa Cabdulaahi oo Kacbada xageeda ulasoo dhaqaaqay si uu u gawroco, waxaa ku qabsaday oo u diiday Qureysh gaar ahaan abtiyaashii Banii-makhzuum iyo walaalkiis Abu-dalib oo ay isku hooyo yihiin, markaas ayuu Cabdulmudalib yiri maxaan hadaba nidarkaygii ka sameeyaa?.(hadaba halkaan aan ka anba qaadno qaybteena afraad ee kala qabso):

Qaybta 4aad

Markaas ayey waxay usoo jeediyeen inuu u tago haweenay faalallow ah oo arrintaan uu hordhigo, markaasna wixii ay kula taliso uu sameeyo, Cabdulmudalib taladaan ayuu qaatay sababtoo ah Cabdulaahi wuxuu ahaa wiilka uu ilmihiisa ugu jecel yahay uguna han wayn yahay, marka haweenaydii ayuu u tagay, waxayna usoo jeedisay inuu u qori tuuro wiilka Cabdulaahi ah iyo toban neef oo geela, haddii qorituurku wiilka kusoo baxo geela ayuu toban ku kordhinayaa, markasta oo ay wiilka kusoo baxdana geela ayuu toban ku darayaa ilaa uu rabbigiis raalli noqdo, hadday geela kusoo baxdana waa gawracayaa. 

Cabdulmudalib Makko ayuu kusoo noqday wuxuuna u qorituuray Cabdulaahi iyo toban halaad oo geel ah, markaasay wiilkii ku dhacday, geelii ayuu toban ku daray haddana wiilkii ayay ku dhacday sidaas ayuu geelii u kordhinayay ayna markasta wiilka ugu dhacaysay ilaa geelii gaaray boqol halaad markaas ayay ku dhacday, Cabdulmudalib marka boqol halaad ayuu gawracay, ugana leexday ciddii cunaysa hilibkaas ayadoo aan laga celinayn dad iyo dugaag toona. 

Dhacdadaan waxaa lasheegay inay dhacday shan sano kahor dhalashada Nabiga (scw) waxaana ka ratibmay in magta ragga oo carabta dhexdeeda lagu bixin jiray toban neef oo geela dhacdadaan kadib ay hirgashay boqol halaad in lagu bixiyo arrintaan darteed, Islamkuna uu sidaa ku sugay, sidoo kale waxaa Nabiga (scw) laga wariyay inuu yiri “waxaan ahay labada la gawracay wiilkoodii” isagoo uga jeeda Ismaaciil (cs) iyo aabihiis Cabdulaahi. 

Cabdulaahi markuu labaatanka sare u dhaafay, Cabdulmudalib wuxuu u doortay wiilkiisa gabar maalintaas lagu tiriyo qalanjada Qureysh ugu sidata nasab wanaag qurux iyo qaymi gabdheed intaba, Aamina Bint Wahab Ibn Cabdimanaaf Ibn Zuhra Ibn Kilaab (nabiga hooyadiis), aabaheedna waa kaabbaqabiilka lafta Banii-zuhra oo kamida lafaha Qureysheed sidoo kale caaqilkooda hodanka ah, intaa kaliya ma ahan ee waa gabar uu Cabdulmudalib dunteeda yaqaan inuu eedadeed Haala Bint Uhayb qabay darteed, abtirsigana waxay Nabiga (scw) isugu yimaadaan awowga shanaad. 


Madiinah Al anbawiyah | Sawirka 1907 CE.

Cabdulaahi wuxuu ku dhistay Makka reerkiisa cusub ee lagu hanwayn yahay, markuuse muddo yar la dagganaa ayaa Cabdulmudalib u diray inuu Madiina timir uga soo iibiyo halkaas ayuuna si kado ah ugu geeriyooday, waxaa kaloo la yiri safar ganacsi ayuu Shaam ugu baxay isagoo lasocda ganacsato Qureysheed, markay soo laabteen ayay Madiina soo mareen Cabdulaahi oo xanuunsan halkaas ayuu marka ku dhintay waxaana lagu aasay daar uu leeyahay nin lagu magacaabo Naabigha Al-jacdi. 

Cabdulaahi wuxuu markaas ahaa shan iyo labaatan jir, sida ay taariikhyahannada intooda badani leeyihiin geerida Cabdulaahi waxay ahayd intaan Nabigu (scw) dhalan waana sida saxda ah waana agoonnimada heerkeeda ugu sareeya, waxaase kaloo la yiri waxay ahayd dhalasha Nabiga (scw) labo bilood kadib, markii khabar geeriyaadkiisu soo gaaray Makko, Aamina waxay u tirisay tix baroordiiq ah oo kuwa ugu yaabka badan ah waxayna tiri. 

  • Duniyeey ninkii kugu hanwayn hadimo weeyaane
  • Hog miyaa la dhigay ina haashim haadda laga duugay
  • Hanqar dhacaya hoostiis miyaa iilka lagu haabay
  • Haddii balo u gacan haadisoo malagu hoosaasay
  • Kuma harin haldhaagii naflaha nimaan ku heensaaye 
  • Galabkii garbaha lagu hilay hoobkii lagu qaaday
  • Hareeraha markay wada qabteen la isku haaraamye
  • Geeridu rag waa huran tahoo waa had loo qoraye
  • Isagoon harreed marin haddii mawdku halakeeyey
  • Hor Allaan ka furay inuu lahaa haybsi iyo hooba (1) 

Marka la isku daro hantida uu Cabdulaahi ka tagey oo laga dhaxlay waa, shan tuldood oo geel ah, xayn ari ah iyo gabar yar oo adoon xabashiyada ah oo magaceedu yahay Barkah niinaasteeda (kunyadeeda) Umu Ayman, waana xanaanaysadii Nabiga (scw).   

Dhalashadii iyo Afartan sano oo Nabinnimada ka horeeya. 


Maktabad (Library) laga dhisay gurigii uu ku dhashya Nebi Muxamed (scw)



Khariidada Al-xarameyn Shariif..

Wuxuu ku dhashay Rasuulka Alle (scw), Sayidkii Nabiyada Alle, khalqiga Alle kii ugu khayr badnaa, waadiga (gosha) Banii-Haashim oo Makko ku yaal, subax Isniin ah oo ay sagaal tahay bisha rabiicul awal, sanadkii koowaad ee dhacdadii maroodiga, afartan sano kadib dhismihii dawladda Saasaaniyada ee u dhisay kisraa Aanu sharwan ee reer Furus (persia), waxayna dhalashada Nabigu (scw) ku beegan tahay 20 ama 22/4/571-dii (labaatankii ama labo iyo labaatankii bisha April sanadkii 571-kii) sida uu xaqiijiyay caalimka wayn ee taariikh yahanka ah Muxamed Sulaymaan Almansuurifuuri iyo caalimka wayn ee ku takhasusay meerayaasha Maxmud Pasha(2). 

Qiso saxiix ah oo uu soo saaray Ibn Sacad waxay caddaynaysaa in Nabiga (scw) hooyadii ay tiri “markii aan dhalay waxaan arkay nuur iga soo baxay oo ifiyay daaraha Shaam ku yaal”. 

Sidoo kale waxaa jira sheekooyin badan oo ku wada saabsan dhalashada Nabiga (scw) hasayeeshee aan waxba ka sugnayn waxaana ka mid ah, inay Aamina tiri markaan uurkiisa lahaa waligay maanan arag wax ka fudud ama ka sahlan, inay tiri waxaan xiran jiray kuulo xirziyo la magangalo ah markaasay iga kala go’ayeen, inay riyo ku aragtay ayadoo loogu bishaaraynayo magac waynidiisa, in isla riyada lagu amray inay u bixiso Muxamed, inay aragtay markay indhaha kala qaaday gabayo ku qoran loox dahab ah oo ay ugu ducayso, in markii uu dhashay uu u soo baxay si aan ilmuhu u soo bixin ee uu gacmaha cuskaday uuna samada xaggeeda fiirinayey, inuu dhashay isagoo gudan ama uu jibriil guday. 

Sidoo kale in la maqlay jinniyo haatufkood isugu bishaaraynaya dhalashadiisa, in sanabadii kacbada hareeraheeda yaallay la arkay ayagoo madaxa u foorara, in aqalka looga taliyo Furus ee Iiwanu Kisraa uu gariiray oo golayaashiisa qaarkood burbureen, in raahib yuhuudi ah oo Caysaa la dhoho uu sheegay habaynkii uu dhashay, iyo sheekooyin badan oo kale, laakiinse kulligood waa sheekooyin aan sugnayn oo asal saxiix ah lahayn sidaa darteed aan la xaqiijin karin inay dhaceen iyo inkale.  

Albayhaqi wuxuu sheegay in markii Nabigu (scw) dhashay ay damtay dabkii Majuustu caabudi jreen, sidoo kale inay dumeen kaniisadihii ku yaallay hareeraha badyarta Saawah intay markii hore gurtay, inkastoo uusan qirsanayn Maxamed Al-Ghazaali. 

Markii Aamina ay umushay waxay u cid dirtay awowgiis Cabdulmudalib ayadoo ugu bishaaraynaysa dhalashada wiilka uu awowga u yahay, markaas ayuu isagoo faraxsan soo orday oo qaatay oo kacbada la galay oo Alle baryay oo u mahad naqay oo u bixiyay Muxamed -magacaanina wuxuu ahaa magac aan hore loo aqoon carabta dhexdeeda- markuu todobo maalmood joogayna waa guday sidii carabtu yeeli jireen xilligaas.  

Haweenaydii ugu horeysay oo Nabiga (scw) naas nuujisay hooyadii kadibna waxaa la oran jiray Thuwayba, waxayna ahayd gabar uu xoreeyay Abulahab oo u irmaan wiil ay dhashay oo lagu magacaabo Masruux, sidoo kale waxay Nabiga (scw) kahor naas nuujisay adeerkiis Xamza, kadibna waxay naas nuujisay Abusalama Ibn Cabdilasad Almakhzumi, oo kulligood noqday walaalo xagga naas wada nuugga ah.  

Qabiilada Banii-sacad dhexdeeda

Sida dhaqanka carabtu ahaa waqtigaas, markii dadka magaalooyinka daggan ilmo u dhashaan waxay u diri jireen dumar naas nuujiya dhulalka baadiyaha fog ah si ay caruurtooda uga fogeeyaaan cudurada magaalada, iyo in jirkoodu xoogsado oo seedahoodu adkaadaan iyo inay yaraantooda luqada carabiga si fiican ugu bartaan, sidaa darteed Cabdulmudalib wuxuu Nabiga (scw) u raadiyay haweenay naas nuujisa, wuxuuna u helay haweenay u dhalatay qabiilada Banii-sacad oo lagu magacaabo Xaliima Bint Abii-du’ayb ninkeedana Xaarith Ibn Cabdilcuza niinaastiisana (kunyadiisa) Abikabsha. 

Qoyskaan Nabiga (scw) nuujiyay wuxuu ku yeeshay walaalo cusub oo xagga nuugmada ah waxayna kala ahaayeen Cabdullaahi, Aniisa iyo Shaymaa gabadhaan dambe waxay si gaar ah u xannaanayn jirtay Nabiga (scw) sidoo kale Abusufyaan Ibn Xaarith Ibn Cabdulmudalib oo meesha isna lagu nuujinayay oo ay Nabiga (scw) ilma adeer yihiin.  

Xaliimatu Sacdiya muddadii ay nabiga (scw) oo yar haysay waxaa laga tusay barkhaddiisa iyo barakadiisa wax badan oo ay malaysan wayday layaab awgiis, hadaba bal aan ayada ka dhagaysano qisadaan macaan inay inoo mariso. 

Sida uu Ibn Isxaaq sheegay Xaliimatu Sacdiya waxay ka sheekaysay “inay dhulkoodii kasoo sadcaaleen ayada iyo ninkeeda iyo ilma saqiir naasnuuga ah oo ay dhaleen, ayagoo la socda dumar u dhashay qabiilada Banii-sacad oo aan kulligayo raadinayno caruur aan nuujiyo, waxay tiri, xilligaasina waa sanad abaar ah oo aan mood-yo nool midna noo reebin, waxaa noo rarraa safarka dameer dhadig oo xaycad ah oo aan leennahay, sidoo kale waxaan wadanaa hal duq ah oo irmaan, waxay tiri, Allaha wayn  baan ku dhaartaye inaysan dhibic caano ah dhiiqayn, mana aanaan seexan jirin habaynkii oohinta ilmaha yarka ah ee aan wadano darteed, gaajada iyo rafaadka uu la gam’i la’hayey, naaskayga kama helo caano deeqa, hasha duqda ahina kuma filla, laakiinse waxaan ka rajo qabnay in faraj naloo furo oo aan gargaar xag Alle ka hello, marka dameertii aan kusoo baxnay ayaa noo dhaqaaqi wayday caato iyo tabar darri darteed, ilaa ay socotadii naga reebtay oo ay nagu dhibsadeen ilaa aan ugu dambayntii si dhible Makko kusoo gallay anagoo raadinayna ilma aan nuujino. 

Markaan nimid Makko haweenay kasta oo naga mid ah waxaa loosoo jeediyey inay Rasuulka qaado, markaasay diidaysay markii loo sheego inuu agoon yahay, taasina waxay ku dhacday waxaan samafal ka filanaynay ilmaha aabahood, markaasaan waxaan isku oranaynay: ogoon! Oo maxay hooyadiis noo samayn kartaa!! Sidaa darteed agoonnimada ayaan ku nacaynay. 

Maalmo kadib dumarkii ila socday kulligood waxay heleen ilmo ay qaataan oo naasnuug ah aniga mooyaane, markii aan go’aansannay inaan dhulkayagii ku laabanno ayaan ninkaygii waxaan ku iri, ninyohow wallaahay waan dhibsanayaa inaan haweenkii saaxiibaday ahaa iskala laabto anigoo aan ilma wadan, wallaahay agoonkaas ayaan aadayaa oo iska qaadanayaa, markaasuu yiri wax dhibihi kaama saarna, haddaad rabto qaado waxaa laga yaabaa in Alle barako naga siiyee, waxay tiri marka waan aaday oo soo qaatay, mana qaateen ee waxaan waayey ilmo kale oo aan la noqdo. 

Markii aan soo qaatay oo aan kula soo laabtay meeshii aan dagnay, islamarkiiba markaan dhabtayda saaray naasahaygii ayaa dararay intuu doono oo caano ah ayaa ka godladay ilaa uu ka dhargay, walaalkiis ayaa isna la cabbay ilaa uu isna dhargay oo seexday, mana aannaan seexan jirin markaas kahor ilmaha oohintiisa darteed, ninkaygii ayaa hasha duqda ah xaggeeda aaday mise waaba ayadiiyoo gaaxsan!! (caana kabuuxaan) marka wuxuu kasoo lisay caano aan labadayadiiba cabnay ilaa aan dharag la cabbi waynay oo aan ka istaagnay, marka waxaan hoyannay habayn barakaysan, markaan waa bariisanay ayaa ninkaygu wuxuu igu leeyahay ma ogtahay xaliimooy wallaahay waxaan hellay naf barakaysan, markaasaan waxaan leeyahay wallaahay waan rajaynayaa khayrkaas. 

Waxay tiri, kadibna waan baxnay aniguna waxaan fuulay dameertaydii gaabiska ahayd labadii caruurta ahaana waa ila saaran yihiin, mise waa dameertii oo dheeraynteeda laga yaabay!! wallaahay safar laydii oo dhan waan ka hormaray xawlli iyo socod aysan kulligood awoodin, ilaa gabdhihii ay igu leeyihiin, naahoow Xaaliimooy miyaadan noo turayn!! Miyaysan waxaani dameertaadii ahayn aad markii hore wadatay, markaasaan leeyahay haa wallaahay waa lafteedii, markaasay leeyihiin wallaahay qisadeedu waa mid layaab wayn!!. 

Waxaan gaarnay dhulkayagii deegaanka Banii-sacad mana jirin xilligaas meel dhulka ilaahay ka mid ah oo ka abaar badan oo ka qallalan, markaan tagnay anagoo wiilkii yaraa wadana, arigaygii ayaa iisoo dheelmada maalin walba isagoo jimcoon oo dharagsan oo caano ka buuxa markaasaan maallaa oo caano cabnaa, mana jirin dhulkaas qof Alle abuuray oo dhibic caano ah heli kara!! Xoolaha kale waxaad moodaa inay gureen, dadka meesha dagani waxay ku canaantaan dadka xoolaha u raaca, inkaar qabooyin yohow xoolaha soo daajiya meesha uu soo daaqsiiyo Xaliimo ninka ariga u raaca, markaasaa xoolihii soo dheelmadaan ayagoo aan waxba iska badalin gaajaysan oo guran, aan dhibic caano ahna dhiiqayn, arigayguna wuxuu soo dheelmadaa isagoo dharagsan oo caano ka buuxaan!!! Hadaba waxaan arkaynay khayr, ziyaado iyo barako nagu soo korortay ilaa ay dhamaadeen labadiisii sano ee naasnuugga oo aan naaska ka gooyay, wuxuuna u korayay si ka dheeraysa sida wiilashu u koraan sidaa darteed labadii sano uma dhamaan ilaa uu noqday wiil xooggan!!. 

Waxaan u tagnay hooyadiis anagoo aad uga qalqaalinayna inuu wiilku nalasii noolaado, khayrka aan ka aragnay dartiis, hooyadiis ayaan kala hadlay oo waxaan ku iri, maad ii daysid wiilkayga ha ila joogee ilaa uu ka xoogsado, waxaan uga cabsanayaa cudurrada Makko ina ku dhacaane, marka waxaan qalqaaliyaba way ii ogalaatay oo waan soo ceshaday. 

Marka Nabigu (scw) sidaas ayuu usii dhexjoogay qabiilka Banii-sacad, ilaa uu afar jir noqday ama shan jir waxaa dhacday xilligaas mucjizo kale oo la yaab badan.

Sida uu Imaamu Muslim wariyay Nabiga (scw) asagoo wiilal yaryar la cayaaraya ayaa waxaa u yimid Jibriil (malaku Jibril cs) marka intuu dhinac u lagday oo laabtiisa dooxay oo qalbigiisa lasoo baxay, ayuu cad hilib ah oo yar inta ka gooyay oo tuuray yiri, waa intaas qaybtii (cadkii) shaydaan ku lahaa, kadibna intuu baaf dahab ka samaysan oo biyo zamzam ahi ku jiraan ku dhaqay wadnihii ayuu meeshisii ku celiyay, caruurtiina waa kala carareen oo dhinicii xaafadda iyo Xaliimo u yaaceen ayagoo ku qaylinaya, war Muxamed waa la dilayeey!! Xaafadda dadkii joogay ayaa soo yaacay oo caruurtii ka hor tagay Mise waxaa ka horyimid Nabiga oo midab badalan oo boorkii saaran yahay!! (3)

Nabiga (scw) oo u wareegay hooyadiis dhabteeda

Hadaba arrintaan mucjisada ahi markay dhacday ayaa Xaliimo cabsatay oo waxay iskula hadashay wiilkaan yar oo amaanada kugu ah armaa asagoo gacantaada ku jira la dilaa,  sidaad ayay marka hooyadiis ugu celisay, hooyadiis ayuuna Nabigu (scw) lasii noolaa ilaa uu gaaray lix sano jir.

 Waxaa Aamina u muuqatay inay gudato waajib ka saaran xusidda booqashada qabriga ninkeedii dhintay oo madiino ku yaal, markaas ayay u safartay xagga madiino ayadoo jaraysa masaafo gaaraysa shan boqol oo kilometer, waxaana la socda wiilkeeda yar ee agoonka ah Muxamed (scw), gabadheeda shaqaalaha ah ee Umu ayman iyo odaga soddoggeeda ee Cabdulmudalib, markay bil joogtay madiino ayay iskasoo laabatay, gooray marka dhexda soo marayso, waa ayadii oo  si lama filaana jirro ugu dhufanayso, oo isla bilowgii waddaba cudurkii kusii xumaaday, markay maraysan Abwaa oo u dhaxaysa Makko iyo Madiino ayayna ku geeriyootay, sidaas ayuu Nabigu (scw) ku noqday agoon iyo rajay labada. 

Nabiga (scw) oo u wareegay awowgiis dugaalkiisa 

Cabdulmudalib Makko ayuu kula soo laabtay wiilka yar ee uu awowga u yahay, isagoo ay qalbigiisa kusii kobcayso dareeen isugu jira jacayl iyo walwal uu ka naxsan yahay wiilkaan yar ee labadiisii waalidba waayay isagoo aan calfan jacaylkii hooyadii iyo raxmadii aabihiis midna, marka niyaddiisa ayaa u dabacday si uusan wiligiis qof ilmihiisa ka mida ugu dabcin una jeclaan, wuxuuna go’aansaday inuusan kaga tagin kallinnimada aqdaartu ku xukuntay, ee waa inuu u huraa wax uusan ilmihiisa kale oo dhan u hurin. 

Sida uu Ibn Hishaam sheegay, waxaa Cabdulmudalib Kacbada harkeeda loo dhigi jiray darin jilicsan, marka wiilashiisu waxay fariisan jireen darinta hareeraheeda ilaa uu odaygu yimaado, qof wiilashaas ka mid ahina kuma dhiirran karin inuu ku fariisto darintaas qadarin ay odaga xushmaynayaan darteed, markaasuu Nabidu (scw) yimaadaa isagoo kuray yar oo xooggan ah markaasuu darintaas ku dul fariistaa, adeeradiis ayaa dib u qabta si uusan darinta u fariisan, markaasuu Cabdulmudalib yiraahdaa markuu arrintaas arko, iidaaya wiilkaa yarka ah, wallee mucjizo laga yaabo ayuu yeelan doonaaye!!. Markaasuu darintiisa isla fariisiyaa oo dhabarka u salaaxaa oo ku farxaa waxyaalaha uu samaynayo. 

Markii Nabiga (scw) cimrigiisu marayey sideed sano, labo bilood iyo toban maalmood, waxaa Makko ku geeriyooday awowgiis Cabdulmudalib, laakiinse intuusan dhiman Cabdulmudalib waxaa u muuqanaysay inuu gacan kalsooni leh ku ogaado korriimada wiilka yar ee uu awowga u yahay, wuxuu marka u yeeray Abu-dalib oo u dardaarmay kafaala qaadka Nabiga (scw), Abu-dalib oo ah adeerkiis ay aabihiis isku hooyo yihiin. 

Nabiga (scw) oo u wareegay korinta Adeerkiiska aabihiis la baha 

Abudalib wuxuu u istaagay gudashada xaqa koriimada wiilka walaalkiis dhalay heerka ugu sareeya iyo hannaanka ugu qurxoon, wuxuuna ku daray caruurtiisa waana ka saramariyey, wuxuu ku gaar yeellay ixtiraam iyo qadarin dhaaftay heer walba, muddo ka badan afartan sano ayuusan ka daalin inuu garabkiisa xoojinayo, cadow iyo nacabba ka celinayo, nin dhow iyo nin dheerba ka difaacayo, shisheeye iyo shardoonba isaga u mari waayeen, u doodayo una diganayo isaga dartiis, waxaana inoogu imaandoona tusaalayaal kala duwan oo arrintaan ku saabsan meelahooda insha allaah. 

Daruuraha Oo Wajigiisa Lagaga Roob Dalbayo 

Sida uu sheegay Al-xaafid Ibn Casaakir, nin la yiraahdo Jalhama Ibn Carfada ayaa wuxuu yiri, waxaan soo galay Makko ayagoo ku jira xilli abaar kulul ah, markaas ayaa Qureysh Abudalib u tageen oo ku dheheen, Abudalibow sidaad aragto, Makko waa abaaraysatay ubadkiina waa baahooday, ee soo bax oo roob doon, Abudalib ayaa soo baxay waxaana la socda wiil yar oo aad mooddo qoraxda oo maalin cadar ah, daruur cokani ka faydantay, (nuurkeeda) waxaa hareerihiisana socda wiilal yar yar, Abudalib ayaa marka gacanta qabtay oo dhabarkiisa Kacbada ku tiiriyay wiilka, fartiisana wiilka xaggiisa u taagay, cirkana caad xataa ma saarayn, daruur yarna laguma arag, marka islamarkiiba daruuro ayaa dhinac walba isaga yimid oo curtay oo da’ay oo unkaday oo hillaacay, waadigiina waa burqaday oo daad baa qaaday, balad iyo baadiyana waa lawada doogsaday, arrintaan ayuu marka Abudalib ku tilmaamay gabaygiisa. 

  • Da’ yaroo cad oo guga dib dhacay roobka lagu doono
  • Daruuraha cirkiyo waxaa aqbala deebta geedahaye
  • Wajigiisa markii loo duweey doogsin curiyaane
  • Agoomaha dugaal buu u yahay deeqda loo dhigaye
  • Dumarka aan la qabin waw makaab dayirta lagu gaaro(1)

Raahibkii Buxayra 

Rasuulku (csw) markuu gaaray labiyo toban sano (12 sano) iyo sida la yiri laba bilood iyo toban cisho, ayaa waxaa la safray adeerkiis Abudalib safar ganacsi oo lagu aaday dhulka Shaam, hadaba markay marayeen magaalada Busraa oo ka tirsan Shaam gaar ahaan xarun u ah dagaanka Xawraan, waqtigaasna lagu xisaabo magaala madaxda dhammaan carabta hoostimaada maamulka Imbiraadooriyada Room, magaaladaas markay marayeen (waxaana ku noolaa nin raahib ah (caalim diimihii hore haysta) oo loo yaqaan Buxayraa magaciisana la yiraahdo Gerjis) oo dageen, raahibkii ayaa usoo dagay oo soo dhaweeyay oo martisoor ku sharfay -markaas kahorna cidna inuu u soo dago laguma aqoon- markaas ayuu Nabiga (scw) ku dul wareegay oo aqoonsaday calaamado iyo astaamo uu ka fiirinayay. 

 Markaas ayuu inta gacanta ku dhagay yiri, “kani waa sayidkii caalamka, kani waa kan Alle soo diri doono isagoo raxmad makhluuqiisa oo dhan u ah” Abudalib oo yaaban ayaa ku yiri, “maxaad ku ogaatay? Markaasuu yiri, lagasoo bilaabo markaad karinta buurtaas fog kasoo dagateen, dhulkaan dhagax iyo geed waxa korkiisa yaallaa dhaamaan waxay ula dheceen sujuud, umana sujuudaan cid aan nabi ahayn, waxaan kaloo ku garanayaa kaatunkii nabinimada oo kaga yaalla carjowda garabka hoosteeda isagoo la moodo xabad tufaax ah, calaamadihiisana kutubtayada ayaan ku haynaa, wuxuu kaloo Abudalib ka codsaday inuu celiyo ninkaan yar oo uusan Shaam la galin, cabsi uu uga qabo Yuhuuddu inay dilaan, markaas ayuu Abudalib ku daray wiilashiisa qaarkood oo ay dib usoo celiyeen Nabiga (scw). 

Dagaalkii Fujaarta 

Markuu Nabigu (scw) shan iyo toban jirsaday, waxaa dhacay dagaal loo yaqaan Dagaalkii Fujaarta oo ka dhexdhacay Qureysh oo ay wehiliyaan dhamaan lafaha Kinaana dhinac iyo qabiilada Qeys Ciilaan dhinaca kale, waxaana Qureysh iyo xulafadeeda oo dhan maalintaas dagaalka hogaaminayay Xarbi Ibn Umaya heerka uu dhexdooda ka joogay sharaf iyo da’ba darteed, hadaba maalinka galinkii hore waxaa gacan sareeyay dagaalka Qeys Ciilaan oo kinaana iyo Qureysh waa la jabiyay, ilaa ay harkii noqotay markaas ayaa kafaddii dagaalku dhinaca kale isu rogtay oo la jabiyay Qeys Ciilaan guushiina ay raacday Qureysh iyo lafaha kinaana.

  Dagaalkaan waxaa loogu magacaabay dagaalkii fujaarta in lagu xad gudbay seeraha xaramka oo aysan bannaanayn in lagu dagaalamo iyo waliba bilaha xurmada leh oo dhexdooda la dagaalamay, hadaba sida la sheegay, dagaalkaan waxaa goobjoog ka ahaa Nabiga (scw) oo leebabka iyo warmaha u diyaarinayay una aruurinayay adeeradiis. 

Heshiiskii Fadalada 

Dagaalkaan mudda yar kadib bisha dulqicda oo bilaha xurmada leh ka mid ah, waxaa Makko lagu saxiixay mucaahado loo yaqaan heshiiskii fadalada, heshiiskaan oo ay isugu yeerteen qaar kamid ah lafaha Qureysheed ee Banu-Haashim, Banu-Mudalib, Asad Ibn Cabdilcuza, Zuhrata Ibn Kilaab iyo Taym Ibn Murra, waxaa lagu qabtay guriga Cabdulaahi Ibn Jadcaan Ataymi (deekhsigii caanka ahaa) da’diisa iyo sharaftiisa darteed, marka waxay isku dhaarsadeen oo isku ballansadeen inay u hiilliyaan oo garab istaagaan qof allaale qofkii lagu dulmiyo Makko iyo hareeraheeda oo reer Makko ah ama ummadaha ilaahay ee kale, sidoo kale inay isku meel ugasoo wada jeestaan qofkii dulmiile ah oo gardaran ilaa ay xoog uga qaadaan dhacii uu gaystay, hadaba heshiiskaan waxaa ka qayb galay Rasuulka Alle (scw) wuxuuna yiri markii Alle nabinnimada ku karaameeyay kadib “ wallee waxaan kaga qayb galay guriga Cabdulaahi Ibn Jadcaan heshiis aanan jeclaan lahayn in la iigu baddalo geela kiisa cascas, haddii Islamnimada dhexdeeda la iigu yeerana (isagoo kale) waan ka qayb gali lahaa

Wuxuu kaloo yiri, “waxaan ka qayb galay isbahaysigii mudayibiinta (kuwa cadarka jabiyay oo isku dhaarsaday) anigoo adeeraday la socda anigoo wiil yar ah” (4) 

Mucaahadadaan fadalada nuxurkeedu wuxuu fogaynayaa jaahiliyadda iyo qabyaaladda ku dhisan hiilka xaq darradda la isugu kaalmeeyo, mushkiladaas oo waqtigaas naafaysay cududdii dadka, galaafatayna quudyo qori wixii gacanta lagu hayay, xilligaas uu Nabigu (scw) heshiiskaan ka qayb qaatay sida uu Ibn Isxaaq sheegay wuxuu Nabigu (scw) jiray labaatan sano, waxaa halkaan inooga muuqata sida uu Nabigu (scw) uga qayb qaatay uguna faraxsanaa dhismaha iyo xoojinta mabda’a caddaalada, intuusan nabiga noqon labaatan sano kahor.  

Markii odayaashaani heshiiskaan u fadhiyeen dhinaca kale ee magaalada waxaa ka socotay arrin la xariirta heshiiskaan mirihiisa, taas oo ahayd in nin zubaydi ah oo reer yamaneed ah uu Makko lasoo galay hanti yar oo uu bocsharo ka doonayey, waxaana ka iibsaday oday reer Mako ah oo lagu magacaabo Caas Ibn waa’il Asahmi markaas ayuu xaqiisii u diiday inuu siiyo, ninkii zubaydiga ahaa wuxuu marka u ergooday niman ay isbahaysi leeyihiin oo u kala dhashay qabiilooyinka Cabdidar, Makhzum, Jumax, Sahmi iyo Cidiyi intaba inay dulmiga Caas ku sameeyey uga xaqsooraan, hasayeeshee kulligood waxba ugama qaban umana aysan dhagtaagin calaacalkiisii, markaas ayuu inta fuulay buurta Abuqubays oo Makko xaggeeda usoo jeestay ku qayliyay gabayo uu ku sifaynayo xaqiisii laga dulmiyay uuna reer Makko ugu sheegayo inay wadaagaan xaqdarrada loo gaystay. 

Marka odayaashii heshiiska u fadhiyay markay saxiixeen mucaahadada ayay maqleen qaylada ninkaan oo dhagahooda kusoo dhacaysa, markaasay yiraahdeen “wallaahay waxaani meel lagaga tago maleh” waxaa marka u dhaqaaqay qadiyadaan xallinteeda odayaal uu ku jiro Azubayr Ibn Cabdulmudalib iyo raggii heshiiska saxiixay oo inta u tageen Caas Ibn Waail xoog kaga qaadeen hantidii uu ka dhacay ninka zubaydiga ahaa. 

Waxaa la sheegaa in heshiiskaan fadalada markii ugu horeysay ay dajiyeen sadex nin oo u dhashay qabiilada Khuzaaca oo la kala oran jiray Fadal, Fudayl iyo Abu Fadal, halkaan oo ah meeshii uu ka raacay magaca fadaladu, waxaa kaloo la yiri waxaa magacaan loogu bixiyay celinta fuduusha (xuquuqda dheeraadka ah) loo celiyo dadkii lahaa. “waxaana aan shaki ku jirin inaan maanta u baahanahay heshiisyo badan oo fadalo ah".

 Noloshii Xoogsiga

 Sida la ogsoon yahay ma jirin shaqo khaas ah oo Nabiga (scw) lagu yaqiin dhallinyaro nimadiisii, hasayeeshee waxaa jira qisooyin badan oo caddaynaya inuu raacay xoolaha ariga intii uu joogay Bani-Sacad dhexdooda, sidoo kale inuu reer Makko ugu raacay lacag yar oo shilimaad ah.

 Markuuse shan iyo labaatan jirsaday, wuxuu u safray dhulka Shaam isagoo wada hanti bocsharo ah oo ay leedahay Khadiija Bint Khuwaylid Umul mu’miniin, Zawjadii Nabiga (scw) markii dambe Alla haka raalli noqdee,Ibn Isxaaq wuxuu yiri, Khadiija waxay ahayd haweenay maalqabeen ah oo sharaf badni iyo magac wayni lagu yaqaan, waxay hantideeda ku adeeg san jirtay ragga, ayadoo ku shaqaalaynaysa lacag magacaaban, inay bocsharadeeda ula safraan Shaam darted. 

 Qureyshoo dhanina waxay ahaayeen ummad ganacsato ah, markay hadaba maqashay hadalhaynta dadku Nabiga (scw) hadal hayaan amaantiisa, sida run badnida uu ku caan baxay iyo amaano waynidiisa iyo akhlaaqdiisa wanaagsan, way u cid dirsatay oo u soo jeedisay inuu hantideeda ula safro Shaam islamarkaana inay siinayso lacag in doora ka badan wixii ay  ragga asaaggiis ah siin jirtay, sidoo kale inay ku darayso wiilkeeda adoonka ah ee Maysara, markaas ayuu Nabigu (scw) Khadiija ka aqbalay soo jeedintaan, lana safray bocsharadii Khadiijo ilaa uu Shaam la tagay.

 Guurkii Nabiga (scw) iyo Khadiijo

 Markii uu Makko kusoo laabtay, oo Khadiija hantideedii ku aragtay amaano iyo barkhad iyo faa’iido wax aysan filanayn waligeedna hore ugu arag, wiilkeedii Maysara-na uu dhankiisa uga warramay waxyaalihii uu Nabiga (scw) ku arkay oo dabeecado macaan, sifooyin iyo dhaqamo sarreeya, figrado toosan oo habboon, oraah run ah, iyo hab nololeed wanaagsan ah, sidoo kale uu u sheegay mucjizooyin uu la yaabay oo ay ka mid tahay in xilliga qoraxdu kulushahay ay markasta daruuruhu haraynayeen, arrimahaas oo dhan markay aragtay, waxay heshay baadideedii la baafinayay amase kii ugu habboonaa inay nolosha la wadaagto, Khadiijana waxay ahayd haweenay ay madaxda iyo mudanayaashu soo doonaan oo hanti wayn ku ballanqaadaan guurkeeda markaasay ku gacan sayri jirtay.

 Hadaba arrintaan nafteeda ka guuxaysa oo ay iskula hadashay ayay kala sheekaysatay saaxiibadeed Nafiisa Bint Munaya, inantaan ayaana Nabiga (scw) aaday ayadoo usoo jeedinaysa guurka Khadiija, markaas ayuu ku raalli noqday oo uu odayaasha adeeradiis ah u sheegay inay u doonaan Khadiija ayaguna dhankooda waxay gabadha ka dooneen adeerkeed islamarkiibana waxaa ku xigay dhamaystirkii hawshaan.

Waxaana xafladdii caqdiga kasoo qayb galay Banu-Haashim iyo dhamaan madaxda iyo waxgaradka qabiilooyinka Mudar oo dhan, xilligaasina waxay ku aadan tahay kasoo laabadkiisii Shaam labo bilood kadib, wuxuuna mahar uga dhigay labaatan qaalmood, waqtigaasna Khadiija waxay jirtay afartan sano, -Ibn Isxaaq wuxuu isagu yiri sideed iyo labaatan sano oo kaliya- waxayna maalinkaas ahayd tan ugu sidata inamaha Qureysheed nasab, hanti iyo caqli badni intaba, sidoo kale waa marwadii ugu horreysay ee uu Nabigu (scw) guursaday lamana uusan guursan ilaa ay dhimatay Alla qabriga ha u qaboojiyee. 

Caruurta Nabiga (scw) oo dhanna waxaa u dhashay Khadiija Ibraahim mooyee, markii ugu horreysay waxay u dhashay Alqaasim -waana wiilka Nabiga kuunyada (niinaasta) looga dhigay- Kadibna Zaynab, Ruqaya, Umu Khalthuum, Faadima, ugu dambayntiina Cabdulaahi waana wiilka lagu magacaabo Dayb iyo Daahir, hadaba wiilashii Nabiga (scw) kulligood waxay ku dhinteen saqiirka, gabdhuhuse kulligood waxay soo gaareen Islamka oo Islaameen oo hijroodeen, laakiinse waxay wada geeriyoodeen intii Nabigu (scw) noolaa faadima mooyee oo lix bilood ka dambaysay kadibna ka dabatagtay. 

Dhismihii Labaad Ee Kacbada Iyo Arrintii Garsoorka 

Markii Nabigu (scw) sodon iyo shan shano jirsaday waxay Qureysh u istaagtay dhisme cusub in Kacbada la dhiso, sababta keentayna waxay ahayd inay Kacbadu ka samaysnayd dhisme qadiim ah oo duugoobay oo dherarkiisu nin joogiis wax yar ka sarreeyo sagaal dhudhun oo xilligii Ismaaciil ah, saanqaafkii sarana waa daatay markaasaa koox tuugo ahi xadeen kayd keedii gudaha ugu jiray, taasoo jirta hadana waxaa burbur badani kasoo gaaray –inay dhisma duuga tahay darteed- daadadka iyo dabaylaha soo noqnoqda kuwaasoo udubaheeda dabciyay darbigeedana riiqay, soo dirista Nabiga (scw) shan sano ka horna waxaa Makko jibaaxay daad wayn oo ku furmay xaramka markaas oo ay Kacbadu dumitaan qarka u istaagtay, sidaa awgeed ayay Qureysh ku khasbanaatay inay cusbooneeyaan dhismaha Kacbada si ay magacooda u ilaashadaan, waxayna isku waafaqeen inaan la galin xoolo aan xalaal wanaagsan ahayn, sidaa darteed laguma dhisi karo hanti ribo laga keenay ama xaq dad laga soo dhacay amase hanti laga keenay haweenay jirkeeda ka ganacsata iyo waxyaalaha lamida.

 Markii la damcay in hawshii la bilaabo waxaa laga baqay duminta Kacbada amase in qofkii ku bilaaba dumin balaayo wajaafto –wayna ka haybaysan jireen Kacbada- ilaa uu ku adkaystay oday la yiraahdo Alwaliid Ibn Mughira oo uu ku bilaabay dumin, markii la arkay inaan waxba asiibin ayaa la wada dumiyay, ilaa ay gaareen aasaaskii dhismihii Ibraahim (cs) markaas ayay qabiilo ahaan u qaybsadeen dhismaha, waxayna laf walba ku khaas yeeleen qayb kamid ah inay dhisto, markaas ayaa qabiil waliba soo urursaday si gaara dhagaxaantiisa, waxayna bilaabeen inay dhisayayaan waxaana dhismaha agaasimayay oo toosinayay fuundi Roomi ah oo lagu magacaabo Baaquum. 

Hadaba markii la gaaray dhigistii Dhagaxa Madow (xajarul Aswadka) la dhigi lahaa booskiisii oo dhismuhu halkaas gaaray, ayay is khilaafeen oo isku qabsadeen ciddii dhigi lahayd oo la gaar noqon lahayd sharafta dhigistiisa booskiisa la dhigo, murankii ayaa sii socday afar ama shan habayn waana kulalaaday ilaa uu qarka u istaagay inuu isu baddalo dagaal qaraar oo ka dhaca gudaha xaramka, markay arrintu heerkaas gaartay ayaa waxaa istaagay oday lagu magacaabo Aba Umaya Ibnul Mughiira Almakhzumi oo usoo jeediyay si dagaalka looga fogaado inay gartaan u dhiibtaan qofka ugu horreeya ee kasoo gala albaabka xaramka, kulligoodna way ku raalli noqdeen taladaan.

Waxaana Alla la maagay inuu qofkaasi noqdo Rasuulka Alle (scw) markay arkeen ayay farxad cirka u qayliyeen ayagoo leh “kani waa amiinkii waan ku raalli noqonnay kani waa runlowgii Muxamed” markii uu soo gaaray oo ay arrintii uga warameen wuxuu Nabigu (scw) codsaday inay keenaan go’ wayn markii la keenay ayuu Xajarul Aswadkii wuxuu dhigay go’ bartankiisa, wuxuuna ku amray in madaxdii waawaynaa ee qabiilooyinka muranku ka dhexeeyo ay kulligood go’a geesaha wada qabtaan oo markaas wada qaadaan, ilaa ay gaarsiiyeen meeshii la dhigi lahaa markaas ayuu gacantiisa ku qabtay oo meeshiisa dhigay, garsoorkaan ayaa waxaa loo wada arkay xal biyokama dhibcaan ah oo lagu wada qancay lagagana badbaaday colaad aan la ogayn meel ay ku dhamaan lahayd hadday bilaaban lahayd. 

Hadaba waxaa Qureysh ka dhamaaday hantidii xalaasha ahayd sidaa darteed waxay ka tageen ilaa lix dhudhun dhinaceeda waqooyiga ah oo dhismihii Ibraahim ee Kacbada ka mid ahaa –waana meesha loo yaqaan Xijriga ama Xadiimka- albaabkeeda ayay kor u qaadeen si uusan u galin cid ay ayagu doonaan mooyee, markii dhismuhu kor u gaaray shan iyo toban dhudhunna saanqaaf ayay u sameeyeen, ku taagan lix tiir oo waawayn. 


Markii dhismuhu dhamaaday qaabka Kacbadu wuxuu soo baxay hab afargees u dhow oo xagga kore 15 dhudhun, ballaca labada darbina ilaa 10 dhudhun, dhagaxa madowna wuxuu yaallaa meel dhulka lagu dawaafo ka sareysa miter iyo bar, albaabkeeduna wuxuu dhulka kasareeyaa labo miter, waxaa dhinaca waqooyigana kaga wareegsan darbi yar oo ku wareegsan meesha shaadaroonka oo Kacbada kamid ah. 

Fiiro gaar ah Kacbada 

Nabigu (scw) markuu Makko qabsaday wuxuu damcay inuu dhismaha Kacbada dumiyo oo Xijriga kusoo daro oo labo albaab u yeelo midna laga galo midna lago boxo, hasayeeshee wuxuu isaga daayay dad Islaamka ku cusub inay moodaan Kacbadii oo lagu cayaarayo amase lagu xadgudbayo, marka todobaataneeyadii hijriga ayaa waxaa dumiyay Cabdulaahi Ibn Zubayr oo u dhisay sidii Nabigu (scw) jeclaystay, hadana waxaa qabsaday nin ay isaga iska soo horjeedeen oo lagu magacaabo Al-xajaaj Ibnu Yusuf oo todobaatan iyo afartii hijriyada dib u dumiyay dhismihii Kacbada sideedii horena ku celiyay.

Sidoo kale nin lagu magacaabo Ma’muum oo khaliif ahaa ayaa damcay inuu dumiyo oo sidii fiicnayd ee Nabigu (scw) damcay uu u dhiso, laakiinse Imaamu Maalik ayaa yiri, iska daa waxaan ka cabsanayaa in boqor waliba yiraahdo anna waan duminayaa oo si fiican baan u dhisayaa, markaas ayuu iska daayay, sidaa darteed waxay hadda Kacbadu ku joogtaa dhismihii Al-xajaaj Ibn Yusuf ee 74-tii hijrada la dhisay.   
 _________________________________________

1- tixaha waxaa curiyay Cabdirisaq musanaf
2- fiiri Raxiiqa safxada 45
3- fiiri saxiixu muslim baabka Israaga
4- xadiithka waxaa soo saaray Axmed, Bukhaari kitaabkiisa Adabka, Dabaraani, Alxaakim fiiri adabka raqam 567 sidoo kale waxaa saxiixiyay Dahabi Iyo Albaani.

Daabacaad: SomaliTalk.com | October 17, 2004

Isha Sawirrada: Google search |

QAYBTA 3aad

QAYBTA

Silsiladda Taariikhda Islaamka

Qaybta 5aad:

Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor. 

Dhinac walba oo laga eego Nabigu (scw) wuxuu ahaa shakhsi heerka ugu sareeya ka gaaray hoodada qof lagu ammaano, wuxuu ahaa moodal sareeya oo dhamays tiran laga haqab tiray figradda toosan iyo aragtida toolmoon, wuxuu nasiib u helay gabal wayn garashada wanaagga, ka baaraan dagidda talada, habboonaanshaha hadafka la higsanayo iyo hanaanka loo marayo intaba, wuxuu kaalmaysan jiray aamuskiisa dheer isagoo ay u weheliso  u fiirsasho xeeldheer waxa hareerihiisa socda, ka shaqaysiinta maskaxda iyo doorashada xaqa, wuxuu ku daalacday caqligiisa badan iyo abuuristiisa hufan dhamaan saxiifadaha nolosha, waxa hareerihiisa ka socda, hawlaha dadka iyo xaaladaha ururada. 

 Wuxuu marka ka qash-dhacay dhamaan khuraafaadka xun waana ka fogaaday, ilaa uu ka aqoonsaday si cad halka ay kala joogayaan meheradaha dadka iyo tiisa u gaarka ah, markaas ayuu kula noolaaday jid cad, wixii wanaag ah oo ay sameeyaan waa la wadaagaa, haddii kalase wuxuu ku laabtaa gooni u joogiisii uu caadaystay, sidaa darteed ma cabbi jirin khamro, mana cuni jirin gawrac sanab lagu kor qalay, kamana qayb gali jirin ciid amase munaasabad lagu xusayo sanabada, iskaba daaye laga soo bilaabo barbaaristiisii wuxuu ka didsanaa dhamaan macbuudaadka beenta ah ee xaq darrada lagu caabudo, ilaa wax uu ka neceb yahay aysan jirin ilaa heer uusan maqli karin dhaarta lagu dhaaranayo magaca sanabada. 

Ilaalinta Alle Ee Ku Hareeraysan 

Wax shaki ahi kuma jirin in aqdaarta Alle ku hareeraysay ilaalin iyo dhawris, waxaa hadaba culumada Islaamku isku raacsan yihiin inuu macsuum ka ahaa gaalnimada oo uusan ku dhicin waxyiga kahor iyo kadib toona sidoo kale dunuubta waawayn, taasina waa tan ay ayidayso dhacdooyinka taariikh-da Nabiga (scw) ka buuxa ee ka horeeya soo dajinta waxyiga, markastoo naftiisu u hanqaltaagto macmacaansiga aduunka, amase markastoo uu jalleecsado raacista caadooyinka aan ciribtooda la mahadin qaarkood, islamarkiiba waxaa si xoog ah usoo kala dhexgalaysa ilaalinta rabbaaniga ah inay ka horjoogsato shaygaas uu damcay awgeed. 

Ibnul Athiir wuxuu wariyey in Nabigu (scw) yiri, “waligay maanan damcin inaan sameeyo shay ka mida waxyaalihii dadka Jaahiligu samayn jireen labo goor ma ahane, markastoo labadaas kamidana Alle ayaa nakala dhex joogsanayay, kadibna mar dambe ma aanan damcin ilaa Alle igu karaameeyay rasuulnimada, (marka hore) wiil aan ariga la wada joognay duleedka Makko ayaan ku iri, ninyohow ariga caawa maad ii ilaalisid waxaan aadayaa Makko oo aan kusoo cawaysimayaa waxyaalaha dhalinyaradu ku cawaysimaane? Markaasuu yiri haye, marka waan soo tagay ilaa aan marayay daarta ugu soo horeysa ee Makko laga galo, waxaan maqlay muusiko la tumayo, markaasaan iri war meeshaan maxaa ka jira? Markaasaa la yiri waa arooskii hebal iyo hebla, markaasaan fariistay inaan dhagaysto, markaasaa Alle hurdo igu riday oo aan seexday, kadibna waxaan kusoo baraarugay kulaylka qoraxda, marka waxaan isagasoo laabtay wiilkii saaxiibkay ahaa, markaasuu i waydiiyay xalay maxaad samaysay, markaasaan u sheegay sida aan la kulmay, habayn kalana sidii oo kale ayaan ku iri, marka waxaa igu dhacay wixii markii hore igu dhacay oo kale, kadibna mar dambe maanan damcin wax xumaan ah. (1) 

Sidoo kale Bukhaari wuxuu ka warinayaa jaabir inuu yiri, “ Markii Kacbada la dhisayey Nabiga iyo Cabbaas (adeerkiis) ayaa waxay soo gurayeen dhagaxaan, marka Cabbaas ayaa Nabiga (scw) ku yiri, fur macawistaada oo garabka saaro dhagaxa hakaa celisee, markaas ayuu dhulka ku dhacay isagoo suuxsan indhuhuna cirka u salladan yihiin, kadibna waa soo miyirsaday isagoo leh!! Macawistayda isiiya macawistayda isiiya, markaa hoosguntigiisa ayuu isku adkeeyay, markaa kadibna waligiis cawradiisa lama arag. (2) 

Sidoo kale maalin ayuu Nabigu (scw) Kacbada dawaafayey isaga iyo saaxiibkiis mawlihiisana ah Zayd Ibn Xaaritha, marka Zayd ayaa sanabada midkood taabtay markaasuu Nabigu (scw) ka reebay taaba  shadaas, markii lasoo wareegay ayuu Zayd hadana taabtay si uu u hubsado inuu u diidan yahay iyo in kale, markaasuu hadana si kulul ugu diiday taabashadaas oo yiri “maxaa kugu itaxaanay sanabkaan” Zayd marka waa ka joogsaday taabashada sanabka ilaa laga soo gaaray soo diristii nabinimada, marka Zayd wuxuu ku dhaartay inaan Rasuulka Alle (scw) waligiis sanab taaban ilaa Alle waxyiga ku karaameeyey. (3) 

Dhalinyara nimadiisii Nabigu wuxuu ahaa shakhsi kaga soocan dadka intiisa kale dhaqamo macmacaan, akhlaaq sarraysa iyo sifooyin toolmoon, sidaa darteed wuxuu ahaa, kan dadka ugu shakhsiyad wayn, ugu akhlaaq wacan, ugu ceesid wayn darisnimo, ugu dulqaad wayn, ugu hadal ku run badan, ugu sahlan garqaadasho, ugu naf dhowrsoon, ugu baarrisan hawl qabasho, ugu ballan oofin badan, ugu amaano culus, ilaa uu noqday qofka ugu haybadda wayn dadka ilaa ay ku magacaabeen Amiin, waxyaalaha uu kulan saday ee xaaladaha habboon iyo dabeecadaha jamashada awgood, wuxuuna ahaa sidii ay ku tilmaantay Umul mu’miniin Khadiija markay lahayd, wuxuu xambaaraa gablanka looma ooyaanka ah, wuxuu keenaa kasabka lama helaanka ah, wuxuu sooraa martida jalaqlaha ah, wuxuu u kaalmeeyaa irdaha xaqa oo dhan.

Bishaarooyinka Nabiga (scw) kahoreeyay 

Kutubta Ahlu Kitaabka 

Nabiga (scw) soo bixitaankiisa waxaa kusii bishaareeyay nabiyadii Alle ee ka horreeyey sida nabiyadii reer Bani Israaiil iyo nabiga Alle ee ciise (cs), arrintaan waxaa si wayn uga waramay Qur’aanka sida aayadda 6-Safa oo sheegaysa in ciise (cs) kusii bishaareeyay soo bixitaanka Nabiga (scw) sidoo kale aayadda 157-Acraac oo Alle ku sheegay in sifooyinka Nabigu ku yiileen Towrat iyo Injil labadaba, waxaa kaloo sii sheegay kitaabaha umadaha hore ay gacanta ku hayeen, oo si cad u sheegay magaca iyo tilmaamaha Nabiga (scw) dhamaantood. 

Hadaba inkastoo laga soo bilaabo qarniga sideedaad ee ciise dabadi ay dadka ahlu kitaabka loo yaqaani kutubtooda ka joogeen magaca Nabiga markii doodaha diiniga ahi bateen oo muslimiintu u xujaysteen kutubtooda, hadana wali waxaa maanta la hayaa kutubtaas qaarkood oo sheegaya Nabiga (scw) iyo magaciisaba, waxaana kamida Towraadda Saamira iyo Injiilka Barnaaba, kitaabkaan dambana kaniisaddu waxay mamnooceen akhriskiisa iyo haysigiisa qarniga shanaad ee ciise dabadi, hadaba nuskho laga helay sanadahaan dhaw maktabad qadiim ah oo ku taal meesha loo yaqaan (baxrul mayit) badda dhimatay oo wadanka urdun ah waxaa ku qoran isxaaxeeda 41-aad cibaaradaan (29 Alle ayaa iska xijaabay waxaana ka cayriyay mallaak Miikhaa’iil  Firdowsa 30 markaasuu Aadam milicsaday wuxuuna arkay qoraal albaabka korkiisa suran oo ay ku taal La Ilaaha Illaa Allahu Muxamadu Rasuulullah) (4)

Meel kale oo kitaabkaas ah waxaa ku taal cibaaradaan (163 : 7 Ardadii ayaa ku jawaabay macallinoow yaa laga yaabaa inuu noqdo ninkaas aad ka hadlayso ee caalamka imaan doona, wuxuu ku jawaabay yasuuc isagoo qalbigiisu aad ugu faraxsan yahay : waa Muxamadu Rasuulullah) (4) ereyada sidaan oo kale ahi meelo badan ayay kaga soo laablaabteen Injiilka Barnaaba waana kitaab la daabacay oo dunida oo dhan maanta laga heli karo, baybalada kale ee Luuqaa iyo Yuxannaa waxaa ayagana meelo badan kaga yaala bishaarooyin ku saabsan soo bixitaanka nabiga, hijradiisa xaga madiino, dagaalada uu gaalada awlaada qiidaar la galayo iyo sifooyin badan oo Nabigu leeyahay. 

Towraadka Sifru Ashiicaa ee hadda gacanta lagu hayo Isxaasiisa 21-aad waxaa ku qoran In waxyi laga soo dajinayo dhulalka carbeed ee buuraha ah In Nabigu hijroon doono markii gaaladu ku heshiiyaan inay dilayaan In uu kaga guulaysan doono geesiyaasha awlaada Qiidaar goobta badar In xujada Nabigu ay markaas sare mari doonto. (4)   

Waxaana kutubtaas qoraalo badan kasoo guuriyay culumada islaamka ee noolaa kahor intii aan wax badan laga badalin kutubtaas, sida Ibn qutaybah, Almaawardi, Alqaraafi, Ibn Taymiya iyo Ibn Qaym, ayagoo waliba caddeeyay sida ay markii dambe uga tirtireen magaca Nabiga (scw) kutubtooda. 

Waxaa kaloo la wada ogsoon yahay sida yuhuuddii iyo nasaaradii Nabiga la kulmay ay u sheegeen sifooyinkiisa, kuwo islaamay iyo kuwo aan islaamin intaba, waxayna ahayd arrin la wada ogsoon yahay oo qur’aanku meelo badan kula dooday inay ogyihiin oo ilmahooda uga aqoon badan yihiin Nabiga ee ay is indha tirayaan haddaysan taasi jirina way inkiri lahaayeen, sidoo kale carabta ahlu kitaabka la darsa oo ayaguna ka ogaaday sifooyinka Nabiga ee ay ahlu kitaabku sheegayaan oo waliba ay ahlu kitaabku ugu caga juglayn jireen in intay nabiga xilligiisii la gaaray rumeeyaan ay layn doonaan, taasina waa arrintii sababta u hayd islaamidda reer madiino, markay arkeen nabiga ay dheheen wallaahay waa nabigii yuhuudu idiin sheegi jirtay, sida aan arki doono insha allah. 

Culumada ahlu Kitaabka

In badan oo kamida culumada umadaha hore, ayaa caddeeyey tilmaamaha Nabiga (scw) waxaana kamida Cabdulaahi Ibn salaam-kii islaamay iyo Zayd Ibn Sacna oo isaguna islaamay oo labaduba ahaa culumada yuhuudda ee ugu caansan xilligaas, waxaase ka yaab badan qisada dheer ee Salmaan Alfaarisi waana qiso sanad ahaan sugan, In markii uu isu maray sadex sheikh oo raahibiintii Nasaarada ka mida oo mid waliba markuu dhimanayey uu u tilmaamay kan kale. 

In caalimkii ugu dambeeyay oo uu Salmaan ugu yimid Cammuuriya (oo ku taal dhulka hadda turkiya loo yaqaan) uu markii uu dhimanayey Salmaan ku yiri yaad ii dardaarmaysaa inaan aado oo ahlu towxiidkii ka haray? Markaa uu yiri “wiilkaygoow wallaahay ma ogi qof towxiidkii aan haysanay ku sugan oo maanta nool oo aan kugu amro inaad aado, hasayeeshee waxaa la gaaray samaankii lasoo diri lahaa Nabigii Xaramka, meesha uu u hijroon doonaana waa magaalo u dhaxaysa labo buurood oo dhagax madow ah oo ku taal dhul carro seel leh oo timirtu ka baxdo, wuxuuna leeyahay calaamado aan qarsoomi karin, garbihiisa dhexdooda waxaa ku yaal kaatunkii nabinimada, hadiyadduu cunaa sadaqadase ma cuno, haddaad hadaba awoodo inaad nabigaas la kulanto yeel xilligiisii ayaad gaartaye”. 

Kadibna Salmaan inuu ka sheekeeyey sidii uu madiino kusoo galay inuu gacan adoonsi ku dhacay, in markii nabigu soo hijrooday uu maqlay ninkii adoonsanayey iyo nin kale oo isu sheegaya soo galitaanka Nabiga markaas uu Salmaan geedkii kasoo dhacay, oo uu ninkii waydiiyey warka Nabiga oo ninkii adoonsanayey inta xanaaqay lahaa, maxaa adiga kaa quseeya arrimahaan orod shaqadaada qabso, kadibna uu nabiga la kulmay uuna tijaabiyey calaamadihii loo soo sheegay kulligood islamarkiibana uu islaamay. 

Waxaa kaloo sheekooyinka laga wariyey culumada ahlu kitaabka kamida, Salama Ibn Salaama Ibn Waqash oo reer madiina ah inuu yiri, waxaa daris nala ahaa oday yahuudi ah, marka maalin ayuu gurigiisa kasoo baxay ilaa uu nasoo kor istaagay, annagoo ah koox u dhalatay Bani-Cabdi ash-hal anigaana ragga meesha fadhiya ugu da’ yar, marka odagii wuxuu ka sheekeeyay maalinta Qiyaamada, xisaabta aakharo, miizaanka, jannada iyo naarta, hadalladaas wuxuu ku leeyahay dad sanabo caabud ah oo aan rumaysnnayn in dadka lasoo saari doono dhimashada kadib, marka waxay ku dheheen war heedhe balo qabayohow ma waxaad rumaysan tahay in waxaasi dhici doonaan, in dadka lasoo saari doono dhimashada kadib?  

Odagii wuxuu ku jawaabay haa, markaasay dheheen oo maxay tahay calaamadda lagu garan karo arrintaas? Markaasuu yiri nabi laga soo saari doono dhulkaan wuxuuna gacanta u taagay dhinaca Makko iyo yaman ay xigto, markaasay dheheen oo goormaan arkaynaa? Markaasuu yiri inta aniga isoo fiiriyey –raggana anigaa ugu yaraa- ayuu yiri, haddii wiilkaan yar cimrigiisa dhamaysto waa gaarayaa. 

Marka Salama wuxuu yiri, wallaahay inaan maalmaha iyo habaynadu dhamaan ilaa Alle soo diray Muxamed (scw) odagii oo nool oo na dhexjooga, markaasaan annagu rumaynay odagiina ku gaaloobay islawayni iyo xaasid nimo, markaas ayaan waxaan ku niri, war hebeloow inkaar qabayohow miyaadan ahayn ninkii warbixintii aad ogayd Nabiga (scw) nooga sheegay maxaad u rumayn wayday? Wuxuu yiri, waan ahay laakiin isagii ma ahan. 

Sidoo kale Caasim Ibn Cumar wuxu yiri, nin oday ah oo u dhashay qabiilka Bani-qurayda (qabiil yuhuuda) ayaa igu yiri ma ogtahay sababta ay ku islaameen Thaclaba Ibn sacya iyo walaalkiis Usayd iyo Usayd Ibn Cubayd, niman ilma adeer ah oo isla Bani-qurayda u dhashay oo markii jaahiliga madax u ahaan jiray markii Islaamka lasoo galayna wali masuuliyiintooda ahaa? Markasaan iri, maya wallaahay, markaasuu yiri, nin yuhuudda shaam ku nool ah oo la yiraahdo Ibn Haybaan ayaa safar noogu yimid Islaamka sanado kahor marka dhexyada ayuu iska dagay, wallaahay waligay maanan arag nin aan shanta salaadood tukan (islam ahayn) oo ka khayr badan ninkaas, muddo ayuu agtayada ku noolaa markii roobka la waayo wuxuu na amri jiray inaan sadaqo bixino markaas ayuu noo roob dooni jiray, wallaahay inuusan meeshuu fadhiyey ka istaagayn ilaa roobku na qabto, labo iyo sadex marba wax ka badan ayaan arrintaan ku arkay. 

 Marka waagii dambe ayaa geeridii kusoo xaadirtay, markii uu ogaaday inaan nololi u harin ayuu yiri, isu kaalaya yahuudeey, maxaad u malaynaysaan inay igasoo saartay dhulkaygii barwaaqada iyo khamrada badnaa oo ikeenay dhulkaan abaarta iyo balada iyo baaska ah? Markaas ayaan ku niri, adigaa oge noo sheeg, wuxuu yiri dhulkaygii waxaa iga keenay inaan sugayo soo bixitaan nabi samaankiisii la gaaray, magaaladaanina ay tahay meesha uu usoo hijroon doono, marka waxaan rajaynayay in lasoo saaro oo aan raaco, waxaana idin soo hareeyay xilligii soo bixitaankiisa ee yaan la idiinka hor marin yuhuudeey, marka lasoo dirana waxaa lala soo diri doonaa dhiigoo daata iyo maatada iyo dumarkoo laga qafaasho cidda khilaafta ee yaysan taasi idinka hor istaagin rumaynta nabigaas. 

Markii Muxamed (scw) lasoo diray oo uu khaybar hareereeyey ayey sadexdaan dhalinyarada ahi dheheen, waana niman dhalinyaro ah, war hooy reer bani-quraydoow wallaahay ninkaani waa Nabigii uu idin kala ballamay Ibn Haybaan, markaasay ugu jawaabeen maahan isagii, kooxdaan dhallinyarada ahi marka waa kasoo dhex bexeen oo Islaameen, markaasaa dhiigooda, maalkooda iyo ehelkoodaba loo amaan galiyay. 

Sidoo kale qisada markii hiriqle boqorka Room uu su’aalaha waydiiyay Abu sufyaan Ibn Xarab wuxuu yiri, waanan ogaa in nabi waqtigiisii la gaaray, umaananse malaynayn inuu idinka carabta ah idinka soo bixi doono. 

Ansaarta qaar badan oo kamida ayaa sheegay in sababta ay ku Islaameen hanuuninta Alle kadib, ay ahayd in markasta oo ay yuhuudda xoogaa xurguf ah  u gaystaan ay oran jireen Nabiga xilligiisii la gaaray intaan rumayno ayaan idin dhamayn doonaa sidii caad iyo thamuud, marka soo bixitaanka Nabigu (scw) wuxuu ahaa wax iska caan ah oo ahlu kitaabku meelkasta ka sheegaan, waxayse aamin sanaayeen inuu ayaga ka soo bixi doono, markii ay arkeen in Nabigii oo ay garanayaan carabta laga soo saaray ayey cunsuriyad darteed ugu gaaloobeen, waxaana arrimahaan si wayn u faahfaahiyey qur’aanka kariimka ah fiiri, Suuratul Baqara aayadaha 89-90-91, 100-101, 146, iyo meelo badan oo qur’aanka ka mida. 

Nabiga laf ahaantiisa 

Nabigu (scw) wuxuu ahaa ruux mucjiso ah oo lagu arkay waxyaalo badan oo laga yaabay waxaana ka mid ah, in nabinimada kahor uu dhagax salaami jiray, in markii uu safarka aaday la arkaayay daruur markasta haraynaysa, in wixii uu ku riyoodo si cad ay u imaan jireen, in hab dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisuba ay ahaayeen kuwa dadka ka sareeya, waxaas oo dhanna waxay odoros kasii bixinayeen in mustaqbalka shakhsigaani uusan ahayn mid caadi ah. 


Ghaaru xiraa


Nabinimadii oo soo dalaalimaysay. 

Godkii Xiraa 

Markii Nabiga (scw) da’diisu afartanka u dhawaatay, fakarkiisii iyo indha indhayntiisii horana ay kala fogaysay xagga caqliga isaga iyo reer tolkiis, waxaa la jeclaysiiyey cidlada iyo ka fogaanshaha dadka, wuxuu hadaba qaadan jiray biyo iyo caanaboore oo aadi jiray godka loo yaqaan (ghaaru xiraa) oo korsaaran buurta Jabalu Nuur, waxayna Makko u jirtaa ilaa labo mayl inkastoo hadda ay magaaladu dhaaftay, waana god hawada u furan oo dherarkiisu yahay afar dhudhun ballaciisuna sadex dhudhun iyo dhudhun sadexmeeloodkiis, reerkiisuna waa u dhaw yahay, markaas ayuu joogayaa bisha ramadaan isagoo quudinaya cidii soo marta oo masaakiin ah, waqtigiisana wuxuu ku dhamaystaa inuu ku cibaadaysto waxyaalo ka mida diintii nabi Ibraahim (sc) iyo ka fakarida waxyaalaha ku hareeraysan oo muuqaalada uunka ah, iyo inuu dareemo waxa ka dambeeyaa uunkaan oo awood wax abuurta oo yaab badan oo daahsoon ah, naftiisana uma cuntamayn waxa tolkiis ku sugan yahay oo aaminsanaanta shirkiga ee kala daadsan iyo halka ay wax fiirinayso ee itaalka daran ah, hasayeeshee hortiisa ma yaal wado cad uu qaado amase manhaj xadaysan amase dariiq toosan oo uu ku kalsoonaan karo. 

Sida muuqatana gooni joognimadaan Nabiga (scw) loo qoondeeyey waxay ahayd wax ku yimid qorshaynta Alle u dajiyey, si uu ugu diyaariyo arrinta wayn ee sugaysa, waana lagama maarmaan naf walba oo la doonayo inay nolosha bashariyada wax ka badasho oo dhinac kale u leexiso hogaanka taariikhda waa lagama maarmaan inay khalwo gasho oo waqtiga qaarkiis goonijoog noqoto, si ay uga dhexbaxdo mashquulka dunida iyo buuqa nolosha, iyo walwalka irsaaqadda iyo muranka dadka dhexyaal ee waxyaalaha yaryar ee mashquulinaya. 

Sidaasaa hadaba Alle Nabiga (scw) ugu jaangooyay isaga oo ay sugayso xambaarista amaanadii waynayd, isagoo ay sugayso inuu dunida korkeeda wax ka badalo, isagoo ay sugayso inuu hogaanka taariikh-da si toosan u saani gareeyo, cuzladaan intuusan dusha u saarin farrinta wayn ee bashariyada loo soo dhiibay, wuxuuna Nabigu (scw) muddo sadex sano ah ku qaadan jiray sanadkiiba bil khalwadaan isagoo fiirinaya abuurkaan uunka ee furan kana fakaraya qaybka wayn ee diimoon ee ka dambeeya uunkaan, ilaa laga gaaray xilligii uu la xariiri lahaa qudrada ka dambaysa unkumidda uunkaan muuqda.

 Jibriil Oo Waxyigii Lasoo Dagaya 

Markii ay u dhamays tirmeen afartan sano –waana heerka buuxsamidda qofka waxaana layiri cimrigaasaa rususha lagu soo diraa- waxaa ku bilowday nuurka nabinimada in raadadkeedu u iftiimayo, raadkaasina waa riyada wanaagsan, waxaa dhacday hadduuba riyo arko inay u timaado sida waabarigu u dilaacayo oo kale, sidaas waxaa ku gudbay muddo lix bilood ah, waxaa la yiri muddada nabinimada oo 23-sano ah riyadu waxay ka tahay meel marka afartan iyo lix meelood loo dhigo, markii hadaba bisha ramadaan la gaaray ee sanadkii sadex ka ahaa gooni u bixiisa (scw) ayaa Alle la doonay inuu albaabada raxmadiisa u furo uunka arlada korkeeda ku nool, oo ku karaameeyey Nabinimada, oo uu soo dagay Jibriil oo sida aayado qur’aanka ka mida. 

Markii si xeeldheer loogu kuurgalay akhbaaraha taariikhdaan kusoo arooray waxaa suurta gashay in lagu jaangooyo maalinkaas waxyigu soo dagay inuu yahay maalintii Isniinta ee bisha ramadaan ahayd 21 waqti habayn ah, waxayna waafaqsan tahay tobanka bisha August sanadka 610 ciise dabadi, 10/8/610-kii ciise dabadi, cimrigiisuna wuxuu maalintaas ku xaddadan yahay 40-sano oo dayax ah, lix bilood iyo 12-maalmood, taasoo u dhiganta 39-sano oo qorrax ah, sadex bilood iyo 12-maalmood. 

Markaanna bal aan ka dhagaysano runleeyda Caa’isha (har qabow Alla ha geeyee) oo inoo Marisa qisada dhacdadaan aad moodid shoclad nuurka ilaahiga ah oo dhex jibaaxaysa daruuraha iskor fuulay ee gaalnimada iyo baadiyoobidda ah, ilaa ay leexisay khadkii noloshu ku socotay oo ay saani u toosiyey seedka taariikh-du haysatay, waxay Caaisho tiri. 


1. Wax ku akhir Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray (Khalqiga). 2. Dadkana ka abuuray Calaq. 3. Akhri Eebana waa kan sharafta lehe. 4. Ee dadka baray sida qalinka wax loogu qoro. 5. Dadkana baray waxayna aqoonin.
Dhegayso: Suurat: Al-Calaq


Wixii ugu horreeyey ee Rasuulka (scw) lagu bilaabay ee waxyiga ahi waa riyada wanaagsan ee hurdada uu ku arko, wuxuu marka ahaa wax allaale wixii riyo ah oo uu arkaa waxay u timaadaa sida oogga dilaaciisa oo kale, kadibna waxaa la jeclaysiiyay cidla joogga, wuxuu marka ku cidlaysan jiray godka (ghaaru xiraa), halkaas oo uu ku cibaadaysanayo habayno tiro kooban, intuusan reerkiisa usoo laaban, wuuna u saad qaadan jiray arrintaan, kadibna wuxuu kusoo laabtaa Khadiija markaas ayuu haddana saadkii oo kale qaataa, ilaa uu uga yimid xaqu isagoo ku jira godkii ghaaru xiraa, waxaa marka u yimid malak markaas ayuu yiri: Akhri!!: markaasaan iri waxba ma akhriyi aqaan: wuxuu yiri Nabigu (scw) markaasuu inta qoorta kor ii qabtay I ceejiyay ilaa uu dhib ii gaystay, kadibna inta isii daayey haddana yiri Akhri!!: markaasaan iri waxba ma akhriyi aqaan: mar sadexaad ayuu inta qoorta kor ii qabtay oo I ceejiyay ilaa uu dhib ii gaystay, haddana isii daayey yiri: (Akhri cuskashada magaca rabbigaa kan abuuray –uunka-: Insaankana ka abuuray dareerto dhiig ah: Akhri rabbigaa waa kan ugu sharaf badane)* . 

Rasuulku (scw) erayadaan ayuu lasoo laabtay isagoo wadnuhu gariirayo, wuxuuna usoo galay Khadiija Bint Khuwaylid markaasuu yiri: Ida dooy!! Ida dooy!! Markaasay dadeen ilaa argagixii ka tagay, markaas ayuu Khadiija ku yiri, maxaan galabsaday oo la iga rabaa, wuxuuna u sheegay khabarkii uu la kulmay, -isagoo raaciyey- wallee waxaan u cabsaday naftayda, markaasay Khadiiyo tiri, maya Allaan ku dhaartaye waligaa Alle inuusan ku hoojinayn, waxaad adugu xariirisaa arxaamta (qaraabada), waxaad xambaartaa gablanka looma ooyaanka ah, waxaad keentaa kasabka lama helaanka ah, waxaad soortaa martida jalaqlaha ah, waxaad u kaalmaysaa dhamaan irdaha xaqa. 

Way la tagtay Khadiija ilaa ay ugala tagtay Waraqa Ibn Nowfal Ibn Cabdilcuza oo ay Khadiija ilma adeer yihiin, wuxuuna ahaa nin hore u qaatay diinta nasaarada jaahiliyada dhexdeedii, wuxuuna ku qori jiray kutubta luqadda Cibriga (luqada yuhuudda), wuxuu marka Injiil kaga qoray cibriga intii Alla la maagay, wuxuuna ahaa oday da’ wayn oo indha beelay, Khadiijaa marka waxay ku tiri, ina adeer bal ka dhagayso wiilkaan walaalkaa dhalay, Waraqa wuxuu yiri adeer maxaad aragtaa? Marka ayuu Rusuulku (scw) u sheegay akhbaarta wixii uu arkay, markaasuu Waraqa yiri, kaasi waa khayr sheegihii ilaahay kusoo dajiyey Muuse!! Alla hoogaye maan dunidaan korkeeda maanta barbaar ahaado!! Alla hoogaygee maan noolaado maalinta tolkaa ku cayrinayo, Rasuulka (scw) ayaa yiri oo ma i cayrinayaan? Markaasuu ku jawaabay haa, waligeed nin lama imaan waxa aad la timid oo kale illaa waa lala colloobaa, haddii aan maalinkaas nolol ku gaarana waxaan kuu gargaarayaa gargaar xoog badan, kadibna waxba lagama joogin inuu Waraqa geeriyooday waxyigiina kala go’ay.  

Sida ay caddeeyeen qaybaha kala duwan ee qisadaan Nabiga (scw) malagu wuxuu ugu yimid si kadis ah iyo sida muuqata qaab cabsi weheliso taasoo Nabiga ku abuurtay argagax wayn ilaa uu yiri waxaan u baqay naftayda, dhinaca kale wuxuu ka cabsaday markay qisadaani caanbaxdo hadalada laga yaabo inay kasoo yeeraan bulshada caamada ah ee maqlaysa, arrimahaan oo Nabiga (scw) walwal wayn ku dhaliyay. 

Mufasirka wayn ee Imaamu Dabari iyo taariikh yahanka Ibn hishaam, waxay soo saareen khabar inoo kordhinaya inuu godkii ghaari xiraa kasoo baxay kadib markii waxyigu si cabsi badan oo lama filaan ah ugu yimid, kadibna uu mar dambe laabtay oo dhamays tiray muddadii uu ku nagaan jiray godka, kadibna uu kusoo laabtay Makko, waxaana sababta uu godka uga soo baxay tooshka ku ifinaysa qisada qaybteeda uusoo saaray Imamu Dabari waana tanaa ayadoo faahfaahsan. 

Rasuulka Alle (scw) wuxuu yiri kadib markuu ka sheekeeyey habkii waxyigu ugu yimid, “ma jirin wax makhluuga Alle ka mida oo aan ka nebcaa qof gabyaa ah amase qof jinnoolow ah, xataa maanan awoodin inaan xaggooda fiiriyo, markaas ayaan waxaan iskula hadlayaa waxa maanta iigu fog oo aan ugu nebcahay waa gabyaa ama jinnoolow in la imoodo, haddana waxaan isleeyahay waxaan Qureysh marna ha u sheegin waligaa, yaysan waligaa kaaga sheekaysan waxaan, wallee waxaan aadayaa buur dheer dhaladeed oo aan naftayda ka tuurayaa waana ka raaxaysanayaa dhibkeeda, marka waan soo baxay anigoo doonaya arrintaan ilaa aan marayey buurta dhexdeeda, waxaan maqlay cod ka yeeraya xagga cirka oo leh, Muxamadoow waxaad tahay rasuulkii Alle aniguna waxaan ahay Jibriil!! 

Madaxa ayaan kor u qaaday xagga cirka, mise waa Jibriil oo muuqaal nin oo kale ah oo lugihiisu ku gudban yihiin jahada samada oo dhan, markaas ayuu haddana wuxuu yiri, Muxamadoow waxaad tahay rasuulkii Alle anna jibriil baan ahay, marka waan istaagay anigoo fiirinaya, muuqaalkaani wuxuu iga mashquuliyey wixii maskaxdayda ku jiray oo dhan, marka horana uma dhaqaaqo gadaalla uma dhaqaaqo, waxaan isku dayey inaan wajigayga ka jeediyo oo samada dhinacyadeeda kale u jeesto mise dhican kasta oo cirka ah oo aan fiiriyo waxaan ka arkaa isagii oo sidii ah, marka kama aanan suulin inaan taagnahay oo aanan hortayda u dhaqaaqayn gadaashaydana u laabanayn waqti dheer, ilaa Khadiija ay I wayday oo iisoo dirtay dad aniga iraadinaya, ilaa ay meelkasta iga raadiyeen oo Makko tageen oo Khadiija ku laabteen aniguna wali meeshii ayaan taagnahay horay iyo gadaal midna u dhaqaaqi mayo, markaas ayuu iga tagay aniguna aan reerkaygii ku laabtay ilaa aan Khadiija u imid oo aan cabsi darteed dhabteeda barkaday anigoo isku dhajinaya, markaasay tiri abal qaasimoow xaggee jirtay? Wallaahay dad baan diray baadi doonkaagee ilaa ay Makko tageen oo igu soo laabteen ayagoo aan ku heline. 

Markaas ayaan uga sheekeeyey wixii aan la kulmay, markaas ayay tiri bishaarayso ina adeer oo is adkee allaha wayn baan ku dhaartaye waxaan rajaynayaa inaad tahay nabigii ummaddaan, kadibna way istaagtay oo aaday Waraqa Ibn Nowfal markaasay u sheegtay warkaan cusub, markaas ayuu yiri qudduus qudduus!! Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye waxaa u yimid khayr sheegihii ugu waynaa ee nabi Muuse u imaan jiray, waana nabigii ummaddaan loosoo diray, ee waxaad ku dhahdaa ha is adkeeyo hana sugnaado, markaasay khadiija soo laabatay oo uga warantay hadalkii Waraqa, hadaba markii Rasuulku (scw) dhamays tirtay muddadii uu godka ghaari xiraa joogi jiray oo Makko kusoo laabtay waxaa la kulmay Waraqa, markaasuu yiri markuu ka dhagaystay wixii uu arkay, Allaha naftaydu gacanta ugu jirtaan ku dhaartaye waxaad tahay nabigii ummaddaan waxaana kuu yimid khayr sheegii ugu waynaa ee Jibriil ee nabi Muuse (cs) u imaan jiray.

 Muddadii Waxyigu kala joogsaday iyo Jibriil oo markale qur’aan lasoo dagay 

Waxaa jirta muddo waxyigu kala joogsaday ujeedada laga lahaana ay culumadu ku tafsiireen in Nabiga (scw) cabsidu ka baaba’do oo uu hubsado inuu noqday nabigii Alle markaas uu waxyigu haddana dib u bilowdo, hadaba muddada waxyigu kala go’ay dadbaa waxay ku sheegaan sadex sano amase labo sano iyo bar, hasayeeshee waxaas oo dhan waxba kama jiraan ee waxay ku koobnayd maalmo kaliya 

Taariikh yahanka wayn ee Ibn Sacad wuxuu Cabdulaahi Ibn Cabbaas ka warinayaa inay muddadaasi ahad maalmo gudahood, taasina waa xaqiiqada aan laga fursan karin ee saxda ah marka si xeeldheer loo fiiriyo taariikhdaan dhamaan dhinacyadeeda, Nabiguna (scw) wuxuu maalmahaas waxyigu kala go’ay joogay isagoo aad u murugaysan oo walwalsan oo yaab badan uu ka muuqdo, Imamul Bukhaari wuxuu warinayaa in markii waxyigu kala go’ay uu si qoto dheer uga murugooday taasoo marar badan ku dhalisay inuu naftiisa dilo oo buur dheer iska tuuro, markasta oo uu buur dhalada uga baxana waxaa isu muujiya Jibriil oo leh Muxamadoow: waxaad tahay rasuulkii Alle ee xaqa ahaa, markaas ayuu Nabiga (scw) qalbigu u dagaa oo uu xasilaa markaas ayuu soo laabtaa, haddana markii muddadu ku dheeraato ayuu sidii oo kale u kallahaa markuu buurta fuulo haddana Jibriil ayaa isu muujiya markaas ayuu sidii oo kale ku dhahaa. 

Al-xaafid Ibn Xajar wuxuu yiri, kala go’aas waxyigu wuxuu ku koobnaa maalmo qura, si ay Nabiga (scw) uga tagto argagixii markii hore ku dhacay, sidoo kale si uu u jeclaysto in mar kale Jibriil soo laabto, hadaba markii ay naxdintii hore iyo wareerkii ka dul kacay , oo uu hubsaday xaqiiqada calaamadihii uu la kulmay, oo uu ogaaday si yaqiin ah inuu noqday nabi loo waxyoodo oo uu soo dirsaday Allaha wayn ee sareeya, uuna hubsaday in cidda u timid ahayd safiirkii waxyiga waxa uu keenayna aheeyeen khabarkii samada, oo uu arrimahaan ka helay quwad ku dhiirrigalisa dulqaadka, ayaa Jibriil mar labaadkii soo laabtay isagoo wada aayado qur’aan ah. 


1. (Nabiga) Isdadayow. 2. Istaag oo dig. 3. Eebahaana Waynee. 4. Dharkaagana daahiri. 5. Xumaanta ka hijroo (iyo sanamyada).
Dhegayso:
Suurat: Al-Muddathir


Bukhaari wuxuu soo saaray xadiith uu ka warinayo Jaabir inuu maqlay Nabiga (scw) oo ka sheekaynaya kala go’ii waxyiga wuxuuna Nabigu (scw) yiri, anigoo soconaya ayaan waxaan maqlay cod xagga cirka ka yeeraya markaas ayaan xagga sare fiiriyay, mise waa malagii iigu yimid godkii xiraa oo ku fadhiya kursi hawada dhexe ee cirka iyo dhulka u dhaxaysa, markaas ayaan ka cabsaday ilaa aan dhulka ku dhacay, markaas ayaan reerkayga ku soo laabtay anigoo leh, war idadooy war idadooy, markaasaa la idaday, waxaana Alla subxaanah soo dajiyay “hooy kan is dadayoow: Istaag oo dig: (Yaa ayuhal mudathir: Qum Fa’andir) ilaa laga gaaro qowlka Alle ee (Warrujza Fahjur) kadibna waxyigii waa soo batay oo iska daba yimid. 

Faahfaahin Noocyada Waxyigu U Yimaado 

Intaynaan bilaabin sharaxa dacalada noloshii Nabiga (scw) iyo Rasuulnimada, waxaan u baahanahay inaan dulmaro qaybaha waxyiga uu Nabiga (scw) ugu imaan jiray, innagoo aqoonsanayna noocyadaan waxyiga oo ah isha dacwada Nabigu (scw) ka dab qaadanaysay iyo gurmadka hogaanka u hayay, hadaba Al-imam Ibn Qayim wuxuu yiri isagoo faahfaahinaya noocyada waxyiga. 


Dhegayso: The Amazing Quran
ISHA: Islamicity.com


Mid kamid ahi waa ru’yada runta ah ee uu hurdada ku arko, waana noocii uu waxyiga Nabigu (scw) ku bilowday 

2- Nooc uu jibriil Nabiga (scw) ruuxdiisa iyo qalbigiisa ku afuufo isagoo aan arag Malaga, waana kan uu Nabigu (scw) yiri, “Ruuxul qudus (Jibriil) wuxuu naftada ku afuufay inaysan nafina dhiman doonin ilaa ay dhamays tirato risqigeeda ee dadoow Alle ka cabsada oo qurxiya kasabka raadintiisa, yaysanna idinku kallifin irsaaqadda oo soo daahdaa inaad ku raadisaan si aad Alla ku caasinaysaan, waxaa Alla agtiisa yaala laguma helo Isaga in loo hogaansamo mooyee. 

3- In Nabiga (scw) malagu isugu soo ekeeyo nin suuradiis oo uu markaas la hadlo Nabiguna (scw) xafido waxa uu leeyahay, marka uu sidaan isu soo ekeeyo saxaabada ayaa arki jiray mararka qaarkood 

4- Inuu ugu yimaado hab aad u shido badan oo uu maqlayo cod aad mooddo sharqanta ka baxda bir xadiida marka dhagax dushiis lagu garaaco, noocaani waa kan Nabiga (scw) ugu daran, malagu si shido badan ayuu u fahansiinayaa ilaa Nabiga (scw) uu dhidid ka shubmi jiray maalinta qabowga badan, ilaa hadii uu gaadiid saaran yahay neefka geela ahi fariisto inta qaadi waayo culayskiisa, maalin waxaa dhacday inuu sidaan oo kale ugu yimid ayadoo lugtiisu saaran tahay lugta Zayd Ibn Thaabit markaas ayay ku cuslaatay ilaa uu mooday in lugtiisii shiidantay culays dartiis 

5- Inuu Malaga ku arko suuraddii Alla ku abuuray, markaa uu u waxyoodo wixii Alla amray inuu usoo waxyoodo, sidaanna laba goor ayay dhacday sida Alle ku sheegay Suurada Najmi, oo labadaba uu nabigu suuxay intuu u dulqaadan waayey muuqaalka makhluuqaas Alle abuuray 

6- In Alla si toos ah ugu waxyoodo, waana sidii ka dhacday todobada samo korkooda habaynkii Micraajka oo markaa salaadda lagu soo waajib yeelay, waxyaalo kale oo badanna la amray 

7- In lagu soo gaarsiiyo hadalka Alle oo toos ah, ayadoo aan malag u dhaxayn sidii nabi Muuse loola hadlay oo kale, marka la hadlidda Muuse qur’aanka ayaa sheegay tan Nabigeenuna waxay ku sugan tahay xadiithka Israaga 


XUQUUQDA QORAALKA

8- Martabo kale oo la sheegay waxa ay tahay in Alle si toos ah ula hadlo ayadoo aan xijaab u dhaxayn oo uu arko, hasayeeshee waa arrin aan la isku waafaq sanayn culumada qaarkood ayaa aaminsan, mana jiro daliil diini ah oo si cad u sheegaya, asalkuna waa inaan cidina Alle aduunka ku arkayn Aakharo mooyee.

Hadalkii Ibn Qayim waa dhamaaday inagoo xoogaa soo gaabinay. 

______________________________________________

1- qisadaan Imamu dahabi iyo sheekhiisa Al-xaakim waa saxiixiyeen Ibn kathiirse daciif ayuu ku xukumay, fiiri Albidaaya 2/287,
2- fiiri saxiixul Bukhaari baabka dhismihii kacbada 1/540
3- fiifi mucjamka dabaraani ee wayn 5/88 sidoo kale dalaa’ilu nubuwa Albayhaqi 2/34
4- fiiri siiratu nabawiya assaxiixah 1/118—121
* aayadaha soo dagay waa ilaa qowlka Alle ee (callamal Insaana maalam yaclam) 

Nabigoo la amray inuu dacwada dadka ugu yeero iyo kooxdii ugu horraysay ee Islaamtay.

 Daabacaad: SomaliTalk.com | November 1, 2004

Isha Sawirrada: Google search |

QAYBTA 4aad

QAYBTA 6   

Silsiladda Taariikhda Islaamka

Qaybta 6aad::

Nabiga (scw) Oo La Amray U Istaagidda Gudbinta Dacwada 

Rasuulka Alle (scw) soo dagidda bilowga suuraddaan mudathir, waxaa lagu soo dajiyay lix aayadood oo mid waliba xambaarsan tahay ujeeddo wayn iyo murti xeeldheer.

((Hooy kan (nabiga) is dadayoow: Istaag oo dig: Allahaanna waynee: Dharkaagana daahiri: Waxa xunna (sanabada) ka fogoow: Hana manna –abaal- sheegan adigoo badsanaya)) muuqaalkooda hore aayadahaani waxay u muuqanayaan irshaadaad iska fudud iyo murti macna kooban, laakiinse marka hoos loogu fiirsado oo guntooda loo dhaadhaco, waa xigmado aad u qoto dheer oo ujeeddooyin macnahoodu fog yahay xambaarsan, sidoo kale waxay taabanayaan dhinacyo badan oo nolosha dadka ah waxayna ku reebayaan raad mahadho reeba.

Waxaana Nabiga (scw) lagu amray amarro dhawr ah oo waawayn. 

1- Halka laga amrayo u istaagidda digniinta, hadafkeedu waxa weeye qofkasta oo dunidaan guudkeeda ku nool oo khilaafsan sida Allaha khalqiga abuuray ka doonayo inuu uga digo cirib dambeedka xun ee uu ka dhaxlayo hadduusan Alle u hogaansamin ilaa qalbigiisa cabsida Alle gasho. 

2- Halka laga amrayo waynaynta Alle, ujeeddadeedu waxa weeye inaan cidina arladaan korkeeda islawayni ku joogi karin, cidkasta oo islawayni sheeganaysa iyo in la caabudo in hankeeda la jabiyo, ilaa dunida guudkeeda uusan kusoo harin waynaanta Alle mooyee.

3- Halka laga amrayo inuu daahiriyo dharkiisa, hadafkeedu waxa weeye inuu si xeeldheer u daahiriyo naftiisa inta muuqata iyo inta qarsoon labadaba, sidoo kale inuu ka fogaado wax walba oo ceeb ama nuqsaan u soo jiidi kara, ilaa uu gaaro heerka ugu sarreeya ee ruux aadane ahi gaari karo isagoo ay hogaanka u hayso hanuuninta iyo nuurka xagga Alle ka imaanaya, si uu u noqdo tusaalaha basharka toosani ku higsadaan dadka xunina ka haybaystaan. 

4- Halka laga amrayo in uusan manna sheegan (abaal sheegan), ujeeddadeedu waxa weeye inuusan marna tirin hawlaha waawayn ee uu Alla dartiis u fulinayo iyo dadaalkiisa aan waxba loola harin ee uu qabanayo gudashada waajibka Alle saaray dartiis, waa inuu kartidiisa oo dhan isticmaalaa, naftiisa huraa, maalkiisa bixiyaa, habaynkii soo jeedaa, qorax iyo qobbaba istaagaa isagoo aan waxba sheegaynayn. 

5- Aayadda ugu dambaysaana waxay si dadban u tilmaamaysaa inuu dhib badan kala kulmi doono kuwa aan madaxooda khayrku galin, sida khilaafsanaan, ka hor imaad, ku jeesjeesid, caga juglayn, hadal xumo, ka shaqayn dilkiisa isaga iyo akhyaarta saaxiibadiis ah, sidoo kale in lagu haddadi doono dhamaan ciddii raacda in la tirtirayo, sidaa darteed Alle wuxuu amrayaa kulli waxaas oo dhan inuu u dulqaato uuna kala hortago adkaysiga xadiidka iyo quwada maroodiga oo kale isagoo aan magac aduunyo ku raadinayn ee Alle kaliya ku raalli galinaya.

 Amarradaan maxaa ka sahlan muuqaalkooda daahirka ah, maxaase ka yaab badan habka soo jiidashada leh ee daggan ee ay u marayaan, maxaase ka hawl badan oo ka dhib badan fulintooda amase ku camal falkooda, waxaad mooddaa duufaan xoog wayn oo kacday oo hanqartay oo hilaacday oo dunida dacalladeeda martay oo guri walba gudihiisa baabbisay, islamarkaana boorkii, xayaabadii iyo cawuskiiba qaaday. 

Aayadaha laf ahaantoodu waxay si sarbeeban u caddaynayaan arrimo kale oo galaya aaminsanaanta iyo dacwada labadaba, digniintu waxay keenaysaa inay jiraan camallo xun oo dadka sameeyaa ay la kulmi doonaan cirib dambeed xun oo aan la mahadin, islamarkaana waxaa la wada ogsoon yahay inaan dhamaan waxa dadku sameeyo aduunka korkiisa lagaga gudin ama lagu abaalmarin sidaa darteed waa in ay jirto maalin kale oo aan ahayn ayaamahaan aduunka oo dadka la abaalmarin doono amase dambiyada dadka sameeya laga goyn doono, waana maalinta loo yaqaan qiyaamada amase maalinta xisaabta ee wayn, sidoo kale maalinkaas jiritaankiisu wuxuu keensanayaa inay jirto nolol kale oo aan ahayn noloshaan dunida korkeeda ka jirta waana arrimaha dadkaasi markaas aysan rumaysnayn.

Aayadaha intooda kale waxay adoomada Alle ka dalbayaan in Alle kaligii la caabudo, in umuuraha Alle loo bandhigto oo isaga la isu dhiibo, in raalli galinta nafta laga tago oo laga hormariyo raalli galinta Alle, in nafta laga ilaaliyo ceebaha iyo waxyaalaha foolxumadu ugu jirto laguna tarbiyeeyo kasbashada camallada sarreeya ee sharafta badan, waxaas oo dhanise waa marka la rumeeyo risaaladaan loo soo dhiibay Rasuulka Alle, oo la hoosgalo hogaamintiisa toosan lagana tilmaan qaato jahayntiisa quman. 

Dhanka kale aayadahaan bilowgooda waxaa Allaha wayn ee sarreeyaa uu Nabiga (scw) kaga dalbay inuu u istaago xilkaan ballaaran qaadistiisa, gudbinta diintaan toosan iyo gaarsiinteeda aadanaha dunida daafaheeda jooga, inuu ka baxo hurdada macaan ee firaashka dugsoon korkiisa uuna u istaago halgan iyo jihaad dheer, loollan, lagdan iyo dhib aan dhamaanayn ilaa cimrigu dhamaado, ((Hooy kan (nabiga) Isdadayoow: Istaago oo dig)) waxaad mooddaa in la yiri ‘ninkii naftiisa kaliya u nooli waa suuroowdaa inuu noloshiisa iska raaxaysto, adigase ninkaagan xilkaan culus qaadayoow maxaa adiga iyo raaxo isu kiin soo arkay, maxaase adiga iyo hurdo iska kiin galay, maxaase firaash dugsoon, hoos harac ah iyo nolol dan la’aan ah kuugu jira?.

 U istaag daal iyo rabaax, soojeed dheer, guure iyo garaaroco, hawl badan, halgan iyo harwaa inta cimrigaaga ka hartay ah, u istaag meel marinta mas’uuliyadda wayn ee adiga ku sugaysa, waa dhamaatay fursaddii hurdada iyo raaxada wixii maanta ka dambeeyaana waa dhib xariirsan iyo loollan dheraran ee u diyaar garoow.   

Runtii waa kalimad wayn iyo dalab laga argaraxo oo Nabiga (scw) ka saaraysa harka qabow kuna riixaysa mowjadaha badda iyo meerayaasha dhexdooda, ku riixaysa soo jiidasho iyo kasii dhifsasho damiirka dadka iyo garaadkooda, Nabiguna (scw) waa u istaagay heerka ugu sarreeya una gutay hannaanka ugu habboon una taagnaa in ka badan labaatan sano!!.

 Isagoo aan dagin nasan una noolaan naftiisa iyo ehelkiisa midna, u taagnaa culayska amaanadii waynayd, dacwadii Alle iyo farriintii dunidaan loo soo diray, isagoo ay dhabarkiisa saaran tahay mas’uuliyaddii bashariyadda dhamaanteed, culayskii caqiiqada toosan, ku halgankii goobo kala duwan, iska hor imaadyo dhiig ku daadatay, kuwo maalka iyo maskaxda lagula diraray, kuwo seefta iyo qoriga baadkiisa lagu muquunshay, kuwa xujada iyo qalinka caaradiisa lagu qanciyay, kuwa sirtoodii sansaanka suubban lagu saaqay, isagoo (scw) aan arrini arrin ka mashquulinayn muddadaas dheer laga soo bilaabo maalinta uu maqlay dhawaaqa wayn ee jahada sare ka yeeraya ee ku kallifay gaarsiinta xilkaan ballaaran, Allaha wayn ee kaydadka raxmadda gacanta ku hayaayi haka abaal mariyo annaga iyo bashariyadda oo dhan, abaal marin tan ugu khayr badan. 

Hadaba waraaqahaan soo socdaayi kama duwana muuqaal yar oo kamida halgankii dheeraa ee ballaaraa oo uu Nabigu (scw) maray muddadaas dhexdeeda. 

Dawrarkii Dacwada Iyo Marxaladeheeda Kala Duwan


Masjid Al Haram, Makkah| islamicity.com



Masjidka Nabiga (scw), Al-Madinah | islamicity.com


Sida la ogsoon yahay taariikh yahannadu waxay dacwada Nabiga (scw) u qaybiyaan labo dawr oo mid waliba kan kale ka soocan yahay si muuqata, waxayna kala yihiin; 

1- Dawrka loo yaqaan Makki-ga (intuu nabigu makko joogay) oo gaaraya sadex iyo toban sano oo waxyar dhiman. 

2- Dawrka Madani-ga (intuu nabigu Madiina joogay) oo gaaraysa toban sano oo dhamays tiran. 

Labadaan dawr mid kasta waxaa ku guda jira marxalado kala duwan oo u khaas ah, waxayna taasi si cad u muuqanaysaa markii si xeel dheer loo fiiriyo duruufaha ay dacwada Nabigu (scw) soo martay labadaan dawr dhexdooda, waxaa hadaba suura gashay in dawrka Makki-ga ah loo qaybiyay sadex marxaladood oo kala ah.

A- Marxaladdii dacwadu ay ku socotay habka qarsoodida ah, oo qaadatay sadex sano. 

B- Marxaladdii dacwada loo iclaamiyey oo kor loogu muujiyey reer Makko kaliya, oo qaadatay laga soo bilaabo bilowgii sanadka afraad ee taariikh-da nabinnimada ilaa dhamaadka sanadkii tobnaad ee nabinnimada. 

C- Marxaladdii dacwada ka baxsan seeraha Makko, laguna faafiyay xuduudaha ka baxsan Makka, kana bilaabata dhamaadka sanadkii tobnaad ee nabinnimada ilaa hijradii Nabiga (scw) uu madiina u hijrooday.

Waxaan hadaba halkaan ku faahfaahin doonnaa –insha Allah- marxaladaha dawrka Makki-ga ah, dawrka madaniga ahina gadaal ayuu inoogu imaan doonaa isagoo marxaladihiisa wata markii meeshiisa la gaaro insha allaah. 

Dawrka Makki-ga Ah 

  • Marxaladda Koowaad Ee Halgankii Dacwada 
  • Sadexdii Sano Ee Dacwada Qarsoodida ah


Kabah, Masjid Al Haram, Makkah: 1297 AH (1880 CE)  Sawirka: www.islamicity.com


Sida la ogsoon yahay Makko waxay ahayd saldhiga diiniga ah ee carbeed, waxaana ku noolaa kuwa u khidmeeya Kacbada sharafta leh, kuwa u quma u adeegidda sanabada iyo wathannada muqadaska u ah carab inteeda kale, hadaba in laga gaaro maqsuudka amase muraadka islaaxinta ah ee la doonayo amase in lagu qanciyo kalinimada Alle iyo rumaynta aakharo waa arrin aad u qallafsan marka loo fiiriyo meel ka fog, waxayna u baahan tahay hawl fooqal caqli ah iyo go’aan aysan gilgili karin masiibooyinka iyo dhacdooyinka xanuunka badani, sidaa darteed si duruuftaan loola falgalo waxaa xigmaddu tusinaysay in dacwada bilowgeedu ku socdo hab qarsoodi ah, si aan reer Makko uga duldhicin wax aysan filanayn oo ka caraysiiya. 

Ibn Isxaaq wuxuu yiri, waxaana u dhexeeyay intii uu Nabigu (scw) qarsoodida ku waday ilaa laga amray inuu shaaciyo sadex sano oo kaamil ah. 

Racii Ugu Horreeyay Ee Saxaabada 

Tallaabadii ugu horreysay ee uu Nabigu (scw) ku bilaabay dacwadiisa waxay ahayd inuu diinta Islamka u bandhigo dadka kuwa ugu dhaw, dadka ay isku xiran yihiin iyo qoyskiisa iyo saaxiibadiis, wuxuu hadaba ugu yeeray Islaam nimada, wuxuuna u bandhigay qof kasta oo uu astaan khayr ku maleeyay ee dadka uu yaqaan iyaguna yaqaan runtiisa iyo amaanadiisa,  qof kasta oo uu ku yaqaan jacaylka Alle iyo u hogaan sanmidda xaqa ayaguna ku yaqaan akhlaaqdiisa sarraysa iyo shakhsiyaddiisa qaaliga ah.

Waxaa hadaba ajiibay (kuwa aan waligood ka shakiyin runtiisa) koox lagu yaqaan taariikhda Islamka racii ugu hormaray khayrka, waxaana kuwaas ugu horreeyay zawjada Nabiga (scw) Umul mu’muniin Khadiija Bint Khuwaylid, iyo saaxiibkiis mawlihiisana ah Zayd Ibn Xaaritha Ibn Shuraxbiil Alkalabi,iyo wiilka yar ee ay ilma adeerka yihiin Caliyi Ibn Abitalib wuxuuna ahaa wiil yar oo Nabigu koriyo iyo saaxiibkiisa khaaska ah ee Abuubakar Assidiq, kooxdaani waxay islaameen maalintii ugu horreysay ee dacwada Islamka. 

  • Khadiija Bint Khuwaylid
  • Zayd ibn Xaaritha Ibn Shuraxbiil Al-Kalabi
  • Cali Ibn Abitalib
  • Abuubakar Assidiq

Abubakar markuu islaamay dhankiisa ayuu isna ka bilaabay faafinta diinta, wuxuuna ahaa nin saaxiibo badan oo soo jiidasho leh oo akhlaaq wanaagsan iyo sadaqo badni lagu yaqaan, wuxuu kaloo ahaa nin ganacsade ah oo aan gurigiisa raggu ka dhamaan lacagtiisa iyo cilmigiisa darteed, wuxuu hadaba dacwada islaamka ugu yeeray saaxiibadiisa uu ku kalsoon yahay ee la fariista islamarkiibana waxaa dacwadiisa ku islaamay Cuthmaan Ibn cafaan Al-amawi, Azubayr Ibnul Cawaam Al-asadi, Cabdiraxmaan Ibn Cowf iyo Sacad Ibn Abiwaqaaf Azuhri labaduba, Dalxata Ibn Cubaydillah Attaymi, kooxdaan siddeedda ahi waxay ahaayeen hordhacmadii ugu horreeyay ee Islaamka. 

Waxaa kaloo dadkii horay u islaamay kamida Bilaal Ibn Rabaax Alxabashi, kadibna waxaa kusoo xigsaday ummaddaan aaminkeedii Abucubadayda Caamir Ibnul jaraax Alfihri, sidoo kale Abusalama Ibn Cabdil Asad iyo Al-arqam Ibn Abil Arqam Almakhzumi labaduba, Cuthmaan Ibn Madcuun iyo walaalihiis Quddaama iyo Cabdullahi, Cubaydata Ibn Xaarith Ibn Mudalib Ibn Cabdi Manaaf, Saciid Ibn Zayd Al-cadawi iyo haweenaydiisa Faadima Bint Alkhatab Al-cadawiya Cumar walaashiis, Khabaab Ibn Arath, Cabdulaahi Ibn Mascuud Al-hudali iyo saxaabo kale oo badan. 

Ibn Isxaaq wuxuu yiri, kadibna dadkii ayaa Islaamka u soo galay raxan raxan rag iyo dumarba ilaa hadal haynta Islamku ku faaftay Makko oo lagu sheekaystay. 

Dadkaani hadaba waxay kusoo islaameen si qarsoodi ah Nabiguna (scw) wuxuu kula kulmi jiray oo wax ku bari jiray oo caqiidada iyo qur’aanka soo daga ugu akhrin jiray si qarsoodi ah, sababtoo ah wali dacwadu waxay ku jirtay marxaladdeeda qarsoodida iyo kali kalida ah, waxyiguna wuxuu usoo dagi jiray si aad u badan kadib markay soo dagtay Mudathir, suuradaha iyo aayadaha soo dagaya mudadaaasna waxay ahaayeen aayado gaagaaban oo leh joogsiyaal iyo xubno aad u qurux badan, xambaarsan xujooyin iyo baraahiin aan cidina la doodi karin, leh hab dhacmeedyo dagan oo aad u macaan iyo soo jiidasho, la falgalaya jawigaas cakiran ee ee qarsoon, dhiirrigalinaya nadiifinta ruuxda, ceebaynaya ku wasakhaynteeda dhaldhalaalka aduunka, dhalan xumaynaya cibaadada shirkiga, tilmaamaya oo sifaynaya jannada iyo naarta sidii ayagoo kuu muuqda, dadka mu’miniinta ah u kaxaynaya duni kale oo aan ahayn dunida ay ku nool yihiin iyaga iyo dadka oo dhani markaas. 

Sababaha Islaamidda Saxaabadaan Qaarkood. 

Ibn Isxaaq wuxuu yiri, Jibriil (cs) ayaa meel waadi dhiniciis ah ciribta ku dhuftay markaasaa il biya ahi kasoo burqatay, markaas ayuu ku weeso qaatay Muxamedna (scw) ku weeso qaatay, kadibna wuxuu tukaday labo rakcadood, markaas ayaa Nabigu (scw) soo laabtay isagoo Alle naftiisa qaboojiyey ishiisana farax galiyey, markaas ayuu inta Khadiija gacanta qabtay ishii biyaha ahayd la aaday, markaas ayuu u weeso qaatay sidii Jibriil u weeso qaatay,markaas ayey isaga iyo Khadiija labo rakcadood tukadeen, kadibna Nabiga (scw) iyo Khadiija waxay u tukan jireen si qarsoodi ah, maalin ayaa Cali soo maray ayagoo tukanaya markaas ayuu Cali yiri, Muxamadow waa maxay waxaan aad samaynaysaan? Markaas ayuu yiri, waa diin Alle u doortay naftiisa lana soo diray Rusushiisa, waxaan hadaba kuugu yeerayaa rumaynta Alle kaligiis iyo inaad ku kufrido Laate iyo Cuzaa. 

Markaa ayuu Cali yiri, diintaani waa mid aanan waligay maqlin maanta ka hor, sidaa darteed go’aan ka gaari mayo ilaa aan aabahay u sheego, Nabiguna (scw) wuxuu diidanaa inuu sirtaan faafiyo inta aan shaaca laga qaadin, markaas ayuu yiri, Caliyow haddaadan adigu Islaamin qari sirtaan, Cali habaynkii ayuu joogay kadibna qalbigiisa ayaa Alle Islaamka galiyey, markii uu waa bariistay ayuu Nabiga (scw) u yimid oo hortiisa ku islaamay kadibna way ka qariyeen Abudalib. 

Ilaa uu maalin soo maray ayagoo tukanaya markaas ayuu Nabiga ku yiri, Adeer waa maxay waxaan aad samaynaysaan? Markaas ayuu yiri, adeer waxaani waa diintii Alle, diinta Malaa´iktiisa, rusushiisa iyo Diintii Ibraahiim, oo Alle ila soo diray si aan adoomada u gaarsiiyo adigana adeer waxaad tahay qofka ugu mudan qof aan naseexadayda gaarsiiyo ama naftayda u huro ama aan hanuunka ugu yeero iyo qofka ugu mudan inuu iga ajiibo iguna garab istaago, markaas ayuu yiri, adeer anigu haddeer ma awoodo inaan ka tago diintii aabayaashay laakiin wallaahay anoo nool inaan waligay la iikaa gacan dhaafi karin ee wado diintaada, intuu cali eegay ayuu yiri aduguna ma Islaamtay markaasuu yiri, haa, markaas ayuu yiri, wax aan khayr ahayn Muxamed kuuguma yeerin ee raac oo ugu kaalmee. 

Kadibna waxaa Islaamay Zayd Ibn xaaritha, cali kadib wuxuuna yiri, Cali waxaa Alle ku galladaystay in Nabigu (scw) korin jiray Islaamnimada kahor. 

Muxamed Ibn Kacab Alquradi wuxuu yiri, qofkii ugu horeeyay ooslaamay waa Khadiija kadibna waxaa Islamay Abuubakar iyo Cali, Calibaana horreeyey, Abuubakar na waa ninkii ugu horreeyey oo diintiisa muujistay.

Nabigu (scw) wuxuu yiri, waligay qof diinta uguma aanan yeerin illaa hakad iyo ka fiirsi ayuu lahaa Abuubakar mooyee, kama uusan hakan markaan u sheegay kamana laallaaban. 

Dalxata Ibn Cubaydillah wuxuu yiri, waxaan tagay suuqa wayn ee magaalada Busraa, mise nin raahib ah ayaa Sowmacaddiisii (macbad mowlac) kasoo dagay, oo wuxuu leeyahay waryaa xaramka ka yimid, cid reer Makko ahi halkaan ma joogtaa? Markaas ayaan waxaan iri, haa anigaa ka imid, markaas ayuu yiri, wali Axmed masoo baxay? Saanne oo Axmad waa kuma? Suuye Ibn Cabdillahi Ibn Cabdil Mudalib, waa bishaan markuu soo bixi lahaaye, waana nabiyada kii ugu dambeeyey, meeshuu kasoo baxayaana waa Xaramka meesha uu u hijroon doonaana waa dhul timir, dhagax madow iyo carraseel leh, hadaba ogoow ninyohow yaan cidina kaaga hor marin. 

Dalxa wuxuu yiri, hadalkaan ayaa qalbiga igaga dhacay, markaas ayaan usoo dagdagay xagga Makko, markaa imid ayaan waxaan leeyahay, war wax dhacay ma jiraan, maxaa magaalada bishaan ku cusub? Markaasey yiraahdeen, haa Muxamed Ibn Cabdillahi Amiinkii ayaa nabinnimo sheegtay, waxaana raacay Ibn Abii Quxaafa (abuubarkar) markaas ayaan usoo galay Abuubakar oo iri, ma ninkaanaad raacday? Markaas ayuu yiri haa, adigana waan kuugu yeerayaa ee raac oo rumee, markaas ayaan uga warramay hadalkii raahibku yiri, markaas ayuu gacanta ku dhagay Abuubakar ilaa uu Nabiga (scw) ugala soo galay markaas ayuu Dalxa Islaamay, markii Abuubakar Iyo Dalxa Islaameen waxaa qabtay Nowfal Ibn Khuwaylid Al-cadawi markaas ayuu geed salkiis xarig kula xiray, Bani-taymna –waa laftoodee- kama celin, Nowfalna waxaa lagu niinaasi jiray libaaxii Qureysheed, marka halkaas ayaa labadooda loogu magacaabay Al-qarnayn labadii tiirka ku xirnaa. 

Cammaar Ibn Yaasir isaga, aabihiis Yaasir Ibn Caamir iyo hooyadiis Sumaya Bint Khayaad waxay ayaguna ka mid ahaayeen dadka horay u islaamay, marka Bukhaari iyo Muslim waxay wariyeen inuu Cammaar yiri, waxaan ark ay Rasuulka Alle (scw) oo aysan la socon (rumaysnayn) shan addoon, labo dumar ah iyo Abuubakar mooyee," Sidaasna  tira ahaan Cammaar sagaal ku noqonayo.

Calina muusan sheegin sababtoo ah, wuxuu ahaa caruur toban jir ah sidaa waxaa yiri Al-imamu Dahabi. 

Sidoo kale labada sheikh waxay soo saareen Sacad Ibn Abiwaqaas inuu yiri, “wallee waxaan joogay todobo maalmood anigoo Islaamka sadex meeloodkiis ah” wuxuuna ka wadaa in sadex qof oo uu ku jiro oo kaliyihi ay muslim ahaayeen. 

Imaamu Muslim wuxuu soo saaray Camar Ibn Cabasah inuu yiri, “waxaan u imid Rasuulka Alle (scw) isagoo Makko jooga oo is qarinaya markaas ayaan iri kumaad tahay? Markaas ayuu yiri “waxaan ahay nabi” saanne oo nabi waa maxay? Suuye “Rasuulkii Alle” saanne ma ilaahay baa kusoo diray markaas ayuu yiri, “haa” saanne oo muxuu kula soo diray markaas ayuu yiri, “In Alle kaliya la caabudo oo sanabada la jajabiyo oo qaraabada la xariiriyo” markaas ayaan iri, alla waxa lagula soo diray fiicanaa, yaa ku rumeeyey, markaas ayuu yiri, “nin xor ah iyo nin addoon ah” wuxuuna ka wadaa Abuubakar iyo Bilaal, markaas ayaan iri, rasuulka Allow anna waan ku rumeeyey, Camar wuxuu marka oran jiray, “wallee waxaan is arkay anigoo sadexdooda afar ku ah”. 

Cabdullahi Ibn Mascuud wuxuu yiri, waxaan ahaa wiil kuray ah oo la jooga ari uu leeyay Cuqbata Ibn Abi-mucayd (1) Makka duleedkeeda, waxaa marka isoo maray Rasuulka Alle (scw) iyo Abuubakar, ayagoo kasoo cararay niman mushrikiin ah oo raacdaysanayey, markaas ayuu yiri, ninyohow dhallin yarada ahi wax caano ah ma haysaa oo aad naga waraabisid? Markaas ayaan iri, anigu waxaan ahay ammaano haye oo idinma siin karo caanaha, markaas ayuu yiri, ma nookeeni kartaa ceesaan yar oo aan wali orgoon?. 

Markaas ayaan iri, haa haddaad caano ka lisi kartid waana u keenay, marka Abuubakar ayaa ceesaantii lugta qabtay Nabiguna naasaheeda ayuu qabtay waana duceeyey markaasaa ceesaanta naasaheedii darareen oo caano kasoo buuxsameen sidii neef dihin, Abuubakar ayaa keenay dhagax godan sidii weelkii, markaas ayuu ku lisay ilaa ay caano cabbeen anigana ay I waraabiyeen, markaas ayaa naasihii baaba’een markii muddo lagu joogay ayaan Nabiga (scw) Makko ugu imid oo ku iri, ibar hadalkaas wanaagsan oo aad ku akhriday ceesaanta, markaas ayuu qur’aanka ibaray oo yiri “waxaad tahay wiil yar oo wax baran kara” waxaanna afkiisa ka qaatay todobaatan suuradood oo aan nina igula doodi karin. 

Mid kasta saxaabadaan kamida waxaa taariikhdiisa la socota sheeko layaab badan oo sabab ugu ahayd Islamnnimadiisa iyo u hogaansankiisa xaqa.  

Salaadda 


kuna tasbiixso adoo ku dheehan mahadda Eebahaa Galab iyo Aroorba:
Suurat Ghaafir ayaada  55aad.

Marka la fiiriyey qur’aanka soo dagay waqti hore oo maalmaha Nabiga (scw) kamida, waxaa muuqata in bilowgii nabinnimadaba la amray salaadda, wuxuu yiri Muqaatil Ibn Sulaymaan, bilowgii Islaamka, Alle wuxuu waajib yeelay salaadda labo rakcadood oo subixii ah iyo labo rakcadood oo galabtii ah sida lagu caddeeyey qowlka Alle (( Tasbiixso adigoo ay kuu weheliso xamdinaqa Rabbigaa galabkii iyo aroortiiba)) suuradda 40:55, sidoo kale Al-xaafith Ibn Xajar wuxuu yiri, in Nabigu (scw) Israaga ka hor tukan jiray waa hubaal sidoo kale saxaabadiisa, hasayeeshee waxaa la isku khilaafay in ay jiraan salaadaha shanta ah kahor wax salaada oo la isku farad yeelay iyo inkale, waxaana la yiri faradku wuxuu un ahaa salaad qorax soo baxa ka horraysa iyo salaad ka dambaysa. 

Zayd Ibn xaaritha waxaa laga wariyay inuu yiri, markii ugu horraysay oo Rasuulka Alle (scw) loo waxyooday, Jibriil ayaa u yimid wuxuuna baray weesada, markii uu dhameeyey weesadii wuxuu qaatay sacab biyo ah markaas ayuu cawradiisa ku firdhiyey, Ibn Cabbaas waxaa laga wariyey inuu yiri, taasina waxay ahayd markii ugu horreysay ee salaadda la waajib yeelay. 

Ibn Hishaam-na wuxuu sheegay in Nabiga (scw) iyo saxaabadiisu markii salaadda la gaaro ay aadi jireen meelaha cidlada ah, ayagoo salaaddooda la dhuumanaya, mar kamida waqtiyadaasna waxaa dhacday in Abu-talib uu arkay Nabiha (scw) iyo Cali oo tukanaya, marka arrintaan ayuu waydiiyey markii uu hubsaday waxaan ay samaynayaanna wuxuu kula taliyey inay ku sugnaadaan camalkoodaan. 

Warkii Oo Qureysh Si Duuduub ah ku Gaaray 

Marka taariikhdaan dacalladeeda la fiiriyo waxaa muuqanaysa marxaladdaan dhexdeeda inkastoo dacwadu ay qarsoodi ku socotay in hadalhaynteedu ay Qureysh gaartay, laakiinse aysan wax wayn u qaadan sidaa darteed aysan waxba u dan galin. 

Maxamed Al-ghazaali wuxuu yiri, wararkaani waxay u duulduuleen Qureysh wax danase umaysan yeelan, waxaana laga yaabaa inay Muxamed (scw) moodeen mid kamida kuwaas Dayaaniyiinta (2) loo yaqaannay ee ka hadli jiray ilaahnimada iyo xuquuqdeeda, sidii uu yeelay Ubaya Ibn Abisalti, Qeys Ibn Saacida, Camar Ibn Nufeyl iyo kuwa la midka ahaa, hasayeeshee waxay cabsi badan ka qabeen in akhbaartiisu faafto ama uu raad sii jiitama yeesho, sidaa darteed waxay bilaabeen inay u kuurgalayaan dacwadiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa si xeeldheer. 

Sidaa marka waxaa ku gudbay sadex sano oo dacwada Nabigu (scw) ay wali si qarsoodi iyo kali kali ah ku socotay, muddadaan dhexdeedana waxaa dhisantay jamaaco mu’miniin ah oo oogaya walaalnimadii iyo iskaalmaysigii Islaamka, iyo gaarsiinta risaalada Islaamka iyo dhaxalgalinteeda, markaas ayaa waxaa soo dagay waxyigii Alle oo Rasuulka Alle ku kallifaya kuna waajib yeelaya inuu dacwada shaaca ka qaado sidoo kale inuu riddiyo baadilka ay kufaarta qureysheed ku jiraan, inuu dagaal af ah oo kulul ku qaado sanabadooda, inuu caddeeyo kufriga ay ku sugan yihiin. 

Marxalladii Labaad Ee Dawrka Makkiga ah 

  • Dacwadii oo kor loola jahray 
  • Amarkii ugu horreeyey Ee Muujinta Dacwada 


Una Dig Qaraabadaada Kuu sii dhaw. Suurat Ash-Shucaraa´: Aayad 214aad.

Amarkii ugu horreeyey ee muujinta xaqa lagu amray ee Nabiga (scw) ku soo daga wuxuu ahaa qowlka Alle ((u dig qaraabadaada dhawdhaw)) 26:214 iyo suuradda ay aayaddu ku jirto ee Shucaraa, waxaa suuradaan bilowgeeda lagaga sheekeeyey qisada nabiga Alle ee Muusa (cs)  lagasoo bilaabo noqoshadii nabiga, lasoo maro hijradii uu reer Bani-israel la hijrooday, ka badbaadintii fircon (pharaoh) iyo qoomkiisa, laguna dhameeyey qarqintii lagu maasheeyey fircoon iyo qoomkiisa, waxaana qisadaan ku jira dhamaan marxaladihii uu Muuse soo maray muddadii uu ummadda Faraacinada diinta ugu yeerayay. 


Kacbada : Makkah | Sawirka www.saudinf.com


Sida  lagu tafsiiray waxaa qisadaan sidaan Alle ugu faahfaahiyay si Nabiga (scw) iyo saxaabadiisa hortooda tusaale cad uu u yaallo oo ay uga qiyaas qaataan waxa ay la kulmi doonaan oo beeninta iyo cadaadinta ah markay dacwadooda sare u muujiyaan, sidoo kale inuu u caddaado dhibka iyo shidada badan oo ay la kulmi doonaan. 

Dhinaca kale marka laga fiiriyo suuradaani waxay ka sheekaysay sidii xumayd ee ay ku dambeeyeen kuwii rususha Alle beeniyey ee qoomkii Nuux, Caad, Thamud, qoomkii Ibraahiim, qoomkii Luud, iyo qoomam kale.

Qisada Muuse iyo Fircoon kadib, waxaa halkaan ku jira tilmaan sarbeeban oo ah inay ogaadaan kuwa Nabiga beenin doonaa sida xun ee xaaladdoodu ay ku dambayn doonto hadday ku adkaystaan indha adaygga iyo madax qallayfka, sidoo kale inay mu’miniintu ogaadaan in mustaqbalka fiican ay ayagu yeelan doonaan ee aysan gaaladu lahayn. 

Nabiga oo Qaraabadiisa la kulmaya

 Markii aayaddaani ay soo dagtay tallaabadii ugu horreysay ee uu Nabigu (scw) qaaday waxay ahayd inuu marti qaad ugu yeeray qoyskiisa Bani-haashim, marka way yimaadeen ayagoo ay weheliyaan dhawr nin oo Bani-mudalib ah, waxayna tiradoodu isku noqotay shan iyo afartan nin oo gaashaan qaad ah, markii meeshii la yimid waxaa la cunay marti qaadkii loo sameeyay raashinkaas oo yaraa oo Alle barakeeyay raggii oo dhan ay ka wada dhargeen.

Markii uu Nabigu hadli lahaa waxaa hadalkii ka boobay Abu-lahab oo yiri ninkaani waa idin sixray -raasshinka yar oo deeqay dartiis- haddana inta Nabiga (scw) soo eegay ayuu yiri, “kuwaani waa adeerradaa iyo ilma adeertaa ee hadal oo gaalnimada jooji, ogowna inaan tolkaa lahayn awood uu carab oo dhan kaga hortago, anigaana ugu xaq leh cid gacanta ku qabata, joog ilma adeertaa baa kugu filan inay xadkaaga kugu hayaan, haddaad kusii socoto waxa aad ku jirto waxaa u fudud inay ayagu ku xiraan intaan lafaha Qureysheed kugu soo boodin, oo gacanta carbeed kusoo gaarin, waligay maanan arag nin dadkiisii ula yimid wax ka shar badan waxa aad ula timid dadkaagii” sidaa darteed fadhigaan Nabigu (scw) waa aamusay oo waxba muusan ka oran waana lagu kala tagay. 

Haddana fadhi labaad ayuu Nabigu qabtay oo qado lagu sameeyay wuxuuna yiri, (( Mahad idilkeed waxay u sugnaatay Allaha wayn anigoo mahadinaya, oo kaalmo waydiisanaya, oo rumaynaya, oo isaga tawakulaya, waxaanna qirayaa inaan ilaah xaq lagu caabudo jirin Allah mooyee oo kaligiis ah oo cid la wadaagtaayi jirin)) kadibna wuxuu yiri, “ninkii sahmiyey dadkiisa been uma sheego waxaan ku dhaartay Allaha aan ilaah kale jirine, waxaan ahay rasuulkii Alle idiin soo diray si gaar ah, dadkana loo soo diray si guud, wallaahay waad dhimanaysaan sidaad u seexataan oo kale, waana la idin soo bixin doonaa sidaad usoo toostaan, waana la idin xisaabin doonaa waxaad camal falaysaan, markaasna ama waa janno lagu waarayo ama waa naar lagu waarayo oo aan waxba ka dhaxayn”. 

Abutalib ayaa hadlay oo wuxuu yiri, Alla yaa naga jecel inaan ku caawino, yaa naga aqbali og naseexadaada, yaa nooga kaa rumaysi badan hadalkaaga, kuwaanina waa reer aabahaa oo kuusoo ururay, aniguna mid kamida unbaan ahay inkastoo aan ahay kan ugu dagdagi og waxa aad jeceshahay, hadaba ku soco waxa lagu amrayo, Allaan ku dhaartaye waligay ka daali mayo inaan ku ilaalinayo oo ku difaacayo, inkastoo naftaydu aysan iga yeelayn inaan ka tago diintii Cabdulmudalib. 

Abu-lahab ayaa markaa wuxuu yiri, waxaan aad ku hadashay wallaahay waa xumaan, war hooy gacmaha qabta oo xira intaan cid aan idinka ahayni qaban, markaas ayaa waxaa u jawaabay Abudalib oo yiri, wallaahay waligayo waan difaacaynaa intaan jirno. 

Buurta Safa Dusheeda    


SAFA & MARWA {MAKKAH}.Sawirka: www.pakizonline.com


Kadib markii uu Nabigu (scw) hubsaday ballan qaadka uu Abutalib ka helay ilaalintiisa isagoo dacwada Alle ummadda gaarsiinaya, wuxuu maalin fuulay buurta Safa dusheeda markaas ayuu qayliyey codkiisa heerka ugu sarreeya “Waa wareey!! War isu kaalayooy! Waa wareey!” dadkii oo dhan ayaa codka xaggiisa ku yaacay waxaana meesha isugu yimid dhamaan lafaha Qureysheed oo dhan, markaas ayuu Nabigu dadkaas ugu yeeray Towxiidka iyo Iimaanka iyo inay Rumeeyaan risaaladiisa iyo inay jirto maalin dambe oo dadka la soo saari doono oo layiraahdo aakharo. 

Al-Imamul Bukhaari oo qisadaan dacaladeeda dacal kamida ka wariyay Cabdullahi Ibn Cabbas wuxuu yiri, “markii ay soo dagtay aayaddaan qur’aanka ah ee ((U dig qaraabadaada dhawdhaw)) Nabigu (scw) wuxuu fuulay buurta Safa dusheeda, wuxuuna bilaabay inuu u yeerayo lafaha qureysheed isagoo magacaabaya yaa Bani-Fihir (qureysh) war reer bani-fihiroow! Yaa Bani-Ciddiyi! Lafaha Qureysheed isagoo magacaabaya ilaa ay isu yimaadeen, xataa qofkii aan awoodin inuu yimaado qof kale ayuu soo dirayey si uu usoo fiiriyo waxa dhacay waxay yihiin, Qureysha  waa timid, waxaa kaloo dhankiisa yimid Abu-lahab.

Wuxuu Nabigu (scw) yiri, “ka warama haddaan idiin sheego ciidan fardoolay ah oo toggaan dhiniciisa soo socda oo raba inay idinku soo duulaan” ma iga rumaysan lahaydeen? Waxay ku jawaabeen, wax aan run ahayn hore kuuguma aannaan baran, markaas ayuu yiri, “hadaba waxaan idiin ahay dige (qayla dhaanshe) cadaab kulul intuusan imaan hortiis” Abu-lahab ayaa wuxuu yiri, Hoog Alle kubad maanta gudaheeda, war ma waxaasaad isagu kaaya yeertay? Markaas ayaa Alla soo dajiyay suuradaan ((Tabbat yadaa Abii-lahab)) wuxuu khasaare ku dhacay gacmaha Abilahab: 


Suurat Al-Masad (111:1-5)

Sidoo kale Imaamu Muslin ayaa isaguna qisadaan dacal kale ka wariyey Abi-hurayra wuxuuna yiri, markay soo dagtay aayaddaan ((U dig qaraabadaada dhawdhaw)) Rasuulka Alle (scw) ayaa dhawaaqay isagoo si guud iyo si khaas ahba dadka ugu yeeray, marka wuxuu yiri Nabigu (scw), “war kulankii Qureysheedoow naftiina naar ka badbaadiya, war kulankii Bani kacaboow! Naftiina naar ka badbaadiya! Faatima Bint Muxamadeey! Naftaada naar ka badbaadi! Anigu waxba kaagama awoodo Alla agtiisa, inaad leedihiin qaraabanimo mooyee aan xarigeeda qoyn doono (xariirin doono). 

Kalimaadkaas daacadnimada iyo talagalyada ah ee uu sare u qaaday run ahaantii waa yoolka ugu sarreeya ee gaarsiinta dacwada laga gaaro, wuxuuna Nabigu (scw) ugu caddeeyay dadka qofkii ugu dhawaa in rumaynta diintaan la rumeeyo ay tahay xarigga kaliya ee ehelnimadoodu ku xariirsanaan karto, sidoo kale in hiilkii qaraabada ee nadaamka carabtu ku socdayi ay ku dhalaashay kulaylka digniintaas codka dheer ee ka timid xagga Alle. 

Qarxintii Xaqa Iyo Caradii Mushrikiinta 


ee Muuji waxa lagu fari iskagana geedso Mushrikiinta.
Suurat Al-Xijr: Aayada 94aad

Ayadoo codkaas dheer uu wali gaalada dhagahooda ka qaylinayo ayaa Alla soo dajiyay qowlka Alle ee ((Caddee- qarxi- waxa lagu amrayo kana jeeso Mushrikiinta)) 15:94 markaas ayuu Raruuslka Alle (scw) u dhaqaaqay inuu riddiyo khuraafaadka shirkiga oo banaanka soo dhigo dhalliilihiisa, inuu faahfaahiyo xaqiiqada sanabadu waxa ay tahay iyo inaysan dhab ahaan wax qayma ah lahayn, isagoo tusaalayaal badan ku caddaynaya caajis nimadooda, dhagaxnimadooda, inaysan waxba cid yeeli karin waxna tari karin, inuu xujooyin quwad wayn iyo aayado macna dheer ku caddaynayo in qofkii caabuda oo ka dhigta cid isaga iyo Alle u dhaxaysa amase Alle loo sii maro uu baadiyoobay baadinimo cad. 

Makko waxay la burqatay oo la qaraxday dareen caro leh, waxay isla dhex qaadday xanaaq iyo qaadan waa, markay maqleen cod kor ula qaylinaya baadinimada mushrikiinta iyo cibaadada sanabada, waxaad mooddaa sidii biriq cirka kasoo dhacday oo daruurihii kala dhex jiirtay oo unkadday oo hilaacday oo dunidii dagganayd gariirisay, Qureysh oo dhani hal mar ah ayey istaagtay ayagoo isu diyaarinaya siday u damin lahaayeen kacdoonkaan hoostooda ka qarxay si lama filaan ah, lagana cabsanayo inay ka takhalusto caadooyinkoodii dhaxalgalka ahaa iyo dhaqamadoodii hore ee aabayaasha. 

Way wada istaageen sababtoo ah waxay garanayeen in macnaha Imaanka ee ku dhisan inaan la caabudi karin cid Alle kasoo hartay, iyo macnaha rumaynta risaalada Alle iyo maalinta qiyaamada inuu yahay u hogaansamid buuxda iyo isdhiibid bannaan oo Alle loo hogaansamo, ayadoo uusan u hari doonin madax bannaani inay waxay rabaan sameeyaan ama siday rabaan maalka ugu cayaaraan ama cidday doonaan caabudaan ayadoo aan ninna xisaabinayn, taasoo ay u arkaan inay halkaas ku dhumi doonto boqortinimadoodii curadda ahayd iyo isla waynidoodii ay carab la dheeraayeen, taasoo huwanayd hagoog diineed.

 Sidoo kale inay ku khasbanaan doonaan wax Alle raalli galiya kaliya, in loo diidi doono dulmigii ay u gaysan jireen dabaqadaha hoose ee bulshada, in laga joojin doono xumaantii ay faraha kula jireen maalin iyo habaynba, waxaas oo dhan ayey ula muuqatay sidaa darteed waxay u arkaan xaalad xun oo aan marna la aqbali karin ((Insaanku wuxuu doonayaa inuu hortiisa ka been abuurto)). 

Inkastoo ay waxaas oo dhan garanayeen oo arrimuhu sidaa ula muuqdeen, maxay hortiisa ka samayn karaan nin ku caan baxay runta iyo ammaanada, nin noqday tusaalaha aadanaha ee sharafta, karaamada, haybadda iyo akhlaaqda wanaagsan, nin aysan hore u maqal cid la barbardhigi karo amase cid lagu matali karo quruuma badan oo taariikhda aabayaasha iyo ummadaha hore ah? Arrintaan ayey ku wareereen waana tahay wax ay ku wareeraan. 

Hadaba markay wax badan fakareen oo arimaha u fiirsadeen uma muuqan si kale oo ay yeeli karaan oo aan ahayn inay Abutalib u tagaan, oo ay isaga ka codsadaan inuu qabto wiilka uu adeerka u yahay, waxay isku waafaqeen si ay u muujiyaan caradooda iyo in arrintaani meel xun ka joogto, inay yiraahdaan, u yeeridda dadka loogu yeerayo ka tagidda ilaahyadooda iyo hadalka ah inaysan waxba tari karin awoodna lahayni inay meelka dhac wayn iyo liidid ballaaran ku tahay sharaftooda sidoo kale inay bahdilid iyo caqli durid ku tahay aabayaashoodii hore ee diintaan caabudi jiray, wadadaas ayaa u muuqatay markaasay hore u qaadeen. 

Wafdigii Qureysheed Oo Abutalib Hor Fadhiya 

Ibn Isxaaq wuxuu yiri, waxaa si abaabulan usoo dhaqaaqay odayaal magac dheer oo madaxda qureysheed kamida ilaa ay Abutalib uga yimaadeen, markaas ayey dheheen, Abutalibow wiilka walaalkaa dhalayi wuxuu caayey Illaahyadayadii, wuxuu dhalleeceeyey diintayadii, wuxuu dhalliilay dadkayagii caqliga badnaa, wuxuuna baadi nimo ku sheegay aabayaashayadii hore, hadaba inaad naga qabato amase inaad annaga iyo isaga iskaga kaaya dhex baxdo waxba maanta kama dhexeeyaan, sababtoo ah adiguba isku si ayaad noola khilaafsan tahay marka waannu kaaga fillaanaynaa dhibkiisa.


XUQUUQDA QORAALKA

Markaas ayuu Abutalib kula hadlay, hadal dabacsan oo si qurux badan u celiyey, markaas ayey dib ugasoo laabteen Rasuulka Allana  (scw) uu kusii socday xaaladdiisii hore, inuu shaaca ka qaadayo diinta Alle iyo inuu dadka ugu yeerayo.

  • Talo iyo tusaalyn ku saabsan qormadan fadlan ku hagaaji qoraaga oo emailkiisu hoos ku qorantahay.

______________________________________________

 1- Cuqbata Ibn Abi-mucayd Ibn Abaan Ibn Dakwaan Ibn Umaya Ibn Cabdishamsi, wuxuu ahaa odayaasha hoggaanka u hayay Qureysh xilligii jaahiliga wuxuuna ahaa raggii ku caanbaxay silicdilyaynta iyo dhibka muslimiinta loo gaysto markii dacwada islamku soo bilaabatay, ugu dambayntiina wuxuu ku jiray raggii muslimiintu qafaasheen dagaalkii badar halkaas oo ay inta dileen bakhtigiisii geed ka soo laalaadiyeen, waana ninkii ugu horreeyay ee muslimiintu sidaan u dileen. Ka fiiri taariikhdiisa Arrowd Al-unfi 2/76 Al-kaamil li-ibn Athiir 2/27 waxaana kuunyadiisa loo yaqaan Abul waliid.

 2- Dayaaniyiinta amase Alxunafaa waxaa la oran jiray niman ay kamid yihiin kuwaan Qazaali sheegay oo caqli ahaan nacay caabudidda sanabada ayna u cuntami wayday, hasayeeshee aan haysan diin sax ah oo ay raacaan, marka qaarkood waxay qaateen diinta kiristanka sida aan kusoo aragnay Waraqa Ibn Nowfal inkastoo uu Nabiga (scw) markii dambe rumeeyay, Zayd Ibn Camar Ibn Nufaylla wuxuu aaday shaam isagoo diin raadinaya markii uu nabiga soo bixiddiisii maqlay ayuu xagga Makko usoo cararay isagoo soo socda ayaa carab reer miyi ahi dileen inkastoo khayr loo sheegay, Ubaya Ibn Abi salti oo ahaa ninkii ugu caansanaa markii uu nabiga maqlay ayuu ku gaaloobay sababtoo ah isagaa filanayay in nabi laga dhigo ayaa la yiri, halkaas oo Nabigu (scw) ka yiri “gabaygiisaa Alla rumeeyay qalbigiisuse waa ku kufriyay”

Lasoco qaybta danbe Qureysh oo Fadhi Heer gobol ah u fadhida Go’aanno kulul oo kasoo baxay............

 Daabacaad: SomaliTalk.com | November 16, 2004

Isha Sawirrada: Google search |

QAYBTA 5aad

QAYBTA 7aad    

Silsiladda Taariikhda Islaamka

Qaybta 7aad:::

QUREYSH OO U FADHIDA WADA TASHI ILAA HEER GOBOL AH IYO GO’AANNO KULUL OO LA ISLA GAARAY 

Muddadaan dhexdeeda waxaa Qureysh soo food saartay mushkilo kale oo ay aad ugu wareereen kana walwaleen taasina waxay ahayd, markii Nabigu (scw) dacwadiisa kor u muujiyay bila yar lagama joogin in ay soo hareysay gudashadii wareegtada sannadlaha ah ee Xajjka, waxayna ogaadeen in wufuudda carbeed ee Xajjka gudaynaysa ay dhinac walba kaga imaan doonto, waa lagama maarmaan hadaba in ay jirto oraah ay isku ogyihiin oo ay ugu macneeyaan wafdiyaasha carbeed Muxamed (scw) iyo arrimihiisa si looga hortago wax raad ah oo dacwadiisu ku yeelato dadkaas, markii ay figradahooda isdhaafsadeen waxay isku waafaqeen in hawshaan ka talinteeda lala kaashado dadka indheer garadka ah, waxay marka isugu soo urureen guriga Alwaliid Ibnul Mughiira si oraahdaas la isula meel dhigo.

 Marka Alwaliid wuxuu yiri, hal aragti ah isku waafaqa, hana is khilaafina si aan qaarkiin qaarka kale u beenin ama hadalkiinnu isaga hor imaan, markaas ayey dheheen adugu marka hore dheh adaa tala fiicane, suuye maya idinku marka hore dhahaya aniguna waan idin dhagaysanayaaye, markaas ayey yiraahdeen waxaan oranaynaa waa xiddiga sheeg (1) markaas ayuu yiri, maya wallaahay inuusan ahayn xiddiga sheeg, waan aragnay xiddiga sheegyada mana laha nuhnuhdoodii(2) iyo hadalladooda isku aaddan ee googo’an, markaas waxay dheheen, aan oranno waa nin waalan, suuye macquul ma ahan waan aragnay dadka waalan waana naqaan, mana laha neef ku xirankoodii,(3) isku darankoodii iyo waswaaskoodii midna, markaas ayay dheheen aan oranno gabyaa, markaas ayuu yiri, gabyaa ma ahan wallee waan naqaan gabayaaga kulligiis geeraarkiisa, tixdiisa dheer, buraanburkiisa, kiisa fidsan iyo kiisa dabran, waxa uu akhrinayaana gabay ma’ahan, markaas ayey dheheen aan oranno sixirroole, markaas ayuu yiri, sixirroole ma ahan waan aragnay sixirrooleyaasha iyo sixirkooda labadaba, mana laha candhuuf tuftufiddoodii iyo guntimahoodii midna, markaas ayay yiraahdeen, maxaan hadaba dhahnaa?. 

Marka Alwaliid wuxuu yiri, wallaahay hadalkiisu waa macaan badan yahay, asalkiisuna waa laan hareeri ah(4) faraciisuna waa ubax janno, wax walba oo aad ku sheegtaanna waa la ogaanayaa inaan waxba ka jirin, hasayeeshee hadalka ugu dhaw waa inaad tiraahdaan waa sixirroole, la yimid hadal kala gaynaya qofka iyo aabihiis, qofka iyo walaalkiis, qofka iyo xaaskiisa, qaraabadiisa, marka sixirroole ayay isku afgarteen oo ku kala tageen.

 Qisadaan dacalladeeda qaarkood waxay kordhinayaan in markii Waliid hadalladooda oo dhan ku diiday ay ku yiraahdeen, hadaba na tus taladaada aan nuqsaantu ku jirin, markaas inuu yiri, bal iikaadiya maalmo si aan uga fakaro, marka Waliid maalmo ayuu fakaray oo fakaray kadibna wuxuu soo jeediyay figradiisa aan sheegnay.



Quran: 74:11-26 | Dhegeyso


Alwaliid waxaa hadaba Alle subxaanah kusoo dajiyay lix iyo toban aayadood oo kamida suuradda Mudathir laga bilaabo aayadda (11—26) halkaas oo Alle kaga waramay sidii xumayd ee uu u fakaray isagoo garan la’ wax uu qur’aanka ku sheego waxaana Alle yiri, (( Isu kaaya daa Aniga iyo kii aan abuuray isagoo kaligiis ah: Aanna u yeelay maal fara badan: Iyo wiilal hareero jooga: Una goglay risqiga u waasicin: Kadibna sii damcaya inaan u kordhiyo: Maya sidaas ma ahan, ee wuxuu ahaa mid aayadahayaga ku madax adag: Waxaan ku daalin doonaa dalcad cadaab: (sida la yiri waxaa jira buur dheer oo sisib ah oo naarta ku taal taas lagu kallifi doono inuu koro) Wuu fakaray oo jaan gooyay: Lacnadi haku dhacdo sidii uu wax u jaan gooyay: Haddana lacnadi haku dhacdo sidii uu wax u jaan gooyay: Kadibna wuu eegay (ka fiirsaday): Kadibna wajiguu duubay: Markaasuu jeestay oo isla waynaaday: Markaas ayuu yiri ma ahan waxaani (qur’aanka) sixir lasoo guuriyay un mooyaane))

 Aayadahaan cadcadi waxyaalaha ay gaalkaan qisadiisa ka sheegeen waxaa kamida afar murtiyood oo waawayn oo macnahooda guud ahaaneed uu ku dul wareegayo, waxayna kala yihiin.

1- In Alwaliid Ibnul Mughiira uu ahaa nin Alle nicmooyinka aduunyadaan korkeeda yaal wax wayn ka siiyay sida abuuris wanaagsan, hanti fara badan, wiilal gaashaan qaad ah oo hareeraha ka taagan iyo risqiga oo arlada korkeeda loo goglay, islamarkaana uu hurguri xumadiisa wali sii damac wayn yahay, hasayeeshee inuusan ka mahadnaqin abaalkaas Alle ee wayn ee uu

2- Inuu kasii qaaday cinaad, madax adayg, inuusan xaqa maqli karin iyo isla wayni uu khayrka dhagaysigiisa iskala wayn yahay

 3- In uu isku dayay macne been abuur ah oo uu qur’aanka iyo sidihiisa ku magacaabo, magacyo badan oo loo soo jeediyay inuu liqi waayay oo ay u cuntami waayeen, inkastoo uu wax badan fakaray oo dhinacyo kala duwan arrinta ka fiiriyay inuu ku guul darraystay magac uu ku qanco markasta oo uu daalana in nacaybka iyo kufriga qalbigiisa daboolay dartiis uu hadana caro wajiga la duubayay, ugu dambayntiina isagoo dareenkiisa khilaafsan uu ku adkaystay inuu kalaamka Alle ku sheego hadal aadane oo lasoo minguuriyay Rasuulka Allana (scw) sixirroole ummadda kala gaynaya, sidaa darteedna

 4-  In uu ku mutaystay cadaab Alle oo kulul, waxaana aayadahaan laga fahmayaa sidii uu isaguba isugu kallifay inuu rumaysto dadkana u sheego been abuur dareenkiisu khilaafsan yahay oo aan caqligiisu ku qanacsanayn in aakharo lagu kallifayo wax uusan awoodin oo ah inuu fuulo buur naareed sidbad ah oo uusan kori karin hasayeeshee lagu khasbayo inuu fuulo, Acuudu Billaahi Minhaa. 

Kadib markii fadhigaani ku dhamaaday in la isku waafaqay go’aankaan waxay bilaabeen fulintiisa, waxay hadaba fariisteen dhamaan wadooyinka magaalada soo gala dhinac walba ee dadku ku imaanayo ayagoo qof walba oo soo mara uga digaya Nabiga (scw) oo uga sheekaynaya arrimihiisa, hawshaan inteeda badan ninka dhabarka u ritayna wuxuu ahaa Abullahab, Rasuulka Alle (scw) wuxuu dadka ugu tagi jiray marka xajjku galo meelaha ay dagaan iyo suuqyada waawayn ee Cukaath, Majanna iyo Diimajaaz, isagoo ugu yeeraya xagga Alle, Abullahabna waa daba gali jiray isagoo leh ha yeelina waa nin gaaloobay waa beenloow.

Inkastoo go’aanadaan Qureysh isla gaartay ay qallafsanaayeen sida loo fuliyayna ay darnayd, hadana waxaa ka dhalatay in dadkii carbeed ee xajjka sanadkaas yimidi ay la noqdeen hadalhaynta Rasuulka Alle (scw) sidoo kale in wararkiisu gaareen dhamaan daafaha dhulalka carbeed ee fogfog.

QAABAB IYO USLUUBYO CUSUB OO  LA ADEEGSADAY LA DAGAALANKA DIINTA 

Markii Qureysh aragtay inaan Rasuulka Alle (scw) dacwadiisa ka jeedin karin go’aan la qaato iyo oday loo tago toona, mar kale ayey dib u fakareen ayagoo markaan sare u qaaday heerka dagaalkooda amase dhiiranaantooda, adeegsanayana usluubyo hor leh oo u badan sumcad dil iyo dacaayadda dagaalka xagga nafsiga ah, waxay hadaba doorteen –si loo cadaadiyo dacwadaan- qaabab iyo usluubyo lagu soo koobi karo sida: 

1- Bahdilid iyo xaqirid, ku jeesjeesid, beenin iyo ku qosqoslid, ayagoo uga jeeda in lagu liido muslimiinta, lagu niyad jabiyo laguna tirtiro nuxurkooda iyo awoodooda qarsoon, sidoo kale waxay Nabiga Alle (scw) la beegsadeen tuhmooyin riqiis ah, aflagaadooyin sakhiif ah oo xaqiiqada ka fog, waxay ugu yeeri jireen ninka waalan (( Waxay dheheen kan –nabiga- qur’aanka lagu soo dajiyoow waad waalan adugu)) 15:6.

Waxay kaloo ku magacaabi jireen sixirroolow ama nin waalan ((Waxay la yaabeen in uu u yimid digniinbixiye ayaga kamida, waxay gaaladii dheheen kani waa sixirroole been badane ah)) 38:4.

Sidoo kale waxay kusoo eegi jireen amase kala hor imaan jireen indhahooda oo caro iyo cadownimo la ololaya, iyo caadifooyin kacsan oo ficilo ka muuqato ((waxay ku siganayaan –qarka u saaran yihiin—kuwii gaaloobay inay daymadooda kugu lagdaan markay maqlaan qur’aanka, waxayna oranayaan wuu waalan yahay)) 68:51.

Sidoo kale markay arkaan Nabiga (scw) oo ay dhinacyadiisa fadhiyaan muslimiinta ay liidaan, way ku aflagaadayn jireen ayagoo leh kuwaasaa saaxiibo u ah oo uu fadhiga la wadaagaa (( ma kuwaasaa Alla naga doortay)) 6:53.

Waxayna ku sifaysnaayeen sida Alla nooga sheegay ((Kuwii gaaloobayi waxay ahaayeen kuwa duulka xaqa rumeeya ku qosla: Hadday soo maraanna way isqandhuufan jireey: Markay guryahooda u laabtaanna –gaaladu- waxay laaban jireen ayagoo ku faakahaysanaya: Markay arkaanna waxay oran jireen kuwaasi waa dhunsan yihiin: Loomana dirin inay korkooda ilaaliyaan)) Almudafifiin 83:29—33.

 2- Dhalandil, fidin shubhooyin iyo faafin dacaayado been abuur ah oo lagu hareeyo tacliimta Islamka, in lasoo arooriyo kutirikuteenno itaal daran oo lala beegsanayo mabaadiida diinta, qur’aanka iyo shakhsiyadda Nabiga (scw) intaba, ayadoo si baaxad wayn loo fidinayo ilaa heer aan qofka caamada ahi fursad u heli karin uu ku fakaro dacwadaan amase caqligiisa iyo dareenkiisa u madax bannaannaado, waxay qur’aanka ku tilmaami jireen:

((Sheekooyin dadkii hore oo uu iska qoray, iyadaana loo yeeriyaa subax hore iyo galabba)) 25:5.

 ((Kani ma ahan been abuur un mooyee, ayna ugu kaalmeeyeen dad kale)) 25:4.

((Waxaa baray un bashar)) 16:103.

Waxay kaloo Nabiga (scw) ka dheheen ((Muxuu yahay rasuulkaani cunaya cuntada oo suuqa soconaya)) 25:7 sidoo kale qur’aanku meelo badan ayuu dacaayadahaan ku riddiyay isagoo soo aroorinaya tusaalayaal hadalladooda kamid ah amase aan lasoo aroorin. 

3- In la dajiyo sheekooyin lagala hortagayo qur’aanka ayadoo dadka lagaga mashquulinayo dhagaysigiisa, Cabdullahi Ibn Cabbaas wuxuu yiri, waxaa istaagay Nadar Ibn Xaarith In Kalda Alcabdari, markaasuu yiri, bulsha waynta qureysheedeed, wallaahay waxaa idin qabsatay mushkilo aan hore ayadoo kale idiinku dhicin aydaanna wali xeelad aad kaga baxdaan u helin, Muxamed wuxuu dhexdiina ahaa wiil yar kan aad ugu kalsoon tihiin, ugu runta badan, ugu ammaanada wayn, ilaa aad dhafoorradiisa cirrada ku aragteen, uuna idiinla yimid waxa uu idiinla yimid, markaas ayaad leedihiin waa sixirroole, wallaahay inuusan ahayn sixirroole, waan aragnay sixirrooleyaasha iyo tuftufiddooda iyo guntimahooda, waxaad leedihiin xiddiga sheeg, maya wallaahay inuusan ahayn xiddiga sheeg, waan aragnay xiddiga sheegyada iyo isku darankooda waanna maqalay hadalladooda googo’an, waxaad leedihiin gabyaa, maya wallaahay inuusan ahayn gabyaa, waan aragnay gabayga waanna maqallay,dhamaan noocyadiisa tixdiisa dheer iyo jiiftadiisa, waxaad leedihiin nin waalan, maya wallaahay, waan aragnay waallida mana laha booc xirankiisa, waswaaskiisa, iyo isku darankiisa midna, bulsha waynta qureysheedeey, war arrintaan si fiican uga fiirsada, wallaahay waxaa idin ku habsatay mushkilo wayne. 

Islamarkiiba Nadar Ibn Xaarith wuxuu aaday Xiira (ciraaq), halkaas oo uu kasoo bartay sheekooyinkii boqorradii Furus (Persia) sida Rustum iyo Isfandiyar, kadibna markii Nabigu (scw) meel fariisto oo uu dadka xusuusiyo Allihii abuuray ugana digo caradiisa, waxaa uga dambeeya Nadar Ibn Xaarith isagoo leh, wallaahay inuusan Muxamed iga sheeko fiicnayn, markaas ayuu u taxaa sheekooyinkii madaxdii Furus iyo Rustum iyo Isfandiyaar, markaas ayuu dhahaa, muxuu Muxamed igaga sheeko fiican yahay. 

Sheekadaan dacalladeeda kale waxay kordhinayaan inuu Nadar soo gatay gabdho fannaanniin ah oo qurxa badan, markaas ninkii uu ku maqlo inuu u jinjeersaday xagga Nabiga (scw) gabdhahaas middood ayuu ku salladaa, ayadoo khamro cabsiinaysa, cunta siinaysa, u heesaysa ugu dambayntiina xumaan la samaynaysa, ilaa aan qalbigiisa wax khayr ah ama nuur Islam ahi ku harin, ninkaan iyo arrintiisaana waxaa Alle ku sheegay qowlkiisa ((Dadka waxaa kamida kuwa soo gadanaya hadallada maalaayacniga ah, si uu uga dhumiyo jidka Alle-dadka)). 

4- Gorgorooyin ay isku dayeen bal in Islamka iyo jaahiliyadda ay haystaan meel dhexe la isugu keeno, ayadoo la isku dayayo in mushrikiintuna qaar ka tagaan wixii ay caabudayeen Nabigu (scw) uu qaar ka tago wixii uu haystay ((Waxay jeclaysteen inaad usoo dhawaan lahayd, ayanna ay kusoo dhawaadaan))[68:9]. Waxaa hadaba qisadaan qaybteeda Imamu Dabari soo saarey kusoo arooray inay Nabiga (scw) u soo jeediyeen inuu ilaahyadooda sannad la caabudo ayaguna ay rabbigiis sannad la caabudaan, qaybta uu Cabdi Ibn Xumayd soo saarayna waxay sheegaysaa inay Nabiga (scw) ku dheheen haddaad ilaahyadayada dhunkato waan caabudaynaa allahaaga.

Ibn Isxaaq isagu wuxuu wariyay in Rasuulka Alle (scw) isagoo Kacbada dawaafaya ay joojiyeen odayaal qureysheed, Aswad Ibnul Mudalib Ibn Cabdilcuza, Alwaliid Ibnul Mughiira, Umaya Ibn Khalaf iyo Caas Ibn waail Assahmi, waxay ahaayeen odayaasha cidahooda ugu waawayn, markaas ayay dheheen, Muxamedow kaalay aan kula caabudnee cidda aad caabudayso, aduguna nala caabud waxa aan caabudayno markaa aan wada wadaagno adiga iyo annaguba arrintaan, haddii cidda aad caabudaysaa ka khayr badan tahay waxa aan caabudayno qaybtayadii baan ka qaadanaynaa, haddii waxa aan caabudaynaa ka khayr badan yihiin cidda aad caabudaysana qaybtaadii baad ka qaadanaysaa, markaas ayaa Alle soo dajiyay ((Qul yaa ayuhal kaafiruun: Laa acbudu maa tacbuduun)) Waxaad dhahdaa gaalooy: Ma caabudayo waxa aad caabudaysaan. Suurada oo dhan, waxaana Alle ku afgooyay gorgortankooda riqiiska ah aayadahaas kala saarista ah ee xoogga badan illayn xaqa iyo baadilku meel ma wada gali karaane. 

 CIQAABID IYO JIRDIL

 Dhammaan qaababkaas iyo usluubyadaas aan soo sheegnay ayey mushrikiintu hirgaliyeen oo adeegsadeen mid walbaba markiisa si ay ugu dabar gooyaan dacwada Islamka ee curdanka ah markii ay shaacbaxday bilowgii sannadka afraad ee nabinimada, sidaas waxaa hadaba ku gudbay usbuucyo iyo bilo aan dhibkoodu heerkaas dhaafsiisnayn aysanna gaarsiin heer jirdil iyo ciqaabid, hasayeeshee markay arkeen inaysan qaababkaan wax faa’iido ah ka gaarin, sidoo kale inaysan wax caqabad ah ku noqon fidinta dacwada Islamka, markale ayey kulmeen ayadoo carada iyo xanaaqu intii hore ka badan yahay, waxayna dhiseen gudi –xaalad dagdag—ah oo ka kooban shan & labaatan xubnood kulligoodna madaxda iyo mudanayaasha qureysheed ah, waxaana hoggaanka guddigaan loo doortay Abullahab, Rasuulka shafarta leh (scw) adeerkiis, waxaana lagu amray inay soo dajiyaan go’aanno aad u qallafsan oo ka dhan ah Nabiga (scw), asxaabtiisa iyo diintiisa curdanka ah. 

Wadatashi, faaqidaad iyo falanqayn badan kadib, waxay isla qarrireen go’aanno kulul oo naxariis daran la dagaallanka Islamka, waxaana ka mid ah

- In aan addin iyo af ha ahaato amase muruq iyo maale wax awood ah dib loola harin la dagaallanka Islamka

- In cadaadin, ciqaabid iyo dhib wayn loo gaysto Rasuulka (scw)

- In la jirdilo lana silicdilyeeyo dadka galaya diintaan cusub ilaa ay ama ka laabtaan ama ku dhintaan

- In dadkaas la marsiiyo nooc nooc silicdilyaynta, laf walba oo qureysheedna ay xilgaar ah iska saarto dadka laftooda u dhashay amase ayaga addoon u ah amase ay isbahaysiga leeyihiin.

 Hawl Galkii Jirdilka 

Go’aannadaan ayaa la isla gaaray, islamarkiibana waxay guda galeen hirgalintooda iyo fulintooda, hadaba hirgalinta jirdilkaani marka loo fiiriyo muslimiinta -gaar ahaanna kuwooda tabarta daran ama aan qabiil xoog leh ku tiirsanayn- waxay ahayd ku fulintiisu mid aad u sahlan, markase loo fiiriyo Rasuulka Alle (scw) waxay ahayd mid aad u adag, inuu ahaa nin aad u sumcad iyo qadarin wayn, gaaray heerka mudnaanta koowaad, laga haybaysanayo shakhsiyaddiisa cadow iyo saaxiib labaduba, aysan suuroobi karin in lala soo qaabilo isagoo kale wax aan ixtiraam, waynayn iyo sharfid ahayn amase aysan kula dhiirran karin foolxumayn qaballuusyada iyo kuwa sharafta beelay mooyaane, waxaana intaas usii dheer in uu Abutalib ammaankiisa isu xilsaaray oo aan loo mari karin, Abutalibna waa oday kamida indheergaradka Makko ee farakutiriska ah –kasoo jeeda sinji la qadariyo isaguna ah farac mudnaan wayn leh sidaa darteed qofina kuma dhici karo inuu xeerkiisa ammaanka jabiyo amase wadeecadiisa bannaysto, run ahaantii xaaladaani qureysh waa wareerisay oo inta fariisisay istaajisay, laakiinse ilaa goorma ayuu sabarkaani sii socon karaa ilaayo goormayse sii dhawran karaan dacwo u muuqata inay ka takhalusayso hormuud nimadoodii diineed, u hanqaltaagaysa inay meesha ka saarto damacoodii aduunyo!!

Waxay bilaabeen xadgudubyo ka dhan ah Nabiga (scw), waxaana dadka gaysanaya horkacaya Abullahab, mowqifkiisaan cadow nimada iyo xumaatada ah ayuu ka qaatay Rasuulka Alle (scw) laga soo bilaabo maalintiisii ugu horreysay intaan Qureyshi arrimahaan kuba fakarin, waxaan soo marnay hadalkii xumaa ee uu ka gaystay fadhigii Nabigu (scw) Bani-hashim u qabtay, sidoo kale wixii uu sameeyay markii uu buurta Safa fuulay, waxaa waliba Tarmidi kusoo arooray inuu maalintii buurta Safa dhagax wayn qaatay si uu Nabiga (scw) ugu dhufto.

Abullahab Islamka ka hor wuxuu Nabiga ka doonay labadiisa gabdhood ee Ruqaya iyo Umu kalthum oo u guuriyay labadiisa wiil ee Cutba iyo Cutayba, markii Nabiga (scw) lasoo dirayna wuxuu wiilashiisa khasbay inay gabdhaha furaan halkaas oo markii dambe uu si xoog ah oo fool xun kaga furay, sidoo kale markuu maqlay dhimashada wiilka labaad ee Nabiga (scw) Cabdullahi, waa bishaaraystay oo farxad darteed ku orday saaxiibadiis isagoo ugu bishaaraynaya in Muxamed noqday gablan aan wiil lahayn, waxaan kaloo soo marnay inuu Nabiga (scw) daba socon jiray markuu Xajjku galo si uu u beeniyo, waxaana Tirmidi ku soo arooray inuusan beeninta ku gaabsan jirin ee uu dhagax ku tuuryayn jiray ilaa anqowyadiisa dhiiggu hayraamo.

Sidoo kale haweenaydiisa –Umujamiil Arwa Bint Xarbi Ibn Umaya—ayaan iyana ninkeeda ka yaraysan cadaawadda ay Rasuulka sharafta leh (scw) kaga soo horjeedo, waxay soo qaadi jirtay qodaxda iyo turaanturrada ayadoo xilli habayn ah dhigaysa wadada Nabigu (scw) maro iyo irridda gurigiisa, waxaa intaas usii dheeraa inay ahayd haweenay afxun oo carrab dheer sidaa darteed carrabkeeda ku aflagaadaysa Nabiga (scw), waxay kaloo ku soo qaaday dagaal hoose oo been abuur iyo isku dir ah ilaa ay marar badan ku hurisay dambaaburada colaadda fidnada, hadaba dagaalkaas aysan waxba iskula harin awgiis ayaa Qur’aanku ku sifeeyay ((Xammaalatal Xadab)) Xaabo gur badan, waxaase kasii darraa

 Markii ay maqashay aayadaha qur’aanka ah ee kusoo dagay ayada iyo ninkeeda, si dhaqso ah ayey usoo dhaqaaqday ilaa ay soo kor istaagtay Rasuulka Alle (scw) isagoo la fadhiya saaxiibkiis Abubakar hooska Kacbada, waxaana gacanta ugu jira dhagax gacan buuxis ah, markay soo kor joogsatay indhaheeda ayaa Alle ka qabtay Nabiga (scw), sidaa darteed waxay un u jeeddaa Abubakar, markaas ayay tiri, Abubakaroow aaway saaxiibkaa!! Waxaa isoo gaaray inuu gabaygiisa igu caayaye, wallaahay haddaan maanta arko dhagaxaas ayaan afka kala dhici lahaa, wallaahayse aniguba gabyaa ayaan ahay! Markaasay tiri,  

Mulluugane aan mir deennay: Amarkiisana aan abaynay: Diintiisana ku diidnay(5).

Kadibna way iska laabatay, Abubakar oo yaabban ayaa yiri, Rasuulka Alloow miyaadan u jeedin inay ku aragtay? Markaas ayuu Nabigu (scw) yiri, iimaysan jeedin, Alle ayaa indhaheeda iga xijaabayoo ima aysan arkayn.

 Qisadaan dacalkeeda uu Albazar soo saaray wuxuu ku sheegay, in markii ay Abubakar soo kor istaagtay ay tiri, Abubakaroow saaxiibkaa ayaa gabaygiisa nagu caayay, markaas ayuu Abubakar yiri, maya Allaha dhismahaan leh –Kacbada- ayaan ku dhaartaye inuusan gabay tixin afkiisana soo marsiin, markaasay tiri, nin runlow ah baad tahay”

 Abullahab waxaas oo dhibaato ah ayuu Nabiga (scw) u gaystay isagoo adeerkiis ah  oo gurigiisu ku dhaggan yahay, sidoo kale dariskaas waxaa jiray koox isku bahaysatay xumaatadooda ka dhan ka ah Nabiga Alle (scw),

 Ibn Isxaaq wuxuu sheegay isagoo ka waramaya kooxdaas, waxay ahaayeen kooxda Rasuulka Alle (scw) gurigiisa ku dibindaabyeeya Abullahab, Xakam Ibn Abilcaas Ibn Umaya, Cuqbata Ibn Abimucayd, Cidiyi Ibn Xamraa Athaqafi iyo Ibn Asdaa Alhudali kulligoodna waxay ahaayeen dariskiisa midna kama islaamin Xakam Ibn Abilcaas mooyee, marka midkood wuxuu ku tuuri jiray mandheerta ariga isagoo tukanaya, midkoodna wuxuu ku tuuri jiray digsigiisa markii dabka la saaro, ilaa Nabigu (scw) uu dhistay dhisme yar oo dhagax ah si uu isagaga qariyo markii uu tukanayo, markii ay digsigiisa ku ridaan mandheertaas ayuu Nabigu (scw) inta qori caadariis kusoo qabto oo illinka gurigiisa istaago ayuu oran “war reer Cabdimanaafoow! Waa maxay darisnimada sidaanihi,? Markaas ayuu qashinka ku tuuri jiray. 

Cuqbata Ibn Abimucayd sare ayuu usii laba laabay ayaan darradiisii iyo xumaantiisii, sida uu Bukhaari ka wariyay Cabdullahi Ibn Mascuud oo goobjoog ahaa wuxuu yiri, Nabiga (scw) ayaa salaad ku jiray Kacbada agteeda Abujahal iyo koox saaxiibadiis ahina meesha ayay fadhiyaan, marka raggaas midkood ayaa wuxuu yiri, waryaara kiinneebaa soo qaadaya mandheerta hashii reer hebel qasheen oo Muxamed dusha ka saaraya markii uu sujuudo, marka waxaa iskii u booday kii ugu ayaan darraa –Cuqbata Ibn Abimucayd- markaas ayuu inta soo xambaartay oo Nabiga (scw) ag istaagay sugay ilaa Nabigu (scw) sujuuday, markaas ayuu dhabarka u saaray garbaha dhexdooda, anniguna waa fiirinayaa, waxna uma qaban karo Alla haddaan awood lahaan lahaa –aan ku difaaco—markaas ayay wada qosqosleen oo isku dul dhecdheceen qosol iyo kibir dartiis, Rasuulka Allana (scw) wali waa sujuudsan yahay madaxiisana qaadi mayo, ilaa ay timid Faadima, oo ay dushiisa ka tuurtay, markaas ayuu madaxiisa kor u qaaday oo yiri, Alloow Qureysh qabo –halaag- sadex goor, arrintaas ayaa hadaba raggii ku cuslaatay markii uu habaaray, waxayna aaminsanaayeen ducada baladkaas –Makko- lagula yimaado inay mustajaabo tahay, kadibna Nabigu (scw) wuxuu magacaabay raggaas, Alloow Abujahal qabo –halaag- oo Cutbata Ibn Rabiica qabo, Shayba Ibn Rabiica qabo, Waliid Ibn Cutba qabo, Umaya Inb Khalaf qabo, Cuqbata Ibn Abimucayd qabo, kan todobaadna wuu sheegay maananse xafidin, Cabdullahi Ibn Mascud wuxuu yiri—Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye waxaan arkay kuwii uu Rasuulka Alle (scw) magacaabayay ayagoo bakhtigoodii lagu jiidayo god xabaal bilaash ah oo Badar ku yaal.

Sidoo kale Umaya Ibn Khalaf markii uu arko Nabiga (scw) intuu huruufo oo saaxiibadiis qandhuufto amase u iljabiyo ayuu si muuqata u cayn jiray, markii uu maqan yahayna si qarsoon u xaman jiray, isaga ayaan darradiisa ayaanna Alla kusoo dajiyay ((Wayl –waadi naareed—ayaa sugnaaday midkasta oo xan badane ceebeeya ah)) 104:kulligeed

 Walaalkiis Ubaya Ibn Khalaf wuxuu xumaatada kula tartami jiray Cuqbata Ibn Abimucayd, marka maalin ayaa Cuqba Nabiga (scw) la fariistay oo wax ka dhagaystay, markii warkaani Ubaya gaaray wuu ku colaadiyay, oo ku canaantay Cuqbana waa cudurdaartay, markaas ayuu yiri “haddaad run sheegaysid Candhuuf Rasuulka (scw) wajigiisa ku tuf waan kaaga qancayaaye” isna waa sameeyay, Ubaya Ibn Khalaf waa ninkii inta laf duugoowday dhulka ka qaaday oo farihiisa ku burburiyay oo hawada ku afuufay dhinaca Rasuulku (scw) ka xigay yiri, yaa taas soo noolaynaya. 

Akhnas Ibn Shariiq Athaqafi ayaa isna safka hore kaga jiray hawl galka xumaatada Nabiga (scw) loo gaystay, sidaa darteed Qur’aanka ayaa ku tilmaamay sagaal sifo oo muujinaya khayr darrada ku jirtay, ((Ha yeelin dhaar badane –hadalkiis- dulloobay: Xan badane u wareeg badan Isku dir: Diidma badane khayrka –xoolaha- xad guduble dambiile ah: Ku madax adag –xumaanta- kadibna zino ku yimid –wacal ah-)) 68:10—13. 

Sidoo kale Abujahal waqtiyada qaarkood ayuu Rasuulka (scw) u imaan jiray oo qur’aan ka dhagaysan jiray, kadibna waa ka tagayaa ma rumaynayo mana yeelayo, kumana edeb qaadanayo, mana cabsanayo, dhinaca kale wuxuu sii laba jibbaaray xumaatadiisa iyo afxumadiisa Rasuulka (scw) ka dhanka ah iyo inuu dadka ka horjoogsado jidka Alle amase Islamka, markuu soconayo si islawyni iyo kibir ku jiro ayuu isqaadqaadi jiray isagoo ku faanaya sharka iyo xumaanta uu gurada saartay sidii inuu wax fiican sameeyay, isaga ayayna ku soo dagtay ((Falaa saddaqa wallaa Sallaa)) Ma uusan rumayn Mana uusan Tukan” ilaa aayadaha ka dambeeya. 

Wuxuu kaloo ku hawllanaa inuu Nabiga (scw) salaadda u diido lagasoo bilaabo maalintii ugu horreysay oo uu arkay isagoo ku tukanaya Xaramka, maalin ayuu soo maray isagoo ku tukanaya Maqaamka agtiisa markaas ayuu yiri, Muxamedoow miyaanan ku oran waxaan jooji waana u caga jugleeyay, markaas ayuu Nabigu (scw) hadal kulul ugu jawaabay oo u dhaartay, markaas ayuu yiri, maxaad Muxamedoow aniga iigu dhaaranaysaa, wallaahay waadigaan dadka ku nool anigaa ugu naadi –qabiil- ballaarane? Markaas ayaa Alle soo dajiyay ((Falyadcu Naadiyah)) Ha u yeerto Naadigiisa, qisadaan dacalkeeda kale wuxuu sheegayaa, in Nabigu (scw) kulleetiga qabtay oo gilgilay isagoo akhrinaya ((Owlaa Laka Fa owlaa)) Naar ayaa kuu xaqle oo janno kaaga xaqleh, markaas ayuu yiri, ma anigaad I haddadaysaa Muxamedoow Wallaahay adiga iyo Rabbigaa midna wax ima yeeli karo, anigaana ugu qabiil wayn Makko dhexdeeda. 

Abujahal kama uusan baraarugin axmaqnimadiisa gilgilidaan kadib, wuxuuba xilligaas kadib sii kororsaday ayaandarri iyo qallafsanaan, maalin ayuu wuxuu yiri, wali Muxamed ma wajigiisuu booraynayaa dhexdiina? Markaas ayaa layiri, haa! Markaas ayuu yiri Laate iyo Cuzaan ku dhaartaye haddaan ku arko inaan qoorta kaga istaagayaa, inaan wajigiisana ciidaynayaa, marka Rasuulka (scw) oo tukanaya ayuu soo aaday, isagoo sida uu sheegay qoorta kaga istaagaya –dadkiina waa fiirsanayaan—waxaase lama filaan ku noqotay inay arkeen isagii oo jeego jeego u ordaya gacmahana isaga dhigaya –wax aan lala arkayn-markaas ayay inta kusoo yaaceen yiraahdeen maxaa kugu dhacay Abalxakamoow? Markaas ayuu yiri, aniga iyo isaga dhexdayada waxaa ka qodan haadaan naar ah, waxaasina waa garbo, marka Rasuulku (scw) wuxuu yiri, haddii uu iisoo dhawaan lahaa malaa´ikta ayaa xubin xubin u kala dafi lahayd. 

Jirdilkii Saxaabada

Xadgudubyadaan oo dhani waa marka la fiiriyo Nabiga (scw) isagoo sida la ogsoon yahay ahaa shakhsiyad aad u xurma wayn oo ay qadariyaan bulshadu caamo iyo waxgaradba, sidoo kale isagoo ku jira ilaalinta adeerkiis Abutalib, nin la ixtiraamo kan ugu wayn Makka dhexdeeda, maxaa hadaba loo malayn karaa muslimiinta kale gaar ahaan kuwooda tabarta daran, run ahaantii ciqaabka dadkaas loo gaystayi aad ayuu uga kululaa ugana shido badnaa kaas Nabiga (scw) loo gaystay, bilowgii hawl galkaanba qabiilo waliba waxay gacan xadiid ah ku qabatay ciddii ayada kasoo jeeda oo islaamka qaadatay, ayagoo aan u aabayeelayn jirdilka iyo noocyada ciqaabka ee ay marsiinayaan, ciddii aan ayadu qabiilo ku lahaynna waxaa si gaara loogu xilsaaray doqomada iyo wax iskuma falayaasha sidoo kale waxaa hawlaha u qaybinaya madaxda iyo mudanayaasha, ayagoo ku jirrabaya waxyaalo uu caqliga fayoobi ka didayo maqalkooda.

 Abujahal iyo ragga badan oo la garaadka ahi waxay caadaysteen ninkii ay ku maqlaan inuu Islamka qaatay, hadduu yahay nin madax ah ama adag oo aan gacan loola tagi karin waa inay shiddeeyaan oo dullinimo badaan, sidoo kale inay ugu dhaartaan inay dhaawac iyo khasaare fool xun u gaysanayaan hantidiisa iyo sumcaddiisa labadaba, hadduuse yahay nimaan isdifaaci karin inay gacan ula tagaan oo u adeegsadaan qaballuusyada iyo wax iskuma falayaasha. 

Cuthmaan Ibn Cafaan adeerkiis intuu xirxiro ayuu darin caw ah ku duubi jiray, markaas ayuu ku gubayaa, Muscab Ibn Cumayr hooyadiis markay ogaatay inuu Islaamay waa dayrisay oo gaajaysiisay gurigeedana ka cayrisay, markaas kahorna wuxuu ahaa dadka ugu nolol qabow reer Makko, ilaa oogada qolof ka fuushay sida abeesa cagalaydii, Bilaal wuxuu ahaa addoon uu leeyahay Umaya Ibn Khalaf Aljumaxi, Umaya markuu maqlay islaamiddiisa xarig yeel ah ayuu qoorta u suri jiray markaas ayuu dhallinta u gacan galin jiray, markaas ayay maalintii oo dhan buuuraha Makko la dawaafi jireen, ilaa summaddii xariggaasi Bilaal ku reebay ay qoortiisa ku taallay, Umaya intuu xariga ku adkeeyo ayuu qaar la dhici jiray ilaa gacmihiisu ka daalaan, marar kale wuxuu ku xiri jiray qorraxda markaasuu biyaha u diidi jiray ilaa indhuhu salladmaan gaajo iyo oon dartiis, waxaase kasii darraa, markii qorraxdu kululaato ayuu beerbeer u seexin jiray raranka bacaadka Makko, markaas ayuu dhagax wayn dhabarka ka saari jiray, markaas ayuu oran jiray, sidaas ayaad ku jiraysaa ilaa aad dhimato ama aad Muxamed ku gaalowdo oo aad Laate iyo Cuza caabudo, markaas ayuu Bilaal isagoo xaaladdaas ku sugan oran jiray “axad axad axad” Alle waa kaligiis, sidaas ayuuna ku jiray ilaa maalintii dambe uu Abubakar soo maray ayagoo sidaa u mayd garaacaya, markaasuu kaga iibsaday wiil madow, waxaa kaloo la sheegay todobo ama shan dirham oo fido ah waana xoreeyay. 

Cammaar Ibn Yaasir Ibn Caamir, wuxuu ahaa nin addoon u ah qabiilka Bani-Makhzum, isaga iyo aabihiis Yaasir iyo Hooyadiis Sumaya Bint Khayaad waxay dhamaantood ahaayeen dadkii hore u islaamay, sidaa darteed mushrikiintu –ayadoo Abujahal ugu horreeyo- intay xargo ku xirxiraan ayay ula bixi jireen raranka caga gubyada markay qorraxdu kululaato, halkaasaa maalin walba sidaas loogu cadaabi jiray ilaa qorraxdu dhacdo, maalin ayadoo sidaas loo jirdilayo ayuu Nabigu (scw) soo maray markaas ayuu yiri, “Aala Yaasiroow sabar kaalmaysta, ballantiinu waa jannee” marka odaygii Yaasir xaaladaas ayuu ku dhintay, Sumayana Abujahal –kaafirka ma xishoodaha ah- ayaa waran caaradiis ku muday xubinkeeda, sidaas ayay iyana ku shahiidday (Alla haka raali noqdee), waxayna sidaas ku noqotay shahiidaddii ugu horreysay ee Islamka dartiis loo dilay, waxay marka jirdilka kusii wadeen Cammaar inay mar dhagax kulul laabta u saaraan marna biyo moolkood muquursiiyaan markalana qaareeyaan, ilaa maalin ay ku dheheen ku dayn mayno ilaa aad Muxamed caydo ama aad Laate iyo Cuza ammaan ku sheegto, marka isagoo aan miyirkiisu saani u joogin ayuu wixii ay u laqinayeen kadaba yiri, markii uu ogaaday hadalka uu yiri ayuu isagoo oynaya oo cudurdaaranaya Nabiga (scw) u yimid, arrintaan ayaana Alla kusoo dajiyay (( Qofkii ku kufriyay Alle, iimaankiisii kadib –kuwaasaa cadaab mudan—qofkii lagu khasbay isagoo qalbigiisu iimaanka ku xasilloon yahay mooyee)) 16:106.

 Sidoo kale Abufukayha magaciisuna waa Aflaxe wuxuu addoon u ahaa lafta Bani-cabdidaar, marka intay xarig lugta ugu xiraan ayay maalintii oo dhan jiidi jireen, Khabaab Ibn Arath wuxuu isna addoon u ahaa haweenay lagu magacaabo Umu Anmaar Alkhuzaciya, hadaba mushrikiintu intay timaha qabtaan ayay jiidi jireen ama dhagaxaanta kulul ayaa la dul saari jiray amase qoorta ayaa la isdaba marin jiray ilaa uusan istaagi karin, sidoo kale Zanniira, Nahdiya iyo gabadheeda Umu Cabiis, waxay ahaayeen gabdho addoomo ah oo islaamay, waxay hadaba mushrikiintu marsiin jireen noocyo jirdil ah oo la mida kuwii aan soo sheegnay, gabar kale oo islaamtay oo lafta bani-cidiyi ka tirsan, iyadana Cumar Ibn Khataab –oo markaas mushrik ah- ayaa garaaci jiray markii gacantu daasho ayuu inta ka tago oran jiray, wallaahay ugama aanan tagin wax aan daal ahayn, gabdhahaan kulligood Abubakar ayaa lacagtiisa kula soo wareegay oo markaa xoreeyay, sidii Bilaal iyo Caamir Ibn Fuhayra. 

Saxiifadda dadka la jirdilay amase qaababka xun ee dadkaas loo silicdilyeeyay aad ayay u dherar badan tahay, qof walba oo ay xilligaas ku ogaadeen inuu islaamayna qayb wayn ayaa laga marsiiyay jirdilkaan iyo mayd garaacaan, waxaanna kusii arki doonnaa hadduu Alle idmo casharada dhexdooda, laakiin markaan bal aan fiirino sidii arrimahaan Nabigu (scw) u maamulay, oo qaabab kala horreeya ahayd. 

DAARTA AL-ARQAM 

Si looga fududeeyo muslimiinta mushkiladaan cadaadiska ee ku habsatay, waxaa xigmaddu ku tusinaysay inuu Rasuulku (scw) u diido saxaabada muujinta islaamkooda hadal ha ahaato amase ficil la sameeyee, sidoo kale in uusan ula kulmin si qarsoodi mooyee marka uu barayo kitaabka Alle iyo xikmadda sunnada, sababtoo ah haddii uu si muuqata ula kulmo shaki kuma jiro in mushrikiintu isku dayi doonaan inay ka hor istaagaan farriinta cilmiga ah ee uu doonayo inuu dadkaas u gudbiyo, waxaaba suurowda inay taasi keento isku dhac dagaal oo labada kooxood dhex mara, ficlan taasi wayba dhacday sannadkii afraad ee nabinnimada, markii saxaabada oo meel kayn cidla ah salaaddooda kula dhuumanaya ay soo mareen koox mushrikiin ah, markaasna ay caayeen oo la dagaalameen, marka Sacad Ibn Abiwaqaas uu nin kamida daqray ilaa dhiiggiisu dhulka daatay, dhiiggaasina waa dhiiggii ugu horreeyay ee ay gaal ka daadiyeen. 

Sida la ogsoon yahayna haddii isku dhacyada noocaas ahi sii bataan oo iska daba yimaadaan, waxay keenayaan in la burburiyo muslimiinta oo la dabar gooyo, sidaa darteed xigmadu waxay tusinaysay in la isqariyo waana sida Nabigu (scw) saxaabadiisa ku amray, sidaa darteed saxaabada intooda badani way qarsan jireen islaamkooda cibaadadooda iyo kulamadooda intaba, Rasuulka Alle (scw) isagu diintiisa waa muujin jiray cibaadadiisana wuxuu ku samayn jiray mushrikiinta dhexdooda isagoo aysan jirin wax ka horjoogsan kara ujeeddadiisaas, laakiinse saxaabada si qarsoodi ah ayuu ula kulmi jiray isagoo fiirinaya sida dantoodu ku jirto amase danta Islamka guud ahaan, daarta Al-arqam Ibn Abil Al-arqam Almakhzumi waxay ku taallay buurta Safa dhabarkeeda, waxayna ahayd meel ka qarsoon aragtida madaxya waynta gaalada iyo fadhiyadoodaba, halkaas ayuu Nabigu (scw) saldhig uga dhigtay dacwadiisa iyo kulamadiisa uu muslimiinta la yeelanayo laga bilaabo sanadkii shanaad ee nabinimada, daartaas waxaa lagu kala qaadan jiray tacliinta waxyiga samada ka imaanaya iyo hufidda ruuxda, sidoo kale in figradaha lagu kala guddoonsado sidii marxalladaas muslimiinta looga gudbin lahaa amase Islamka loogu heli lahaa barrin aamin ah oo uu ka ambaqaado.
___________________

1-Xidiga sheeggu waa nin sheegta inuu qaybka qarsoon wax ka yaqaan, sida uu sheeganayo xidigaha isbadalladooda ayuu macluumaad ka helaa, qaarkood waxay sheegtaan inuu jiro jinni wax u sheega.
2-Nuhnuh ama hunnuhunnu waa hadal aad maqlayso, laakiinse aadan fahmi karin
3-Dadka waalan mararka qaarkood waxaa ku xirma neefta hadal badnidiisa darteed
4-Laan hareeri ah waa geed laantiis waxaana lagu mataalaa waxa quruxda badan gaar ahaan hadday dheer yihiin
5- Geeraarka waxaa mariyay Abdirizak Musanaf 

Daabacaad: SomaliTalk.com |December 3, 2004

QAYBTA 6aad

QAYBTA 8aad   

Silsiladda Taariikhda Islaamka

Qaybta 8aad:::

Qaybtani waxa ay ka kooban tahay:
»Hijradii Koowaad Ee Dhulka Xabashida
»Hijradii Labaad Ee Dhulka Xabashida
»Fiiro Gaar ah Boqorka Najaashi
»Qureysh Oo Dhagar U Maleegaysa Muslimiintii Xabashida U Hijrooday
»Qureysh Oo Abutalib Haddadaysa
»Qureysh Oo Markale Abutalib Hor Taagan
»Islawaynayaasha Gaalada oo ay ku dhalatay daldalidda Nabiga (scw)
»Islaamiddii Xamze Alle Haka Raalli Noqdee
»Islaamiddii Cumar Ibn Khataab Alla Haka Raalli Noqdee

Hijradii Koowaad Ee Dhulka Xabashida 


Hijradii Koowaad ee Muslimiinta: Makko ilaa dhulka Xabashida: Taariikh: bisha rajab ee sannadkii shanaad ee nabinimada (oo ku beegnayd 615 miilaadiga):
Khariidada: www.lib.utexas.edu


Sidii go’aankii jirdilka iyo cadaadinta loo hirgliyey bartamihii ama dhamaadkii sannadkii afraad ee nabinimada, nolosha Makko waa kusii adkaanaysay dadka muslimiinta ah maalinba maalinta ka dambaysa, inkastoo jirdilkaani uu si dabacsan ku bilowday markii hore, hadana mar walba xaaladdu waa kasii daraysay, carada iyo nacaybka gaalada ka imaanaysay cirka ayuu isku shareeray oo heerkii ugu sarreeyey ayuu gaaray, duruufihii ayaa sii qallafsanaaday, Makko waxay la mid noqotay xabsi wayn oo muslimiinta lagu silicdilyeeyo, ilaa sannadkii shanaad ee nabinimada ay suuroobi wayday sii joogista Makka, islamarkaana laga fursan waayay bal in muslimiintu raadiyaan xeelad ay cadaabkaan uga badbaadi karaan, xilligaan qallafsan ee mugdiga ah ayaa waxaa soo dagay suuratul Kahfi, ayadoo sidda jawaabo laga bixiyay su’aalo ay mushrikiintu Nabiga (scw) hore ugu soo jeediyeen, su’aalahaan oo ay ayagoo Nabiga (scw) xujeeya isleh yuhuudda ka codsadeen inay su’aalo adag u diyaariyaan, sidoo kale ayadoo suuraddu xambaarsan sadex qiso. 

Qisooyinkaan waxaa ku jira tilmaam bixinno xeeldheer oo ku wajahan addoommada Alle ee Mu’miniinta ah, qisada ugu horreysa ee asxaabul kahfi waxay si sarbeeban ugu irshaadinaysaa in laga hijroodo rugaha kufriga udbaha mutay iyo saldhigyada cadawnimadu ay dagtay, cabsi laga qabo in diinta lagaa fidmeeyo daraadeed ayadoo la talo saaranayo Alle, ((Mar haddaad ka fogaateen ayaga iyo waxa ay caabudayaan ee Alle kasoo haray, u dunma –ku urura- godka wuxuu rabbigiin idiin fidinayaa raxmaddiisa wuxuuna idiin qorshaynayaa arrintiinna raaxo)) 18:16 (1)

 Qisada Khadir Iyo Muuse (cs) waxay iftiiminaysaa inaan duruufuhu waligood ku socon kuna mira dhalin kaliya sida daahirkooda ka muuqata, waxaaba dhici karta inay natiijadu noqoto sida la moodayo cagsigeeda –sida kasoo horjeeda—waxaa hadaba qisadaan laga dhadhansanayaa murti qoto dheer oo ah, in colaadda aloosan ee lagu hurinayo muslimiinta laga xaq daran yahay ay guusheeda ayagu yeelan doonaan, in kuwa kufriga iyo xad gudubka isku bahaystay ay dulmiga ay gaysteen arramigiisa goosan doonaan, in kooxdaas tirada iyo tabarta yar ee Muslimiinta ah maalin un Alle ur u bixin doono ay kaga xaq soortaan ciddii gardarraysatay. (2)

Qisada dul qarnayn waxay iftiiminaysaa in arladaan Alle leeyahay uuna isagu dhaxalsiinayo ciddii uu doono oo addoomadiisa ka mida ee uusan jirin nin isagu gaar u lihi, sidoo kale inay guushu ku jirto dariiqa iimaanka ee aysan ku jirin dariiqa kufriga, sidoo kale in Alle markii muddo la joogaba uu dunidiisa u soo dirayo cid u istaagta inay ka badbaadiso masaakiinta ya’juujka samaankaas jira iyo ma’juujkiisa, sidoo kale in cidda ugu mudan dhaxalsiinta dhulkaan ay tahay addoomada Alle ee u hoggaansan Allaha iska leh dunidaan iyo waxa guudkeeda saaran. (3) 

Waxaa kaloo soo dagtay suuradda Zumar, oo ay ku jirto in dhulka Ilaahay uu waasac yahay oo haddii meel lagugu cariiriyo ay jirto meel kuu fidsan, ((Waxaa u sugnaaday kuwii wanaagga ku sameeyey dunidaan wanaag –lagu abaalmariyo—dhulka allana waa waasac, waxaa uun loo oofiyaa kuwa sabra ajarkooda xisaab la’aan)) 39:10 

Waxaana Nabiga (scw) akhbaar kusoo gaartay in boqorka xabashida Asmaxa Annajaashi uu yahay boqor caadil ah oo aan cidna agtiisa lagu dulmin, markaas ayuu Muslimiinta ku amray inay u hijroodaan dhulkaas xabashida, ayagoo diintooda kala cararaya cadaadinta iyo fidmaynta loogu gaystay Makko. 

Hadaba bisha rajab ee sannadka shanaad ee nabinimada (oo ku beegnayd 615-kii Miilaadiga) ayey hormadii ugu horreysay ee saxaabada ahi u hijroodeen xabashida, waxayna kooxdaani ka koobnaayeen 12 nin iyo afar dumar ah, oo uu horkacayo Cuthmaan Ibn Cafaan, oo ay socodka ku weheliso zawjadiisa sayidadda Ruqaya Bint Rasuulilllah (scw), wuxuuna qoyskaan Nabigu (scw) ka yiri “labadoodu waa qoyskii ugu horreeyay ee Alle dartiis u hijrooda intii ka dambaysay Ibraahiim iyo Luud (cs), waxay dadkaani siibteen ayagoo isku qarinaya mugdiga habaynka –si aan qureysh u ogaan—waxayna u jeesteen xagga badda furdo yar oo shacbiya lagu magacaabo, waxayna aqdaarta Alle usoo qoondaysay labo doonyood oo gacansi ah oo ula jillaabtay dhulka xabashida. 

Dhinaca kale Qureysh ayaa warkaani gaaray, islamarkiina waxaa laga daba diray ciidan raad qaaday, hasayeehee markay xeebtii gaareen waxay ahayd mar muslimiintii si nabada ku gudbeen, waxayna muslimiintaani ku joogeen dhulka xabashida nolol wanaagsan iyo darisnimo habboon

Bisha Ramadaan ee isla sannadkaas ayaa waxaa dhacday in maalin Nabigu (scw) usoo baxay Xaramka, waxaana meeshaas gabranaa cadad aad u badan oo qureysh ka tirsan, waxaa kaloo meesha fadhiyey tiro ballaaran oo madaxda iyo saadada qureysheed kamida, fursadaan inuu ka faa’iidaysto darteed ayuu Nabigu (scw) dhex istaagay, oo si lama filaan ah oo aysan iska jirin u bilaabay suuradda Annajmi, hadaba sida la ogsoon yahay madaxya wayntaan kufaartu ma aysan u maqal kalaamka Alle si baraxla’ markaas kahor, sababtoo ah usluubkooda ay caadaysteen ee ay ku socdeen ee ay iskula dardaarmeen wuxuu ahaa ((Waxay yiraahdeen kuwii gaaloobay ha dhagaysannina qur’aankaan, kuna qayliya –marka la akhrinayo—waxaa laga yaabaa inaad ka adkaataane)), inaan la maqlin marka la akhrinayo oo lagu buuqo oo la isku ceebeeyo ninkii lagu ogaado, sidaas ayuu ahaa usluubkoodu, markii uu Nabigu (scw) si kadis ah ugu bilaabay suuraddaan, oo dhagahooda uu qaraacay kalaam ilaah oo dareenkooda ka xoog badan, aadna u xeel dheer, quluubtana jiidanaya, aan af muggii lagu sharaxi karin waynidiisa iyo wadnaha halka uu kaga dhacayo.

Islamarkiiba waxay hilmaameen hawlahoodii, mid walibana meeshiisii ayuu ku qalalay isagoo dhagta u raaricinaya, aan maskaxdiisana wax kale kusoo dhici karin, markii uu akhriyay dhamaadka suuraddaan aayado qalbiga garaacaya oo wadnuhu dhagaysigooda la duulo ayuu ku sujuuday qawlka Alle ee ((U sujuuda Alle –dadoow—oo  caabuda)) kadibna waa sujuuday, gaaladii midwaliba isagoo aan is ogayn ayuu naftiisa inta hanan waayay sujuud la dhacay, sida xaqiiqada ah waxay ahayd quwada xaqa oo ka tan badatay cinaadkii iyo kufrigii daboolay nafahooda islawaynida iyo dhayalsigu ka buuxsamay, ismaysan celin inay sujuud ula daateen Allihii mudnaa in loo sujuudo, waxayna taasi ahayd arrin la yaab badan oo ku tusinaysa xeeldheerida qur’aanka mucjisada ah.

Markiise ay ogaadeen waxa ay ku dheceen, ay dareemeen in quwada kalaamka Alle ay leexisay hoggaankooda, ay ku barriiqdeen wixii ay awoodooda oo dhan u hureen la dagaalankiisa amase tirtiriddiisa, markaas ayaa talo farahooda ka haadday, canaan, hiifid iyo haaraam ayaa dhinac walba kaga yimid, nin walba oo meesha ka maqnaa oo mushrikiinta kamida ayaa kii joogay ku ceebeeyay, markii hadaba caydaan iyo dacaayadaani haraysay ayey fakareen bal xeelad lagaga fakan karo, markii arrinta la falanqeeyay islamarkiiba waxaa usoo baxday in Nabiga sharafta leh (scw) lagu been abuurto, oo lagu muddoco inuu raac siiyey kalimad uu sanabadooda ku xushmaynayo, “taasina waa qaraaniiqdii sarreysay shafaacadoodana waa la rajaynayaa” beentaas foosha xun oo cad ayey dajiyeen oo buunbuuniyeen, si ay ugaga cudurdaartaan sujuuddii ay Nabiga (scw) la sameeyeen, maxaase taas loogula yaabi karaa qoom caadaystay dajinta iyo tixidda been abuurka, ku xeeldheer isku dirka iyo hagardaamada.

Warkii dhacdadaan islamarkiiba waxaa loo tabiyay muslimiintii dhulka xabashida u hijrooday, hasayeeshee si gabi ahaanba ka gadisan suuraddiisa dhabta ah, waxaa gaarey in Qureyshi islaamtay oo Nabiga (scw) rumeeyeen, markii hadaba warkaan loo tabiyey ayey usoo laabteen xagga Makko bisha shawaal gudaheeda isla sannadkaas, markayse soo gaareen meel Makko u jirta galin socod ayey u caddaatay xaqiiqada dhacdadaani siday ahayd, qaarkood waxay isaga noqdeen dhulkii xabashida, intooda kalana Makko ayey kusoo galeen dhuumasho amase hoos galid qof reer Makko ah magangalyadiis.

Hijradii Labaad Ee Dhulka Xabashida

Muddadii muslimiintaas hijrootay ay maqnaayeen duruufaha Makko ka jira guud ahaan waa kasii dareen, cadaadiskii iyo jirdilkii muslimiinta loo gaysanayay ayaa sii laba jibaarmay, waxaana reer Makko usii dheeraa dareen caro leh oo ka dhashay inay muslimiintii heleen meel aamin ah oo ay gacantooda kaga fakadeen, sidoo kale waxay kasii gubanayeen wararka laga sheegay boqorka Najaashi ee sheegaya darisnimada wanaagsan ee uu muslimiinta siiyey, sidaa darteed ciqaabkii iyo balaayadii ayaa meel xun gaaray, qof walba qaraabadiisii ayaa gacan xadiid ah ku qabatay, markii xaaladdu heerkaas gaartay waxaa Nabiga (scw) u muuqatay inaan laga fursan karin inuu mar kale saxaabadiisa usoo jeediyo inay u hijroodaan dhulkii xabashida, sidaas ayaana la isla gartay.

Hadaba hijradaani aad ayey tii hore uga shido badnayd, markii muslimiintu diyaar garoobeen waxaa ogaaday gaaladii reer Makko, waxayna u istaageen inay xoog ku fashiliyaan, hasayeeshee muslimiinta ayaa ka hormaray sidii ay moodayeen, safarkiina xagga Alle ayaa looga fududeeyay, waxay ka cid galeen dhulkii xabashida intii aysan mushrikiintu soo gaarin.

Markaan hadaba tirada dadka hijrooday way ka badnayd markii hore, ragga waxaa hijrooday sadex iyo siddeetan nin marka lagu tiriyo Cammaar oo la isku khilaafo inuu la hijrooday, dumarkana siddeed iyo toban ama sagaal iyo toban tirada hore waxaa qaba kuna adkaystay taariikh yahanka wayn ee Maxamed Sulayman Almansurifowri.

Qureysh Oo Dhagar U Maleegaysa Muslimiintii Xabashida U Hijrooday

Waxaa Qureysh ku cuslaatay in muslimiintii heleen meel nabaadiino ah oo ay kula dhuuntaan naftooda iyo diintoodaba, waxay hadaba iska dhex doorteen labo nin oo lagu doortay karti iyo caqli badni inay u matalaan wafdi sidii heer qaran loo agaasimay, waxayna kala yihiin: Camar Ibn Caas, iyo Cabdullahi Ibn Abirabiica –waa intaanay islaamine—waxayna la direen hadiyado qaali ah oo loo qorsheeyay boqorka Najaashi iyo wasiirradiisa ku hareeraysan.

Markii labadaan nin gaareen dhulka boqortooyada xabashida waxay khiddadooda ka bilaabeen inay hadiyadahaas u gudbiyaan madaxda iyo wasiirrada kahor intaysan la kulmin boqorka, sidoo kale inay ku qanciyaan madaxdaas inay lagama maarmaan tahay celinta dadka muslimiinta ah, islamarkaana waxay ku xoojiyeen xujooyin loo adeegsan doono boqorka si looga dhaadhiciyo inaan laga fursan karin celinta muslimiintaas, waxay hadaba labadaan nin iyo wasiirradu ku heshiiyeen in qaddiyadda la horgeeyo boqorka Najaashi, in arrinta soo gudbinteeda ay labadoodu soo bandhigaan, in wasiirraduna ay markaas hadalkooda ku ayidaan.

Xilligii qaddiyaddaan dhagaysigeeda loo qorsheeyey markii la gaaray, ayaa labadaan nin la soo joojiyey boqorka Najaashi hortiisa, una soo gudbiyeen hadiyado qaali ah, qadarin awgeedna sujuud ula dheceen, waxaana laga codsaday inay sharraxaan ujeeddadooda, sidaan ayeyna ku bilaabeen.

Boqoroow waxaa dhulkaagaan usoo dhuuntay dhallinyaro garaad laawayaal ah oo ka baxay diintii bulshadooda, diintaadana aan galin, ee la yimid diin ay ayagu dagsadeen oo aan la garanayn annaga iyo adiga midkeenna, waxaanna noo soo kaa diray waxgaradkii iyo ehlu sharafkii tolkood ee aabayaashood, adeeradood iyo qaraabadoodii si aad dib ugu soo celisid, ayagaa cidkasta uga ogaal roon, ayagaana yaqaan dhalliisha ay ku ceebeeyeen ama ku canaanteene, markaas wasiirradii ayaa ayaguna isu jiibiyey “waa runtood boqoroow” ayaga u gacangali, dadkoodii iyo dhulkoodii ha u celiyaane.

Boqorka Najaashi isaga waxaa u muuqatay in loo baahan yahay in arrintaan laga sal gaaro, si taas loo hubiyana in dhinacyadeeda oo dhan la dhagaysto, markaas ayuu amray in muslimiintii loo cid diro, ayagiina waxaa la horkeenay boqorka.

Muslimiintu dhinacooda aad ayey u walwaleen, oo waxay arkeen Qureysh oo markale nolosha u qoonsanaysa, markayse arrintaan falanqeeyeen waxay isku afgarteen inay runta sheegaan si kasta oo duruuftu u qaraaraato, sidoo kale inuu goobta uga hadlo Jacfar Ibn Abitalib, markii ay xadrada boqorka soo galeen ayaa lagu amray inay boqorka u sujuudaan!! Jacfar ayaa yiri, annagu waxaanu nahay qolo aan u sujuudin Allaha wayn ee sarreeya cid aan ahayn!!.

Boqorkii Najaashi ayaa yiri “maxay tahay diintaan cusub ee aad kaga baxdeen diintii bulshadiinna aydaan taydana kusoo galin ama diimaha dunidaan laga yaqaan midna?.

Afhayeenkii muslimiinta Jacfar Ibn Abitalib ayaa wuxuu yiri, “boqoroow waxaannu ahayn ummad jaahil ah, sanabada ayaannu caabudi jirnay bakhtigana waanu cuni jirnay, fuxshi kasta oo xun ayaan samayn jirnay qaraabadana waanu goyn jirnay, masaakiinta iyo dumarka ayaan qafaallan jirnay kaayaga xoogga lihina kan liita ayuu cuni jiray, xaaladdaas ayaan ku sugnayn, ilaa Alle noosoo diray Rasuul annaga naga mid ah oo aannu naqaan runtiisa, ammaanadiisa iyo dhawrsanaantiisa, wuxuu marka noogu yeeray Alle inaan kaliyeello oo caabudno, inaan ka fogaanno wixii aan annaga iyo aabayaasho caabudi jirnay ee Alle kasoo haray ee dhagaxaanta iyo geedaha la qoray ahaa, wuxuu kaloo nagu amray runta, gudashada ammaanada, xariirinta ehelka, darisnimo wannaagga, ka istaagidda dhaca xaraamta iyo dhiigga dadka, ka fogaanshaha fuxshiga samayntiisa iyo hadalka beenta ah, cunidda xoolaha agoonta iyo ku been abuurashada gabdhaha dhowrsoon, wuxuuna nagu amray inaan caabudno Alle kaligii, cidna aannaan la wadaajin, wuxuu kaloo nagu amray salaadda, bixinta Zakada iyo soonka –wuxuu Jacfar tiriyay umuuraha Islamka—marka waan rumaynay, waanuna aamminnay, waana raacnay wixii uu noola yimid ee diinta Alle kamida, marka Alle kaliya ayaanu caabudnay, cidnana lama aannaan wadaajin, waxaan xalaalaysannay wixii uu noo banneeyay, waxaanuna ka fogaanay wixii uu naga reebay, hadaba qoomkayagii ayaa nagula colloobay –oo nagu soo booday—way na jirdileen, noloshayna nagu cadaabeen, waxayna naga fidmeeyeen diintayadii si ay noogu celiyaan cibaadadii sanabada, iyo inaan bannaysanno wixii aan xalaalaysan jirnay ee qurunka ahaa, markii ay na dhibeen ee na dulmiyeen ee noloshii nagu cariiryeen oo ay diintayadii naga horjoogsadeen, ayaan dhulkaagaan usoo cararnay, waxaanuna kaa door bidnay dunida inteedii kale, waxaanna jeclaysannay darisnimadaada, annagoo rajaynayna inaan agtaada nalagu dulmin karin boqoryohow.

Boqorkii ayaa wuxuu yiri, hadda waxba ma ka waddaa wixii uu Alle xaggiisa kala yimid? Jacfar wuxuu yiri, haa!! Najaashi marka wuxuu yiri, igu dul akhri, markaas ayuu ku dul akhriyay gabalka hore ee suuradda Maryam, ((KHYCS)), boqorkii Najaashi ayaa wallaahay ooyey ilaa uu garkiisa ilmo ku qooyey, waxaa kaloo ooyey, culumadiisii diinta ilaa ay kutubtii ilmo ku qooyeen markii ay maqleen kalaamkii Alle ee uu Jacfar ku dul akhriray, markaas ayuu Najaashi yiri: waxaan aad akhrideen iyo wixii ciise (cs) la yimid hal il ah ayey kasoo wada bexeen, iga hor dhaqaaqa –Camar iyo saaxiibkiis—wallaahay inaanan waligay idiin dhiibayn aydaanna hunguri ka qabine, markaasay bexeen.

Markii ay bexeen ayuu Camar Ibn Caas saaxiibkiis Cabdullahi ku yiri, wallaahay kaarto ayaan u dagsanayaa barrito –muslimiinta—aan ku ciribtiro, Cabdullahi ayaa yiri, war waxaas ha samayn dadkaani waa qaraabadeennii inkastoo ay na khilaafeene, Camarse aragtidiisii waa ku adkaystay.

Subixii ayey codsadeen markale in boqorka la horgeeyo, markii la hor keenay ayuu yiri, boqoroow!! Waxay ciise ka leeyihiin hadal wayn –aad u xun—oo aan afka lasoo marin karin, markaas ayuu boqorkii markale u cid diray muslimiinta si uu arrintaan u waydiiyo, markaas ayey argagaxeen, laakiinse waxay isku afgarteen inay runta sheegaan cidkasta hanoqotee, markii lasoo galiyey oo la waydiiyey maxaad Ciise masiix ka leedihiin, ayuu Jacfar yiri, waxaan un ka leenahay wixii Nabigayagu (scw) ka yiri: waa addoonkii Alle, Rasuulkiisii, ruuxdii iyo kalimaddii uu ku tuuray Maryam bikaaradii dhawrsoonayd.

Najaashi saxar qallalan ayuu dhulka ka qaaday, markaas ayuu yiri, wallaahay Ciise inuusan dhaafsiisnayn waxa aad tiri saxarkaas wax le’eg, madaxdii iyo wasiirradii ayaa sanka huruufay, Markaasuu yiri, xataa haddaad sanka taagtaan wallaahay.

Markaas ayuu muslimiintii ku yiri, iska laabta waxaad ku tihiin dhulkayga dushiisa shayuum –shayuumkuna waa ammaan baad tihiin afka xabashida—ninkii idin caaya waa dambiile, ninkii idin caaya waa dambiile, ninkii idin caaya waa dambiille!! Ma jecli in la isiiyo dabri dahab ah oo aan qof idin kamida dhibaateeyo, dabriguna waa buur oo afka xabashida ah.

Markaas ayuu ku yiri hawl wadeennadiisa, u celiya hadiyadahooda wax dana kama lihiye, wallaahay inuusan Alle laaluush iga qaadan markii uu boqortooyadayda ii celiyaye ma anigaa ka qaadanaya, dadkase taladooda iima qabannine ma anigaa u qabanaya.

Umu salama oo qisadaan marisay waxay tiri, markaas ayey labadoodii baxeen ayagoo dufaysan oo lagu celiyey hadiyadihii ay layimaadeen, annaguna waxaan ku nagaannay daar tan u wanaagsan iyo daris habboon.

Qisadaan dherarkeeda waxaan u marinnay sida uu Ibn Isxaaq u mariyey, waxaase jira qisada dacalladeeda kale qaar sheegaya in marka uu Camar Ibn Caas Najaashi la kulmay ay ahayd badar kadib, culuma kale ayaa waxay sheegeen inay labo goor dhacday, laakiinse habka ay qisada u sheegeen su’aalaha iyo jawaabaha iyo hadallada Jacfar waa habkii Ibn Isxaaq sheegay laf ahaantiisii, waxayse qisadu muujinaysaa in ay arrimahaani dheceen markii ugu horreysay ee ay Najaashi la kulmeen.

Fiiro Gaar ah Boqorka Najaashi

Boqorka Najaashi oo magiciisu yahay Asmaxa, waxaa la sheegay in aabihiis uu ahaa boqorka xabashida u taliya xilligiisii, kaligiis ayuu wiilal dhalay, marka saraakiishii xabashida ayaa boqorkaas dilay oo walaalkiis xukunka u magacaabay, muddo kadib boqorkaasi ayaa dhintay wiilashiisiina waa laga waayey cid boqortooyadii hanan karta, markaas ayey taladii Najaashigaan dib ugu soo celiyeen, waana halka uu ka leeyahay Alle laaluush igama qaadan markii uu boqortooyadayda iisoo celiyay.

Xusuusaha taariikhdiisa laga sheegay waxaa kamid ah inuu ahaa nin caadil ah, taasina waa tii uu Nabigu (scw) ugu dooray saxaabadiisa inay xaggiisa u hijroodaan, sidoo kale wuxuu ku islaamay dacwadii Jacfar gaarsiiyey, inkastoo aan dawladdiisa cid kale oo mas’uuliyiin sarsare ahi ka islaamin.

WARQADDII NEBI MUXAMED (SCW) U DIRAY BOQORKII XABASHIDA EE NAJAASHI... GUJI...

Markii Nabigu (scw) uu waraaqaha u diray boqorrada iyo madaxda waawayn ee dunida ka jira warqad ayuu u diray Najaashi uu islaamka ugu yeerayo uuna usii dhiibay Camar Ibn Umaya Addimri, waxaana la sheegay inuu warqadii Nabiga (scw) wajigiisa saarayay jacayl uu u qabo darteed, wuxuuna soo diray warqad uu Nabiga (scw) ugu sheegayo inuu Islaamay uuna ku caddaynayo inuu u hoggaansan yahay talada Nabiga (scw) uuna leeyahay Rasuulka Allow haddaad jeceshahay inaan kuu imaado waan kuu imaanayaa.

Hadaba ninkaas wanaagsan markii uu dhintay uuna ku dhintay dhul gaalo oo aysan la joogin cid muslimiin ah oo ku tukata Nabigu (scw) isagoo waxyi loogu sheegay ayuu amray saxaabadiisa inay isugu soo baxaan fagaaraha salaadda ciidda si loogu tukado janaazo qof maqan, lamana sheegin cid kale inuu Nabigu (scw) salaad janaazo qof maqan ku tukaday isaga mooyee –Alle meel wanaagsan ha geeyo (1).

Fiiro Gaar Ah


Islam in Africa
www.islamic-world.net

In badan oo dadka taariikhda wax ka qora ahi waxay aaminsan yihiin in Islaamku Soomaaliya kusoo galay sababta hijrooyinkaan labada ah, sidaa darteed in Soomaaliya ka Islaamnimo horreysay reer Madino, inkastoo hadaba aragtidaan dad badani qiyaaseen oo ka hadleen hadana maanan arag cid keentay dhacdooyin taariikheed oo cad oo aan ayagu qiyaas un ahayn, annigoo aan hadaba arrintaan diidanayn waxaa iimuuqata shaki badan wax keeni kara sida inaysan jirin wax taariikh ah oo Soomaaliya laga hoyo xilligaas iyo kahorba, sida masaafada dhul ahaaneed ee u dhaxaysa halka markaas Xabashida magaalo madaxda u ahady iyo Soomaaliya, sida in ay sugan tahay dhacdooyin taariikheed oo cad cad oo caddaynaya inay jiraan hijrooyin badan oo dad carab ahi ay Soomaaliya ku yimaadeen dhinaca badaha iyo xeebaha oo ay markaa suurowdo in islamnimadu dhinacaas kusoo gaartay Soomaalida, arrintaan oo aysan halkaani ahayn meeshii lagu faahfaahin lahaa waxaan isku dayi doonaa –insha Allah—inaan xilligeeda iftiiminno.

Dhinaca kale Qureysh markii ay ku guul darraysatay dhagartii ay maleegeen, oo ay ku fashilmeen shirqoolkoodii, ayna ogaadeen inaysan kibirkooda iyo dhaqan xumadooda ku faafin karin xudduuddooda meel dhaafsan, waxaa ku dhalatay figrad kale oo gurracan aadna u khatar wayn, waxaa u muuqatay inaan mushkiladaan ku habsatay si looga dabaalan karaa jirin in Nabiga (scw) dacwadiisa laga joojiyo mooyaane, hadday suuroobi waydana, gabigiisaba laga takhaluso, hasayeeshee sidee taasi ku suurto galaysaa ayadoo Abutalib wali ka sokeeyo walina naf iyo maalba ilaaladiisa u hurayo?!! Waxay taladii ula muuqatay in Abutalib loo tago, farriin kululna markaan la gaarsiiyo taasina inay tahay waddada kaliya ee markaan u furan(2).

Qureysh Oo Abutalib Haddadaysa

Isimmadii iyo salaaddiintii qureysheed oo aan cidina ka maqnayn ayaa Abutalib isasoo hor dhoobay, waxaana la yiri, Abutaliboow waxaad tahay nin odaytinimo, sharaf wayni iyo darajaba dhexdayada ku leh, waxaanuna mar hore kaa codsannay inaad naga qabato wiilka walaalkaa dhalay, mana aadan naga qaban, annaguna wallaahay ku dulqaadan mayno foolxumadaan, cayda aabayaashayo, yasidda cuqaashayada iyo dhalliilidda ilaah yadayada, maanta inaad wiilkaaga xumaatadiisa naga joojiso ama inaan labadiinaba idinkula dagaallanno arrintaan, ilaa midkeen rogmado, waxba kama dhexeeyaan.

Cagajuglayntaan iyo digniintaan kululi aad ayey ugu cuslaatay Abutalib, marka wuxuu u cid diray Rasuulka Alle (scw) oo ku yiri: adeer tolkaa maanta isagoo aan cidina ka maqnayn ayuu iiyimid, waxayna igula hadleen erayadaas kulkulul, hadaba inoo tur naftayda iyo naftaadaba, wax aanan awoodinna dusha ha iisaarin, markaas ayuu Nabigu (scw) u qaatay in adeerkiis hagraday oo garabkiisa ka baxay uuna hiilkiisa ka daalay, wuxuu markaa yiri, “adeer wallaahay hadday qorraxda dul saaraan midigtayda dayaxana dul saaraan bidixdayda inaan arrintaan ka tago –ilaa Alle guulaysiiyo ama aan ku dul dhinto—inaan ka tagayn” waana ilmeeyey niyad jab dartiis oo istaagay, markii uu dhaqaaqay ayuu Abutalib yiri soo laabo markuu soo laabtay, ayuu yiri, adeer sheeg wax allaalle waxaad jeceshahay, wallaahay inaanan waligay cadow kuu dhiibayn.

 Waana gabyey oo yiri,

  • Ilaahii arsaaqoo naflaha uumay baan maraye:
  • Inkastooy illaawe iyo luglow odayo keenaanba:
  • Illinkaaga inayan marin ilaa iilka lay dhiga e:
  • Ilmahayga aniguu yohoo waan awudnahaye:
  • Ehelkiisa anigaa u xiga ood intii la ahe:
  • Amarkaaga fuli abshir adoon aragti liidaynin:
  • Ifka waxa ka jira diin aadaa iila khayr badane:
  • Haddii anan afxumo eersanayn eray la iigasyto:
  • Ama aanan magac eexinayn kama irdhoobeene: 
  • Amarkaaga fuli waxaynu nahay uliyo diirkeede: (4)

Qureysh Oo Markale Abutalib Hor Taagan

Qureysh markii ay arkeen in Rasuulkla Alle (scw) shaqadiisii ku hawllan yahay, walina uu kusii socdo dacwadiisii, sidoo kale Abutalib inuu diiday hagrashada Rasuulka Alle (scw) iyo inuu ayaga ka fogaaday kulana colloobay arrintaan, taasina ay go’aankiisa tahay, waxay isku dayeen gorgoro rikhiis ah, kala badalasho caqli xun oo lagu qoslo, waxay soo kaxaysteen Cummaarata Ibn Waliid, markaas ayey ku yiraahdeen Abutaliboow, inankani waa barbaarka Qureysh u xoog wayn uguna qurux badan, qaado adigaa iska leh garashadiisa iyo gargaarkiisaba, ka dhigo wiil adigaa leh, noona gacan gali wiilka walaalkaa dhalay, ee khilaafay diintii aabayaashaa, kala firdhiyey isku duubnaantii tolkaa, yasay wax garadkoodii, aannu dillee waa un nin ninkale laguugu baddalaye, markaas ayuu Abutalib yiri, “wallaahay gorgoradiinaa afxun, ma wiilkiinaad ii dhiibanaysaan si aan idiinku koriyo, wiilkaygana waan idiin dhiibin si aad u dishaan, waxaas rikhiiska ahi waa wax aan waligood dhacayne iga hor dhaqaaqa” Mudcim Ibn Cadiyi Ibn Nowfal Ibn Cabdimanaf ayaa wuxuu yiri, “Abutalibow wallee odayaashu waa kuu xaqsooreen, waana ku dadaaleen mushkiladaan inay kaa lug bixiyaan, iimase muuqato inaad waxba ka yeelayso” markaas ayuu Abutalib yiri, iimaysan xaqsoorin, waxaadse go’aansatay inaad meel xun I dhigto oo cadowga iila jirsatee, waxaad awooddo samee, islamarkiibana Abutalib wuxuu mariyey gabay dheer oo uu ku sifeeyey cadaawadda Qureysh kala hortimid iyo inuusan marna isagoo nool Nabiga (scw) garabkiisa ka baxayn, sidoo kale marna shisheeyaha u dabcayn.

Hadaba labadaan kulan ee Qureysh la yeelatay Abutalib qaamuusyada taariikhdu ma sheegin xilliga ay ku beegan yihiin, hasayeeshee marka si qoto dheer loogu dhabagalo waxaa muuqanaysa inay dheceen dhexdhexaadka sannadkii lixaad ee nabinimada, sidoo kale in waqti yari un u dhexeeyey.

Islawaynayaasha Gaalada oo ay ku dhalatay daldalidda Nabiga (scw)

Markii Qureysh ku fashilantay kuna guul darraysatay labadii kulanba, waxay sare usii laalaabeen jirdilkii iyo silicdilyayntii, heer wixii hore oo dhan kasii xun, waxaase feer soctay dhagar kale oo qalloocan oo ku dhalatay duqaadda iyo islawaynayaasha, dhagartaas oo muddadii dambe isasoo taraysay, taasoo ah in ay Nabiga (scw) si qarsoodi ah u daldalaan, hawgalkaan qarsoodida ahi wuxuu gadaal ka sababay in ay islaamka soo galeen labo horyaal oo geesiyaasha Makko ee caanbaxay kamida, kuwaas oo kala Xamza Ibn Cabdilmudalib iyo Cumar Ibnul Khataab.

Intaynaan hadaba u galin sababaha ay ku islaameen aan dul marro dhagartaas qarsoodida ah sida ay gaaladu isugu dayeen, waxaana kamida in;

Cutbata Ibn Abillahab uu maalin Nabiga (scw) u yimid, markaa uu yiri, “Anaa akfuru Binnajmi idaa Hawaa: Wabilladii danaa fatadallaa: waxaan ku gaaloobay xidigga laalaadsamay: iyo kan dhawaaday soo hoobtay” markaas ayuu iskutaagay oo qamiiska ka jeexay kadibna wajigiisa sharafta leh candhuuf ku tufay, inkastoo aan candhuuftu Nabiga (scw) wajigiisa soo gaarin, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri, “ilaahow ku sallad ey eydaada kamida” waana la ajiibay habaarkaas Nabiga (scw), run ahaantii Cutba wuu sadcaalay isagoo ay safarkiisa ku weheliyaan koox ragga oo Qureysh ah, ilaa ay dageen meel loo yaqaan Zarqaa oo Shaam ku taal, markii habaynkii la gaaray ayaa libaax ku gaaf wareegay oo gurxamay, markaas ayaa Cutba meel la galiyo la waayey isagoo leh “Alla hoogaye wallaahay libaaxaasaa I cunaya, Muxamed ayaa igu habaaray, wallaahay isagoo Makko jooguu idilay annoo Shaam jooga, islamarkiiba libaaxii inta soo booday oo dadkii oo dhan soo dhaafay ayuu Cutba madaxa ku dhagay oo labo u kala gooyay.

Sidoo kale Cuqbata Ibn Abimucayd Nabiga (scw) oo salaad ku jira ayuu qoorta kaga istaagay isagoo sujuudsan, ilaa indhuhu soo duuli gaareen.

In arrintaan dilka qarsoon ahi ka go’nayd waxaad ku garan kartaa qisadaan uu Ibn Isxaaq sheegay in Abujahal uu maalin yiri, “bulshada qureysheedeey, Muxamed waa diiday xumaatada aad u jeeddaan wax aan ahayn, ceebaynta diintayada, cayda aabayaashayo, yasidda wax garadkayaga iyo liididda ilaah yadayada, anniguna ilaahbaan ballan kaga qaadaye dhagax aanan culayskiisa qaadi karin ayaan ula fariisanayaa, markuu sujuudo salaadiisa ayaan madaxa kaga baraajinayaa, markaas ama I dhiiba ama idifaaca idinkay idin jirtaa, markaas kadib Bani-Cabdimanaf –lafta Nabiga—waxay samayn karaan ha sameeyaan” markaas ayey wada yiraahdeen wallaahay inaan waligayo cid kuu dhiibayn ee fuli ujeedadaada.

Subixii markay ahayd ayuu siduu tilmaamay dhagax wayn soo xambaartay, oo Nabiga (scw) u fariistay, Nabiguna (scw) sidii uu caadaystay ayuu soo kallahay oo u istaagay salaad, Qureysh dhinaceeda waa soo kallahday oo nin waliba booskiisa fariistay, ayagoo sugaya inay daawadaan falka Abujahal samayn doono, markii Nabigu sujuuday ayuu Abujahal dhagixiisii xambaartay oo xagga Nabiga (scw) aaday isagoo sida uu sheegay doonaya inuu madaxa ku burburiyo, markuu usoo dhawaaday, waxaa la arkay isagoo gadaal gadaal usoo cararaya, midabkiisu isbadalay, argagax foolxuni ka muuqdo, gacmihiisuna dhagixii ku qallalleen, ilaa uu dhagixii iska tuuray, raggii qureysheed oo meesha fadhiyey ayaa ku yaacay si ay u badbaadiyaan ayagoo leh, war maxaa kugu dhacay!! Abal xakamow? Markaas ayuu yiri, waan istaagay si aan ugu sameeyo wixii aan xalay idiin sheegay, markaan usoo dhawaaday waxaa sokadiisa igaga soo booday awr baarqab ah, maya wallaahay inaan madixiisa, dawaaddiisa iyo miciyihiisa waligay baarqab leh arag, markaas ayuu damcay inuu icuno.

Ibn Isxaaq wuxuu yiri, waxaa la iisheegay inuu Nabigu (scw) yiri, Jibriil buu ahaa (cs) hadduu iisoo dhawaadana waa dafi lahaa, Abujahal intaa kuma joogine wuxuu sameeyey markaas kadib arrin keentay islaamidda Xamza oo Nabiga (scw) adeerkiis ah.

Markasta oo dhacdooyinku iska daba yimaadaanba figradda dilka Nabigu (scw) waa soo kordhaysay ilaa duqaadda agtooda ay noqotay arrin waqti un ku xiran, khilaafse uusan ka jirin, Cabdullahi Ibn Camar Ibn Caas wuxuu yiri, maalin ayaan la fariistay ayagoo Kacbada dhinaceeda gabran, markaas ayey isla soo qaadeen Rasuulka (scw), markaas ayey yiraahdeen, wallaahay waligayo inaannaan arag inta aan ninkaan u dulqaadannay wax loo dulqaato, waxaan ugu dulqaadannay foolxumo wayn, goor ay sheekadan hayaan ayaa waxaa soo muuqday Rasuulka (scw), markaas ayuu dhagaxa madow inta taabtay soo dul maray isagoo dawaaf ah, markaas ayey hadal aflagaado ah u qariyeen, Nabiga (scw) wajigiisa caro ayaan ka gartay, mar labaadkii ayuu soo maray, haddana waa u qariyeen sidoo oo kale, Nabiga (scw) wajigiisa caro ayaan ka gartay, mar saddexaadkii ayey haddana ku tuureen, markaas ayuu inta istaagay yiri, ma imaqlaysaan qureysheey, Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxaan idiinla imid gawrac, oraahdaas Nabiga (scw) ayaa taabatay oo ku cuslaatay raggii, ilaa ninkasta aad mooday in madixiisa shimbir saaran tahay, ilaa kii ugu hadal xumaa uu ku maslaxayey hadalka ugu wanaagsan ee uu oran karo, waxay leeyihiin: Abulqaasimoow raalli ahow iska bax wallaahay jaahil maadan ahayne.

Makray subixii dambe ahayd ayey haddana meeshii fariisteen, oo bilaabeen sheekadii Nabiga (scw) islamarkiiba waxaa soo muuqday Nabiga (scw), markaas ayey hal mara sidii hal nin ah ugu soo boodeen, oo hareereeyeen, nin kamid ahina kulleetiga ayuu gardaduub u hayaa, Abuubakar ayaa isku beegaya oo wuxuu leeyahay isagoo ooyaya, ma waxaad ku dilaysaan nin inuu yiri rabbigay waa Allah? Markaas ayey ka gaddoomeen, Cabdullahi Ibn Camar wuxuu yiri, taasi waxay ahayd wixii ugu xumaa ee aan arkay Qureysh ayagoo Nabiga (scw) u gaysanaya.

Bukhaari wuxuu soo saaray in Curwa Ibn Zubayr uu Cabdullahi Ibn Camar ku yiri, iisheeg wixii ugu darnaa ee mushrikiintu ay Nabiga (scw) u gaysteen markaas ayuu yiri, ayadoo Nabigu (scw) salaad ku jiro Kacbada agteeda ayaa waxaa soo dhaqaaqay Cuqbata Ibn Abimucayd, markaas ayuu go’iisa qoorta inta u suray ku ceejiyey ceejin aad u xun, makaas ayaa waxaa yimid Abuubakar oo inta garbaha qabtay gadaal uga riixay Nabiga (scw) isagoo leh “ma waxaad ku dilaysaan nin inuu yiri rabbigay waa Allah”

Qisa kale oo Asmaa ay marisay waxaa kusoo arooray in: nin qaylo dhaan ahi uu Abuubakar u yimid oo yiri, war ka gaar saaxiibkaa, markaas ayuu Abuubakar orday, isagoo madixiisa –uu shanlaynayey—uu tima dheer oo laallaada ku leeyahay, wuxuuna leeyahay “ma waxaad ku dilaysaan nin inuu yiri rabbigay waa Allah” markaas ayey Abuubakar ku mashquuleen oo Nabiga (scw) ka jeesteen, wuxuu marka soo laabtay isagoo aan timihii dheeraa hal madixiisa kaga oollin.

Islaamiddii Xamze Alle Haka Raalli Noqdee

Duruufahaan qallafsan, jawigaan daruuraha mugdiga iyo xaqdarrada ahi hareeyeen ee ay muslimiintu marayaan, ayaa waxaa u iftiimay dulmanayaasha kaah wayn oo waddada u nuuriyey, kaahaasina waa Islaamiddii Xamza Ibn Cabdilmudalib, horyaal ka samata bixin kara marxaladda adag ee ay marayaan, wuxuuna islaamay dhamaadka sannadka lixaad ee nabinimada gaar ahaan bisha dilxijja ee sannadkaas.

Sababta uu ku islaamayna waxay ahayd, in Abujahal uu soo maray Rasuulka Alle (scw) oo buurta Safa jooga, markaas ayuu dhibaateeyay oo daandaansaday, Rasuulkuna (scw) waa aamusan yahay oo la hadli mayo, markaas ayuu dhagax inta qaatay madaxa ku dhuftay ilaa uu daqar u gaystay dhiig ka qubtay, markaas ayuu odayaal xarunta Qureysheed ee Kacbada agteeda ah fadhiya iskala fariistay, dhinaca kale markii uu falkaan xun ku kacayay waxaa u jeedday gabar addoon u ah Cabdullahi Ibn Judcaan oo gurigeeda oo Safa ku yaal fadhiday, waxaa gabadhii soo maray Xamza oo ka yimid ugaarsi oo qaansadiisa jeeniqaarsan, markaas ayey tiri, “war istaag haddaad arki lahayd waxa Abujahal u gaystay Muxamed, halkaan isagoo fadhiya ayuu ugu yimid markaasuu caayey oo daqray Muxamedna lama hadlin” waxayna u sheegtay falkii xumaa ee uu Abujahal kula kacay Nabiga (scw) arrintaan ayuu aad uga xanaaqay, Xamza isagoo ahaa nin aad looga cabsado oo aano kulul, wuxuu u qaadan waayey in Abujahal falkaas kula kacay inanka uu adeerka u yahay Nabiga (scw), marka isagoo aan cidna la hadlayn oo raba mar un in ishiisu qabato Abujahal ayuu soo orday, markuu Kacbada soo galay ayuu kor istaagay Abujahal, markaas ayuu qaartii uu sitay madaxa ku dhuftay oo daqar foolxun u gaystay, oo yiri, maxaad u caynaysaa!! Annigaa diintiisa haysta oo wuxuu aaminsan yahay aaminsane haddaad awooddo kaalay anniga iga saar waa adiga dabada xume!!.

Markaas waxaa istaagay niman u dhashay Bani-makhzum –lafta Abujahal—si ay ugu hiilliyaan Abujahal, dhinaca kalana waxaa istaagay rag Bani-haashim ah, markaas labadii dhinac waa isu dhaarteen, Abujahal ayaa marka yiri, war Abucummaara –Xamza—faraha ka qaada, annigaa wiilka uu adeerka u yahay caayeye, islaamidda Xamza hadaba markii hore waxay ahayd nin ciil qaaday oo ka dhiidhiyey in dadkiisa la bahdilo, markuuse Nabiga (scw) la kulmay ayaa Alle qalbigiisa khayrka u qurxiyey, oo uu xarigga Alle si fiican u qabsaday, wuxuuna soo kordhiyey in muslimiintu awood ka kororsadeen, sidoo kale in Qureysh ogaatay in Xamza islaamay oo Nabiga (scw) difaaci doono sidaa darteed sharkoodii qaar ayey dib u joojiyeen.

Islaamiddii Cumar Ibn Khataab Alla Haka Raalli Noqdee

Duruufahaan qallafsan ee gurracan, jawigaan daruuraha mugdiga iyo xaqdarrada ahi dabooleen, waxaa markale iftiimay kaah kale oo kii hore ka iftiin badan oo dulmanayaasha wadada u nuuriyey, kaahaasina waa islaamidda Cumar Ibn Khataab, geesi horyaal ah oo bannaanka laga maray, wuxuuna islaamay bisha dilxijja sannadka lixaad ee Nabinimada, sadex cisho kadib islaamidda Xamza.

Islamidda Cumar waxaa ka horreysay in Nabiga sharafta badani (scw) uu Alle baryey, sida uu Tirmidi wariyey Nabiga (scw) ayaa yiri, “Ilaahow Islaamka ku xooji labada nin koodii agtaada laga jecel yahay Cumar Ibn Khataab ama Abujahal Ibn Hishaam” koodii Alle agtiisa laga jeclaa wuxuu noqday Cumar Ibn Khataab.

Marka si xeeldheer loo fiiriyo sababka Cumar islaamnimada usoo jiiday, oo la rogrogo dhammaan dacallada dhacdadaan, waxaa muuqanaysa in islaamnimadu aysan ahayn shay hal mara qalbigiisa galay ee ay si tartiib ah nafsaddiisa iskaga daba dhalatay, intaynnaan sababka islaamnimadiisa u galin bal aan dulmarro Cumar noloshiisa iyo dhaqammadiisa kahor intuusan islaamin.

Cumar wuxuu caan ku ahaa dabeecad adkaan iyo inuu yahay nin aano kulul, sidaa darteed inbadan ayey muslimiintu hagardaamo iyo shido kala kulmeen, hasayeeshee waxaa muuqata inay naftiisa ku lagdamayeen figrado isbaraanbaraya oo iska hor imaanaya, dhinac ixtiraamkiisa wayn ee uu u hayo dhaqamadii soo jireenka ahaa ee aabe iyo awoowe laga soo gaaray, ku mabbanaantiisa balwadda sarkhaamidda iyo dheesha uu dadkiisa ka arkay, dhinaca kalana la yaabiddiisa ku adkaysiga muslimiintu diintooda u haystaan, u dulqaadashada jirdilka iyo silicdilyaynta loogu hayo caqiidadooda, iyo shakiga qofkasta oo caqli lihi la qabo in waxa Islaamku u yeerayo ay ka habboon yihiin kana fiican yihiin waxyaalaha kale ee dadku haystaan, sidaa darteed markuu wax istusaba waxkalaa uga soko mara.

Marka lasoo koobo sababka islaamiddiisa, Cumar habayn ayuu gurigiisa ku hoyan waayey arrin ku kalliftay darteed, markaas ayuu soo raadsaday Nabiga (scw) inuu shiddeeyo darteed, marka xaramka ayuu soo galay islamarkiiba wuxuu la kulmay Nabiga (scw) oo ku tukanaya daahyada Kacbada dhexdooda, markaas ayuu Cumar meel dambe istaagay, Nabiguna (scw) wuxuu markaas bilaabay suuradda Alxaaqa, Cumar wuxuu yiri, markaas ayaan aad ula yaabay habka qur’aanku u dhisan yahay iyo isku toosnaantiisa, markaas ayaan iskula hadlay ninkaani waa gabyaa sidii Qureysh u sheegtay, markaas ayuu akhriyay ((Waa hadalkii Alle –qur’aanku—ee uu usoo dhiibay rasuul sharaf badan: Mana ahan hadal gabyaa intaad rumaynaysaan baa yare)) Saanne waa kaahin –xidiga sheeg—markaasuu akhriyay ((Kaahin hadalkiisna maahan in yar baad farakaysaane: waa mid laga soo dajiyey Rabbigii dunida lahaa –xaggiisa)) ilaa suuradda dhamaadkeeda, wuxuu yiri, markaas ayaa Islaamku qalbigayga ku dhacay.

Taasi waxay ahayd dhibicdii ugu horreysay ee qalbigiisa Islaam ku dhasho, inkastoose naftiisa dareenkaani ku dhashay, hadana waxaa jiidanayay oo ka xoog badnaa qolofta qalbigiisa ku dahaarantay ee qadarinta dhaqamada jaahiliga ah, ku xirnaanta tolka iyo taladiisa iyo waynaynta diintii aabayaasha, arrimahaan oo ka tanbatay dhadhansiga xaqiiqada ee qalbigiisu meel fog oo gudihiisa ah ka urinayo, sidaa darteed wuxuu aad ugu hawllannaa la dagaalanka diintaan cusub (Islaamka), isagoo aan u dangalayn waxyaalaha naftiisu iskula hadlayso.

Maalin ayuu hadaba go’aansaday inuu Islaamka cirib tiro, si uu u ciribtirana wuxuu ka bilow isyiri geesinimo iyo indha adayg awgiis dilka Nabiga (scw), isagoo arrintaan darteed u socda ayaa waxaa ka hor yimid nin lagu magacaabo Nucaym Ibn Cabdillah Annuxaam amase nin Banizuhra ama Bani makhzum midkood ah, markaas ayuu yiri, xaggee u socotaa Cumarow? Markaasuu yiri, waxaan doonayaa inaan Muxamed dilo! Suuye, oo sidee uga badbaadaysaa Bani-haashim iyo Bani-Zuhra adigoo Muxamed dilay? Markaasuuye Cumar, waxaad iila muuqataa nin gaaloobay oo diintiisii ka tagay, ninkii ayaa yiri, Cumarow haddaad wax dilayso wax kaaga yaab badan ayaan ku tusayaaye, walaashaa iyo seeddigaa labaduba waa gaaloobeen oo waa ka tageen diintaada aad haysato.

Markaas ayuu Cumar inta go’aankiisii baddalay soo aaday guriga seeddigiis –siciid Ibn Zayd –isagoo ciil la karaya ilaa uu guriga kusoo dhawaa, waxaa markaas ayaga la jooga Khabaab Ibnul Arath, oo sita warqad ay ku taal suuradda (Daha) oo uu uga akhrinayo –markastana wuu kusoo noqon jiray si uu qur’aanka ugu akhriyo—markuu khabaab sharqanta Cumar maqlay ayuu guriga meel kaga dhuuntay, Faatimana –cumar walaashiis—waxay qarisay saxiifaddii, Cumarna wuu maqlay markuu guriga kusoo dhawaa codka Khabaab ee uu qur’aanka u akhrinayo, markuu usoo galay ayuu yiri, waa maxay nuhnuhda aan agtiinna ka maqlayo, markaasay yiraahdeen, wax aan sheeko aan dhexdayada haysanney ahayn ma jiraan, markaasuu yiri, armaad gaalowdeen, markaasay walaashiis tiri, Cumarow ka waran haddii xaqu uusan diintaada ku jirin? Markaas ayuu seeddigiis kusoo booday oo inta dhulka ku riday si xun ugu istaagay, gabadhii ayaa inta soo orodday ka riixday ninkeeda, markaas ayuu dharbaaxo xoog badan ku dhuftay oo wajigeeda dhiig ka hayraamay, Ibn Isxaaq wuxuu sheegay inuu daqar ku dhuftay, marka gabadhii oo caraysan ayaa ku qaylisay “maxaad samaynaysaa Cumarow haddii xaqu uusan diintaada ku jirin, Ash-hadu Allaa Ilaaha Illallahu, Wa Ash-hadu Anna Muxamedda Rasuulullah.

Markii uu Cumar ka quustay, uuna arkay dhiigga walaashiis uu ka daadiyey ayuu isku xishooday, wuxuuna yiri, bal iidhiiba kitaabkaan aad haysaan aan akhriyee, walaashiis Faatima ayaa tiri, waxaad tahay najaas kitaabkana ma taaban karo cid aan daahir ahayn, ee istaag oo qubayso, markaas ayuu inta istaagay qubaystay, oo inta kitaabkii soo qaaday akhriyey, (Bismillahi Raxmani Raxiim) markaasuu yiri, magacyo wanaagsan oo daahir ah, wuxuu sii akhriyay suuradda (daha) ilaa uu gaarey qowlka Alle ee ((Innanii Annallahu Laa Illaaha Illaa Ana Facbudnii Wa Aqimisalaata Lidikrii)) Anigu waxaan ahay Allah, Alle kalana ma jiro aniga mooyee ee Icaabud, salaaddana ku oog xusuustayda, Cumar wuxuu yiri, maxaa ka wanaagsan hadalkaan oo ka sharaf badan, itusa Muxamed.

Khabaab markuu maqlay hadalka Cumar ayuu qolkii kasoo baxay oo yiri, bishaarayso Cumarow, waxaan rajaynayaa in ducadii Rasuulka ee habaynkii khamiista la ajiibay (Allow Islamka ku xooji Cumar Ibn Khataab ama Abijahal Ibn Hishaam) nabiguna (scw) uu joogay daarta ku taalla buurta Safa salkeeda.

Cumar seeftiisii ayuu jeeniqaartay, kadibna wuxuu aaday meeshii Nabigu (scw) joogay ilaa uu daartii yimid oo albaabkii garaacay, daarta dadkii gudaha ku jiray nin ayaa istaagay oo albaabka daldaloolkiisa ka fiiriyey, mise waa Cumar oo seeftiisii jeeniqaarsan!! Markaas ayuu Nabiga (scw) u sheegay, dadkiina inta argagaxeen ayey dhinac isugu urureen, Xamza ayaa yiri, war maxaa dhacay oo aad isugu aruurteen? Markaasay yiraahdeen waa Cumar, suuye oo Cumar muxuu yahay! Ka fura albaabka hadduu khayr uu doonayo u yimid waan siinaynaa, haddii uu shar uu doonayo u yimidna seeftiisaan ku dilaynaaye, Nabiguna (scw) gudaha ayuu ku jiray oo waxyi ayaa kusoo dagayey, marka Xamze intuu ka hortagay ayuu cududda iyo seefta xariggeeda jajuub isula qabtay, Nabiga (scw) ayaa soo baxay oo yiri, ninka siidaaya, ilaa uu Nabiga soo korjoogsaday, markaas ayuu inta kulleetiga iyo seefta xariggeeda isla qabtay xaggiisa xoog ugu soo jiiday oo yiri, “miyaadan ka harayn kufriga Cumaroow ilaa Alle kugu soo dajiyo hoogga iyo cadaabka wixii Waliid Ibn Mughiira kusoo dagay oo kale, Alloow Cumar waa kanaa, Ilaahow Islaamka Cumar Ibn Khataab ku xooji” markaas ayuu Cumar yiri, Ash-haddu Allaa Ilaaha Illallah Wa Ash-haddu Annaka Rasuulullah, Waxaan qirayaa Alla mooyee ilaah kale –oo xaq lagu caabudo—inuusan jirin, aduguna aad Rasuulkii Alle tahay, waana Islaamay, markaas dadkii daarta ku jiray ayaa takbiirtay qayladeeda laga maqlay Masjidka Xaramka.

Cumar wuxuu ahaa geesi horyaal ah oo bannaanka laga maray, sidoo kale nin anafo kulul oo lagu yaqaan, arrimahaan awgood islaamiddiisii waxay dhalisay xiisad ballaaran, oo dhinaca musrikiintana ay dareemeen dullinimo, foolxumo iyo hoog, dhinaca muslimiintana u hagoogtay cizi sharaf iyo farxad.

Sida uu Ibn Isxaaq sheegay Cumar wuxuu yiri, markaan islaamay, waxaan is iri tolow yaa reer Makko ugu neceb Rasuulka (scw) markaasaan iri, Allaylehe waa Abujahal, markaas ayaan soo aaday ilaa aan albaabkiisa garaacay, markaas ayuu iisoo baxay oo yiri, Ahlan wasahlan, Cumarow maxaad iigu socotay? Saanne waxaan kuugu imid anaan kuu sheego inaa Alle rumeeyey iyo Rasuulkiisa Muxamed, aanna aqbalay wixii uu la yimid, markaas ayuu albaabkii wajiga igaga xiray oo yiri, wajigaaga alla foolxumee iyo waxaad la timidba.

Cumar wuxuu yiri, ninku markuu islaamo ragga ayaa xirxiri jiray oo garaaci jiray, marka waxaan waayey cid aniga I xirta, markaas ayaan soo aaday abtigay Caas Ibn waa´il oo u sheegay inaan Islaamay markaasuu guriga galay oo albaabka xirtay, haddana waxaan aaday Abujahal markaasuu albaabka xirtay, markaas ayaan waxaan soo aaday Jamiil Ibn Mucamar wuxuuna ahaa ninka Qureysh ugu war faafinta badan, markaasaan u sheegay inaan Islaamay, wallaahay inuusan eray kale iwaydiin, codkiisa heerka ugu dheer intuu ku dhawaaqay ayuu yiri, war Cumar waa gaaloobayeey, anniguna waa agtaagnaaye, intaan qayliyey ayaan waxaan iri, war waa beentiise waan Islaamayeey, ummaddii magaalada joogtay oo dhan ayaa marka soo yaacday, maalintii oo dhan ayey la dagaallamayeen isna la dagaallamayey ilaa qoraxdu cirka isku taagtay, Cumarra daalay, markaas ayuu fariistay iyana waa kor dhooban yihiin oo yiri, waxaad rabtaan igu sameeya Allaan ku dhaartaye maalintaan sadex boqol magaalada ku gaarro ama waad nooga qaxaysaan ama waan idiinka qaxaynaa.

Qisadaan dacalladeeda kale waxay kordhinayaan, in Cumar markii uu daalay dadkiina kusoo yaacayaan uu oday wayn oo Cutba ladhoho inta lagdaday oo ku dul fariistay inta labada indhood faraha ka galiyey yiri, iga celi dadka haddii kale wallaahay waan kaasoo bixinayaa indhaha, odaygii marka inta qayliyey yiri, war ka joogooy war ka joogooy, marka kasta oo uu daalo sidaas oo kale ayuu yeelaa ilaa uu nasto.

Markaas kadib sida uu Bukhaari wariyey dadkii magaalada oo dhan ayaa soo dareeray ayagoo doonaya inay dilaan Cumar, isaguna gurigiisa ayuu galay, marka waxaa usoo galay Caas Ibn waail, markaasuu yiri, maxaad guriga u fadhaa, Cumarra wuxuu yiri, dadkii oo dhan ayaa soo socda oo doonaya inay idilaan, suuye waxba kuma yeeli karaan anigaad ammaankayga ku jirtaa, kadibna Caas dadkii ayuu ka hortagay oo yiri, war xaggee usocotaan? Markaasay dheheen Cumar oo gaaloobay ayaan soo dilaynaa, suuye iska noqda annigaa ammaan galiyey, dadkii hal mara ayey iska laabteen.

Dhicana muslimiinta Islaamidda Cumar guul wayn ayey usoo hoysay, Ibn Cabbaas wuxuu yiri, waxaan waydiiyey Cumar, maxaa faaruuq laguugu bixiyey? Markaasuu yiri, Xamze ayaa sadex maalmood hortay Islaamay—sheeko dheer ayuu sii waday—marka Nabiga (scw) ayaan u imid markaan Islaamay ayaan iri, Rasuulka Allow miyaynaan xaqii ku sugnayn nolol iyo geeriba maxaan isu qarinaynaa? Markaas ayuu yiri, haa Allaha wayn baan ku dhaartaye xaqii ayaad ku sugan tihiin geeri iyo nololba, saanne Allihii xaqa kula soo diray ayaan ku dhaartaye waan baxaynaa, markaas ayaan soo baxnay annagoo labo saf ah, Xamze ayaa midkood horyaal u ah anniguna kan kale, cagahayagana gurdan ayaa ka baxaya, ilaa aan Masjidka gallay, markaas ayaa Qureysh ifiirisay Xamzana fiiriyeen, markaasaa waxaa asiibtay murugo tii ugu foolxumayd, markaas ayaa Nabigu (scw) igu magacaabay Alfaaruuq kala caddeeye.

Cabdullahi Ibn Mascud wuxuu yiri, maannaan awoodin inaan ku tukanno Kacbada agteeda ilaa Cumar Islaamay,sidoo kale Suhayb Ibn Sinaan Arruumi wuxuu yiri, markii Cumar Islaamay, Islaamkii ayaa soo shaac baxay oo si muuqata ayaa dadka loogu yeeray, waxaanna fariisannay Kacbada hareeraheeda annagoo hilqo hilqo u fadhina, oo masjidkaan dawaafnay, ciddii nagu qaldanta ayaan ka aargoosannay, oo wuxuu noo gaystaan dib ugu celinay, sidoo kale Ibn Mascuud wuxuu yiri, laga soo bilaabo markii Cumar Islaamay cizi ayaannu lahayn.
_______________________________

1: Qisada Asxaabul Kahfi, sida la sheegay waxay ahaayeen ummadihii Nasaarada inkastoo habka qisadu u socoto ay aad uga muuqato inay ka horreeyeen Nasaarada oo ay ahaayeen ummadihii Yuhuudda, sida la sheegay waxaa jiray ummad gaalo ah oo sannadkii hal maalin ah oo ay ciid isugu soo baxaan oo sannab u sujuudaan leh, marka waxay lahaayeen boqor lagu magacaabo Diqyaanoos oo arrintaan ku dhiirigaliya, markii meeshii la yimid dhallin yaro caruurta boqorrada ah ayaa arrintaani u cuntami wayday marka ayagoo aan is ogayn ayaa midba meel u cararay kadibna geed ayey ku wada kulmeen, markay iswaraysteenna waxay ogaadeen inay isku ujeeddo yihiin, markaas ayey ku heshiiyeen inay masjid ay Alle kaligiis ku caabudaan dhistaan oo ay noqdeen walaalo Islaamka ah, kadibna arrintii ayaa lagu ogaaday oo boqorkii lagu dacweeyay, markaas ayuu arrintii waydiiyey ayaguna xaqa ayey caddeeyeen, markaas ayaa dil lagu haddaday ayaguna waxay codsadeen in fursad la siiyo ay arrinta kaga fiirsadaan, intii fursadaan lagu jiray ayey carareen markii ay waayeen meel ay ka gaari karaanna waxay galeen god lagu magacaabo Banjaloos, markaas ayaa hurdo dusha lagaga tuuray ay ku jireen saddex boqol iyo sagaal sano.

2: Qisada Khadir waxay ku saabsan tahay, in maalin Nabiga Alle ee Muuse (cs) oo dadkiisa khodbad u jeedinaya uu nin waydiiyey dadka yaa ugu cilmi badan, Muusena uu ku jawaaban aniga, arrintaas oo Alle ku canaantay in laga rabay inuu dhoho Allaa yaqaan darteed, markaas ayuu Nabi Muuse (cs) wuxuu Alle ka baryey in loo sheego cidda ka cilmi badan, markaas ayaa waxaa la yiri addoon Alle oo jooga labada badood meesha ay isaga soo dhacaan ayaa kaa cilmi badan, halkaas oo Muuse (cs) uu go’aansadey inuu ugu tago cilmi raadin darteed, marka markii ay israaceen ayuu Addoonkaas Alle ee Khadir sameeyey arrimo sadex ah oo muuqaalkoodu u muuqdo khalad laakiinse uu mid walba sheegay xigmad qarsoon ee uu´u sameeyey inay jirto.

3: Qisada dul qarnayn laba geesle, waxay iyana ku saabsan tahay nin boqor ah oo muslim ah oo Alle awood wayn siiyey, ninkaas oo dunida ku wareegay oo markaas ummado badan iyo mucjisooyin la kulmay, waxaana kamida waxyaalihii uu la kulmay inuu arkay ummad daciif ah oo ummad kale oo ka xoog wayni ay kusoo duulaan markasta, oo ay markaas xasuuqaan, markaas uu ninkaani darbi wayn meeshii ay kasoo gudbi jireen kaga ooday.

Sida Qur’aanku sheegay ummaddaas xoogga wayn waxaa lagu magacaabi jiray Ya’juuj iyo Ma’juuj, waxay kaloo taariikhyahannadu sheegaan in ummadaas daciif ka ahi ay ahayd ummadda turkiga.

4: Tixaha gabayga ah waxaa mariyay qoraaga Abdirizaq Musanaf

Daabacaad: SomaliTalk.com |December 14, 2004

QAYBTA 7aad

QAYBTA 9aad     

Silsiladda Taariikhda Islaamka

Qaybta 9aad:::

Qaybtani waxa ay ka kooban tahay:
»Ergay Qureysheed Oo Nabiga (scw) Horfadhiya
»Abutalib Oo Shirinaya Bani Haashim iyo Banil Mudalib
»Cunaqabayntii Guud
»Axdigii Gaboodfalka iyo Cadowtinimada
»Saddex Sano Gudaha Goshii Abitalib
»Wafdigii Ugu Dambeeyay Ee Qureysheed Ee Abutalib La kulma
»Sannadkii Muragada
»Sayidadda Khadiija Oo Xagga Alle Aadday
»Muragadii iyo dhibkii oo cirka isku shareeray
»Guurkii Sowda Alle Haka Raalli Noqdee


Ergay Qureysheed Oo Nabiga (scw) Horfadhiya

Kadib markii ay islaameen labadaan geesi ee horyaalka ah, Xamza iyo Cumar –Alle haka raalli noqdee—dulmigii iyo xaqdarradii ayaa xoogaa feydmay, waxay mushrikiintu ka baraarugeen sarkhaankii ay ku jireen ee silicdilyaynta muslimiinta iyo dullayntooda ahaa, sidaa darteed waxay isku dayeen bal inay Rasuulka (scw) kula gorgortamaan in si gacan furan loogu harqiyo wax walba oo suuragal ah oo laga yaabo in ujeedadiisa uu hawlgalkaan ka leeyahayi ay tahay, si ay uga joojiyaan, hasayeeshee waxaysan masaakiintaani u xog haynin in dhamaan dunida qorraxdu usoo baxdaayi aysan garab kaneeco u dhigmin marka la feerdhigo dacwadiisa, sidaa awgeed way ku fashilmeen wayna ku guul darraysteen dantii ay dooneen.

Sida Albayhaqi uu sheegay maalin ayaa Abujahal iyo dhamaan islawaynayaasha mushrikiintu ay talo goyn u fariisteen, marka Abujahal ayaa hadalka furey oo yiri, odayaal sidaad la socotaan ninkaan Muxamed arrintiisu waa nagu dheeraatey waana nagu dhex fidday, maynu u dirro nin caalim ku ah sixirka, kahaanada –xiddiga sheegnimada—iyo gabayga, oo la hadla una kuurgala kadibna nooga keena warbixin cad xaaladdiisu waxa ay tahay, Cutba ayaa yiri, odayaal anigu waxaan waqti hore daraaseeyay sixirka, kahaanada iyo gabaygaba, cilmi ayaanna u leeyahay, mana dhici karto inuu iga qarsoomo haddii cudurkiisu kuwaas yahay, markaas ayey yiraahdeen u tag hadaba Abalwaliidow, Ibn Isxaaq wuxuu isagu qisadaan ka wariyay Muxamed Ibn Kacab Alquradi inuu yiri, waxaa la iisheegay in Cutbata Ibn Rabiica (1) –wuxuuna ahaa kaabbaqabiilka ciddiisee—uu maalin yiri isagoo xarunta Qureysheed fadhiya Nabiguna (scw) uu meel gees ah oo masjidka kamida fadhiyo, bulsha waynta Qureysheey miyaysan qumanayn inaan Muxamed la kulmo inaan la hadlo? Oo aan u bandhigo waxyaalo ay suurowdo inuu qaarkood iga aqbalo, si aan u siinno isna dhibkiisa nooga joojiyo –xilligaasina waa markii Xamza islaamay oo ay arkeen saxaabada Nabiga (scw) ayagoo sii badanaya oo kordhaya—markaasay dheheen: haa Abal waliidow, u tag oo la hadal, Cutba waa dhaqaaqay ilaa uu Rasuulka (scw) la fariistay markaas ayuu intuusan ujeeddadiisa guda galin hadallo xigmad yar ku hadaaqay oo yiri, ma waxaad ka khayr badan tahay Haashim mise ka khayr badan tahay Cabdulmudalib ama Cabdullahi, Nabiguna (scw) waa fiirinayey umase jawaabin.

Markaas ayuu isdajiyay oo yiri, maandhow waxaad dhexyada ka joogtaa meesha aad ogtahay, haybadda qoyska ha ahaato amase qaymiga nasabkee, waxaadna reer tolkaa ula timid, mushkilo wayn oo aad ku kala firdhisay isku duubnidoodii, ku liidday cuqaashoodii, ku ceebaysay ilaah yadoodii iyo diintoodii, kuna gaalaysiisay mowtidoodii hore ee aabayaashood, marka maandhow iga dhagayso arrimo aan kuusoo jeedin doono, iskana fiiri waxaa suurowda inaad qaarkood ogolaataaye, Rasuulku (scw) wuxuu yiri, dheh Abalwaliidow waan ku maqlayaaye, markaas ayuu yiri, maandhow haddii dantaada aad waxaan aad la timid ka leedahay ay tahay inaad hanti ku tabacdo maalkayaga oo dhan ayaan isugu kaa daraynaa ilaa aad noqoto kan noogu xoolo badan, haddaad sharaf iyo magac doonayso dushayadaan kuu caleemo saaraynaa ilaa aannaan talo goosan adiga la’aantaa, haddii aad boqortinimo ku doonayso boqorbaan kuu dooranaynaa, haddii waxaan kuu imaanayaa rooxaano –jinniyo—yihiin aad arkeyso aadanse naftaada ka celin karin caafimaad baan kuu raadinaynaa, hantiyadana waan kuu huraynaa ilaa aad ka biskooto, waxaa suurowda in rooxaanuhu ninka ka adkaadaan ilaa laga daaweeyee, ilaa Cutba hadalkii dhameeyey.


Dhegeyso Qiraa´adii Shiikh C/Rashiid Cali Suufi


Rasuulka Allana (scw) waa dhagaysanayaa, markaas ayuu yiri, ma dhamaysay Abalwaliidow? Markaasuu yiri, haa, Nabiguna (scw) wuxuu yiri, iga dhagayso hadaba, suuye haye: ((Bismillahi Raxmani Raxim: Xa miim: Soo dajintii katimid raxmad badanaha guud raxmad badanaha gaar ahaaneedna ah: Kitaab loo kala saarsaaray aayaadkiisa qoomkii wax garanaya: Bishaareeye digniin bixiye –isagoo ah—wayna ka jeesteen badankoodii oo waxba maqli mayaan: Waxayna yiraahdeen quluubtayada daboolbaa kaga xiran waxa aad noogu yeerayso dhagahayagana culays baa kaga jira annaga iyo adiga dhexyadayadana darbi–teed—baa ku xiran ee dhinacaaga u camal falo annaguna waan camal falaynaa)) Rasuulku (scw) wuxuu guda galay inuu ku dul akhrinayo bilowga suuradda Fusilat, Cutbana waa aamusay oo gacmaha inta gadaal ka ritay isku tiiriyay isagoo dhagaysanaya, ilaa uu Rasuulku (scw) gaaray sujuudda suuaradaan ku jirta kuna sujuuday, markaas ayuu yiri, waad maqashay Abalwaliidow, ee adiga iyo waxaad maqashay ayaan isaga kiin dhexbaxay!!.

Markaas ayuu Cutba raggiisa xaggooda u dhaqaaqay, markaas ayey inta isdhugteen dheheen, wallaahay wuxuu idiin la yimid waji ka badalan wajigii uu idin kala tagey, markuu la fariistay ayey dheheen: maxaad la kulantey Abalwaliidow? Wuxuu yiri: waxaan la kulmay inaan maqlay hadal wallaahay aanan isagoo kale waligay maqal, wallaahay inuusan gabay ahayn, oo sixir ahayn, oo kahaano ahayn, bulsho waynta Qureysheey iga yeela talada oo markaan aniga iidaaya, isaga dhex baxa ninkaan iyo hawlgalkiisa uu ku jiro oo faraha ka qaada, Allaan ku dhaartaye hadalkiisu inuu yeelan doonaa dhacdo taariikheed wayn oo waarta, haddii carabi disho gacan aan tiinna ahayn ayaad ku ciil beesheen, hadduu carab ka guulaystana, boqortooyadiisu waa boqortooyadiinii, cizigiisuna waa cizigiinnii, dadkana idinkaa ugu mudnaan doona agtiisa, markaas ayey yiraahdeen, wallaahay Abalwaliidow wuxuu kugu sixray carrabkiisa, markaas ayuu yiri, aniga taladaydu wataase sidaad doontaan ka yeela.

Qisadaan dacalkeeda kale wuxuu caddaynayaa in Cutba uu Nabiga (scw) dhagaysanayey ilaa uu gaaray qowlka Alle ee ((Hadday jeestaan dheh –Nabi Alloow—waxaan idiinka digay suuxiso –musiibo cirwareento ah—oo la mid ah cirwareentadii Caad iyo Thamud –asiibtay)) markaas inuu istaagay isagoo cabsi la gariiraya, markaas uu afka gacanta ka saaray oo yiri: Ilaah iyo riximkaan kugu dhaariyee jooji, isagoo ka cabsanaya in digniinta laga digayaa ku habsato, kadibna in uu nimankii meesha fadhiyay xaggooda aaday ayuu hadalkii aan soo marray yiri.

Abutalib Oo Shirinaya Bani Haashim  iyo Banil Mudalib.

Dhacdooyinkii iyo maalmahii ayaa mooshinkoodii ay ku socdeen iska baddalay, xaaladihii iyo duruufihii ayaa isdooriyay, waxwaliba wajigoodii mid ka duwan ayey lasoo bexeen, Abutalibna si xeeldheer ayuu ugu kuurgalayey sida arrimuhu u socdaan, waxaana naftiisa kusoo badanayey dareen cabsiyeed isasoo taraya in mushrikiintu maagan yihiin in ay dilaan wiilka walaalkiis dhalay, wuxuu si taxaddar leh u fiirinayay dhacdooyin iska dabayimid usbuucyada lasoo dhaafay gudahooda, tusaale ahaan waxay mushrikiintu ku haddadeen loollan dagaal oo isaga ka dhan ah, waxay isku dayeen gorgoro wiilkiisa ay kaga baddashaan Cumaarata Ibn Alwaliid si ay u dilaan, Abujahal dhagax danbasyaal ah ayuu sii walwaalay si uu wiilka walaalkiis dhalay madaxa ugaga barraajiyo, Cuqbata Ibn Abimucayd go’ ayuu ku ceejiyey oo wuxuuba ku sigay inuu dilo, Cumar Ibn Khataab isagoo seeftiisa wata ayuu tagay si uu uga takhaluso wiilka walaalkiis dhalay Nabiga (scw), Abutalib arrimahaan oo dhan ayuu u fiirsanayey wuxuuna ka urinayay saxansaxo shar oo qalbigiisu la xasili la’yahay, waxaana agtiisa hubaal noqotay in mushrikiintu go’aansadeen inay xeerkiisa iyo xurmadiisa magangalinta jabiyaan, sidoo kale inay go’aansadeen inay dilaan wiilkiisa Nabiga (scw) maxaa hadaba Xamze ama Cumar badbaadin karaan haddii qof mushrikiinta kamid ahi si hallad ah gaadmo ugu dilo Nabiga (csw).


Ma waxbayse gooyeen Gaaladu oo amar ah (dhibka Nebiga) anaguna waxbaan goynaynaa (ciqaabtooda): Suurat Az-Zukhruf, Aaayada 79aad


Arrimahaan ayaa Abutalib hubsaday mana aysan ahayn xaqiiqo un mooyee, waxay gaaladu wadatashiyo badan kadib isku waafaqeen inay si aan qarsoonayn u dilaan Rasuulka Alle (scw), go’aankaanina waa kan Alle ku tilmaamay qowlkiisa ((Misse waxay go’aansadeen arrin –dilka Nabiga—annaguna waxbaan go’aansannay –ciribtirkooda)) 43:79 maxaa hadaba Abutalib la gudboon si uu mushkiladaan uga lugboxo.

Markii uu arkay sida naxariis darrada ah ee Qureyshi u hurinayso xumaatada loo dhan yahay ee lagala soo horjeedo wiilka walaalkiis dhalay, wuxuu kulmiyay laftiisa Banihaashim iyo lafta kale ee ay Cabdimanaf wada yihiin ee Banil Mudalib, halkaas oo uu inta ka dhex istaagay ugu yeeray difaacidda Nabiga (scw) isagoo ku dhiirri galiyay inay geeri iyo nololba iyagu dhiiggiisa leeyihiin dadkana ka xigaan, hadaba raggii kulankaan kasoo qayb galay ee labadaan lafood u dhashayi muslim iyo gaalba kulligood waxay Abutalib la qaateen kuna garab istaageen mowqifkiisaan, ayagoo ka gubanaya xeerkooda magan galinta ee la jabiyey, marka laga reebo Abullahab oo isagu nacaybkiisa uu Nabiga (scw) u hayo dartiis tolkiis hareer maray oo Qureysh la jirsaday.

Cunaqabayntii Guud

Afar dhacdo oo marka mushrikiinta loo fiiriyo waawayn ayaa dhaqso isaga daba yimid muddo ku siman afar usbuuc oo qura gudahood, dhacdooyinkaan oo kala ah: islaamiddii Xamza, kadibna Cumar, kadibna Nabiga (scw) oo ku gacan sayray gorgorooyinkii ay usoo jeediyeen, kadibna Banul Mudalib iyo Banihaashim oo axdi beeleed ku kala xirtay muslimkoodii iyo gaalkoodiiba difaacidda Nabiga (csw) iyo ilaalintiisa, dhacdooyikaan dartood ayey la wareereen mushrikiintu wayna mudnaayeen wareer, sababtoo ah waxay ogaadeen in haddii ay isku dayaan daldalidda Nabiga (csw) uu waadiga Makka dhiiggoodu harqinayo isaga hortiis, waxaaba suurowda inay arrintu isu rogto qalalaaso amase sabuubo ay dhamaantood la rogmadaan ama la cirib beelaan, xaqiiqooyinkaan oo dhan ayey hubsadeen markaas ayey u leexdeen dulmi iyo gaboodfal kale oo aan dilka gaarsiisnayn hasayeeshee ka qaraar dhamaann wixii ay hagardaamo iyo dhib hore u gaysteen.

Axdigii Gaboodfalka iyo Cadowtinimada

Waxay ku kulmeen daanta koonfureen ee waadiga Muxassab halka –loo yaqaan daanta baniikinaana-Islamarkaana waxay saxiixeen isbahaysi ka dhan ah labada lafood ee Banihaashim iyo Banil Mudalib, axdigaan dulmiga ku dhisani wuxuu ka koobnaa qodobo aad u naxariis daran oo kala ah sidaan: inaan lala xididin ama laga guursan, inaan wax laga iibin ama laga soo gadan, inaan lala fariisan ama la dhexgalin, inaan guryahooda la galin ama lala hadlin, ilaa ay Rasuulka (scw) soo dhiibaan si loo daldalo, waxayna gaboodfalkaan ku qoreen saxiifad laga saxiixay isimadda cuqaasha iyo dhamaan islawayneyaasha, ayadoo nin walba ay u weheliso ballamo adag iyo dhaaro kulkulul “in aysan waligood Banihaashim ka ogolaanaynin heshiis, in aysan waligood u turayn una naxaynin ilaa ay Nabiga (scw) usoo gacan galiyaan si loo dilo” Ibn Qayim wuxuu yiri, waxaa la sheegay in ninkii warqadaan gacantiisa ku qorayi uu ahaa Mansuur Ibn Cikrama Ibn Caamir, waxaa kaloo lagu sheegay, Nadar Ibn Xaarith, sida saxda ahise waa inuu ahaa Baghiid Ibn Caamir Ibn Haashim, marka Nabiga (scw) ayaa habaaray islamarkiiba gacantii ayaa qallashay.

Markii axdigaan la ansixiyay oo uu dhamaystirmay, waxaa saxiifaddii la suray meel gudaha Kacbada ah, islamarkiibana waxaa la bilaabay dhaqan galintii iyo fulintiisii, hadaba labadii lafood ee Banihaashim iyo Banil Mudalib dhinac ayey isugu miirmeen muslimkoodii iyo gaalkoodiiba –marka laga reebo Abullahab—waxayna ku urureen gudaha beer loo yaqaan gosha Abitalib, halkaas oo ay ku oodmeen laga bilaabo dhalashada bisha Muxarram sannadka todobaad ee soo saarista Nabiga (scw).

Saddex Sano Gudaha Goshii Abitalib

Cunaqabatayntii iyo go’doomintii ayaa qaraaraaday, waxaa ka dhamaaday cad iyo caano, baad iyo biyo, quud iyo qori dhamaan wixii ay gacanta ku hayeen, laga soo bilaabo markii ay hirgaliyeen axdigaan kuma aysan gaabsan mushrikiintu dhaqan galintiisa kaliya ee waxay ku hawllanaayeen olole ballaaran oo ganacsatada magaalada soo galaya lagala wareegayo bocsharooyinka ay ganacsiga u wataan si aysan Banihaashim ugu gudbin, ilaa balaayadii, gaajadii iyo waxla’aantii ay heerkii ugu xumaa gaareen, oo ay u dhib muteen inay cunaan hargaha qallalan amase daaqaan caleenta geedaha, sidoo kale ilaa waadiga gudihiisa laga maqlayey wiiraaska caruurta iyo dumarkooda ka yeeraya baahi iyo aqsoobid darteed.

Sannadahaas oo dhan ma jirin wax jidiin la mariyo oo gaari jiray si qarsoodi ah mooyaane, mana loo ogalayn inay soo iibsadaan baahiyahooda bilaha la xurmeeyo waqti ka baxsan, xilliyada qaarkood waxay raggooda gaashaan qaadka ahi u bixi jireen meelo fogfog ayagoo ganacsatada Makko usoo socota kaga soo iibsanaya badeecooyinka, laakiinse reer Makko si ay cunaqabataynta u meelmariyaan qaymaha ayey badeecadaas ku qaaliyayn jireen ilaa ay cirmar noqoto aysanna awoodin inay gooyaan.


Sarreen


Xakiim Ibn Xizaam ayaa marar sarreen ula dhuuman jiray eeddadiis Khadiija Bint Khuwaylid, marka maalin ayaa waxaa jidgooyo ku sameeyay Abujahal si uu ugu diido, arrintiina dagaal ayey isu rogtay ilaa uu kala dhexgalay Abulbakhtari, una suuro galiyay inuu sarreenkii yaraa u gudbiyo eeddadiis, dhinaca kale Abutalib wuxuu cabsi ka qabay in Rasuulka (scw) gaadmo lagu dilo, markii habaynkii hurdada la gaaro ayuu Rasuulka (scw) oran jiray seexo joodarigaaga ilaa qofkii dilkiisa damacsani uu arko meesha uu seexday, markii gam’idda la guda galo ayuu wiilashiisa ama walaalihiis amase adeerradiis gogosha uga baddali jiray, Nabiguna (scw) joodarigii ninkaas seexan jiray.

Xilliga wareegtada Xajjka Rasuulka (scw) iyo muslimiintuba waxay usoo bixi jireen meelaha dadku dagaan oo islaamka ugu yeeri jireen, waxaynuna soo marray dhaqan xumadidii uu Abullahab hawshaan ka gaysan jiray.

Burintii Saxiifaddii Gaboodfalka

Saddex sano oo kaamil ah ayaa gudubtay wax isbaddal ahina uusan soo kordhin, hadaba curashadii bisha Muxarram sannadka tobnaad ee nabinnimada ayaa waxaa si lama filaan ah u dhacday burinta axdigii gaboodfalka ahaa iyo dulmiga, jeexidda warqaddii xaqdarrada lagu qoray, waxaana tallaabadaan horseeday in markii hore Qureyshi ku kala qaybsanayd axdigaan qoristiisa iyo dhaqangalintiisa qof ku qanacsan iyo qof dhibsanaya labadaba, waxaa hadaba burintiisa ka shaqeeyey dadkii dhibsanayey.

Hishaam Ibn Camar oo u dhashay lafta Bani Caamir Ibn Lu’ayi wuxuu ahaa dadkii markii hore kasoo horjeeday meelmarinta axdigaas, islamarkaana wuxuu gaarsiin jiray Banihaashim raashin uu si dhuumasho ah ugu gayn jiray habaynkii, ninkaani markii uu qaymeeyey duruufta dadkaani heerka qaraar ee ay gaartay, wuxuu u tagay ninkale oo lagu magacaabo Zuhayr Ibn Abi Umaya –hooyadiisna tahay Caatika Bint Cabdilmudalib—markaas ayuu ku yiri: Zuhayrow ma waxaad ku raalli noqotay inaad wax iska cunto iskana cabto abtiyaashaana xaaladda aad ogtahay ay ku jiraan? Markaasuu yiri: war heedhe balo ku arki waydaye maxaan sameeyaa nin kaliya unbaan ahaye, wallaahay haddaan hal nina heli lahaa waxaan u istaagi lahaa burinta warqaddaas xun, Hishaam wuxuu yiri: nin waad heshay, suuye waa kuma, suuye waa aniga, markaas ayuu Zuhayr yiri, nin saddexaad inoo raadi.

Markaas ayuu wuxuu aaday Mudcam Ibn Cadiyi, wuxuuna uga sheekeeyay ehelnimada Banihaashim iyo Banil Mudalib iyo marxaladda qallafsan ee ay maanta ku jiraan, islamarkaana wuxuu ku dhaleeceeyey ku waafaqsanaantiisa Qureysh axdigaas gurracan ee xaqdarrada ku dhisan, markaas ayuu Mudcim yiri: war heedhe balo ku arki waydaye maxaan samayn karaa hal nin ah unbaan ahaye? Markaasuu yiri ninkale ayaa ku garab taagan, suuye waa kuma, Hishaam wuxuu yiri, waa aniga, odaygii wuxuu yiri: war nin kale inoo raadi, suuye horaan u raadshoo waa Zuhayr Ibn Abi Umaya, odaygii wuxuu yiri, nin afraad inoo raadi.

Markaas ayuu wuxuu u tagay Abulbakhtari Ibn Hishaash, wuxuuna usoo jeediyay hadalkii uu kula hadlay Mudcim oo kale, markaas ayuu odaygii yiri: ma jirtaa cidkale oo figraddaan inaku raacsan, suuye haayoo waxaa inala qaba, Zuhayr Ibn Abi Umaya iyo Mudcim Ibn Cadiyi aniguna waan ku garab taag nahay, markaasuu yiri odaygii nin shanaad inoo raadi.

Markaas ayuu wuxuu u tagay Zamcata Ibn Aswad Ibnul Mudalib Ibn Asad, wuxuuna lasoo hadal qaaday eheltinimada Banihaashim iyo xaqa sokeeye nimada ee la gooyey, islamarkaana wuxuu u bandhigay kala shaqaynta jabinta axdiga gaboodfalka ku dhisan, markaas ayuu odaygii yiri, ma jirtaa cidkale oo figraddaan nagu taageeri doonta haddaan u istaagno, suuye haa, wuxuuna u magacaabay raggii hawgalka kula jiray, marka raggaani intay wada ballameen ayey waxay ku kulmeen goobta loo yaqaan xajuun, halkaas oo ay isku dhaarsadeen inay u istaagaan jabinta axdigaas xaqdarrada ku dhisan, sidoo kale inuu Zuhayr Ibn Abi Umaya noqdo ninka ugu horreeya ee arrintaan qarxinaya ragga kalana ay markaas iska daba hadlaan ayagoo qaddiyaddaan ayidaya una jawaabaya ciddii ka hortimaadda.

Subixii nin waliba wuxuu kusoo kallahay xarunta Kacbada naadiga booskii uu ku lahaa, Zuhayrnna –ninkii hadalka bilaabi lahaa—wuxuu soo kallahay isagoo iskujoog qurux badan ku labisan, markaas ayuu Kacbada dawaafay todobo goor oo inta dadka xaggiisa usoo jeestay yiri: bulshada reer Makkow ma cunnadaan cunaynaa oo dhar quruxsan xiranaynaa, ayadoo Banihaashim rogmadeen, waxba aan laga iibin lagana iibsan, wallaahay inaan fariisanayn ilaa aan jeexjeexo warqaddaas arxan goyska ah ee khayr darrada lagu qoray.

Abujahal –oo dhinac fadhiyay—ayaa yiri, beentaa weeye, wallaahay inaadan jeexi karin, Zumcata Ibnul Aswad ayaa yiri, wallaahay adigaa ka been badan!! Markii horaba kama aannaan raalli ahayn qoristeeda iyo wixii lagu qoray midna, Abulbakhtari ayaa yiri: runtiis weeye Zumca, kama aannaan raalli ahayn waxa lagu qoray mana ansixinayno, Mudcim Ibn Cadiyi ayaa yiri: runbaad sheegteene beenlow waxaa ah ciddii wax kale ku hadashay, hor alle ayaan bari uga nahay warqaddaas iyo waxa ku yaalba, Hishaam Ibn Camar ayaa isna yiri hadalladaas hadal lamida.

Markaas ayuu Abujahal isagoo yaabban yiri: waa arrin habayn la qorsheeyay, meel aan halkaan ahaynna taladeeda lagu gooyay.

Dhinaca kale subaxaas waxaa masjidka fadhiyay Abutalib oo sababta isna u yimidi tahay, in Alle Nabigiisa (scw) tusiyey warqaddii xaaladda ay ku sugan tahay, in Alle u diray aboor oo uu markaa cunay dhamaan wixii gudaheeda ku yaallay ee gaboodfal, rixin goys iyo dulmi ahaa, marka laga reebo meel yar oo ay kaga taallay magaca Alle subxaanah iyo xuskiisa, markaas ayuu Nabigu (scw) arrintaan adeerkiis uga warramay, Abutalib markii uu arrintaan la kulmay ayuu guud ahaan Qureysh ku yiri, warkaas ayuu Muxamed ii sheegay, hadduu been sheegayo waan idiinka leexanaynaa sidaad doontaan ka yeela, haddii uu run sheegayana waad ka noqonaysaan cunaqabataynta aad na saarteen iyo xaqdarrada aad noo gaysateen, markaas ayaa waxaa la wada yiri, caddaalad ayaad ku hadashay, Abujahal mooyee.

Kadib markii haddaba hadalkii la isku jiidjiiday Abujahal iyo kooxdaan kasoo horjeedday, Mudcim Ibn Cadiyi ayaa warqadda xaggeeda u dhaqaaqay si uu u jeexjeexo, mise wuxuu la kulmay ayadoo aboor cunay kulligeed, marka laga reebo erayga (bismikallahuma) iyo wixii magac iyo xus Alle ah ee ku jiray intaas ma aysan cunin.

Halkaas ayaa warqaddii lagaga takhalusay uuna si buuxda ugu joogsaday axdigii dulmiga ku dhisnaa ee Qureysh ku heshiisay, islamarkii ayuunna Rasuulka Alle (scw) iyo dadkii la socdayi kasoo bexeen waadigii lagu go’doomiyey, dhacdadaani waxay ahayd mucjisyo caqliga dadka ka wayn oo mushrikiinta la tusiyey, mucjisadaas oo caddaynaysa nabinimada Rasuulka (scw), hasayeeshee dhaqankoodu wuxuu ahaa sidii Alle nooga waramay ((hadday arkaan mucjiso –wayn—way ka jeensanayaan oo waxay oranayaan waa sixir isdabajoog ah)) 54:2.

Wafdigii Ugu Dambeeyay Ee Qureysheed Ee Abutalib La kulma

Kadib markii Rasuulka Alle (scw) kasoo baxay kayntii lagu go’doomiyey wuxuu guda galay inuu horay usii anbaqaado hawlgalkiisa faafinta Islamka, Qureyshina inkastoo ay joojiyeen axdigii cunaqabataynta, kama aysan waantoobin cadaadintii muslimiinta iyo caqabadaynta dadka Islaamka soo galaya, Abutalibna kama uusan gaabin inuu ilaalinayo Nabiga (scw), hasayeeshee wuxuu ahaa nin da’diisu markaas kor u dhaaftay siddeetan sano, sidoo kale dhacdooyinkii xanuunka badnaa iyo mushkilooyinkii waawaynaa ee sannado badan xariirsanaa, haba ugu sii darraato cunaqabataynii goshee, ay xubnihiisa jilciyeen, dhabarkiisa jabiyeen,, murqihiisana dabciyeen, bilo tirsan un markii laga joogay kasoo bixitaankii gosha, waaba isagii oo cudurku soo ridanayo, islamarkiibana waa kusii xumaaday, hadaba markaas ayey mushrikiintu ka cabsadeen sumcad xumo ku haleesha carab dhexdeeda haddii ay wax hagardaamo ah u gaystaan wiilka walaalkiis dhalay markii uu dhinto ka gadaal,  markaas ayey waxay isku dayeen inay Nabiga (scw) kula garramaan Abutalib hortiisa, sidoo kale inay markaan uga tanaasulaan fursado aysan xilligaan kahor marna ku raalli noqdeen, waxay hadaba wafdigaani noqdeen ergadii ugu dambaysay ee Qureyshi leedahay ee Abutalib la kulma.

Ibn Isxaaq wuxuu yiri iyo culumo kalaba, markii uu Abutalib xanuunsaday, oo inuu cuslaaday ay Qureysh gaartay, ayey odayaasha qureysheed isku yiraahdeen, “Xamze iyo Cumar waa islaameen Muxamed hadalhayntiisuna waa ku faaftay qabiilooyinka carbeed oo dhan, ina keena aynu Abutalib u tagnee, hannoo garsooro annaga iyo wiilka walaalkiis dhalay, xaqiisana hannooga gooyo annagana hannooga xaqsooree, wallaahay waxaan ka cabsanaynaa inuu taladaya naga xoogee –dacalka kale ee qisadu wuxuu yiri, waxaan ka cabsanaynaa in odaygaan duqa ahi geeriyoodo, oo markaas gadaashiis wiilkiisa dhib gaaro markaasna carabi nagu ceebayso, markii hore kuma aysan dhicine markii uu dhintay ayey wiilkiisa shiddeeyeen.

Sikastoo ay noqotaba, shan iyo labaatan xubnood oo ay ku dhan yihiin waxgaradkii, isimmadii iyo ehlu sharafkii Qureysheed ayaa u dareeray xagga Abutalib, waxaana raggaas ku jira Cutba Ibn Rabiica iyo walaalkiis Shayba, Abujahal Ibn Hishaam, Ummaya Ibn Khalaf, Abusufyaan Ibn Xarbi iyo rag badan oo islawaynayaasha iyo ehlu sharafka kamid ah, markaas ayey hadalkooda ku bilaabeen, Abutalibow waad la socotaa heerka qadarinta ee aad dhexdayada ka joogto, waadna u jeeddaa xaaladdaada caafimaad oo runtii waanu kuu cabsannay, dhicana kale xog ogaal ayaad u tahay dhibka naga dhexjira annaga iyo wiilka walaalkaa dhalay, hadaba u yeer oo isagana u xaq goo annagana noo xaq goo, makaas isna ha naga joogsado annana aan ka joogsanno, annaga iyo diintayadaba dhinac ha naga maro annaguna aan isaga iyo diintiisa dhinac kamarree, markaas ayuu Abutalib u cid diray Nabiga (scw) waana yimid, marka wuxuu Abutalib yiri, adeer raggaani waa odayaashii iyo waxgaradkii reer tolkaa oo dhamaantood maanta isu yimid si ay kuu siiyaan wixii aad ka doonayso, adiguna aad u siisid wixii ay kaa doonayaan, islamarkaana wuxuu uga warramay hadalkii ay odayaashu usoo jeediyeen iyo tanaasulaadkii ay soo bandhigeen ee ahaa in labada dhinac mid waliba midka kale ammaan galin doono.

Markaas ayuu Rasuulku (scw) yiri, ka warrama haddaan idin siiyo hal kalimad ah oo aadku dhawaaqaysaan, kalimaddaas oo aad carab ku hananaysaan cajamna –dadka aan carab ahayn—idiinku hoggaansamayso “dacal kale wuxuu sheegay inuu yiri isagoo Abutalib hadalka ku wajahaya, waxaan ka doonayaa hal kalimad ah oo ay oranayaan, carab ay ku hananayaan cajamna Jizyo –gibir madax furasho—idiin soo xambaarayso, dacal kale, adeer maad ugu yeertid wax uga khayr badan? Markaaas ayuu Abutalib yiri, oo maxaad ugu yeeraysaa, waxaan ugu yeerayaa oraah qura oo Carabina idiinku hoggaansami doonto Cajamna aad kula wareegaysaan hoggaanka maamulkooda, sida uu Ibn Isxaaq sheegay markii uu sidaas yiri, hadalkii ayaa ku dhagay oo afkii ayaa malaysan waa dartiis la kala tagay, mana aysan fahmin si ay ku diidi karaan hal oraah ah oo ilaa heerkaan gaarsiisan amase ilaa xadkaan wax anfici karta, islamarkiiba Abujahal ayaa soo booday oo yiri, maxay tahay oraahdaasi, igu aabahaaye waan ku siinaynnaa iyada iyo toban lamidehe, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: waxaad oranaysaan “Laa Ilaaha Illallaah, Alle mooyee ma jiro ilaah kale oo xaq lagu caabudo, waxaadna ka fogaanaysaan dhamaan ciddii isaga ka soo hartay” markaas ayey gacmaha isla dheceen oo yiraahdeem: Muxamedow ma waxaad doonaysaa inaad ilaahyadoo dhan hal ilaaha ka dhigto? Wallee arrintaadu waa mid yaab leh, markaas ayey inta istaageen yiraahdeen, wallaahay inuusan ninkaani waxba idin siinayne iska taga oo ku socda diintii aabayaashiin, ilaa annaga iyo ninkaan Alle nakala xukumo, waana kala tageen.


Dhegeyso Qiraa´adii Shiikh C/Rashir Cali Suufi


Hadaba dhacdadaan ayaa Alle qur’aankiisa ku tilmaamayay suuradda Saad markuu yiri ((Saad: Qur’aanka xuska wayn leh –addoomaha anfacaya—ayaan ku dhaartaye: Ee kuwa gaaloobayi islawayni ayey ku jiraan iyo dhinacmar—xaqdiidnimo: Imisaan halaagnay iyaga hortood ummad –xaqa beenisay—oo ay markaas dhawaaqeen xilli aan dhawaaqu waxba taraynin: Waxayna la yaabeen in uu u yimid digniin bixiye iyaga kamida –bashar ah—waxayna yiraahdeen kuwii gaaloobayi kani waa sixirroole been badane ah: Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii –kasoo reebay—ilaah kaliya arrinkaani waa wax lala yaabo: wayna kala tageen madaxdii –odayaashii madaxya waynta ee shirka—kamid ahaa, iyagoo leh war socda oo ku adkaysta ilaahyadiina arrinkaani waa arrin dan laga leeyahaye –in la iska kiin kormariyo)) 38:1—7.

Sannadkii Muragada

Jirradii ayaa kusii cuslaatay Abutalib, hadaba shirkaan waxyar lagama joogin in geeridu qurgoysay, waxayna dhimashadiisu dhacday bisha rajab sannadka tobnaad ee nabinimada, markii gosha laga soo baxay lix bilood kadib, waxaa kaloo la sheegay in la oofsaday bisha ramadaan sannadka tobnaad, geerida Khadiijo saddex maalmood un kahor.

Sida Bukhaari uu kitaabkiisa ku wariyey markii Abutalib geeridu soo kor joogsatay waxaa usoo galay Nabiga (scw) isagoo ay agfadhiyaan Abujahal iyo Cabdullahi Inb Abi Umaya, markaas ayuu Nagigu (scw) yiri, adeer dheh Laa Ilaaha Illallaah oraah aan Alle agtiisa kuugu doodo, markaas ayuu yiri, Abujahal iyo Cabdullahi, Abutalibow ma waxaad nacaysaa diintii Cabdulmudalib? Marka Nabiguna (scw) wuu kusoo celinayey kalimaddiisii labadii gaalna way kusoo celinayeen, ilaa hadalkii ugu dambeeyey ee uu kula hadlay uu yiri, waxaan ku sugnahay diintii Cabdulmudalib, markaas ayuu Nabigu (scw) inta istaagay yiri, wallee waan kuu danbi dhaaf dalbin inta aan la ii diidin, markaas ayey soo dagtay ((uma habboona Nabiga iyo kuwii Alle rumeeyay inay u danbi dhaaf dalbaan mushrikiinta)) 9:113 waxaa kaloo soo dagtay ((adugu ma hanuunin kartid ciddii aad jeclaatay)) 28:56.

Markii odayga naftu daysay ayuu Nabigu (scw) meesha ka kacay, wax yar kadibna Cali ayaa ka daba yimid oo yiri: Rasuulka Allow adeerkaa odaygii dhunsanaayi waa dhintay, markaas ayuu yiri: tag oo aas aabahaa, halkaas ayuuna ku dambeeyey ninkii odayga ahaa, run ahaantiina uma baahna in la caddeeyo qaymaha uu Abutalib ugu fadhiyey Nabiga (scw) iyo jiritaanka dacwadiisa, sidoo kale heerka uu ka joogay ilaalinta iyo difaacidda Nabiga (scw), wuxuu ahaa dhufayska kaliya ee ay dacwada Islamku kaga gabbato daandaansiga islawaynayaasha iyo dhimmanayaasha, hasayeeshee wuxuu ku adkaystay khuraafaadka diintii uu kasoo gaaray odayaasha hore, sidaa darteed ma uusan liibaanin si buuxda, waxaana Bukhaari ku taal in Alcabbaas uu Nabiga (scw) waydiiyay: maxaad u tartay adeerkaa, wuu ku difaaci jiray oo adiga dartaa u caroon jiraye? Nabiguna (scw) wuxuu yiri: wuxuu ku jiraa meel sagxad ah oo naarta kamida haddii aanan anigu jiri lahaynna wuxuu ku jiri lahaa gunta hoose ee Naarta, sidoo kale wuxuu Nabigu (scw) yiri: waxaa laga yaabaa in shafaacadaydu gaarto oo la galiyo sagxad Naarta ah oo cag caddada gaarsiisan.

Xadiith ay culumada taariikhdu kusoo arooriyeen kutubahooda wuxuu Nabigu (scw) yiri, Qureyshi ima gaarsiin wax wayn oo aan dhibsado ilaa uu Abutalib dhintay, sidoo kale Muxamed Ibn Siiriin wuxuu yiri: markii Abutalib geeridu soo kor joogsatay ayuu Nabiga (scw) u yeeray oo ku yiri: adeer haddii aan dhinto dhex tag reer abtigaa Baninajaar –reer madiino—cid martidooda ka difaaci ogi ma jirtee, waxaa kaloo Abutalib laga wariyey inuu yiri: anigoo maalin la socda wiilka aan adeerka u ahay –Nabiga scw—suuqa dilmajaaz ayaan harraaday, markaas ayaan uga dacwooday, ciribtiisa ayuu dhulka ku dhuftay, markaas ayaa biyo saafi ahi kasoo burqadeen, qisadaani waxay muujinaysaa in Abutalib u raaci jiray Nabiga (scw) suuqyada markii uu u boxo si uu u ilaaliyo.

Sayidadda Khadiija Oo Xagga Alle Aadday

Kadib dhimashadii Abutalib labo bilood ama saddex bilood amase seddex cisho –sida akhbaaruhu isu khilaafeen—waxaa la oofsaday Ummul mu’miniin Khadiija Alkubraa meel roon Alle ha geeyee, waxayna geerideedu dhacday bisha Ramadaan sannadka tobnaad ee taariikhda nabinnimada, xilligaas oo cimrigeedu yahay lixdan iyo shan jir, halka Nabiguna (scw) konton jirsaday.

Khadiija waxay dhalatay sannadka lixdan iyo siddeedaad ee hijrada kahor, waxayna ku kortay guri madaxeed oo sharfan, sidaa darteed waxay ku sifowday akhlaaqda wanaagsan waxayna u dhalatay caqli badni iyo karti go’aan qaadasho, hadaba sifooyinkaani waa kuwii ugu sabab noqday inay noqoto shakhsiyad sumcad wayn oo laga haybaysto ilaa reer tolkeed ku magacaabi jjreen islaamnimada kahor Daahira, sharafteeda iyo dhawrsanaanteeda awgeed, waxaana Nabiga (scw) hortiis guursaday nin lagu magacaabo Abihaala, waxaana markii ay dhimatay lagu aasay meel lagu magacaabo Xajuun oo hadda gudaha Makko ku jirta.

Sida la ogsoon yahay Khadiija waxay ahayd nicmo wayn oo Alle u galay Nabigiisa (scw), waxayna la noolayd labaatan iyo shan sano ayadoo dajinaysa xilliga uu kacsan yahay, u hiillinaysa xilliga la gardarraysto, ugu kaalmaynaysa gudashada xilka wayn ee Alle saaray, la dhex muquuraysa halganka qaraar ee uu ku jiro, la garab taagan nafteeda iyo maalkeeda ladaba, waxayna ahayd sida uu Ibn Isxaaq ku sifeeyey wasiir ama lataliye daacadnimo qalbiga ugu haya, sidaa darteed ayuu Nabigu (scw) ka yiri: way I rumaysay markii dadku igu gaaloobay, I aamintay markii dadku I beeniyey, waxayna ila qaybsatay maalkeeda markii dadku I qadiyeen, Allana wuxuu igaga irsaaqay caruur cid kale waa iiga diiday.

Waxaa labada kitaab ee saxiixa ah kusoo arooray in, Jibriil (cs) uu Nabiga (scw) u yimid oo uu yiri: Rasuulka Allow Khadiijo waatanaa soo socota, waxayna siddaa weel iidaan ku jiro ama cunno amase cabbitaan, markay hadaba kuu timaado ku dul akhri salaan Alle uga timid, uguna bishaaree guri Jannada ku yaal ka samaysan xabbad luul ah oo gudaha laga qoray gudihiisana aan qalyo iyo daal midna oollin, dacal kale wuxuu kordhinayaa inuu Jibriil yiri: annigana iga gaarsii salaanta.

Waxaana hubaal ah in Nabigu (scw) jeclaa oo ay qalbigiisa meel khaas ah uga xirantay ilaa Caa´isho ay tiri: marna kama uusan daali jirin inuu ammaano Khadiija, waligayna kama aanan masayrin haweenay la ila qabo inta aan Khadiijo ka masayray, waxaana un la iguursaday dhimashadeedii saddex sano kadib ammaanta darteed, ilaa aan maalin inta masayr iqaaday aan iri maxaad ka sheegaysaa haweenayda duqda ah oo Alle mid ka fiican kuugu baddalay, markaas ayuu Nabigu (scw) carooday ilaa aan ka shallaayey, aanna go’aansaday inaanan waligay xumaan ku sheegin.

Muragadii iyo dhibkii oo cirka isku shareeray

Labadaan dhacdo oo xanuunka badan ayaa isku xigsaday maalmo yar un gudahood, markaas ayey dareenka murugada iyo qalbi gariirku ku waynaatay qalbiga Nabiga Alle (scw), kadibna kama uusan dhex bixin in masiibooyinku si isdaba joog ah ugaga imaanayaan reer tolkiis, kadib markii geeridii ku timid Abutalib ayey ku dhiirradeen, waxayna bannaanka soo dhigeen xumaato iyo cadownimo aan waxba la iskula harin, taasoo keentay inuu Nabigu (scw) reer Makko khayr kala quustay, islamrkaana uu xagga Daa´if u cararay, isagoo rajo ka qaba inay dacwadiisa aqbalaan ama u gargaaraan amase uga hiilliyaan reer Makko, hasayeeshee kalama uusan kulmin cid u hiillisa iyo cid soo dhawaysa midna, wayba uga dareen ilaa ay gaarsiiyeen wax uusan waligiis Makko kala kulmin sida aan arki doonno –insha Allah—.

Dhinaca kale sida ay Nabiga (scw) shiddadu ugu korortay ayey saxaabadiisana shiddayntu ugu korortay, ilaa Abuubakar –ninka odayga ah ee sumcadda waynaa saaxiibka khaaska ah ee Nabigana ahaa—ay duruuftu ku kalliftay inuu Makko isaga higroodo, ilaa uu gaaray meesha loo yaqaan Barkal Qamaad, isagoo u jeeda dhulka Xabashida, halkaasna uu kaga horyimid nin lagu magacaabo Ibn Dughna uuna soo celiyey kadib markii uu magan galyadiisa ugu ballanqaaday.

Ibn Isxaaq wuxuu yiri: markii Abutalib dhintay ayey Qureyshi gaarsiisay Rasuulka (scw) wax aysan waligeed damcin noloshii Abutalib, ilaa uu qaballuus wax iskuma fale ahi xantoobo ciid ah ku sayriyey madaxiisa sharafta leh, markaas uu gurigiisa soo galay isagoo ciiddii madaxiisa ku rassaysan tahay, markaas mid gabdhihiisa ka mid ahi ay madaxa u dhaqaysay ayadoo ooyeysa, Rasuulka Allana (cw) wuxuu ku leeyahay ha ooyin gabadhaydooy, Alle ayaa aabahaa difaacayee, markaas ayuu wuxuu leeyahay Qureyshi wax aan dhibsado ima yeelin ilaa uu Abutalib dhintay.

Hadaba dhibaatooyinkaan xanuunka badan ee isku xigsday dartood ayuu Rasuulku (scw) sannadkaan tobnaad ku magacaabay “sannadkii murugada” magacaanina waa magaca sannadkaani ku caanbaxay qaamuusyada taariikhda dhexdooda.

Guurkii Sowda Alle Haka Raalli Noqdee

Bisha Shawaal sannadka tobnaad ee nabinnimada ayuu Nabigu (scw) guursaday Sowda Bint Zumca, waxayna ahayd gabdhihii hore u islaamay, hijradii labaad ayeyna u hijrootay dhulka Xabashida, halkaas oo ninkeedii oo lagu magacaabi jiray Sakraan Ibn Camar kana mid ahaa  isaga laftiisu muslimiintii hijrooday uu ku dhintay, waxaa kaloo layiri markii laga soo laabtay ayuu Makko ku dhintay, markii hadaba ay cuddadeedii dhamaysatay ayuu Nabigu (scw) doonay

Dhacdadaan isku xirkeeda waxaa ka shaqeeyey gabadha muslimadda ah ee lagu magacaabo Khowla Bint Xakiim, gabadhaas oo markii Khadiijo dhimatay Rasuulka (scw) u tagtay oo tiri: Rasuulka Allow miyaannaan kuu guurinayn, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: oo yaad ii guurinaysaa, markaasay tiri: haddaad rabtana gabar yar, haddaad rabtana garoob, markaas ayuu yiri: waa tuma gabadhu waase tee garoobku, markaasay tiri: haddaad gabar doonayso waa Caa´isho inanta uu dhalay dadka ninka aad ugu jeceshahay, haddaad garoob doonaysana waa Sowda Bint Zumca, marka Khowla waxay u tagtay odayga gabadhaan dhalay oo ah nin wayn oo hawlgab ah, markaas ayey salaan kadib tiri: Muxamed Ibn Cabdillahi ayaa gabadhaada hadalhaya, markaas ayuu yiri: nin sharaf badan oo u qalma iyadu maxay tiri, markaasay Khowlo tiri: way rabtaa markaasay ayuu yiri: ha iiyimaado.

Marka Nabiga (scw) oo ay socodkiisa dad ku weheliyaan ayaa yimid, islamarkiibana waa lagu meheriyey gabadha, waxaana ku xigay dhamaystirkii hawsha guurkaan, waxay hadaba Sowdo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Nabigu (scw) guursaday Khadiija kadib, sannado kadibna waxay codsatay in fursaddeedii ay Nabiga (scw) ku lahayd loo hibeeyo Caaisha, waxaa la yaab badan walaalkeed Cabdi Ibn Zumca oo meel ku maqnaa ayaa yimid, markaas ayuu madaxa ciid isaga shubay, markii uu islaamay ayuu yiri: wallaahay maalintaas caaq baan ahaa aan waxba ogayn, marka aan ciidda isugu shubayo in Sowda uu Muxamed guursaday, laakiinse caaq ma uusan ahayne islaam ayuusan maalintaas ahayn, marka waxba ma uusan ogayn.
__________________________________

1: Cutbata Ibn Rabiica Ibn Cabdishamsi Abul waliid, odayga Qureysheed iyo waliba mid kamida mas’uuliyiinteeda waawayn ee xilliga jaahiliga, waxaa lagu sifayn jiray caqli badni, dulqaad iyo ammaan badan, wuxuuna ahaa nin lagu yaqaan codkarnimo hadalkiisu fulo, markii hore wuxuu ku koray agoonnimo uu soo korsaday Xarbi Ibn Ummaya, markii ugu horreysay ee magaciisa la maqlay waxay ahayd markii uu kala dhex galay labada qabiilo ee Hawaasin iyo Kinaana oo uu dhex maray dagaal loo yaqaan dagaalkii fusaaqda, halkaas oo uu soo jeediyay xallin labadii dhinacba ku qanceen, dagaalkiina sababtiisa ku istaagay, sidaa darteed waxaa la oran jiray ma jirin nin xilliga jaahiliga madaxnimo iyo magac wayni ku sifoobay isagoo faqiir ah marka laga reebo Abutalib Ibn Cabdulmudalib iyo Cutba Ibn Rabiica, iyagu hanti la’aan ayey magac waynaadeen.

Ayaan darrise Cutba islaamka ayuu soo gaaray markaas ayuu islawaynaaday oo xadkiisa dhaafay, wuxuuna ka qayb galay dagaalkii Badar isagoo mushrikiinta lasocda, waxaana la sheegay inuu ahaa nin muruqyo waawayn oo baaxad wayn, ilaa markii dagaalku bilaaban rabay loo waayey koofiyad dagaal oo madaxiisa leeg, markaas go’ loogu duubay, dagaalkaan oo uu wacdaro ka muujiyay wuxuu hoggaaminayay koox bilowgii horaba hore colka isaga soo soocay isaga iyo labo qoyskiisa ah, halkaas oo uu dhex ugu dhacay Caliyi Ibn Abitalib iyo Xamza Ibn Cabdilmudalib islamarkiina ka takhaluseen, sannadka labaad ee Hijriga oo ku beegan sannadka 624 Ciise dabadi.

Isha Sawirada:
http://abdulrashid.net/html/quran.asp
http://en.wikipedia.org/wiki/Makka
http://www.google.com/

Talo bixin ku aadan qoraalkan u dir qoraaga oo emailka hoos ku qoran:::

Daabacaad: SomaliTalk.com |December 29, 2004

QAYBTA 8aad

QAYBTA 10aad      

Silsiladda Taariikhda Islaamka

Qaybta 10aad:::

Qaybtani waxa ay ka kooban tahay

  • Quwadda Sabarka ee Sugnaanshaha Dhalisey 
    »» Rumaynta Alle
    »» Hoggaan qalbigu u hoobanayo
    »» Garashada Mas’uuliyadda
    »» Rumaynta Aakharo
    »» Qur’aanka
    »» Bishaarada Guusha
  • Marxaladdii saddexaad Ee Dawrka Makko
  • Gaarsiinta Dacwada Islamka Meelo Ka Baxsan Gudaha Makko 
  • Rasuul Alle (scw) oo Daaif Jooga 
  • Islaamka oo Loo Bandhigayo Qabiilooyinka Iyo Shakhsiyaadka. 
  • Qabiilooyinkii Islaamka Loo Bandhigay 
  • Guurkii Caaisho 

Quwadda Sabarka ee Sugnaanshaha Dhalisey 

Marka aad si xeeldheer ugu kuurgasho heerka cadaadinta dadka muslimiinta ah Makko loogu gaystayi gaaray, waxaad islamarkiiba iswaydiinaysaa, maxay tahay quwadda qarsoon ee gaarsiisay inay ilaa xadkaan u dulqaataan silicdilyaynta iyo dhibaatooyinka wadnuhu maqalkooda la gariirayo oogaduna la dubaaxinayso ee iyaga lala beegsanayo, maxayse yihiin ilaha ay uga dab qaadanayaan kartidoodaan xad dhaafka ah. Tani hadaba waa su’aal ay in badan taariikh yahannadu iswaydiiyeen, in badanna indheergaratadu ku wareereen. Si aan taariikhdaan fahan fiican uga qaadano waxaan u baahannahay inaan tafsiir cad ka bixinno quwaddaas qarsoon iyo ilahaas dhaliyay jawaabihii ay culamadu ka bixiyeen, waxaana ugu horreeya. 

Rumaynta Alle

Sababka ugu wayn oo quwaddaan dhaliyeyi ugu horreynba waa iimaanka –rumaynta—Alle kaligiis iyo barashadiisa si dhab ah, iimaankaas yaqiinta ku shisani markii macaankiisu qalbiga la falgalo buuraha ayuu ka culays waynaadaa, qofka qalbigiisa yaqiintaasi ka buuxsantayna markastoo dhibaatooyinka dunidaani cuslaadaan ama isdulfuulaan amase waynaadaan waxay ula muuqataa sidii xayaabo biyo kor saaran amase ciiro dabayluhu sitaan oo dhaqso u bidi doonta, daadxoortu ayadoo qallalan ayey tageysaa wixii agab lihina ayagaa harin. 

Sababkaan wayn waxaa la xariira sababo kale oo sugnaanshaha xoojinaya, waxaana ka mid ah. 

Hoggaan qalbigu u hoobanayo

Nabigu (scw) isagoo ah hoggaanka koowaad ee ummadda Islamka ah amase aadanahaba idilkiis, wuxuu ahaa shakhsi Alle si deekhsinimo ah ugu hodmiyay asbaabaha lagu soo hirto ee dhamaystirnaanshaha sifooyinka xagga garaadka iyo caqliga la xariira iyo qummanaanshaha xagga abuurista iyo muuqaalka la xariira, waxaa Alle ka haqab tiray dabeecadaha macaan, akhlaaqaha quman iyo hannaanka toolmoon, sidoo kale abuurista qurxoon, wuxuu ahaa shakhsi nafuhu xaggiisa usoo dunmaan sida biyuhu meesha godan ugu qulqulaan, naftooda huraan isaga sokadiisa, jirkooda illaawaan isaga dartiis, habsamida loo uumayna waxay ahayd mid aan ruux kale lagu irsaaqin, sidoo kale wuxuu heerka ugu sarreeya ka gaaray sharafta iyo toosnaanta, khayrka iyo barkhadda, ammaanada, dhawrsoonaanta iyo runta, sidaas ayuu mudnaanta koowaad ku yeeshay dadka dhexdiisa, sumcaddiisuna waxay ahayd mid aysan cadowgiisa iyo kuwa khilaafsani marna ka shakiyin amase qarin karin, marka laga gudbo saaxiibadiis iyo kuwa jecel, sidaa darteed maysan jirin oraah xaggiisa kasoo fusha illaa waxay u qaadan jireen hubaal iyo yaqiin aan run ahaanshaheeda la iswaydiin. 

Markii Qureyshi ay mamnuuceen dhagaysiga qur’aanka ayaa waxaa meel ku wada kulmay saddex nin oo odayaasha qureysheed ka mid ah, mid walba oo raggaas ahina wuxuu si qarsoodi ah u dhagaystay qur’aanka wayse kala qarsanayeen, islamarkiiba sirtoodii ayaa fashilantay, markaas ayuu Akhnas Ibn Shariiq yiri: Abu-Sufyanow sidee u aragtaa waxa aad Muxamed ka maqashay, Abusufyaan wuxuu yiri: wallaahay waxaan maqlay waxyaalo aan garan karo xigmadda looga jeedana aan fahmayo, markaas ayuu Akhnas yiri: aniguna wallaahay sidaas ayaan ahaye Abulxakamow –Abujahal—sidee kuula muuqdaan waxa aad maqashay, markaas ayuu yiri: oo maxaan maqlay!! Annaga iyo Bani Cabdimanaaf –lafta Nabiga—waxaan ku tartannay sharafta, waxbay quudiyeen annaguna waan quudinnay, mago culus ayey bixiyeen annaguna waan bixinay, hanti ayey qaybiyeen annaguna waan qaybinnay, ilaa aan ku simannay ratiga baarkiisa, oo aan lamid noqonnay sida labadii faras ee rihaan, markaas ayey leeyihiin waxaan leennahay nabi cirka looga waxyoodo, goormaan tan gaaraynaa, wallaahay inaannaan rumaynayn waligayo kana aqbalayn. 

Waxaaba tan kasii cad Mughiira Ibn shucba –ninka saxaabiga ahi—wuxuu yiri: maalintii ugu horreysay ee aan Rasuulka Alle (scw) aqoonsaday waxaan la socday Abujahal, marka waxaan la kulannay Rasuulka Alle (scw) markaas ayuu Abujahal ku yiri: Abulxakamow waxaan kuugu yeerayaa xagga Alle ee xaqa maqal oo soo aad Alle xaggiisa iyo rasuulkiisa, markaas ayuu Abujahal yiri: Muxamadow maad iska daysid cayda ilaah yadayda, ma waxaad iga doonaysaa inaan kuu qirno inaad farriintaada na gaarsiisay, wallaahay xataa haddaan ogahay in waxa aad sheegaysaa xaq yihiin kuma raaceene, markaas ayuu Rasuulka Alle (scw) iska tagay, Abujahalna aniga ayuu iisoo jeestay oo yiri: wallaahay waxaan ogahay in waxa uu sheegayaa ay xaq yihiin, laakiinse Banuqusaya –qabiilka Nabiga—waxay na yiraahdeen furaha Kacbada annagaa hayna,  saannune haye, markaasay yiraahdeen: daaru nadwa (baarlamaanka) annagaa hayna, saannune haye, markaasay yiraahdeen: calanka dagaalka iyo marti galinta xujayda annagaa iska leh, saannune haye, markaasaan sharafta ku tartannay ilaa aan isla simannay, markaasay hadda na leeyihiin nabibaa nagu jira: wallaahay inaanan tan yeelayn. 

Abujahal wuxuu oran jiray: Muxamadow annagu adiga ku beensan mayno laakiinse waxaan beeninaynaa waxa aad la timid, markaas ayaa Alle kusoo dajiyay ((addiga kuma ay beensanayaan laakiinse kuwa daalimiinta ahi aayadaha Alle ayey inkirayaan)) 6:33. 

Sidoo kale waxaan soo marray markii Nabiga (scw) oo dawaafaya ay gaaladu hadal qalloocan u qariyeen saddex goor, markaas intuu soo eegay uu yiri: Qureysheey wallaahay waxaan idiin la imid gawrac, markaas inta kalimaddaasi cabsi ku abuurtay ayey hadallo qabow ku maslaxayeen. Mar kale markii ay mandheerta hasha dusha u saareen isagoo sujuudsan wuu habaaray, markaas qosolkii ayaa inta ka biday, oo qalaq iyo murugo qabatay ayey yaqiinsadeen inay halaagsamayaan. 

Sidoo kale markii uu habaaray Cutba Ibn Abillahab, hadalkaasi qalbigiisa ayuu gilgilay wuuna hubay in uu run yahay ilaa markii uu libaaxa arkay uu yiri: wallaahay Muxamed baa idilay isagoo Makko jooga. Markale Ubaya Ibn Khalaf ayaa ugu dhaartay inuu dilayo, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: adigu idili mayside aniga ayaa ku dilaya hadduu Alle idmo, markii Nabigu (scw) dhaawac yar oo xagtin ah qoorta kala helay maalintii Uxud, Ubaya dhulkii ayaa hayn waayey oo wuxuu lahaa: wallaahay anigoo Makko jooga ayuu igu yiri anigaa ku dilaya, wallaahay hadduu candhuuf igu tufo maanta waa idili lahaa, isla saacaddiina waa u dhintay. 

Markale Sacad Ibn Mucaad –saxaabiga—ayaa wuxuu la kulmay saaxiibkiis Umaya Ibn Khalaf gudaha Makko, markaas ayuu Sacad ka maqlay oraah uusan jeclaysan, markaas ayuu yiri: war naga tag wallee Nabigaan (scw) maqlay isagoo leh: in muslimiintu ku dilayaane, markaas ayuu Umayo argagaxay oo xaaskiisa u sheegay oo go’aansaday inuusan Makko marna ka bixin, markii hadaba Abujahal ku khasbay bixintaanka dagaalkii Badar ayuu soo gatay ratiga Makko ugu dheereeya si uu dushiisa ugu cararo, haweenaydiisa ayaa ku tiri, war xaggee aadaysaa ma illowday hadalkii saaxiibkaa Sacad kuu sheegay? Markaasuu yiri: wallaahay ma ilaawine waxaan doonayaa inaan xoogaa hore usii raaco colka ee waan kasoo noqonayaa. Hadalladaas dhamaantood waxay inoo caddaynayaan sida xataa gaaladu hadalkiisa u rumaysnaayeen, sidoo kale quwadda aaminsanaantiisu dhexdooda ku lahayd. 

Marka la fiiriyo dadka Nabiga (scw) rumaysan ee xilligiisa noolaa ee saaxiibadiis ah ayaga wuxuu ka dagay booska naftu dagto, wuxuuna muuqaalkiisu ka mashquuliyey qalbiga iyo indhaha, sidaa darteed jeclaanta qalbiga kasoo go’day ee ay u qabaani waxay ahayd mid xaggiisa u jiidanaysa sida magnadku birta u jiito amase sida meesha godani biyaha u jiidato, waana halka uu ninkii gabyayi ka yiri: 

  • Muuqaalkiisu waa nuur jismiga maaxday aadmiga e:
  • Waa maaddo jawhariya iyo maarta geedahaye:
  • Waa muxubo nuur laga unkiyo moodda galabeede:
  • Waa qalab maqnaadiisa iyo macadin diimoone:
  • Waa maahir lagu soo hirtoon loo mataal heline: (1)

Midkale: 

  • Haddii aanu mas’ala jeedinayn macallinkeediiye:
  • Ama aanu diin marinahayn mihindiskii khayre:
  • Murtida uu layimid daahirkaa kaaga maagbixine:
  • Inuu mussadiq suurradaa marag madoonto ahe:
  • Mulkiga uunka yaa Muxamedoow mahadnaq kuu siiya: (1)

Jeclaantaan iyo naf u huriddaani waxay ku keentay inay ku qanacsan yihiin in jirkooda xubinba mar la gooyo isagana aan korkiisa xagtini gaarin ama aan qodaxi mudin. 

Maalin ayaa Abubakar mushrikiintu jirdileen, si aad u daran ayeyna u garaaceen ilaa uu dhulka ugu dhacay oo ay markaas ku tumanayeen si foolxunna u garaaceen, islamarkaana Cutba ayaa kabihiisa wajiga kala dhacayay ilaa dhiiggu wada qooyay oo la garan waayay wajigiisa meel sanku kaga yaal, marka lafta uu ka dhashay ee Banutaym ayaa go’ ugu soo qaaday gurigiisa ayagoo aan ka shakisanayn inuu dilkaan u dhimanayo, marka galabtii uu soo miyirsaday, hadalkii ugu horreeyay ee ay ka maqleen wuxuu yiri: iiga warama Rasuulkii Alle (scw), markaas ayey inta aflagaadeeyeen kala dareereen ayagoo leh, biyo ku qulaami waxa hadduu rabo ha dhintee, marka hooyadii Umulkhayr ayaa biyo ku khasbaysa isaguna wuxu leeyahay iiga warama Nabigii Alle (scw), markaas ayey tiri: wallaahay uma warhayo saaxiibkaa, markaasuu yiri: u tag Umuljamiil Bint Khataab oo soo waydii, markaas ayey Umulkhayr u tagtay oo tiri: Abubakar wuxuu ku leeyahay iiga waran Muxamed Ibn Cabdillahi, markaasay Umuljamiil tiri: Abubakar iyo Muxamed Ibn Cabdillahi midna kulama aqaan haddaadse jeceshahay inaan wiilkaagaas xaggiisa kuu raaco waan yeelayaa, Umuljamiil markay soo kor istaagtay Abubakar oo mayd u eke ah ayey oohin ceshan wayday oo tiri: wallaahay kuwa sidaas kuu galay waa kuwa ilaahay ku gaaloobay oo fusaaq ah, waxaanna rajaynayaa in Alle kaaga aargooyo, Abubakar wuxuu yiri: iiga waran Rasuulkii Alle (scw), markaasay tiri: hooyadaa ayaa ina maqlaysee naga dir, markaasuu yiri: wax macna ah maleh tani waxba ku yeeli mayso, markaasay tiri: waa nabdoon yahay ilaah mahaddii wuxuuna joogaa daartii Arqam, markaasuu Abubakar yiri: ilaahay wuxuu dushayda ku leeyahay inaanan cunno dhadhamin biyana liqin ilaa aan Rasuulkii Alle (scw) u tago, hadaba markii habaynku madoobaaday oo socodku yaraaday ayey labadoodii garbaha qabteen ilaa ay Rasuulka (scw) u galiyeen. 

Qisadaani waa un mid kamida dhacdooyin badan oo muujinaya sida ay saxaabadu naftooda ugu hurayeen aragtida Nabiga (scw) iyo ilaalintiisa, waxaanna arki doonnaa hadduu Alle idmo tusaalayaal badan khaas ahaan goobaha dagaallada. Waxay hadaba lanoolaanshaha Nabiga (scw) iyo dugaalsiga hanuunintiisa iyo jeclaantiisu u sahashay dhibkasta oo loo gaystay, waxay kaloo qisadaani muujinaysaa heerka cadaadintu gaartay sidoo kale siyaasadda isqarinta ee ay muslimiintu dhaqangaliyeen. 

Garashada Mas’uuliyadda

Waxay saxaabadu garanayeen xilka wayn ee Alle dusha u saaray, ee ah gudasha gaarsiinta diintaan bini aadmiga oo idil, sidoo kale inaan mas’uuliyaddaan si looga dhuuman karo jirin amase cid looga galgasho, ciribxumada ka ratibmaysa ka cararisteeda ee ayaga soo gaaraysa ama uunka oo idil ayaaba ka balaayo badan dhibka ay hadda ku jiraan iyo jirdilka, khasaaraha kasoo haleelaya ka dhuumashada xilkaan ma ahan mid heerna lagu qiyaasi karo, hadaba xilkasnimaddaani waxay u fududaysay dhibaatooyinka kasoo gaaraya qaadista jidkaan xaqa ah. 

Rumaynta Aakharo

Saxaabadu waxay yaqiin cad ka haysteen inay hor istaagi doonaan Allihii caalamkaan amaamuday, inuu cammalladooda ku xisaabin doono mid yar iyo mid waynba, markaasna arrintu nicmo aan dhamaanayn ama cadaab lagu waaro aysan midkood un ka fursan doonin, sidaa darteed noloshooda waxay ku dhamaysteen meel u dhaxaysa cabsida Alle iyo hurguriyeynta raxmaddiisa, ((waxay gudanayaan wixii la faray quluubtooduna waxay ka cabsanaysaa inay rabbigood u laabanayaan)), dunida sharkeeda iyo khayrkeedaba marka aragtidooda loo fiiriyo uma dhiganto garab kaneeco, rumaysnaantaan aakharo ee quwadda wayni waxay fududaysay waxyeellada aduunka.

Qur’aanka

Xilliyadaas kala go’a ah, qallafsan ee mugdiga ah ee aysan jirin meel loo ciirsado oo Alle kasoo hartay, waxaa soo dagayey suurado iyo aayado qur’aan ah oo xujooyin ku dhisaya mabaadiida Islamka ee farriintiisu ku dul wareegayso, ayagoo adeegsanaya usluub daliil ku xoog badan oo soo jiidasho leh, u bidhaaminaya muslimiinta mustaqbal iftiimaya sidoo kale tusinaya tiirarka uu ku dul istaagi doono bulsho muslim ah oo tusaale-gal ah, islamarkaana naftooda ku afuufaya kartida adkaysiga iyo dulqaadka ((Ma waxaad u malayseen inaad jannada iska galaysaan ayadoo uusan idiin imaan tusaalihii kuwii hortiin gudbay, waxaa taabatay balaayooyin –baahi—iyo dhibaatooyin –cudurro iyo wareegtooyin xun—waana la gilgilay ilaa uu rasuulkii yiraahdo iyo kuwii rumeeyay ee la jiray waa goorma nasriga Alle)) 2:214. ((Ma waxay u maleeyeen dadku in lagu daynayo inay yiraadeen waan rumaynay ayagoo aan la fidmayn: Wallee waxaan fidmaynay kuwii ka horreeyay Allana wuu muujin kuwa runta sheegay wuuna muujin kuwa beenta sheegay)) 29:1-3. 

Sidoo kale aayadaha xilligaan soo dagi jirayi waxay riddinayeen shubhooyinka gaalada istusiya, riddin afxiraysa oo aan u reebayn xeelad iyo meel ay cuskadaan toona, waxayna uga digayaan cadaabka iyo mustaqbalka xun ee kusoo fool leh hadday ku adkaystaan kufriga iyo cinaadka ayadoo la feerdhigayo muuqaaladda taariikhiga ah ee ummadihii hore amase sida Alle subxaanah uu u maamulay ummadihii jidkoodaan raacay, marar kalana si qabow waano ugu jeedinaya bal inay hurdada ka toosaan. 

Dhinaca kale qur’aanku wuxuu muslimiinta u kaxaynayay duni kale oo uu furayo isagoo tusinaya muuqaallada abuurka Alle ee dunidaan ku gaafwareegaya sida meerayaasha waawayn, qorraxda, dayaxa iyo zuxalka iyo mariikha, isbaddallada habaynka iyo maalinta sida dhamaan ay ugu hoggaansan yihiin ujeedadii Alle u qoondeeyay. Dhinac kale quruxda rabbinimada kaamilnimada uluuhiyada, iyo raadadka raxmadda iyo turiinshaha, arrimahaan oo kulligood saxaabada qalbigoodu u boholyoobayo, wuxuuna qur’aanku sabarrada ku sitay farriimo bishaarayn raxmadda Alle raalli ahaanshihiisa jannooyinka uu u qoray xambaarsan, sidoo kale u sawiraya gaaladii islawaynayaasha ahaa oo Alle la horgeeyay kadibna lagu markhaati furay kadibna lala wareegay oo inta silsilado lagu xirxiray loo jiidayo boholaha naarta markaas waji inta loogu tuuro la dhadhansiinayo kulaylka jahannamo.

Bishaarada Guusha

Laga soo bilaabo maalintii ugu horreysay Islaamka dadka loogu yeeray saxaabadu waxay garanayeen inaan ujeeddada Islaamku ahayn kaliya in shido loo soo jiido amase in dhib uun gorodda loo suro, ee waxay garanayeen in dacwada Islaamku ay higsanayso goolal waawayn ayna soo dhawdahay maalinta ay soo afjari doonto jaahiliyadda, sidoo kale ay manjaxaabin doonto nadaamka dulmiga ku dhisan ee sanabo caabudku dhaliyay, sidoo kale in goolasheeda ay kamid tahay inay la wareegto hoggaanka siyaasiga ah ee caalamka si ay dunida guudkeeda ugu ballaariso ammaanka, caddaaladda iyo kala dambaynta, islamarkaana ay bashariyadda u horseedo mustaqbal horumar leh oo Alle ka raalli yahay. 

Hadaba qur’aanku bishaaradaan marna si cad ayuu u tilmaami jiray marna si sarbeeban, tusaale ahaan xilliyadaas dhabar jabka ahaa ee saxaabadu mareen ee arlada korkeedii lagu cariiryay ayaa waxaa soo dagaya aayado ka waramaya sheekooyinkii nabiyadii hore ee la diray ummadihii beeniyay sidii loo halaagay iyo in guushii markii dambe muslimiintii la cadaadinayay la siiyay, taasoo muujinaysa in kufaartaan Makko ayagana jidkaan la marsiin doono nadaamkoodu inuu fashilmayo guushana ay muslimiintu yeelan doonaan. 

Mar kalana waa la caddayn jiray waxaana kamida qur’aankaas qawlka Alle ((Wallee ballanqaad kayagii ayaa u hormaray addoomadayadii rususha ahaa: in ay ayagu un yihiin kuwa guusha la siin doono: Iyo in junuuddayadu –kuwa xaqa raacay—ay adkaan doonaan: ee ka jeeso xaggooda ilaa intii muddo ah: Una fiirso iyana way fiirin doonaane –waxa ku dhaca: Ma cadaabkayagay dagdagsanayaan: markii uu –cadaabku—ku dago fagaagooda waxaa xumaaday subaxa kuwii loo digay)) 37:171—177, sidoo kale fiiri suuradda Alqamar: 45, Saad: 11, Naxli: 41, sidoo kale markii ay Nabiga waydiiyeen qisada Nabi Yusuf fiiri suuradda Yuusuf: 7, in reer Makkana ku dhici doonaan fashilkii Yuusuf walaalihiis ku dheceen markii ay xaq darro ku heshiiyeen, Ibraahim: 13—14, Ruum: 4—5, qur’aankaas oo kulligiis si cad ugu bishaaraynaya guusha muslimiintu heli doonaan iyo cirib xumada gaalada kusoo fool leh. 

Rasuulka Alle (scw) isaguna dhiniciisa ayuu laf ahaantiisu bishaarooyinkaan baraarujin jiray markii muddo la joogaba, sidaa darteed markii la gaaro xilliga wareegtada Xajjka ayuu dadka ku dhexwareegi jiray suuqyada waawayn sida Cukaad, dilmajaas iyo Mijinna si uu u gaarsiiyo diinta isagoo leh, war dadoow dhahaya Alla mooyee ilaah kale oo xaq lagu caabudaa ma jiro aad liibaantaane, aad Carab ku mulkidaan Cajamna ha idiin hoggaansantee, markaad dhimantaanna boqorro aad jannada ku noqotaane. Waxaan kaloo soo marray markii uu Cutba la hadlay inuu Cutba hubsaday in Nabigu (scw) arlada qabsan doono, inuu hadalkaasna fahmay, sidoo kale waxaan soo marray hadalkii uu Nabigu (scw) ugu jawaabay wafdigii qureysheed ee ugu dambeeyay ee Abutalib la kulma. 

Khabaab Ibn Arath wuxuu yiri: maalin ayaan Nabiga (scw) u imid isagoo go’iisa barkan Kacbada harkeeda, annagoo mushrikiinta dhib badan kala kulannay markaas ayaan iri: Rasuulka Allow miyaadan Alle noo baryayn miyaadan arag wax aan ku jirno, markaas ayuu soo fariistay isagoo wajigiisu guduudan yahay, oo yiri: waad dagdagaysaane dadkii idinka horreeyay shanlo xadiid ah ayaa lagu shanlayn jiray inta lafta ka sokaysa ee hilib iyo seedo ah dhibkaasina diinta kama leexin jirin, (dariiq kale) ama miinshaar ayaa madaxa kala barkiisa laga saari jiray oo lagu oran jiray diintaada ka laabo taasina diinta kama leexin jirin, Allana waa dhamaystiri doonaa amarkiisaan ilaa safarku isaga socdo Sanca ilaa Xadramowt isagoo aan ka cabsanayn Alle mooyee iyo bahal uu arigiisa uga baqo, waadse dagdagaysaan. 

Hadalhaynta bishaarooyinkaani run ahaantii ma ahayn wax ku kooban kaliya dadka muslimiinta ah, ee waxay ahayd arrin la wada ogsoon yahay ilaa xilliyada qaarkood gaaladu ay ku maadaysan jireen, Aswad Ibn Mudalib iyo kuwa fadhiga la wadaaga ee ay saaxiibada yihiini markay arkaan saxaabada Nabiga (scw) intay isqandhuuftaan ayey oran jireen: waxaa idin dul maraya boqorradii aduunka, ayagaa qabsan doona Kisra iyo Qaysar!! Markaas ayey inta kor u qayliyaan oo qosqoslaan sacab tuman jireen. 

Hadaba saxaabadu markay fiiriyaan bishaarooyinkaan kulligood muujinaya mustaqbalka iftiimaya ee ay higsanayaan islamarkaana hore uga dabqaadanayeen rumaysnaanta aakharo iyo guusha wayn ee laga rajo qabo in janno lagu liibaano, sidoo kale rumaysnaanta in ay jirto maalin cadowgaan daandaansanaya laga gacan sarrayn doono iyo in cadaadintaani tahay marxalad socota oo laga gudbi doono, waxay u arkayeen jirdilka iyo silicdilyaynta lala beegsanayo ee dhinac walba ka hareereeyay kaliya un “daruuraha xagaabaa durba faydantee” marxalad socota oo lasoo afjari doono. 

Dhinaca kale Rasuulka Alle (scw) wuxuu quluubtooda ku dheefin jiray macaanka iimaanka, xigmadda Qur’aanka iyo murtida Sunnada, isagoo ku tarbiyaynaya tarbiyad qoto dheer hufidda ruuxda, sare u qaadidda himmadda, higsashada goolal sarsare, hagaajinta dhexdooda, ka xoroobbidda u hoggaansamidda maadiyaadka, ka fogaanshaha dhadhansiga shahwaadka, sidoo kale wuxuu afuufi jiray dhinbisha damiirkooda, isagoo ka saaraya mugdiga jaahiliyadda una saaraya iftiinka iimaanka, wuxuu bari jiray adkaysiga iyo dulqaadka, cafinta iyo layliyidda nafta, markaas ayey lamid noqdeen xagga quwadda ku duugan adkaysiga buuraha, waxaa la qaymo yaraaday macaansiga aduunyada, waxay ka fogaadeen jiidashada caadifadda, waxay baahidooda oo dhan kusoo koobeen raalligalinta Allaha wayn, u shaqaynta jannada, barashada cilmiga, ilaalinta dagganaanshaha iyo xasilloonida, taasina waa miraha tarbiyaddii Nabiga (scw) macallinkii dunida oo dhan loo diray inuu haggaajiyo. 


***Marxaladdii saddexaad Ee Dawrka Makko***

 Gaarsiinta Dacwada Islamka Meelo Ka Baxsan Gudaha Makko 

Rasuul Alle (scw) oo Daaif Jooga 


Buuraha laga soo galo magaalada Daaif



Sida ay hadda u eg tahay Daaif [Taif]
Sawiarada:www.jannah.org


Kadib markii geeridu ku timid Abutalib, Nabiga (scw) adeerkiis, ahaana ninkii u taagnaa ilaalintiisa, islamarkaana uu ku jiray ammaangalintiisa, cadaadinta iyo gardarrada lala beegsanayo Nabiga (scw) laf ahaantiisa ayaa heerkii ugu xumaa gaartay, waxay mushrikiintu bannaanka soo dhigeen cadaawad iyo colaadin qaawan, sidaa darteed Makko waxay isu rogtay meel aysan suuragal ahayn inuu Nabigu (scw) kusii noolaado, bisha Shawaal sannadka tobnaad ee nabinnimada –oo ku beegan dhamaadka May ama bilowga Jun sannadka 619 ciise dabadi—ayuu Nabigau (scw) u sadcaalay xagga magaalada Daaif, waxayna Makko u jirtaa lixdan mayl, safarkaas oo uu cagihiisa ku maray siisocod iyo soo noqodba, waxaana Nabiga (scw) safarkiisaan ku weheliyay saaxiibkiis mawlihiisana ah Zayd Ibn Xaaritha, intii uu waddadaan ku jiray qabiila kasta oo uu waddada kusii maro wuxuu ugu yeerayey Islamka hasayeeshee hal midihina kama aqbalin, hadaba markii uu gaaray gudaha Daaif, wuxuu ugu horreyntiiba u qasday saddex nin oo walaalo ah oo ah madaxda beesha Thaqiif, nimankaan oo kala ah Cabdiyaaliil Ibn Camar Ibn Cumayr Athaqafi iyo walaalihiis Mascuud iyo Xabiib, halkaas oo uu Nabigu (scw) inta la fariistay ugu yeeray diinta Alle iyo inay u gargaaraan Islaamka. 

Kadib markii ay dhagaysteen soo jeedinta Nabiga (scw) wax khayr ah kalama uusan kulmin, midkood wuxuu yiri: daahyada Kacbada anigaa jeexjeexaya haddii adiga Alle kusoo diray, midkalana wuxuu yiri: oo Alle miyuu waayay cidkale oo uu soo diro!! –markuu adiga kusoo dirayo muu oday la yaqaan soo diro—kii saddexaadna wuxuu yiri: wallaahay inaanan waligay kula hadlayn, haddaad rasuul Alle tahayna waad ka sharaf wayn tahay inaan hadalka kugu afceliyo, haddii aad Alle dushiisa ku been abuuranaysana iima qalanto inaan kula hadlo, markaas ayuu Rasuulku (scw) isaga agtagay oo ku yiri: haddii aad sidaas yeesheen waxaan idinka codsanayaa inaad aniga iyo warkaygaba ii qarisaan. 

Muddo toban maalmood ah ayuu hadaba Nabigu (scw) dhex joogay gudaha Daaif, isagoo aan dhaafin nin madax ah ama mas’uul ah amase magac wayn leh oo uu maqlay ee waa u tagayey oo la hadlayay, hasayeeshee kulligood hal cod ah ayey ku wada yiraahdeen: nooga bax dhulkayaga, mana aysan u fulin codsigii uu ka dalbay ee ahaa inay qariyaan, waxayba ku dhiirrigaliyeen doqomadooda iyo qaballuusyadooda, markii uu damcay inuu boxo waxaa daba yaacay doqomadii, addoomadii iyo dhamaan wax iskuma falayaashii, ayagoo caynaya oo ku qaylinaya, ilaa sharqantii dadkii isugu soo ururay, markaa hareerihiisa ay ka sameeyeen labo saf, markaas ayey waxay guda galeen inay ku hadlayaan erayo aflagaado ah islamarkaana ay dhagax tuurayaan ilaa anqowyadiisa dhiigu ka hayraamay oo labadiisa kabood dhiigu wada qooyay. Zayd Ibn Xaaritha oo dhagaxa naftiisa uga dhigayay ayaa madaxiisa waxaa gaaray daqarro badan, sidaas ayey Nabiga (scw) kooxdaan shayaadiinta ahi u dhagax tuurayeen ilaa duruuftu ku kalliftay inuu galo beer ay leeyihiin Cutba Ibn Rabiica iyo walaalkiis Shayba oo saddex mayl magaalada u jirtay, markii uu beerta galay ayey isaga hareen, Nabiguna (scw) wuxuu fariistay geed Cinab ah oo wayn hooskiis, halkaas oo uu darbi isku tiiriyay ilaa uu xoogaa nastay oo xasilay, markaas ayuu wuxuu akhriyay ducada caan baxday, ducadaan oo muujinaysa sida qalbigiisu (scw) uga buuxsamay murugo iyo niyad jab dhibka uu la kulmay badnidiisa iyo inuu ka naxsan yahay inaan qofna ka rumayn ummaddii uu la kulmay, wuxuuna yiri: 

((Allaahuma Ilayka Ashkuu Dacfa Quwatii Waqillata Xeelatii Wahawaanii Calannaas Yaa Arxama Raaximiin: Alloow adigaan xaggaaga uga dacwoonayaa awood jilcidayda iyo xeelad yaridayda iyo liididda dadku igu hayaan, Inta naxariisata kan ugu naxariis badanoow, Adigaa inta la bahdilay Rabbigood ah, adigaa Rabbigay ah ee yaad igu hallaynaysaa? Ma mid shisheeye ah oo wajiga igu gubaya, mise mid cadow ah oo aad arrimahaygii gacanta u galisay, haddaadanse adigu ii caraysnayn u aabayeeli mayo, laakiinse iska cafintaada ayaa ii waasacnimo badan, waxaan magangalayaa nuurka wajigaaga ay mugdiyadu la iftiimeen, ayna ku islaaxdo arrin aduunyo iyo mid aakharaba in caradaadu igu soo dagto amase ciqaabkaagu igu bannaanaado, raalligalin tan ugu fiican adaa leh ilaa aad raalli noqoto, walaa xawla walaa quwata illaa bika)). 

Fiiro Gaar ah

Ducadaan faa’iidooyinka laga kororsanayo waxaa kamid ah, in markii xeeladaha adduun isasoo xiraan meesha kaliya ee qofku u dacwoonayo ay tahay Allaha sababa iyo waxa ka dhashaba abuuray xagiisa, waana sidaas dhaqanka nabiyada Alle laga arkay, sidii nabi Yacquub (cs) yeelay, Nabigeenana (scw) aan halkaan kaga aragno. 

In dalabka uu addoonka Alle u gudubsado kan sarreeyaa uu yahay cafinta Alle inuu helo, isla markaas haddii uu helo cafiska Alle waxa kale aysan dhib wayn ahayn, sidoo kale waxa ugu wayn ee uu qofku Alle ka magan galayo inay yihiin caradiisa iyo waxa ka dhalanaya oo cadaabkiisa ah. 

In markii dhib ku soo gaaro xallintiisa meesha aad ka bilaabaysaa ay tahay raalligalinta Alle, sababtoo ah waxaa suurowda dhibkaani inuu yahay wax aad mutaysatay, marka in la doonayo inuu marka horaba qofku toobad soo celiyo. 

In marka qofku Alle dalabkiisa hordhiganayo uu ku bilaabo qirashada tabar yaridiisa iyo baahida uu u qabo ku tiirsanaanta Allaha abuuray, islamarkaana inuu caddeeyo inuusan quwad iyo xeelad uusan Alle ka helin lahayn, lasoco qisadii. 

Markii labadii nin ee beerta lahaa –oo reer Makko ahaa—ay arkeen dhibka Nabiga (scw) soo gaaray, naxariis qaraabo nimo ayaa xoogaa u qabatay, markaas ayey waxay u yeereen wiil addoon ah oo ay leeyihiin oo lagu magacaabo Cadaas, wuxuuna ahaa Nasraani, oo ku yiraahdeen: war laan miro leh oo Cinab ah qaad oo ninkaas u gee, markii hadaba uu Nabiga (scw) hortiisa dhigay ayuu Nabigu (scw) gacanta usoo taagay isagoo leh “bismillah” markaas ayuu cunay.

Wiilkii oo yaabban ayaa yiri: hadalkaas ummadda dhulalkaan ku nooli ma yiraahdaan, markaas ayuu Rasuulka (scw) yiri: adigu dhulkee ka timid? Diinteese haysataa, anigu Nasraani ayaan ahay waxaanna kasoo jeedaa magaalada “Naywaa”, ayuu yiri wiilkii. Rasuulka Alle (scw) ayaa markaas yiri: magaaladii ninka wanaagsan Yuunus Ibn Mataa!! Wiilkii oo yaabban ayaa yiri: oo maxaa ku ogaysiiyay Yuunus Ibn Mataa wax uu yahay? Rasuulka Alle (scw) ayaa yiri: ninkaasi walaalkay ayuu ahaa, nabi ayuu ahaa aniguna nabi ayaan ahay, Cadaas jilbaha ayuu inta dhulka ku dhuftay ayuu bilaabay inuu Nabiga (scw) madaxa, gacmaha iyo adimada ka dhunkanayo. 


Caddaas wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyey magaalada Daa´if ku qaata Islaamka, waxaan aaggaas laga dhisay Masaajid wiilkaas loogu magac daray, masjidkaas oo ilaa hadda dhisan. [Taariikhda Taif]


Labadii nin ee beerta lahaa ayaa midkood kan kale ku yiri: wiilkaagii wallee wuu kaa fasahaadiyay, markii Cadaas soo laabtay ayey waxay ku yiraahdeen: waryaa inkaar qabeyohow maxaad samaysay? Markaas ayuu yiri: sayidoow wallaahay inuusan arladaan dusheeda joogin shay ka khayr badan ninkaan, wallee wuxuu ii sheegay arrin aan nabi mooyee cid kale aqoonin, markaas ayey ku yiraahdeen: waryaa Cadaasow, nacasyohow yuusan diintaada kaa leexin, diintaadaa tiisa ka khayr badane!! 

Kadib markii uu Nabigu (scw) meeshaan ku nastay, wuxuu isaga laabtay wadada Makko aadda isagoo murugaysan oo aad u himmad jabsan, markuu marayay meesha lagu magacaabo “Qarnul Manaazil” ayaa waxaa Alle usoo diray Jibriil oo uu weheliyo Malaga buuraha u xilsaaran, isagoo Nabiga (scw) uga amar qaadanaya inuu reer Makko labada buurood ee dhinacyada ka xiga iskula dharbaaxo, hadaba dhacdadaan faahfaahinteeda Bukhaari ayaa kitaabkiisa saxiixa ah kusoo guuriyay, isagoo ka warinaya Caaisha inay tiri: 

Waxaan ku iri Nabiga (scw) ma kusoo martay maalin kaaga shido badan maalintii Uxud? Markaas ayuu wuxuu yiri: inanyahay tolkaa dhib badan ayaan kasoo maray, waxaana iigu shido badnaa wixii aan kala kulmay maalintii jaahwareerka, markii aan naftayda u bandhigay ina Cabdiyaaliil Ibn Cabdikulaal, igamana uusan yeelin wixii aan ka doonayay markaas ayaan hortayda isaga dhaqaaqay inigoo jaahwareersan –murugaysan—hadaba maanan baraarugin anigoo Qarnul Thacaalib jooga un mooyee –waana halka lagu magacaabo Qarnul Manaazil—markaas ayaan madaxayga kor u qaaday mise daruurbaa iharaysay, dhexdeeda ayaan fiiriyay mise Jibriil ayaa ku jira oo ii yeeraya!! Wuxuu yiri: Alle waa maqlay hadalkii tolkaa kugu yiri iyo wixii ay kuugu jawaabeen, wuxuuna kuu soo diray Malaga buuraha si aad ugu amarto wixiii aad jeceshay inuu ka sameeyo, markaas ayaa waxaa ii yeeray Malaga buuraha waana isalaamay, kadibna wuxuu yiri: Muxamedow arrintu waa sidaas, sidaad doonto, haddaad doonayso inaan labada buurood isugu dhufto waan yeelin (labada buuroodna waa buuraha Makko ee Abuqubays iyo kan kasoo horjeeda ee Qucayqicaan), Nabigu (scw) wuxuu yiri: ha yeelin, waxaan rajaynayaa in Alle (caza wajalla) uu dhabarkooda kasoo saaro cid Alle kaligii caabuda aan shay kalana la wadaajine.

Jawaabtaan uu Rasuulka Alle (scw) jeediyay waxaa ka dhex muuqanaya dulqaadkiisa iyo shakhsiyaddiisa mudnaanta badan ee sarreysa, sidoo kale akhlaaqdiisa wayn ee aan gunteeda hoose laga salgaari karin. 

Dhacdadaan wayn kadib waxaa Nabiga (scw) ka feydmay murugadii oo qalbiga ayaa u qaboobay, gurmadkaan wayn ee xagga caalamka qaybka ah ka yimid ee Alle uga fidiyay todobada samo korkooda dartiis, markaas ayuu usii gudbay dhinaca Makko ilaa uu gaaray meesha lagu magacaabo “Waadii Nakhla” halkaas oo muddo maalmo ah ku nagaaday, inkasta oo aysan jirin cid si gaar u tilmaantay meeshii uu Nabigu (scw) baadiyahaan ka joogay, hadana waxaa jira waadiga Nakhla labo meelood oo ku habboon in lagu nagaado, doh geedo iyo biyo leh iyo batal bacaad wayn oo biyo leh, midkood unbaana loo malaynayaa inuu joogay. 

Muddadii uu halkaas joogay waxaa Alle soo diray koox jinni ah oo qur’aanka dhagaystay islamarkiibana ku islaamay, waxaana qisadooda Alle ku sheegay labo meelood oo kitaabkiisa kamid ah, tan hore ay tahay suuradda Axqaaf ((Xasuuso markii aan kuusoo leexinnay koox jinni ah oo qur’aanka dhagaysanaya markii ay yimaadeen –meesha lagu akhrinayey—waxay yiraahdeen aamusa –dhagasyta—markii la dhameeyayna waxay u laabteen ciddoodii ayagoo u digaya: Waxay yiraahdeen tolkayagoow annagu waxaan maqallay kitaab lasoo dajiyay Muuse kadib oo rumaynaya wixii ka horreeyay –ee kutub Alle ah—kuna hanuuninaya xaqa iyo wado toosan: tolkayagoow yeela daaciga Alle –khayr sheegaha—oo rumeeya wuxuu idiin dhaafayaa –Alle—dunuubtiina wuxuuna idinka magangalinayaa cadaab kulul)). 

Sidoo kale suuradda Aljinni: ((Waxaad dhahdaa –rasuul Allow—waxaa la ii waxyooday inay dhagaysteen koox jinni ahi –qur’aanka—oo markaa yiraahdeen waxaan annagu dhagaysannay Qur’aan layaab badan: Wuxuu ku hanuuniyaa wanaagga marka waannu rumaynay lamana wadaajin doonno rabbigayo cidna)) ilaa shan iyo toban aayadood. 

Hadaba marka la fiiriyo habka aayadahaani u socdaan, sidoo kale axaadiithta tafsiiraya dhacdadaan waxaa muuqanaya inaan Nabigu (scw) lasocon markii kooxdaan jinniga ahi korjoogeen, ee wuxuu ogaaday markii Alle ugu sheegay aayadahaan, sidoo kale in kulankaani ahaa markii ugu horreysay ee ay Nabiga (scw) la kulmeen, waxaase qisooyinku caddeeyeen inay marar kale wafdi ahaan ugu yimaadeen iyo inuu habayno tacliin baray. 

Run ahaantii dhacdadaan lafteedu waxay ahayd gurmad kale oo Alle uga soo fidiyay kaydadkiisa qarsoon iyo jundigiisa aysan isaga mooyee cidkale aqoonin, marka la fiiriyo aayadaha dhacdadaan sharaxaadeeda kusoo dagay, waxaa ka muuqanaya bishaaro kale oo ah inaan quwad kasta oo quwadaha dunidaan ka jira ah inkastoo ay xoog waynaato aysan dacwadaan ka horjoogsan karin inay guulaysato, sida halka laga yiri: ciddii aan ajiibin daaciga Alle inuusan arladaan gudaheeda Alle ku caajis galin karini waa daliil cad in quwadda dulmiga ku dhisan ee qureysheed aysan sii dhisnaan doonin, sidoo kale in aysan heli doonin cid uga gargaarta Alle hadduu halaag la doono. 

Bishaarooyinkaani markii ay iska daba yimaadeen ayaa Rasuulka (scw) ay ka dulqaadmeen dhamaan daruurihii himmad jabka, murugada iyo quusta ee ku habsaday laga soo bilaabo markii Daaif laga soo saaray isagoo la cayrinayo oo la dagaalay, wuxuu marka go’aansaday inuu Makko ku laabto, inuu dib u bilaabo khiddadiisii hore ee ku salaysnayd bandhigidda Islaamka iyo gudbinta farriinta Alle ee waaraysa si firfircooni iyo xammaasad hor lihi ku jirto. 

Markaas ayaa Zayd Ibn Xaaritha oo yaabbani ku yiri: Rasuulka Allow sidee ugu galaysaa ayagoo kusoo saaray –Qureysh ayuu uga jeedaaye—markaa ayuu Nabigu (scw) yiri: Zaydoow waxaan aad arkayso Alle faraj buu u furi doonaa iyo meel looga boxo, Allana waa u gargaari doonaa diintiisa waana guulaysiin doonaa nabigiisa. 

Sidaa darteed Nabigu (scw) socodkiisii ayuu hore u xariiriyay ilaa uu u dhawaaday Makko, wuxuu marka ku nagaaday Xiraa, halkaas oo uu nin u dhashay qabiilada Khuzaaca u diray Akhnas Ibn Shariiq inuu magangalintiisa kusoo galo Makko, Akhnas wuxuu yiri: anigu xulafo ayaan ahay –qureysh uma dhalan—xulafaduna cid magangalyo masiiso, markaas ayuu u cid diray Suhayl Ibn Camar ujeeddadii hore oo kale, isaguna wuxuu yiri: laftayda Banii Caarim ma magangaliso Banii Kacab Ibn Lu’ayi –qabiilka nabiga—markaas ayuu u cid diray Mudcim Ibn Cadiyi, markaas ayuu Mudcid yiri: haa anigaa leh, kadibna waa is hubeeyay, oo wiilashiisa u yeeray iyo tolkiisa kuna yiri: qalabkiina qaata oo Kacbada hareeraheeda is gamaamada Muxamedbaan magangaliyaye, markaas ayuu Nabiga (scw) u cid diray isagoo leh soo gal, markaas ayuu Nabiga Alle (scw) soo galay isagoo uu Zayd la socdo ilaa uu soo galay masjidka Xaramka, markaas ayuu Mudcim Ibn Cadiyi hashiisa korkeeda istaagay oo cod dheer ku dhawaaqay isagoo leh: bulsho waynta qureysheey Muxamed ayaan magangalyo siiyay, yuusan qof idinka mid ahi waxyeello u gaysan, Rasuulkuna (scw) rugniga dhagaxa madow ayuu salaamay oo labo rakcadood tukaday kadibna gurigiisa ayuu u baqoolay Mudcim iyo wiilashiisiina waa ku hareeraysan yihiin ilaa uu gurigiisa galay. 

Waxaana la sheegay inuu Abujahal markii Mudcim hadlayay yiri: ma magangalyo bixiye ayaad tahay mise mid raacay oo muslimay? Mudcim: magangalyo bixiye unbaan ahay, markaas ayuu yiri: magan galinnay ciddii aad magangalisay, sikasta arrintu ha ahaatee, Nabigu (cw) waa u aqoonsaday Mudcim ficilkaan quruxda badan ee uu kusoo dhaweeyay, sidaa darteed markii maxaabiistii Badar la hordhoobay ayuu yiri: hadduu Mudcim Ibn Cadiyi noolaan lahaa kadibna uu igala hadli lahaa kuwaan qashinka ah waan u siidayn lahaa. 

Islamka oo Loo Bandhigayo Qabiilooyinka Iyo Shakhsiyaadka. 

 Bisha dulqicda sannadka tobnaad ee nabinnimada –oo ku beegan dhamaadka bisha Jun amase bilowga July sannadka 619 ciise dabadi—ayuu Rasuulka Alle (scw) kusoo laabtay magaalada Makko si uu dib ugu bilaabo u bandhigiddii Islaamka ee qabiilooyinka iyo shakhsiyaadkaba, sida la ogsoon yahayna marka la gaaro wareegtada Xajjka ayey dadku ayagoo habqan ah oo gaadiidkooda saaran Makko jaho walba oo fog kaga imaan jireen, si ay u gutaan waajiba Xajjka, oo ay ku guda wataan dano kale oo badan sida suuq gayn iyo xus Alle intaba, Nabiguna (scw) fursaddaan qaaliga ah ayuu dacwadiisa uga faa’iidaystay, markaas ayuu wuxuu ula kulmay qabiilo qabiilo, isagoo Islamka u bandhigaya, sidaas ayuuna yeeli jiray lagasoo bilaabo sannadkii afraad ee nabinimada. 

Qabiilooyinkii Islamka Loo Bandhigay 

Imamu Zuhri wuxuu yiri: waxaana nalooga magacaabay qabiilooyinkaan uu Rasuulka Alle (scw) u tagay oo Islaamka ugu yeeray oo waliba ugu yeeray inay laf ahaantiisa ilaaliyaan oo dhulkoodii uu u raaco, Banu Caamir Ibn Sacsaca, Muxaarib Ibn Khafsa, fazaara, Ghasaan, Murra, Xaniifa, Sulaym, Cabas, Banu Nasar, Banul Bukaa, Kinda, Kalab, Xaarith Ibn Kacab, Cudra iyo Alkhasaarima kulligoodna hal mid ahi kama aqbalin. 

Hadaba qabiilooyinkaan uu Imamu Zuhri magacaabay u bandhigiddooda Islaamku ma ahayn hal mar ah, sidoo kale ma ahayn hal wareegto oo Xajj gudaheed, ee waxay ahayd muddada u dhaxaysa sannadka afraad ilaa xajjkii ugu dambeeyay ee Hijrada ka horreeyay, tan kale ma suuroobi karto in si gaar ah farta loogu fiiqo xilli gaar ah oo uu qabiilo khaas ah la kulmay, inkastoo taariikh yahanka wayn Almansuurifowri uu qaarkood ku xadeeyay in sannadkii tobnaad Islaamka loo bandhigay, Ibn Isxaaq oo soo guuriyay habkii qabiilooyinkaan qaarkood Islamka loogu bandhigay iyo sidii qaarkood u jawaabeenna waakan looxii ayadoo aan soo koobnay. 

Banu Kalab

Nabiga (scw) ayaa la kulmay laf kamid ah oo lagu magacaabo Banu Cabdillah, markaas ayuu Islaamka ugu yeeray, oo naftiisa u bandhigay –inay ilaaliyaan—ilaa uu kaga yiri: war reer Bani Cabdullahow Alle magaca aabihiin waa wanaajiyay, hasayeeshee maysan aqbalin dhamaan wixii uu ugu yeeray ama u bandhigay. 

Banu Xaniifa

Wuxuu kula kulmay meeshii ay dageen, markaas ayuu Islaamka iyo jidka Alle ugu yeeray, nasiib darradooda ma jirin qabiil carbeed oo ka jawaab ku foolxumaa iyaga. 

Bani Caamir Ibn Sacsaca

Nabiga (scw) ayaa u tagay, halkaas oo uu Islaamka iyo jidka Alle ugu yeeray, sidoo kale uu naftiisa u bandhigay, markaas nin kamid ah oo lagu magacaabo Buxayra Ibn Firaas ayaa yiri: wallaahay haddii aan barbaarkaan qureysheed qaato –madax ka dhigto—Carab waan ku liqi lahaa, markaas ayuu yiri: ka warran haddii aan amarkaaga u hoggaansanno oo ballan kugula gallo, kadibna Alle guusha kaa siiyo ciddii ku khilaafta annagu xukunka ma yeelanaynaa adiga gadaashaa? Markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: Xukunka Alle ayaa iska leh isagaana halkii uu doono dhigaya, markaas ayuu yiri: oo ma dhuuntayadaan cadowga carbeed u bannaynaynaa adiga difaacaaga, markii Alle guusha adiga ku siiyana talada cid aan annaga ahayn ayaa iska leh, wax dana kama lihi, waxa aad wadato!! Wixii uu doonayayna waa ku diideen. 

Hasayeeshee markii qabiiladaani dhulkoodii ku laabteen, waxay arrintaan uga sheekeeyeen oday duq ah oo aan isagu Xajjka sannadkaas imaan gabowgiisa dartiis, oo waxay ku yiraahdeen: waxaa noo yimid nin dhallinyaro ah oo Qureysh ah, Bani Cabdilmudalib ka dhashay, oo sheeganaya inuu nabi yahay, nooguna yeeray inaan difaacno, aannu la jirsanno iyo inaan dhulkayaga usoo kaxaysanno, odaygii madaxa ayuu gacmaha saaray oo qayliyay isagoo leh: Bani Caamiroow alla khasaara tan ka wayn manna soo maray? alla baalasheedu qabasho ma leeyihiin? Allaha naftaydu gacanta ugu jirtaan ku dhaartaye inuusan nin banii Ismaaciil ahi waligiis iska sheegan, waana xaq –nabinimadaasi—ee xaggee caqligiinu idinka aaday. 

Kinda Iyo Bakar Ibn Waail

Kinda markii uu Nabigu (scw) la kulmay oo Islaamka ugu yeeray nin kamid ah oo lagu magacaabo Ajlax ayaa yiri: haddii aanu ku raacno oo aad guulaysato annagu xukunka ma leennahay kadib markaad dhimato, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: xukunka Alle ayaa leh meeshuu doono ayuuna dhigayaa, markaas ayuu yiri: dooni mayno hadaba amarkaaga, sidoo kale wuxuu la kulmay qabiilada Bakar Ibn Waail, markaas ayuu Islaamka u bandhigay sidoo kale uu ugu yeeray inay difaacaan si uu Alle waxa uu doonayo dadka uga gaarsiiyo, markaas ayey yiraahdeen: Furus ayaan la dagnaayoo waxba ma magangalinno iyaguna siday doonaan ayey noo maamushaanoo iskama difaaci karno, markaas ayuu yiri: ma doonaysaan in mulkigooda Alle idinka idiin soo wareejiyo, hasayeeshee halkaas markay u maraysay waxaa qayliyay Abullahab oo daba joogay. 

Mu’miniin Aan Makko U Dhalan 

Sidii uu Rasuulku (scw) qabiilooyinka iyo wafdiyadaba Islaamka ugu bandhigay, wuxuu u bandhigay qof qof iyo shakhsiyaad, waxaana qaarkood kasoo yeeray jawaabo wanaagsan, waxaana rumeeyay rag dhawr ah Xajjkaan kadib, waana kuwaan magacyada intii la sheegay. 

Suwayd Ibn Saamit

Wuxuuna ahaa nin gabyaa ah oo caqli badni lagu tilmaamo oo reer madiino ah, tolkiis waxay ku magacaabi jireen Kaamil –dhamaystirane— xoog waynaantiisa, gabaygiisa, sharaftiisa iyo nasab wanaagiisa awgood, ujeeddadii uu Makko u yimid oo Xajj ama Cumro ahayd markii uu dhamaystay, ayuu Nabigu (scw) la kulmay oo Islaamka ugu yeeray, markaas ayuu wuxuu yiri: malaha waxa aad siddaayi waxaa suurowda inay lamid yihiin waxa aan sido oo kale, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: oo maxay yihiin waxa aad adigu siddo, wuxuu yiri: xigmaddii Luqmaan!! Markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: igu dul akhri –iimari—isagiina waa ku dul akhriyay, Rasuulka Alle (scw) wuxuu yiri: hadalkaani waa hadal wanaagsan hasayeeshee kan anigu aan sido ayaa ka khayr badan –ka fadli badan—waana Qur’aan Alle igusoo dajiyay, waa hanuun iyo nuur, islamarkiina Rasuulku (scw) Qur’aanka ayuu ku dul akhriyay, Islaamka ayuuna ugu yeeray, isna waa islaamay oo yiri: hadalkaani waa hadal wanaagsan, markii uu Madiino ku laabtay wax yarba masii noolayn in lagu dilay dagaalkii Bucaath (2) islaamnimadiisuna waxay ku beegan tahay bilowga sannadka kow iyo tobnaad ee nabinimada. 

Iyaas Ibn Mucaad

Wuxuuna ahaa wiil dhallinyaro ah oo isaguna reer Madiino ah, wuxuu la socday wafdi u dhashay qabiilka Ows oo Makko u yimid inay isbahaysi iyo hiil ka helaan Qureysh ay uga hiillinayaan qabiilka kale ee ay walaalaha yihiin ee Khazraj, xilligaasina waa waxyar un kahor intuusan qarxin dagaalka Bucaath bilowga sannadka kow iyo tobnaad ee nabinimadda, markaas oo ololka cadaawadda ee labada qabiilo dhexyaalla uu hawada ku aloosnaa, durbaanka colaaddana la tumayay deegaanka Madiino iyo nawaaxigeeda, qabiilada Owsna sida la ogsoon yahay way ka tiro yaraayen qabiilka kale ee Khazraj, markii hadaba Rasuulka Alle (scw) ogaaday soo galitaankooda ayuu u tagay oo la fariistay kuna yiri: war ma u baahan tihiin wax iidinka khayr badan waxa aad u timaadeen? Markaas ayey yiraahdeen oo maxay yihiin waxaasi? Markaas ayuu yiri: waxaan ahay anigu Rasuulkii Alle, Alle ayaa addoomadiisa ii soo diray anigoo ugu yeeraya inay Alle caabudaan aysanna la wadaajin cid kale, wuxuuna igusoo dajiyay kitaabkii, kadibna wuxuu u sharaxay Islaamka kuna dul akhriyay Qur’aanka, hadaba Iyaas Ibn Mucaad ayaa yiri: war nimanyohow waxaanaa wallaahay ka khayr badan waxa aad u timaadeen, marka Abulxasiir Anas Ibn Raafic –nin wafdiga kamid ahaa—ayaa xantoobo ciidda dixda ah qaatay oo Iyaas wajiga kaga sayriyay oo yiri: bax nagala tag waxa aad ku hadlaysid, igu cimrigaygee wallee arrin kan aan ahayn ayaannu u nimide, markaas ayuu Iyaas iska aamusay, Rasuulka Allana (scw) waa kacay, wafdigaasina Madiino ayey isaga laabteen ayagoo aan ku guulaysan inay axdi beeleed isbahaysi ah ka helaan Qureysh. 

Kadib markii ay Madiino ku laabteen Iyaas waqti dheer masii noolaan inuu islamarkiiba geeriyooday, waxaana la sheegay inuu ashahaadanayay oo Allahu akbar sanayay oo xamdi naqayay oo tasbiixsanayay markii naftu ka dhacaysay, sidaa darteed kama aysan shakisanayn inuu dhintay isagoo muslim ah. 

Abudarri Alqifaari

Isaguna wuxuu ahaa dadka ku nool deegaanka Madiino ku xeeran, markii hadaba warka soo bixidda Nabiga (scw) ay Madiina gaarsiiyeen raggii Suwayd Ibn Saamit iyo Iyaas Ibn Mucaad lahaa, ayuu warkaani Abudarrina dhagihiisa ku duulay oo uu maqlay, arrintaan ayaana sabab u ahayd islamnimadiisa. 

Imamu Bukhaari ayaana qisadaan Ibn Cabbaas ka wariyay inuu maqlay Abudarri oo leh: waxaan ahaa nin u dhashay qabiilada qifaar, waxaana nasoo gaartay in uu nin Makko kasoo baxay sheeganaya inuu nabi yahay, markaas ayaan walaalkay ku iri: ninyohow tag oo ninkaas la kulan oo la hadal, warbixintiisana iikeen, marka wuu tagay waana la kulmay kadibna waa soo laabtay, markaas ayaan iri: ka warran arrintii aan kuu diray, markaas ayuu yiri: wallaahay waxaan arkay nin khayrka amraya sharkana reebaya, markaas ayaan ku iri: igama aadan daawayn warka –ima aadan deeqsiin—waxaan hadaba qaatay dambiil iyo bakoorad kadibna waxaan u sadcaalay Makko, ma aananse aqoon –Nabiga—waxaanna dhibsanayay inaan cid waydiiyo –cabsi darteed—waxaan iska cabbi jiray biyaha Zamzamka waxaanna iska joogi jiray masjidka, marka waxaa isoo maray Cali oo yiri: ninku nin socoto ah ayuu iila egyahay? Saanne haa, markaas ayuu yiri: ina keen gurigaygii iiraac, marka waan raacay isagoo aan waxba iwaydiinayn aniguna aanan waxba waydiinayn una warramayn, markii aan waabariistay ayaan Masjidka kusoo kallahay, si aan dadka u waydiiyo –Nabiga—wax akhbaar ah oo ku saabsan cid iisheegaysaana ma jirto, ilaa Cali isoo maray oo markaas yiri: miyuusan ninku wali gurigiisa magaalada ka baran? Saanne maya, suuye ina keen, markaas ayuu Cali yiri: ninyohow maxaa xaalkaagu ahaa, oo maxaad magaaladaan u timid? Saanne haddaad ii qarinaysid waan kuu waramayaa, markaas ayuu yiri: waan yeelayaa, waxaan iri: ninyohow waxaa nasoo gaartay in magaaladaan uu kasoo baxay nin sheeganaya inuu nabi Alle yahay, marka walaalkay ayaan soo diray inuu la hadlo, wuuna igusoo laabtay isagoo aan warka ideeqsiin, marka waxaan goostay inaan anigu la kulmo. 

Makaas ayuu Cali yiri: war waa lagu toosiyaye anigaa hadda u jeeda –usocda—meeshii aan galo igasoo daba gal, haddii aan arko cid aan kaaga cabsado darbibaan istaagayaa sidii nin kabaha hagaagsanaya ee adugu iska gudub, marka waa dhaqaaqay aniguna waan daba socday ilaa uu –guri—galay aniguna waan ula soo galay Nabiga Alle (scw) markaas ayaan ku iri: Islaamka ii bandhig, waana ii bandhigay islamarkiiba meeshaydii ayaan ku islaamay, markaas ayuu igu yiri: (Nabigu scw) Abadarriyoow arrinkaan qarso, kuna laabo dhulkaagii markii aad maqasho inaan meel kasoo shaac baxnay soo dhaqaaq, markaas ayaan waxaan iri: Allihii xaqa kula soo diray ayaan ku dhaartaye dhexdooda ayaan kaga qaylinayaa –shahaadada—masjidka ayaan imid oo Qureysh ka buuxdo, markaas waxaan iri: bulshada Qureysheey, anigu (Ashhaddu Allaa ilaaha Illaa Allaahu Wa Ashhaddu anna Muxamadan Cabduhu warasuuluh) shahaadada xaqa ah ayaan ku dhawaaqay, waxay yiraahdeen: u istaaga saabi’aan –kalimad lagu oran jiray qofka gaalooba—garaaca, marka waa la igaraacay ilaa aan geeri qarkeed istaagay, waxaa igasoo gaaray Cabbaas oo igu dul fariistay isagoo ku leh: war hoogee ma waxaad dilaysaan nin qifaar u dhashay, hantidiina iyo waddadiinuba ay dhexmarto, markaas ayey iga rogmadeen, subixii dambe markaan waabariistay ayaan soo laabtay oo waxaan ku dhawaaqay sidii aan shalay sameeyay, markaas ayey yiraahdeen: u istaaga saabi’aan islamarkaana sidii shalay oo kale ayaa la iigaraacay, waxaana igasoo gaaray Cabbaas oo igu dul hagoogtay isagoo ku celinaya oraahdiisii shalay oo kale. 

Dufayl Ibn Camar Addowsi

Dufayl waa nin magac wayn oo ehlu sharaf ah, sidoo kale gabyaa caqli badan ah, waxaana intaa usii dheeraa inuu ahaa kaabba qabiilka ciddiisa, waxayna qabiiladiisu lahaayeen dawlad yar ama ismaamul goboleed ay ka asaaseen nawaaxiga yamaneed meel kamida. 

Makko ayuu yimid sannadka kow iyo tobnaad ee nabinnimada, hadaba intuusan magaalada soo gaarin ayaa waxaa ka hortagay madaxdii, maalqabeennadii iyo mudanayaashii magaalada, waxayna kusoo dhaweeyeen qadarin iyo salaam madaxeed tan ugu qaalisan ayagoo u raaciyay: Dufayloow dhulkayaga ayaad marti noogu tahay, ninkaan dhexyada joogaana –Nabiga scw—waa na jaahwareeriyay oo mushkiladdiisa waannu saari waynay, wuxuu kala firdhiyay isku duubnidayadii, wuxuuna kala tuuray taladayadii, hadalkiisuna waa uun sixir, wuxuu ku kala fogaynayaa ninka iyo aabihiis, ninka iyo walaalkiis, ninka iyo haweenaydiisa, waxaanuna kaaga cabsanaynaa adiga iyo tolkaagaba balaayada annaga nagu habsatay ee halla hadlin wax alla abuurtayna haka dhagaysan. 

Dufayl wuxuu yiri: wallaahay inaysan odayaashii iga faaruqin ilaa aan go’aansaday inaanan hal eray ka maqal aananna la hadlin ilaa aan dhagaha suuf ku gufaystay markii aan Masjidka usoo kallahayay, cabsi aan ka qabo in hadalkiisa wax uun kamid ahi igu soo duulaan, markii aan hadaba Masjidka kusoo kallahay, waxaan la kulmay isagii oo taagan oo tukanaya marka meel u dhow ayaan istaagay, inkastoo aan dhagaha gufaystay Alle waa diiday inaan hadalkiisa wax ka maqlo mooyee, waxaanan maqlay hadal wanaagsan. 

Markaas ayaan waxaan naftayda ku leeyahay alla hooyaday iwaydaye wallaahay anigu nin caqli badan oo gabyaa ah ayaan ahay, wannaaguna wax xun igagama qarsoomi karo, maxaa hadaba ii diiddan inaan ka dhagaysto ninkaan waxa uu leeyahay, haddii uu  wanaag yahay waan qaadan haddii uu xumaan yahayna waa tuurine, markaas ayaan meeshii fariistay ilaa uu gurigiisa aaday, anna waan raacay ilaa uu gurigiisa galay anna waan kasoo daba galay, markaas ayaan uga warramay qisada aan la kulmay iyo sida la iiga cabsi galiyay iyo suufkii aan dhagaha ku gufaystay kadibna hadalkii yaraa ee aan ka maqlay, kadibna waxaan ka codsaday inuu arrimihiisa ii bandhigo, markaas ayuu Nabigu (scw) Islaamka sharaxay oo Qur’aanka igu dul akhriyay, wallaahay inaanan waligay maqal hadal ka wanaagsan, waligay inaanan arag arrin ka caadilsan, islamarkiiba waan islaamay, waxaanna ku dhawaaqay shahaadada xaqa ah waxaanna iri: Rasuulka Allow waxaan ahay nin tolkiisu wax ka maqlaan, waanna ku laabanayaa, Islaamka ayaanna ugu yeerayaa, ee Alle iiga bari inuu iisameeyo mucjiso ila socota oo ay igu rumaystaan, markaas ayuu iigu duceeyay.  

Calaamaddiina waxaa Alle ka dhigay, markii uu qoomkiisii usoo dhawaaday ayaa wajigiisa nuur ka ifay faynuusta oo kale ah, markaas ayuu wuxuu yiri: Alloow meel aan wajiga ahayn iiga dhig waxaan ka cabsanayaa inay yiraahdaan “waa la dhalandooriyaye” markaas ayaa nuurkii u wareegay suunkiisa, ugu horreyntiiba aabihiis iyo marwadiisa ayuu Islaamka ugu yeeray wayna islaameen, hasayeeshee qabiilka intiisii kale waa ka daaheen Islaamka isna dacwada kama joojin ilaa uusoo hijrooday sannadka afraad ee Hijrada isaga oo ay la socdaan siddeetan ama todobaatan qoys oo tolkiis muslimiina ah, wanaag badan ayaana Alle ka muujiyay Islaamka dhexdiisa, wuxuuna shahiiday maalintii duulaankii Yamaama (beertii geerida) isagoo Alle dartii u diriraya, waxaana dacwada Dufayl miraheeda in aad ogaato kaaga filan inuu Abuhurayre ku islaamay. 

Dimaad Al Azdi

Dimaad wuxuu u dhashay qabiilada Azdi shanuu’a ee reer yamaneedka ah, wuxuuna dadka kaga tufi jiray –ka daawayn jiray—cudurka dabaysha ama rooxaanaha, markii uu hadaba Makko soo galay wuxuu maqlay qaballuusyadeeda oo ku sheekaynaya Muxamed waa waalan yahay, markaas ayuu wuxuu yiri: haddii aan ninkaan u tago waxaa suurowda in Alle gacmahayga ku daaweeyo, ujeeddadaas ayuu Nabiga (scw) ula kulmay wuxuuna yiri: Muxamedoow anigu dabaysha ayaan daaweeyaaye wax dan ah maka leedahay inaan kugu akhriyo, Rasuulka Alle (scw) ayaa wuxuu akhriyay khudbada xaajada: Innal xamda lillah naxmuduhu wanastaciinuhu: ilaa dhamaadka. 

Mahad idilkeed Alle ayey u sugan tahay, annagoo ku mahadinayna kuna gargaar waydiisanayna, ciddii uu hanuuniyo Alle wax dhumiya ma leh, ciddii uu dhumiyaana wax hanuunsha ma leh, waxaanna qirayaa Alle mooyee ilaah kale –oo xaq lagu caabudo—inuusan jirin waxaan kaloo qirayaa in Muxamed yahay addoonkiisii iyo rasuulkiisii, intaa kadib. 

Ninkii oo yaabban ayaa yiri: iigusoo celi ereyadaadaas, Rasuulka Alle ayaa saddex goor ugu celceliyay, markaas ayuu wuxuu yiri: wallee waxaan maqlay hadalka Kahanada, hadalka sixirrooleyaasha iyo kan gabyaagaba, waligay erayadaadaas oo kale maanan maqal, wallee waxay gaareen badaha guudkooda, fidi gacantaada aan Islaamka ballan kugula galee, halkaas ayuuna Dimaad ku islaamay ballan qaadna Nabiga (scw) kula galay. 

Lix Nafood oo Udgoon oo Reer Madiino ah

Wareegtadii Xajjka sannadka kow iyo tobnaad ee nabinnimada oo ku aaddan July 620 ciise dabadi, waxay heshay dacwada Islamku unug wanaagsan oo durba isku baddalay geedo hadoodil ah oo hooskooda haraca ah ay muslimiintu kaga gabadeen hongorraha dulmiga iyo xadgudubka islawaynayaasha sannado dheraran. 

Waxaa hadaba xigmadda Nabiga (scw) kamid ahaa uu kala hortagayo beeninta iyo horjoogsida xaqa ee ay reer Makko ku hayaan, inuu boxo mugdiga habaynku markii uu isgalo oo ku wareego meelaha qabiilooyinku dageen, si aan qof mushrikiinta Makko kamid ahi uga horjoogsan hadafkiisaan. 

Habayn dayax leh ayuu Nabigu (scw) baxay isaga oo ay socodkiisa ku weheliyaan Abubakar iyo Cali, wuxuuna soo maray meelaha ay dageen qabiilooyinka Duhal iyo Shaybaan Ibn Thaclaba, wuxuuna kala hadlay Islaamka, sidoo kale waxaa Abubakar iyo nin kamid ah lafta Rabiica dhexmaray su’aalo iyo jawaabo la yaab leh, lafta Banu shaybaan jawaabahoodu rajo ayey lahaayeen, hasayeeshee waxay ka istaageen galidda Islaamka, kadibna wuxuu Nabigu (scw) soo maray karinta Mina, halkaas oo uu maqlay rag sheekaysanaya hadalkood, markaas ayuu aaday oo gaaray, waxayna ahaayeen lix nin oo dhallinyarada Madiino ah kulligoodna u dhashay lafta Khazraj, waxayna kala yihiin. 

  • 1: Ascad Ibn Zuraara ................................ Lafta Bani Najaar
  • 2: Cowf Ibn Xaarith Ibn Rifaaca, Ibn Cafraa ... Lafta Bani Najaar
  • 3: Rifaaca Ibn Maalik Ibn Cajlaan ................. Lafta Bani Zureyq
  • 4: Qibda Ibn Caamir Ibn Xadiida   ................. Lafta Bani Salima
  • 5: Cuqbata Ibn Caamir Ibn Naabii ................. Lafta Bani Xaraam
  • 6: Jaabir Ibn Cabdillahi Ibn Ri’aab ................. Lafta Bani Cubayd


Bannaanka Mina, 12 km ayay Koonfur kaxigtaa Makka


Nasiib wanaagga reer Madiino dadka la dheeryihiin waxaa kamid ahaa inay ka maqli jireen qabiilooyinka ay iskaashatada yihiin ee Yuhuudda in la gaaray xilligii uusoo bixi lahaa nabi nabiyada Alle kamid ah, ayna oran jireen intaannu raacno ayaannu idin gumaadi doonnaa sidii loo gumaaday reer Caad iyo Iram. 

Markii uu Nabigu (sw) soo gaaray nimankii ayuu yiri: yaad tihiin nimanyohow, markaas ayey dheheen: koox Khazraj ah, ma xulafadii Yuhuudda ayaad tihiin ayuu yiri, markaas ayey yiraahdeen: haa markaas ayuu yiri: wax yar maad ii fariisataan aan idinla hadlee? Say yiraahdeen haye wayna la fariisteen, markaas ayuu Nabigu (scw) u sharraxay xaqiiqada Islaamka iyo dacwadiisa, wuxuuna ugu yeeray xagga Alle, qur’aanna waa ku dul akhriyay, markaas ayey waxay isku yiraahdeen, wallaahay wax xasuusta nimanyohow, waa nabigii Yuhuuddu idiinku gooddin jireene yaysan idiinka hormarin, u dagdaga rumaynta dacwadiisa, islamarkiibana way islaameen. 

Raggaani hadaba waxay ahaayeen indheer garadka Madiino, magaaladaas oo ay aafaysay dagaallo sokeeyo oo ku raad qoyan, horena u naafeeyay quruumo badan, walina ololkeedii uu qaxmayo, waxay rajeeyeen in dacwada nabigaan Alle sabab uga dhigo joojinta dagaalka iyo hubkoo la dhigo, waxay hadaba yiraahdeen: waxaannu kasoo tagnay tolkayo mana jiro qolo ay dhex taallo waxa Alle dhex dhigay oo isnacayb iyo shar ah, waxaana suurowda in Alle kugu mideeyo, oo aad noosoo wareegto, waxaanuna ugu yeeraynaa arrinkaagaan, waxaanna u bandhigaynaa wixii aan kaa yeellay ee diintaan ah, haddii adiga dartaa Alle ku mideeyana ma jiri doono nin kaa xurmo wayn. 

Markii ay raggaani Madiino ku laabteen, waxay sii qaadeen farriintii Islaamka oo dadka ugu yeereen ilaa aysan jirin guri guryaha Madiino kamid ah oo uusan hadalhaynta Islaamku galin, guri walbana Nabiga (scw) warkiisa ayaa yaal.

Guurkii Caaisho 

Bisha Shawaal sannadkii kow iyo tobnaad ee nabinnimada, wuxuu Rasuulka Alle (scw) guursaday Caaisha siddiiqadda wayn Alle haka raalli noqdee, waxaa hadaba lagu meheriyay iyadoo lix jir ah, wuxuuna ku dhistay Madiino saddex sano kadib sannadka koowaad ee Hijriyada iyadoo sagaal jir ah, mana jiro wax caruur ah oo Caaisho Nabiga (scw) u dhashay. 

Soo jeedinta guurkaan waxaa ka shaqeeyey gabadha lagu magacaabo Khowla Bint Xakiim oo u kala dabqaaday labada dhinac, sida la ogsoon yahayna Caaisha waxay u doonnanayd Jubayr Ibn Mudcim, markii arrintaan Abubkar loo sheegay in Nabigu (scw) hadal hayo gabadhiisa ayuu aaday Mudcim Ibn Cadiyi oo lasoo hadal qaaday arrinta gabadha ee uu wiilkiisa u doonay, odaygii Mudcim haweenaydiisa ayuu inta eegay yiri: maxaad arrintaan ka leedahay gabareey, sayte inta Abubakar soo eegtay: waxaa suurowda haddaan wiilkayaga gabadhaada u guurinno inaad naga duufsato oo diintaada galiso!! Abubakar intuu Mudcim soo eegay ayuu yiri: adiguna maxaad leedahay? Markaasuu yiri: waad maqlaysaa marwadaydu waxa ay ku leedahay. 

Abubakar wuxuu yiri: markaas ayaan istaagay anigoo aan ballantaas waxba niyaddayda kaga harin. 

________________________________

1: Tixaha waxaa mariyay Abdirisaq Musanaf 

2: Duulaanka Bucaath, wuxuu ka dhex dhacay labada qabiilo ee walaalaha ah ee Ows iyo Khazrah, dagaallada labadaan qabiilo ka dhexeeya, oo ummadaha dariska la ahi ay hurin jireen waxay socdeen muddo dheer, waxaa hadaba ugu dambeeyay dagaalkaas Bucaath oo khasaare aad u ballaarani kasoo gaaray labada dhinacba, sidoo kale ay ku dhamaadeen dhamaan odayaashii iyo hoggaamiyeyaashii dagaalka, arrintaan oo noqotay fursad xagga ku faafidda Islamka.

ISHA SAWIRADA:
http://www.jannah.org/articles/taif.html
http://www.saudicities.com/mmountains.htm
http://www.islamicvoice.com/2001-05/travel.htm

Daabacaad: SomaliTalk.com | Jan 16, 2004

QAYBTA 9aad

QAYBTA  11    

Silsiladda Taariikhda Islaamka

Qaybta 11aad:::

Qaybtani waxay ka kooban tahay:::

  • Mucjisooyin Dhacay Muddadaan Dhexdeeda
  • Kala Dhanballiddii Dayaxa 
  • Sannadihii Abaarta 
  • Annagaa Kaaga Filan Jeesjeesayaasha 
  • Dhacdadii Lagdanka 
  • Dhacdadii Israaga Iyo Micraajka (dheelmiddii iyo sare u qaadiddii Nabiga)
  • Axdi diineedkii Caqaba ee koowaad (Baycadii Caqabah)
  • Safiirkii Islamka ee ugu horreeyay Madiino
  • Muscab Waa Nin Sidee Ah
  • Guul Lagu Farxo

Mucjisooyin Dhacay Muddadaan Dhexdeeda 

Sida la ogsoon yahay Rasuulka Alle (scw) wuxuu ahaa shakhsi mucjisooyin badan laga arkay, mucjisooyinkaan oo kulligood ka baxsanaa kana sarreeyay heerka awoodda garashada aadanuhu gaarsiisan tahay, mucjisooyinkaan oo noloshiisa dhamaanteed la saaxiibay, waxay isugu jireen dhacdooyin ficilkiisa laga arkay, akhbaaro uu kaga warramay mustaqbalka amase waxyaalaha qarsoon oo sidii uu u sheegay loo arkayay sidoo kale ducadiisa, maryihiisa, taabashadiisa, kabahisiisa iyo dhamaan waxkasta oo isaga ku saabsan oo lagala kulmay mucjisooyin caqliga ka baxsan sida in lagu daaweeyo cudurrada laga caalwaayay amase kuwa aan daawada lahayn iyo dhacdooyinka laga arkay makhluuqaadka Alle oo u hoggaansamaya Nabiga (scw) amarkiisa. 

Ayadoo hadaba ay jiraan kitaabo waawayn oo lagu aruuriyay mucjisooyinkaan waxaa la sheegay in Alle mucjisooyinkaan uu Nabigiisa (scw) uga muujiyay si ay dadka ugu caddaato xaqnimada Nabiga (scw) iyo xaqa uu la yimid kadib markii la tusiyo xujo qudrada aadanaha iyo garashadiisaba ka baxsan islamarkaana ay u garwaaqsadaan uguna kalsoonaadaan, taas lafteeduna waa ujeeddadii ushii Muuse iyo hashii Saalix (cs) laga lahaa. 

Waxyaalaha ficilkiisa laga arkay oo aad u badnaa waxaa kamid ahaa in biyuhu farihiisa ka shubmaan oo ay ummadda oo dhan deeqaan, in cunnada hal qof loogu talagalayi markii uu taabto ay boqollaal amase kun dad kor u dhaafay deeqdo oo waliba aysan dhamaanayn, in awooddiisa xagga qof ahaaneed uu sameeyo waxyaalo aan qof caadi ahi samayn karin sida dhagaxii laga quustay in la jabiyo inuu hal nabar ku dhufto oo uu sidii ciiddii u kala daato ama isu baddalo. 

Dhacdooyinka xagga akhbaartiisa laga arkay runtii aad ayey u badan yihiin waana arrin la yaab badan sababtoo ah ma jirto cid mustaqbalka og wax qiyaas dhaafsiisan amase cid ka warrami karta wax oddoros iyo saadaalin ka baxsan dabcan Alle un mooyee ama akhbaar isaga laga helay, oo nabi lasoo gaarsiiyay, Rasuulku (scw) ilaa heer buu dhinacaan ka gaaray waxkasta oo laga maqlo ee mustaqbalka ku saabsani ay iska ahaayeen yaqiin dhicitaankeeda la sugayo, qaar kamida culumada taariikhda Islamka ku takhasusay waxay leeyihiin “maba jirto dhacdo wayn oo dunida ka dhacday Nabiga (scw) kadib oo uusan hore u sheegin. 

Hadaba dhacdooyinkaan mucjisada ah oo aan –insha Allah—silsiladdaan dhexdeeda kusii arkii doono waxaa kamid ahaa. 

Kala Dhanballiddii Dayaxa 


Sawirka: www.soundvision.com


Marar badan oo reer Makko ay Rasuulka Alle (scw) waydiiyeen inuu mucjiso horkeeno, ayagoo oran jiray ku rumayn mayno ilaa aad dhulkaan nooga jeexdo ilo biyo ah oo burqanaya, ama aad yeelato beer cinabka iyo timirtu isku dhex baxday oo wabiyo biyo ahi hoosteeda durdurayaan, ama aad cirka gabalkiis dusha nagaga soo riddo, ama aad la timaadid Alle iyo malaa’igta si caddaan ah, ama uu guri dahab ahi kuu dhismo, amase aad cirka kortid waliba aad kitaab aan akhrino nooga soo dajisid, sidoo kale inay oran jireen buurahaan dhulkii nagu cariiryay ee nolosha nagu dhibay ilaahaaga noo waydii ha naga riixo amase awoowayaashayo siiba Qusayi Ibn Kilaab hanaloo soo celiyo aan waraysanno oo la tashannee, xigmadda su’aalaha caynkaan ah ay uga jeedeen marna ma ahayn inay wax ku qaataan, ee kaliya waxay uga jeedeen inay Nabiga (scw) xujeeyaan oo ay mar uun qura ay ku hadaaqaan intaan wax waydiinay ayuu ka jawaabi waayay taasoo qayb ka ahayd la dagaallankooda Islamka, haddiise Alle og yahay inay wax ku qaadanayaan waa la horkeeni lahaa sidii ummado hore loo horkeenay, tan kale.  

Alle subxaanah wuxuu Rasuulkiisa sharafta leh (scw) usheegay in waxyaalahaas ay waydiisteen loo soo saarayo laakiin haddii inta mucjisada la horkeeno ay xaqa u hogaansami waayaan la halaagi doono sidii ummado hore loo halaagay sidoo kale in Alle qur’ankiisa ku yiri ((Mana aysan naga joojin soo dirista mucjisooyinka inay kuwii hore beeniyeen un mooyaanne)) 17:59. 

Sidaa darteed waxaa Nabiga sharafta leh (scw) la kala doorransiiyay in ama musjisada la horkeeno – mana ay rumayn doonaan markaas la halaago—ama aan mucjisada la keenin ciddii Alle khayrka iyo toobadda u qorayna ay Islaamto ciddii aan loo qorinna ay seekto halkaas oo Nabigu (scw) uu doortay tan dambe. 

Hasayeeshee taasoo jirta hadana waxaa Nabiga (scw)laga muujiyay mucjisooyin badan ilaa ay caadaysteen in markii ay arkaan mucjiso caqliga ka baxsan xataa hadii cirka albaab looga furo oo ay koraan inay oran jireen ((waxaa uun la daboolay aragayagii waxaaban nahay qoom la sixray)) 15:15. 

waxaana dhacdooyinkaas la yaabka badan kamid ahaa,Kala dhamballidii dayaxa, qisaduna waxay u dhacday sida Ibn Cabbaas u sheegay in odayaashii mushrikiinta Makko oo ay kamid yihiin Waliid Ibnul Mughiira, Abujahal Ibn Hishaam, Caas Ibn Waail, Caas Ibn Hishaam, Aswad Ibn Cabdiyaquth, Aswad Ibnul Mudalib, Zumcata Ibn Aswad, Nadar Ibn Xaarith iyo odayaal kale oo badan ay Nabiga (scw) u yimaadeen markaas ayey yiraahdeen: haddii aad tahay –nabi—run ah dayaxa labo gabal noogu kala jeex, gabalna aan  buurta Abiqubays dusheeda ka aragno gabalna buurta qayqacaan!! Markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: haddii aan sidaas yeelo ma rumaynaysaan? Markaas ayey dheheen: haah, xilligaasina waxay ahayd dayax afar iyo tobnaad ah markaas ayuu Nabigu (scw) Alle waydiistay inuu tusiyo waxa ay waydiisteen markii hadaba habaynku madoobaaday ayaa waxaa la arkay dayixii oo labo jab kala ah oo jabna buurta Abiqubays korkeeda ku beegan yahay jabna buurta Qayqacaan, Rasuulka Allana wuxuu ku leeyahay Abusalama Ibn Cabdilasad iyo Alarqam war markhaati ka ahaada. 

Dhacdadaan waxaa Alle kusoo dajiyay bilowga suuraddaAlqamar oo Alle yiri: ((waxaa dhawaatay saacaddii –qiyaame—dayixiinna wuu kala dillaacay: haddayse –gaaladu—arkaan mucjiso wayn way jeesanayaan oo waxay oranayaan waa sixir isdaba jooga)) 54:1-2, markii hadaba ay mucjisadaan arkeen waxay islamarkiiba yiraahdeen wuu na sixray Muxamed, markaas ayey waxay dheheen war fiiriya wararka safarrada dibada ka imaanayaa idiin keeni doonaan Muxamed ma awoodo inuu dadka oo dhan sixree, dhamaan dadkii bannaanka kasoo galayna kulligood waxay ka warrameen inay arkeen mucjisadii dayax kala dhambalanka. 

Qisadaan oo kutubta saxiixa ah ee Islamku qoreen sida Albukhaari iyo Muslim, ma ahan meesha laga arkayi Makko oo kaliya ee taariikhyahannada Islamku waxay caddeeyeen in dunida kale dhulal badan laga arkey oo taariikhaha dhulalkaas lagu qoray sida Hindiya sidoo kale in Hindiya laga dhisay dhisme goob cibaado ah la yiri waxaa la dhisay habaynkii dayax kala dillaaca. [1] 

Sannadihii Abaarta 

Markii uu Nabigu (scw) reer Makko Islamka ugu yeerayay sannado badan oo khayrka ay dhagahooda ka daboosheen shakhsiyaad mooyaane guud ahaanna ay ka daaheen aqbalidda diinta, wuxuu Nabigu (scw) Alle ka baryay inuu ugu kaalmeeyo sannado abaar ah isagoo yiri: “Alloow dushooda iigu kaalmee toddobo –sano oo abaar ah—sidii toddobadii Yuusuf” waxaa hadaba bilowday sannado abaar ah oo tirtiray qori iyo qummud wax beer qoyani liqo wixii arlada korkeeda yaallay, xoolihii ay sidii xaskushii xasuuqmeen dadkiina caato raqayoobay ilaa ay bakhtiga hargaha iyo uuska cuneen oo lafaha qallalan la ruugay, cirkiina caad saloogan iyo qaac wax aan ahayn laga waayay, arrintu markay halkaas gaartay waxaa Nabiga (scw) u yimid Abu Sufyaan Ibn Xarbi oo Qureysh matalaya oo yiri: Muxamedow sida aad sheegtay waxaa lagula soo diray raxmad qoomkaagiina kulligood maanta waa halaagsameen ee Alle u bari –in la roobeeyo—markaas ayuu Rasuulka Alle (scw) Ilaahay u baryay in la roobeeyo islamarkiibana roobkii ayaa la helay, rays baana carrada qooyay. 

Tani waxay hadaba ahayd mucjiso wayn oo ay u hoggaansameen hasayeeshee aysan xaqa ku qaadan sababtoo ah waxay ahaayeen qoom shaydaan duufsaday uuna khayrka ka indhasaabay. 

Waxaana Imamul Bukhaari, Muslim iyo culumo badan oo kale kitaabahooda ku sheegeen in Cabdullahi Ibn Mascuud yiri: dhacdadaan waxaa kusoo dagay aayado dhowr ah oo ku jira bilowga suuradda Dukhaan. 

Annagaa Kaaga Filan Jeesjeesayaasha 

Cabdillahi Ibn Cabbaas wuxuu yiri: kuwa caadaystay jeesjeesku waxay kala yihiin Alwaliid Ibn Mughiira, Aswad Ibn Abdiyaquth Azuhri, Abuzumca iyo Aswad Ibn Mudalib oo Bani Asad u dhashay, Alxaarith Ibn qaydala iyo Caas Ibn Waail Assahmi oo Bani Sahmi u dhashay, kooxdaan waxay ku caanbaxeen inay isku garabsiiyaan dulmiga iyo hagardaamada ay Nabiga (scw) u gaysan jireen, markay khayrka arkaanna inay ayagoo garanaya ismagagadaan(is khaafiyaan) ayna ku jeesjeesaan, sidaa darteed Nabigu (scw) dhibkooda ayuu Alle uga dacwooday halkaas oo Jibriil yimid markaas ayuu Nabiga (scw) tusiyay muuqaallada raggaas. 

Markii ugu horreysay Alwaliid Ibn Mughiira ayuu muuqaalkiisa muujiyay markaas ayuu tilmaamay xididka halbowlaha markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: maxaad samaysay, Jibriil (cs) wuxuu yiri: kaas waan kaa qabannay kadibna wuxuu muujiyay muuqaalka Aswad Jibriil wuxuu tilmaamay indhihiisa, Nabigu (scw) sidii oo kale wuxuu yiri: maxaad samaysay, markaas ayuu yiri: waan kaa qabannay, kadibna wuxuu muujiyay Aba Zumca wuxuuna tilmaamay madixiisa oo sidii oo kale yiri: waan kaa qabannay, kadibna wuxuu muujiyay Alxaarith wuxuuna tilmaamay calooshiisa, sidoo kale Caas isagana wuxuu tilmaamay raysmagaadhada lugtiisa. 

Alwaliid wuxuu soo maray nin warmo qoranaya, qoriga caaraddiisii ayaa halbowlaha muday oo gooyay waana u dhintay, Aswad labada indhood ayuu beelay, Ibn Cabdiyaquth madaxa ayaa boog kasoo baxday kulligiis carun ka buuxisay uuna u dhintay, Alxaarith cudur ayaa caloosha ka galay uu saxaradii afka ka tufay, Caas qodax ayaa raysmagaadhada lugta ka muday inta barartay ayuuna u dhintay. 

Dhacdadaan oo qiso saxiixa ah, waxay run ahaantii muujinaysaa sida awoodda xagga Alle kasocota looguxoojiyay Nabiga (scw), waxaana kusoo dagay qawlka Alle ee ((Annagaa kaaga fillaannay jeesjeesayaasha)) 15:95.

 Dhacdadii Lagdanka 

Sababtuna waxay ahayd sida la sheegay nin lagu magacaabo Aburukaana Ibnul Ashdiin oo ahaa ninka Qureysh ugu xoog badan, ninkaas oo sida la sheegay intuu harag ku fariisto oran jiray toban nin hoostayda ka jiida islamarkaana aan laga jiidi karin ee haragu kala go’ayo xoog badnidiisa darteed ayaa maalin Nabigu (scw) la kulmay oo ku yiri: “Rukaanow maad Alle ka cabsatid oo aqbashid waxa aan kuugu yeerayo” markaas ayuu yiri: haddaan ogahay in waxa aad leedahay ay xaq yihiin waan ku raaci lahaa, markaas ayuu Rasuulku (scw) yiri: ka waran haddii aan ku lagdo ma irumaynaysaa? Markaas ayuu isagoo yaabban yiri: haah qisada dacal kale wuxuu sheegayaa inuu isagu soo jeedinta lahaa oo yiri haddii aad illagaddo waan ku rumaynayaa arrintaas oo uu u arkay mucjiso aan dhici karin.

 Miday noqotaba Nabigu (scw) wuxuu yiri: istaag, markii lagdankii dhacay dhulka ayuu Nabigu (scw) ku tuuray isagoo aan iscelin karin, markaas ayuu yiri: iigu celi waa iga binnistaye ilaa saddex goor ay ku dhacday markaas ayuu yiri: wallaahay Muxamedow tani waa mucjiso waligayna dhinacayga dhulka lama dhigin markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: haddaad Alle ka cabsato oo waxa aan kuu sheegayo aad rumayso waxaan ku tusinayaa arrin kale oo ka yaab badan, markaa ayuu yiri: oo waa maxay? Markaas ayuu yiri: waxaan u yeerayaa geedkaan wayna ii imaanaysaa! Arrintaas oo Nabigu (scw) sameeyay.

 Marka qisada dacalladeeda mid wuxuu sheegayaa inuu Ibnul Ashdiin islaamay ari saddex boqol ah oo lagdanka la isugu dhigtay lagana helay uu Nabigu (scw) u celiyay, dacal kalana wuxuu sheegayaa inuusan dhacdadaan waxba ku qaadan ee uu yiri: dadka ninkii ugu sixirka badnaa ayaan arkay, kolleyse sida la ogsoon yahay Aburukaana wuu islaamay oo axaadiith ayuu Nabiga (scw) ka wariyay meel uu ku islaamayba.

 Dhacdadii Israaga Iyo Micraajka
(dheelmiddii iyo sare u qaadiddii Nabiga)

 Xilligaan oo ku beegan marxalad dacwadu ay waddadeeda ka dhex jeexanaysay guul laga gaaray meelaha qaarkood iyo jirdilkii oo sii adkaaday dhinacyada kale oo aad moodid in iftiin yididdiilo lihi meel fog kasoo dhalaalayo ayaa waxaa dhacay dhacdadii dheelmidda Nabiga (scw) iyo xagga samadda u qaadidda oo isku habayn dhacay, waxaa hadaba jira khilaaf ka taagan in la xaddado taariikhda habaynkaan Israagu dhacay, taas oo laga yiri lix qowl oo kala ah. 

  1. Inuu ahaa sannadkii Nabiga (scw) Alle ku sharfay nabinnimada waxaana sidaas doortay Imamu Dabari 
  1. Inuu ahaa soo dirista Nabiga (scw) shan sano kadib waxaana rajaxay Imamu Nawawi iyo Qurdubi 
  1. Inuu ahaa habaynka ay bisha Rajab tahay toddobo iyo labaatan sannadka tobnaad ee nabinnimada waxaana qowlkaan doortay taariikh yahanka wayn ee Almansuurifowri
  1. Inuu ahaa bisha Ramadaan sannadka 12 aad ee nabinnimada, hijrada kahor lix iyo toban bilood
  1. Inuu ahaa bisha Muxarram sannadka 13 aad ee nabinnimada, hijrada kahor afar iyo toban bilood
  1. Inuu ahaa bisha Rabiicul Awal ee sannadka 13 aad ee nabinnimada, hijrada sannad kahor.

Hadaba saddexda qowl ee hore waxaa lagu riddiyay in Khadiijo ay dhimatay bisha Ramadaan ee sannadka tobnaad ee nabinnimada dhimashadeeduna waxay dhacay intaan la  soo gaarin waajibintii Salaadaha shanta ah, sida la ogsoon yahayna salaadaha shanta ah waxaa uun la waajibiyay habaynkii Israaga iyo Micraajka khilaaf la’aan, saddexda qowl oo kale Caalimka wayn ee Mubaarakfuuri wuxuu yiri: maanan helin wax xujo ah oo aan midkood si gaar ah ugu caddeeyo (ugu rajaxo) inkastoo habdhacmeedka suuradda Israa laga garanayo in xilliga Israagu aad u dambeeyay. 

Dhacdadaan oo Rasuulka (scw) lasoo tusiyay makhluuqaadka Alle ee waawayn faahfaahinteeda waxaa wariyay aqoonyahannada xadiithka waana tan ayadoo kooban. 



Masjid Al-Aqsa...
 | Sawirka www.moonsighting.com



Makkah - Sannadkii 1297AH
| Sawirka: www.islamicity.com

Ibn Qayim wuxuu yiri: Rasuulka Alle (scw) ayaa la dheelmay laf ahaantiisa sida saxda ah, waxaana laga qaaday masjidka Xaramka ilaa Baytul Maqdas, isagoo saaran Buraaq (Neef baqasha le’eg oo tallaabada dhigaya halka araggiisu ku dhamaado) safarkiisana uu ku weheliyo Jibriil (cs) halkaas oo intuu Buraaqii ka dagay uu tujiyay Nabiyada Alle (cs) salaad uu imaam u ahaa, Buraaqiina wuxuu ku xirtay barxad fagaaga hore ee Masjidka ku taal.

Isla habaynkaas gudihiisa ayaa Baytul Maqdas looga duuliyay xagga samada aduunka ee koowaad, islamarkiiba Jibriil ayaa dalbay in laga furo waana laga furay, halkaas oo Nabigu (scw) ku arkay Aadam aabihii bashariyadda, markii uu salaanta ka jawaabay ayuu kula hadlay hadallo ay ku jirto soo dhawayn iyo qiritaan uu aqoonsanayo nabinnimada Rasuulkeenna (scw), waxaana Alle ka tusiyay dhiniciisa midig nafaha dadka shuhadada ah dhiniciisa bidixna nafaha dadka ayaan darradu ku dhacday. 

Kadibna waxaa la korsiiyay Samada labaad, Jibriil ayaa dalbay in laga furo waana laga furay, wuxuuna halkaas ku arkay Yaxya Ibn Zakariya iyo Ciise Ibn Maryam (cs), intuu la istaagay ayuu salaamay, salaantiina waa ka jawaabeen ayagoo soo dhaweeyay kulana hadlay hadallo ay ku jirto qiritaanka nabinnimadiisa. 

Kadibna waxaa la korsiiyay Samada saddexaad, wuxuuna ku arkay Yuusuf (cs) oo uu salaamay, markii uu salaanta ka jawaabayna wuxuu ku hadlay hadallo ay ku jirto soo dhawayn iyo qiritaanka nabinnimadiisa. 

Kadibna waxaa la korsiiyay Samada afraad, wuxuuna ku arkay Idriis (cs), wuuna salaamay, soo dhaweeyay, qirayna nabinnimada Rasuulka (scw).

Kadibna waxaa la korsiiyay Samada shanaad, wuxuuna ku arkay Haaruun (sc) wuuna salaamay, soo dhaweeyay, qirayna nabinnimada Rasuulka Alle (scw).

Kadibna waxaa la korsiiyay Samada lixaad, wuxuuna ku arkay Muuse (cs), wuuna salaamay, soo dhaweeyay, qirayna nabinnimada Rasuulka (scw).

Markii uu dhaafay ayuu Muuse (cs) ooyay, waxaana lagu yiri: maxaa kaa oohinaya? Wuxuuna ku jawaabay sababtoo ah wiil yar oo gadaashay lasoo diray waxaa ummaddiisa Jannada galaya cadad ka badan inta ummaddayda Jannada galaysa.

Kadibna waxaa la korsiiyay Samada toddobaad, wuxuuna kula kulmay Ibraahiim (cs), wuuna salaamay, soo dhaweeyay, qirayna nabinnimadiisa.

Kadibna waxaa la korsiiyay Sidratul Muntaha (geedka la yiri makhluuqu sare uma dhaafo), halkaas oo uu arkay muuqaalka Masjidka loo yaqaan Albaytul Macmuur.

Kadibna waxaa loo geeyay Allaha awoodda wayn leh, wuuna u dhawaaday ilaa uu u jirsaday labo qaanso qowskood –xariggeed—ama ka dhow, markaas ayuu Alle subxaanah addoonkiisa u waxyooday khayrkii uu u waxyooday, wuxuuna Alle ku waajib yeelay konton salaadood, markaas ayuu Nabigu (scw) lasoo laabtay wuxuuna soo maray Muuse (cs) markaas ayuu yiri: maxaa Alle ku amray? Wuxuu ku jawaabay: konton salaadood, Muuse (cs) ayaa yiri: ummaddaadu ma awooddo konton salaadood ee ku laabo rabbigaa oo waydiiso in ummaddaada laga fududeeyo, Nabiga (scw) ayaa eegay Jibriil sidii isagoo kala tashanaya arrintaas, Jibriil wuxuu u tilmaamay haah haddaad doonto, markaas ayuu Jibriil kor la aaday ilaa uu ula tagay Allaha awoodda wayn subxaanah oo halkiisii jooga –kani waa dacalka Bukhaari ee xadiithka—markaas ayaa laga riday toban salaadood, kadibna Nabigu (scw) waa soo dagay ilaa uusoo maray Muuse (cs) wuuna u sheegay, Muuse (cs) wuxuu yiri: ku laabo rabbigaa oo waydiiso fududayn, hadaba Nabigu (scw) wuxuu ku dhex laalaabanayay Alle subxaanah iyo Muuse (cs) dhexdooda ilaa Alle salaadihii ka dhigay shan, markaas ayuu Muuse (cs) amray laabasho iyo inuu waydiisto fududayn, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: waan ka xishooday rabbigay laakiin waan ku raalli noqonayaa oo hoggaansamayaa, markii uu Nabigu (scw) fogaaday waxaa dhawaaqay mid qayliya oo yiri: waan fuliyay faradkaygii waanna ka fududeeyay addoomadaydii. [2]

Ibn Qayim wuxuu soo guuriyay khilaaf ku saabsan in Nabigu (scw) arkay rabbigiis subxaanah iyo in kale halkaas oo uu keenay hadalka Ibn Taymiya oo arrintaan ku saabsan, gabagabada masaladaanina waxay kusoo ururaysaa in aragtida isha ahi aysan marnaba sugnayn, qof saxaabada kamida oo sidaas yirina ma jiro, hadalka Cabdullahi Ibn Cabbaas laga sheegay inuu yiri: wuu arkayna markale waxaa ka sugan inuu yiri: qalbiga ayuu ka arkay, waxayna u ektahay inuu ka wado aragtidaan qalbiga ah ee dambe.

Soo dhawaanshaha ku jira suuradda Najmi 53:8 iyo kan ku jira xadiithka Israaguna isma lahan ee kan suuradda ku jiraa waa soo dhawaanshaha Jibriil sida Caaisho iyo Cabdullahi Ibn Mascuud ay ku tafsiireen habka suuraddu ku socotaana uu muujinayo, Nabiguna (scw) labo goor ayuu Jibriil (cs) arkay oo sidii Alle u abuuray ah, marna uu arlada korkeeda ku arkay marna Sidratul Muntaha, laakiinse soo dhawaanshaha xadiithka Israaga ku jiraaayi waa soo dhawaanshaha Alle subxaanah, labada qisana waa labo qiso oo kala duwan, Allaana ku cilmi leh.

Safarkaan mucjisada ah waxaa markale dhacay arrintii jeexidda laabtiisa (scw) la jeexay. sidoo kale waxyaalo badan oo habeen kaas gudihiisa uu Nabigu (scw) arkay waxaa kamid ahaa;

In la kala doorran siiyay caano iyo khamro inuu midkood doorto, islamarkaana uu caanihii doortay, markaas ayaa lagu yiri: waxaa lagugu hanuuniyay fidradii –sunnaddii qadiimka ahayd—amase fidradii ayaad ku toostay, haddaadse khamrada dooran lahayd ummaddaadu waa dhumi lahayd.

In uu arkay afar wabi oo jannada ku yaal, wabiyadaas oo labo kamid ahi ay muuqdaan labada kalana ay qarsoon yihiin, labada muuqdaana waa Niil iyo Furaat, waxaana xigmaddaan tafsiirada laga bixiyay kamid ah in diintiisu ay saldhigan doonto wabiyaashaan barwaaqada ah ee Niil iyo Furaat, in dadka halkaas ku noolina ay noqon doonaan dadka Islamka xambaara faracba farac kadib.

In uu arkay Jannada iyo Naarta sidoo kale Maalik gacan ku hayaha Naarta, wajigiisana kama muuqan dabacsanaan amase wax furfurnaan ah.

In uu arkay kuwa xaqdarrada ku cuna xoolaha agoonta oo leh qawlallo u eeg qawlallada geela, oo afkooda lagu gurayo gaballo waawayn oo dhinbillo ah oo dhagaxaan guduutay lamoodo markaas ay dabadooda ka baxayso.

In uu arkay kuwa caadaystay cunidda Ribada oo leh caloolo waawayn, oo aysan awoodin inay meeshooda dhinac uga hinqadaan culayska caloosha darteed, waxaa marka jiiraya ummaddii Fircoon oo la cadaabayo, markaasay ku tumanayaan.

In uu arkay kuwa caadaystay dhaqan xumada Zinada oo hortooda la dhigay hilib buuran oo fiican iyo hilib caato ah oo qurmay, markaasay intay hilibka fiican dhinac maraan hilibka qurmay cunayaan kan fiicanna hareer marayaan.

In uu arkay dumarka nimankooda u qariya ilmo aysan dhalin ee ay xumaan ku keeneen oo xargo naasaha lagaga xiray meel dheer lagaga soo lulay.

Wuxuu kale oo akay safar reer Makko usoo socday oo uu dhexda ku maray siisocod iyo soo socodba, sidoo kale wuxuu tusiyay neef geel ah oo safarkaas ka dhumay wuxuuna ka cabbay biyo ay wateen oo u daboolan ayagoo hurda kadibna uu weelkii daboolay, arrimahaanina waxay noqdeen xujo uu ku caddeeyay socodkiisa markii subixii habaynka Israaga uu dadka u sheegay.

Ibn Qayim wuxuu yiri: markii Rasuulka Alle (scw) ku waabariistay reer Makko dhexdooda wuxuu uga warramay mucjisooyinkii Alle tusiyay iyo makhluuqaadka Alle ee waawayn ee la tusiyay, islamarkiiba si kulul ayay u beeniyeen waxayna isla dhex yaaceen qaadan waa ayagoo isku gacansiinaya dhibkiisa iyo shidayntiisa, dabadeedna waxay waydiiyeen inuu u sifeeyo Baytul Maqdas –arrimo uusan Nabigu si fiican ugu fiirsan—sidaa darteed Alle ayaa u muujiyay muuqaalkii Baytul Maqdas ilaa hortiisa lasoo dhigay, markaas ayuu wuxuu bilaabay inuu tilmaamayo calaamadihiisa, mana ay awoodaan inay hal wax ah oo uu sheegay ku beeniyaan, sidoo kale wuxuu u sheegay safarkoodii dhexda soo socday ee uu arkay siisocod iyo soolaabadba wuxuuna u sheegay xilliga ay soo gali doonaan, wuxuu kaloo u sheegay awrka safarkaas ugu soo horreeya, arrimahaas oo dhanina waxay u dheceen sidii uu u sheegay oo aan xaraf xaraf daba marin, hasayeeshee waxaas oo dhan kama aysan kororsan fogaansho uun mooyee wax kale, daalimiintaasina waa diideen wax aan ahayn kufri iyo beenin.

Waxaana la sheegay Abaubakar waxaa Siddiiq loogu magacaabay, markii Nabigu (scw) gaalada u sheegay inuu Baytul Maqdas tagay ayey ku yaaceen ayagoo leh “Abuubakarow saaxiibkaa wuxuu sheegtay inuu Baytul Maqdas tagay” markaas ayuu yiri: wallaahay hadduu yiraahdo cirkaan tagay waan ka rumaysanayaa, markaas ayaa Siddiiq lagu magacaabay.

Hadaba waxa ugu macna wayn uguna soo kooban ee lagayiri ujeeddada dheelmintaan la yaabka badan laga lahaa waa qawlka Alle ee ((Si aan u tusinno mucjisooyinkayaga)) 17:1


sidaanina waa dariiqada uu Alle hore ugu jideeyay nabiyadiisa sharafta leh halka uu ka yiri: ((Sidaas oo kale ayaan u tusinnay Ibraahiim malakuutka –mulkiyadaha—samooyinka iyo dhulalka si uu –caalim ugu noqdo—iyo inuu kuwa yaqiinta gaaray kamid noqdo)) 6:75, sidkoo kale Muuse (cs) Alle wuxuu yiri ((Si aan kuu tusinno mucjisooyinkayaga waawayn)) 20:23,

waxaa hadaba halkaan lagu caddeeyay ujeeddada laga leeyahay muujinta mucjisooyinkaan oo kale ((Si uu uga mid noqdo kuwa yaqiinta gaaray)) markii aqoonta nabiyada (cs) lagu xoojiyo aragtida mucjisooyinkaan waawayn ayaa waxaa u hirgalaya yaqiinta aragtida ku dhisan wax aan heerkooda la qiyaasi karin lana awoodi karin, wax la sheegayina lamid ma ahan wax ili aragtay, markaas ayey ugu dulqaadanayaan Alle jidkiisa heer aan cidkale awoodin, waxa quwado dunida ka jiraana waxay ugu muuqanayaan wax aan garab kaneeco u dhigmin oo aan waxba yeeli karin, markasta oo mixnado iyo caddibaad la marsiiyo.

Inkastoo xigmadaha iyo murtiyaha qarsoon ee safarkaan qaybihiisa ku guda jira lagu faahfaahiyey kutubaha xigmahada qarsoon ee shareecada laga dajiyay hadana waxaan halkaan ku muujinaynaa xaqiiqooyin fudud oo iska cad, waxaana kamid ah.

Qofka akhriyay suuradda Israa waxaa u muuqanaysa in dhacdada Israaga lagu sheegay hal aayad ah oo qura, kadibna waxaa la guda galay in la kashifo fadeexadaha Yuhuudda iyo eedaha ay aadanaha ka galeen, kadibna waxaa la sheegay in Qur’aankaani uu ku hanuuninayo wadada ugu habboon, waxaa hadaba qofka akhrinayaa moodayaa inaysan aayadahaan wax isku xirnaan ahi ka dhaxaynin, arrintuse sidaas ma ahan ee waxaa Alle halkaan nagu baraarujinayaa in halka Israaga Nabiga (scw) loo dheelmiyay xagga Baytul Maqdas in hoggaanka aadanaha laga wareejin doono ummadda Yuhuudda kadib markii ay dunida ku harqiyeen foolxumada, dhaqanxumada iyo khayaanada ay galeen taas oo aysan suuroobi karin in xilkaan lagu sii hayo aysan una qalmin, sidaa darteed in labadii saldhig ee Dacwadii Nabi Ibraahim (cs) labadaba Nabiga (scw) la isugu daro.

Sideebayse taasi ku hirgali kartaa ayadoo Rasuulkii (scw) uu dhex wareegayo buuraha Makko isagoo ummadda dhexdeedii laga takooray, tani waxay shaaca ka qaadaysaa xaqiiqo kale oo ah in dawr wayn oo dacwadaan Islamka ahi uu soo gabagaboobi rabo, inuu sidoo kale bilaaban doono dawr kale oo kii hore si wayn uga duwan, inay dhismi doonto bulsho xaq u dirir ah oo hannaanka quman uu Qur’aankaani ku toosinayo, sidaa darteed waxaan arkaynaa in aayaduhu xambaarsan yihiin digniin heerkii ugu cuslaa ah iyo caga juglayn kulul oo lagu aaddinayo mushrikiinta reer Makko ((Markii aan doonno inaan halaagno qaryo –magaalo—waxaan amarnnaa kuwa loo nicmeeyay dhexdeeda, markaas ayey ku faasiqnimo sameeyaan dhexdeeda markaas ayaan burburinnaaburburin: Imisa ayaan halaagnay quruumo kadib –nabi—Nuux , waxaana ku filan rabbigaa dambiyada addoomadiisa khabiir aragti—dheer)) 17:16,17.

Waxaa aayahaan dhinac socda aayado kale oo ay ku jirto tilmaamo xeeldheer in muslimiintu ay heli doonaan dhul amaan u ah sidoo kale inay dhisi doonaan bulsho gabi ahaanba ka duwan noocyada xilligaas dhisan, bulsho Alle rumaysan uu hogaaminayo nuurka Alle ee ka iftiimaya aayadaha qur’aanka ah ee kusoo dagaya Rasuulkiisa sharafta badan (scw) kana dab qaadata irshaadaadka iyo hagidda eebbe.

Tani waa tan keentay in taariikh yahannada Siirada Nabiga (scw) qaarkood jaangooyeen in Israagu dhacay sannadka kow iyo tobnaad ama kan labiyo tobnaad amase dhexdooda.

Axdi diineedkii Caqaba ee koowaad
 (Baycadii Caqabah) (1)

Waxaan soo sheegnay in lix nin oo reer Madiino ahi ay islaameen wareegtadii Xajjka ee sannadka kow iyo tobnaad ee nabinnimada, islamarkaana inay Rasuulka Alle (scw) ugu ballan qaadeen inay diintaan gaarsiinayaan reer tolkood iyo ummadda Madiina ku dhaqan.

Hadaba arrintaan waxaa ka dhashay in wareegtadii Xajjka ee sannadkii dambe waa sannadka labo iyo tobnaad ee nabinnimada ee ku aaddan bisha July 621 ciise dabadi ay yimaadeen labo iyo toban nin oo hawshaan isku og, shan kamid ahi waxay ku jireen lixdii sannadkii hore Nabiga (sw) lasoo xariiray, halka nin oo lixaad oo aan imaani waa Jaabir Ibn Cabdillahi Ibn Ri’aab, iyo toddobo nin oo cusub, waxayna kala yihiin sidaan.

  • Mucaad Ibnul Xaarith Ibn Cafraa ...... Khazraj Bani Najaar
  • Dakwaan Ibn Cabdishamsi ............... Khazraj Bani Zureyq    
  • Cubaada Ibn Saamit ...................... Khazraj Bani Ghanam
  • Yaziid Ibn Thaclaba ......................  Khazraj Xulafada Bani Ghanam
  • Alcabbaas Ibn Cubaada Ibn Nadla .... Khazraj Bani Saalim
  • Abul Haytham Ibn Tayhaan ............ Aws Bani Cabdil Ash-hal
  • Cuwaym Ibn Saacida .................... Aws Bani Camar Bin Cowf

Labadaan ugu dambeeya ayuunbaa Aws u dhashay inta kale kullligood waxay u dhasheen Bani Khazraj, raggaani hadaba si qarsoodi ah ayey Nabiga (scw) ula soo xariireen, waxayna kula ballameen inay ku kulmaan karinka loo yaqaan caqabada wayn –waana sababta mucaahadadaan loogu magac daray caqabada—waxayna Rasuulka Alle (scw) la galeen axdi diineed qodobadiisu waafaqsan yihiin axdigii uu Nabigu (scw) dumarka la galay mar dambe furashadii Makko, markii kulanku furmay ayuu Nabigu (scw) qodobada axdiga ku dul akhriyay raggaan ayadoo nin waliba uu gacan qaadayo marka axdiga uu galayo, sidii qisadu u dhacdayna Bukhaari ayaa kitaabkiisa kusoo saaray isagoo ka warinaya Cubaada Bin Saamit wuxuuna yiri:

Rasuulka Alle (scw) ayaa yiri: kaalaya oo axdi igula gala in aydaan Alle –cibaadiisa—cidna la wadaajinayn, in aydaan waxba xadayn, in aydaan zinaysanayn, in aydaan dilayn caruurtiina, in aydaan been abuur la imaanayn aad hortiina iyo gadaashiina ka allifteen, in aydaan igu caasinayn –diidayn—wax wanaag ah oo aan idin amray, qofkii fuliya axdigaan oo idinka mid ah ajarkiisa Alle ayuu ku leeyahay, qofkii ku dhaca shay kamid ah –dambiyaadaan—oo dunida korkeeda loogu ciqaabo waxay u tahay dambi dhaaf, qofkii ku dhaca shay kamid ah –dambiyadaan—oo Alle u asturo arrintiisu Alle ayey u taallaa, hadduu doono waa ku ciqaabin hadduu doonana waa iska cafin, wuxuu –cubaada—yiri: markaas ayaan axdi kula galay amase sidaas ayaan axdigii kula gallay.

Safiirkii Islamka ee ugu horreeyay Madiino

Markii axdigaani guntamay oo ballantii hirgashay wareegtadii Xajjkuna dhamaatay ayuu Nabigu (scw) raggaan ballanta galay la diray safiirkii Islamka ee ugu horreeyay ee reer madiino loo diray, si uu muslimiinta cusub ee reer Madiino u baro tacliinta shareecada Islamka una fahansiiyo cibaadada, sidoo kale inuu u istaago ku fidinta diinta dadka wali ku sugan shirkiga iyo gaalnimada, wuxuuna Rasuulku (scw) xilkaan wayn u doortay Muscab Ibn Cumayr Alcabdari, barbaar kamid ah hormuudyada Islamka ee diinta ugu horqaatay dadka Alle haka raalli noqdee.

Muscab Waa Nin Sidee Ah

Abu Cabdillah Muscab Ibn Cumayr Ibn Haashim Alcabdari, wuxuu ka mid ahaa kooxdii ugu horreeyay ee Islamka qaatay, xilligaas oo cabsi badani jirtay Nabiguna (scw) si qarsoodi diinta ugu akhrin jiray muslimiinta daarta Al Arqam, Muscab wuxuu kamid ahaa saxaabadii diintooda qarsaday cabsi uu ka qabo hooyadiis iyo qaraabadiisa darteed, waxaa hadaba ogaaday nin lagu magacaabo Cuthmaan Ibn Dalxa oo markaas hooyadiis iyo tolkiisiiba ogaysiiyay, markaas ayey hooyadiis dayrisay, cunnadii iyo noloshii oo dhan ayey ka goysay sida ay sheegtay ilaa uu Muxamed ku gaaloobo, Muscab wuxuu maray marxalad uu gaajo badan iyo rafaad badan ku maray ilaa oogadiisii ay jilif yeelatay markii horana wuxuu ahaa ninka ugu dhaqaalaysan dhallinta reer Makko, heer waxay gaartay intuu maalin Rasuulka sharafta lihi (scw) arkay uu oohin ceshan waayey markii uu xasuustay noloshii uu Muscab ku noolaan jiray.

Hadaba markii tolkiis arkeen in ciqaabka noocaan ahi uusan Muscab ka joojin karin diintiisa ayey xargo ku xireen oo garaaci jireen isagoo xiran, xaaladdaas ayuuna ku jiray ilaa uu ka cararay, wuxuuna kamid ahaa muslimiintii Hijradii Xabashida ee hore u cararay, kadibna wuxuu ku jiray koox khaldantay oo Makko kusoo laabtay halkii ayaana cadaadintii ka bilaabatay ilaa uu Nabigu (scw) xilkaan u diray oo markaa uu u wareegay Madiino, halkaas oo islaamidda inta badan reer Madiina uu isagu sabab u ahaa.

Wuxuu Nabiga (scw) kala qayb galay dagaalkii Badar kadibna wuxuu shahiiday maalintii Uxud, isagoo markaas la waayey maro ku filan oo kafan looga dhigo, waxaa la sheegay inuu Muscab xagga muuqaalka u ekaa Nabiga (scw) taasina waxay sabab u noqotay in dagaal yahannadii mushrikiinta mid kamida Cabdullahi Ibn Qamia oo si gaar ah Nabiga (scw) u doonayay uu Muscab mooday markaas uu dilay islamarkaana uu ku qayliyay Muxamed waa la dilay.

Muscab wuxuu tusaale hormuuda u yahay muslimka horyaalka ah, himadda sare leh ee isagoo aan aduunyadu macno ugu fadhiyin u halgamay meelmarinta iyo hirgalinta amarrada Alle iyo diintiisa, Alle Jannadiisa fardowsa ee ugu sarreysa ha ugu nicmeeyo.

Guul Lagu Farxo

Muscab markii uu Madiino tagay wuxuu ku dagay saaxiibkiis safarkana ku weheliyay Ascad Ibn Zuraara, waxayna guda galeen inay Islamka ku dhex faafinayaan reer Madiino firfircooni iyo xamaasad heerka ugu sarreysa, Muscabna waxaa Madiino dhexdeeda loo yaqaannay qaariga (ninka quraanka Akhriya).

Hadaba qisooyinka laga sheegay guusha faafinta Islamku Madiino gaartay waxaa ugu yaab badan inuu Ascad Ibn Zuraara maalin Muscab u kaxaystay xaafad ay dagan yihiin lafta Bani Cabdi Ash-hal iyo xaafadda lafta Bani Thafar, waxay marka ag fariisteen ceel ku dhexyaal beer ay leeyihiin lafta Bani Thafar, halkaas oo ay qofkii u yimaada diinta u bandhigayeen, waxaa marka kusoo dul aruuray niman muslimiin ah oo raggii meesha daganaa ah, dhinaca kale Sacad Ibn Mucaad iyo Usayd Ibn Xudayr oo ah labada mas’uul ee tolkood Bani Cabdi Ash-hal iyo guud ahaan Aws oo dhanna maalinkaas waxay wali ku jireen shirkii, markii ay hadaba maqleen fadhiga Ascad iyo Muscab Sacad oo arrintaan ka carooday ayaa Usayd ku yiri: u tag labadaan nin ee u yimid inay wax magaradka naga duufsadaan oo naga cayri, ugana dig inay xaafadahayaga mar dambe yimaadaan, Ascad Ibn Zuraara waa ina habreedkay haddaysan taasi jirinna waan kaaga fillaan lahaa dhibkiisee.

Usayd warankiisii inta qaatay ayuu labada nin xaggoodii u dhaqaaqay, markii uusoo muuqday ayuu Ascad Ibn Zuraara Muscab ku yiri: ninkaan soo socdaayi waa mas’uulkii tolkiise markuu kuu yimaado niyaddaada Alle ugu runsheeg –si daacad ah ula hadal—Muscab ayaa yiri: hadduu fariisto waan la hadlayaa, Usayd dhiniciisa waa yimid ilaa uu soo kor joogsaday isagoo caytamaya markaas ayuu yiri: maxaad nagasoo doonteen ma inaad wax magaratada naga duufsataan? Hadda naga dhexbaxa haddii naftiina dani idinka hayso!! Muscab ayaa ku yiri: bal fariisto oo na dhagayso, haddii aad arrinta ku qanacdana waad aqbalaysaa haddii aad dhibsatana waa lagaa joojin waxa aad nacaysee, markaas ayuu yiri: caddaalad baad samaysay, kadibna warankiisii ayuu mutay waana fariistay, marka Muscab ayaa Islamka kala hadlay, wuxuuna ku dul akhriyay Qur’aanka, qofkii goob joogga ahaa wuxuu yiri: wallaahay Islaamnimada ayaan wajigiisa ka garannay intuusan hadlin furfurnaanta iyo nuurka wajigiisa ka baxay darteed, kadibna wuxuu yiri: waxaan maxaa ka fiican oo ka qurux badan? Sidee yeeshaan markaad doonaysaan inaad diintaan gashaan? Markaas ayey ku dheheen, waad qubaysanaysaa, dharkaagana daahirinaysaa, kadibna waxaad ku dhawaaqaysaa shahaadada xaqa ah, kadibna waxaad tukanaysaa labo rakcadood, islamarkiiba waa istaagay oo qubaystay oo dharkiisii daahiriyay oo ku dhawaaqay shahaadada xaqa ah oo tukaday labadiii rakcadood, markaas ayuu Usayd yiri: war waxaa iga dambeeya nin haddii uu idin raaco aan qof tolkiis ahi ka harayn, waanna idinku soo toosin doonaa, wuxuuna u jeedaa Sacad Ibn Mucaad.

Markaas ayuu warankiisa qaatay oo u laabtay xaggii Sacad iyo naadigii raggu fadhiyay, ayagoo wali naadigoodii fadhiya, markaas ayuu Sacad yiri: markii uu arkay Allaan ku dhaartaye waji kii uu agtiina kala tagay ka duwan ayuu idin kula soo noqday, markii uu Usayd naadigii soo kor istaagay ayuu Sacad yiri: war sidee yeeshay? Markaas ayuu yiri: laba nin ayaan la hadlayoo wallaahay dhib kuma aanan arag waanna u digayoo waxay dheheen waannu yeelaynaa waxa aad jeceshahay, waxaase la iisheegay in Bani Xaaritha ay xagga Ascad Ibn Zuraara usoo bexeen si ay u dilaan, taasna waxaa ugu wacan inay ogaadeen inuu ina habreedkaa yahay si ay xurmadaada magangalyo bixinta u jabiyaan, markaas ayuu Sacad isagoo ka caraysan warkaas loo sheegay istaagay, inta warankiisii qaatay ayuu xaggoodii u dhaqaaqay, markuu hadaba arkay nimankii oo xasillooni ka muuqato ayuu fahmay in Usayd u danlahaa inuu nimanka wax ka maqlo, markaas ayuu soo kor istaagay isagoo caytamaya, oo Ascad Ibn Zuraara ku yiri: Abu Umaamow wallaahay haddaysan qaraabo nimada inaka dhaxaysaa jirin inaadan waxaas igula soo dhiirateen, ma guryahayagii ayaad noola soo galaysaa wax aan dhibsanayno.

Ascad ayaa Muscab ku yiri: wallaahay waxaa kuu yimid sayid tolkiis oo dhan hoggaanka u haya, haddii uu ku raacana axadna inuusan ka harayn kana dib dhacayn, Muscab ayaa Sacad Ibn Mucaad ku yiri: marka hore maad fariisatid, haddii aad arrintaan ku raalli noqoto waad aqbalaysaa haddii aad dhibsatana waa lagaa joojinayaa waxa aad dhibsataye, markaas ayuu Sacad yiri: caddaalad ayaad samaysay, kadibna warankiisa ayuu mutay oo fariistay, Muscab marka Islamka ayuu u bandhigay wuxuuna ku dul akhriyay Qur’aanka, qofkii goob joogga ahaa wuxuu yiri: wallaahay wajigiisa ayaan ka garannay Islamka intuusan hadlin furfurnaanta iyo iftiinka wajigiida ka baxay darteed, markaas ayuu wuxuu yiri: maxaad samaysaan markaad Islamka galaysaan? Waxay yiraahdeen waad qubaysanaysaa dharkaagana waad dhaqaysaa, kadibna waxaad ku dhawaaqaysaa shahaadada xaqa ah, kadibna waxaad tukanaysaa labo rakcadood, sidii ayuuna yeellay.

Sacad warankiisa ayuu qaatay, wuxuuna u dhaqaaqay halkii naadiga tolkiis ahi fadhiyeen, markii ay arkeen ayey waxay yiraahdeen: Allaan ku dhaarannaye wuxuu idinkula soo noqday waji aan ahayn wajigii uu marki hore idinkala tagay.

Markii uu soo korjoogsaday ayuu yiri: tolkay reer Bani Cabdi Ash-halow, maxaad taladayda iyo amarkayga ku taqaanneen? Waxay yiraahdeen: sayidkayaga aan laga daba hadlin, kan noogu ra’yi quman, kan noogu habboon inuu namatalo, markaas ayuu Sacad yiri: hadalkiinnu waa iga xaaraan rag iyo dumar toona ilaa aad Alle rumaysaan iyo Rasuulkiisa (scw) galabkii qof kamida umasoo galin nin iyo haweenay midna isagoo muslim ah mooyee ama ayadoo muslimad ah hal nina oo Asiiram lagu magacaabo mooyee, ninkaas islaamnimadiisu dib ayey u dhacday ilaa maalintii dagaalkii Uxud, maalintaas ayuu islaamay waana dagaallamay islamaalintiina waa shahiiday, hal sujuud ahna Alle uma uusan sujuudin, markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: in yar ayuu camal falay ajar badan ayaase lagu abaal mariyay.

Muscab wuxuu saldhig dacwadiisa uga sii dhigtay guriga Ascad Ibn Zuraara, halkaas oo uu dadka Islamka ugu yeerayay ilaa aysan harin xaafad ama guri Ansaari leedahay oo aysan joogin rag iyo dumar muslimiin ah, marka laga reebo xaafadaha Bani Umaya, Khadma iyo Waa’il, waxaa ayaga dhexjoogay ninka gabyaaga ah ee lagu magacaabo Qeys Bin Aslat aad ayeyna taladiisa u aaminsanaayeen, marka isagaa Islamka kala dibdhacay ilaa laga gaaray sannadkii Khandaqa –sannadka shanaad ee Hijrada.

Wareegtadii Xajjka ee sannadkii dambe waa sannadka sadex iyo tobnaad ee nabinnimadee ayuu Muscab Ibn Cumayr Makko kusoo laabtay, isagoo Rasuulka (scw) usoo xambaaray bishaarooyinkii guusha, sidoo kale uga sheekaynaya qisooyinkii uu kala kulmay qabiilooyinka Madiino ee khayrka iyo khibradda ah iyo quwadda iyo difaaca ku jira qabiilooyinkaan.

_____________________________ 

1: Fiiri Albidaaya Wannihaaya 2/486.
2: Fiiri Zaadul Macaad 2/47-48.

Daabacaad: SomaliTalk.com | March 17, 2004

QAYBTA 10aad

QAYBTA 12     

 

Silsiladda Taariikhda Islaamka

  • Qaybta 12aad:::

Qaybtani waxay ka kooban tahay:::

 

  • Axdi diineedkii Caqaba Ee labaad (Baycatul Caqaba Athaaniya)
  • Bilowgii Wadahadalka iyo Caddayntii Cabbaas
  • Qodobada Axdiga
  • Hadallo lagu muujinayo waynida mas’uuliyadda
  • Doorashadii 12 hoggaamiye
  • Shaydaan oo Axdiga Fashilinaya
  • Khabarkii oo xaqiiqoobay
  • Ifafaalihii Hijrada oo Muuqday

Axdi diineedkii Caqaba Ee labaad (Baycatul Caqaba Athaaniya)

Wareegtadii Xajjka sannadka saddex iyo tobnaad ee nabinimada oo ku beegan bisha July sannadka 622 Ciise dabadii, waxaa kasoo qayb galay gudashada Xajjka dhawr iyo todobaatan ruux oo muslimiinta reer Madiino ah, dadkaasi waxay ku dhex qasnaayeen xujaydii mushrikiinta ee reer tolkood, dadkaan muslimiinta ahi intii ay dhexda soo socdeen amase ayba Madiino joogeen waxay marwalba si qarsoodi ah isu waydiinayeen “ilaa iyo goorma ayaan Rasuulka Alle (scw) kusii dhowran karnaa duruufta qallafsan ee uu ku jiro isagoo wareegaya buuraha Makko, la cabsi galiyay lana cayrinayo?


Bannaanka Mina, 12 km ayay Koonfur kaxigtaa Makka


Markii ay Makko soo gaareen waxay xariir qarsoodi ah la sameeyeen Nabiga (scw) isagoo dhiniciisa u diray Muscab Ibn Cumayr, xariirkaan oo ay ka dhalatay in labada dhinac isku afgarteen in la qabto kulan bartamaha maalmaha tashriiqa, in kulankaani ka dhoco madal kor saaran caqabada wayn, halka dhagaxaanta lagu tuuro ee Mina ku taal, sidoo kale in kulankaani ku qabsoomo hab sir iyo qarsoodi heerka ugu sarreeya ah bartamaha mugdiga allaylka dumay.

Kulankaan taariikhiga ah oo baal dahab ah ka galay taariikhda Islamka, kulankaan oo leexiyay khadkii maalmuhu ku socdeen, kulankaan oo qayb libaax ka qaatay halganka Islamku shirkiga kula jiray, aan ka dhagaysanno mid kamid ah goobjoogayaashii habaynkaas, masuulka Ansaareed ee Kacab Ibn Maalik, wuxuuna yiri:

Xajjka ayaan usoo baxnay waxaan Rasuulka Alle (scw) kula ballannay karinta Cabaqo dhexdhexaadka ayaamaha tashriiqa, waxaa hadaba la soo gaaray habaynkii aan Nabiga (scw) ku ballannay –waxaan aadnay halkii lagu ballamay—waxaana xilligaas socodka nagu weheliya Cabdullahi Ibn Camar Ibn Xaraam oo kamida madaxdayada iyo raggayaga sharafta leh, oo aannu ogaal u kaxaysannay –warkana waan ka qarinaynay mushrikiinta—waxaan ku niri Abajaabirow waxaad tahay nin kamid ah hoggaankayaga iyo raggayaga sharafta leh, run ahaantiina waan kula nacaynaa xaaladda aad ku jirto, inaad barri naarta xaabo u noqoto, kadibna waxaan usoo jeedinnnay Islamka waxaanna la socodsiinnay ballanta aan Rasuulka (scw) kula jiro ee karinta Caqabo, islamarkiiba waa uu islaamay wuxuuna nagala qayb galay kulankii halkaas oo uu kamid ahaa madaxdii lagu doortay.

Kacab wuxuu yiri: habaynkaas waxaan –fiidkii hore—la seexannay mushrikiintii reer tolkayo halkii la daggannaa, hadaba markii habaynku saddex isu dhigay ayaan u guuraynay halkii karinta Caqabo ee aan Nabiga (scw) kula ballansanayn, annagoo hal hal siibannayna sida fiidmeertu u dhuumato, ilaa aannu Nabiga (scw) la kulannay, waxaannu ka koobannahay saddex iyo todobaatan nin iyo labo dumar ah, Umu cammaara Nusayba Bint Kacab Almaaziniya oo Banii Najaar u dhalatay iyo Umu Munayc Asmaa Bint Camar oo Bani Salama u dhalatay.

Fiiro Gaar ah: labadaan gabdhood midda hore Umu Cammaara waa mujaahiddadii waynayd ee ka qayb gashay Uxud, Xunayn, Xudaybiya, Yamaama iyo goobo badan oo dagaal ayadoo xaqa difaacaysa oo Nabiga Alle (scw) garab taagan, gacanteedana lagu gooyay wiilkeeda Xabiibna lagu dilay maalintii Yamaama, ilaa Uxud inta Nabiga Alle (scw) la yaabay geesinimadeeda uu yiri: Oo yaa awoodi kara waxa aad awooddo Umu Cammaarey” gabadha kalana waa Umu Munayc saxaabiga wayn ee Mucaad Ibn Jabal hooyadiis.

Kacab wuxuu yiri: hadaba karintii ayaan isugu soo aruurray ilaa uu Nabigu (scw) noogu yimid, waxaana la socda adeerkiis Cabbaas Ibn Cabdilmudalib oo maalinkaas wali ku dhaggan diintii reer tolkiis, wuxuuse jeclaystay inuu goobjoog u ahaado halka ay ku danbaynayso arrinta wiilka walaalkiis dhalay, wuxuuna ahaa ninkii ugu horreeyay ee hadla.

Bilowgii Wadahadalka iyo Caddayntii Cabbaas

Kadib markii dhamaan dadkii fadhiga kasoo qayb gali lahaa soo dhamaystirmeen, waxaa islamarkiiba furmay wadahadalkii si loo unko loona gunto isbahaysi diineed iyo mid ciidaneedba, qofkii ugu horreeyay ee golaha furayna wuxuu ahaa Cabbaas Ibn Cabdilmudalib Nabiga (scw) adeerkiis, isagoo hadalkiisa si cadcad ugu muujiyay culayska iyo khatar uu leeyahay xilka wayn ee reer Madiino garbaha u ridan doonaan markii isbahaysigaani guntamo, marka wuxuu yiri:

Bulshada Khazrajeey –carabtu waxay Ansaar ku magacabi jireen Khazraj labada qabiilba—waad lasocotaan halka uu Muxamed naga joogo, run ahaantiina waannu ka difaacnay dadka reer tolkayo ah ee aragtidayada mid lamid ah ka qaba –kasoo horjeeda—hadaba sharaf ayuu tolkiis ku dhexjoogaa, ilaalin wanaag ayuu magaaladiisa ku haystaa, isaguse waa diiday inuu xaggiinna usoo wareego oo idinka idiin soo haleelo mooyee, haddii aad hadaba isu aragtaan inaad u oofin kartaan ballanta aad u qaadeen ee aad ugu yeerteen, oo aad ka difaaci doontaan ciddii kasoo horjeedda, haddee waa idinka iyo xilka aad qaaddeen, haddiise aad isu aragtaan inaad cadow u dhiibi doontaan oo garabkiisa ka bixi doontaan, markuu xaggiinna usoo wareego, ragoow haddeer arinta ka fiirsada oo faraha kala baxa, tolkiis sharaf badni iyo ilaalin ayuu ku dhex haystaaye.

Kacab wuxuu yiri: markaas ayaannu niri waan maqallay waxa aad tiri, ee adugu Rasuulka Alloow hadal oo naftaadana xaqeeda u qaad rabbigaana waxa aad jeceshay u xukun.

Waxaa xusid mudan: jawaabtaani run ahaantii waxay muujinaysaa heerka sare ee xamaasaddooda iyo dareenkooda wanaagsani joogay, sidoo kale waxa go’aan adki, ka niiba gaarid, geesinimo, iimaan, daacadnimo iyo macno wayni qalbigooda hareeyay, taasoo u fududaysay xambaarista masuuliyaddaan baaxadda wayn iyo natiijooyinka khatarta badan ee ka ratibmi karey.

Markaas kadib ayuu Raruulka Alle (scw) soo jeediyay bayaankiisa dheer, islamarkaana axdigii ayaa dhamaystirmay.

Qodobada Axdiga

Waxaana qodobadaan ayagoo faahfaahsan soo gudbiyay Al Imamu Axmed isagoo ka warinaya Jaabir inuu yiri: waxaan niri rasuulka Allow maxay yihiin qodobada aan axdiga kugula galayno? Markaas ayuu yiri:

1: Maqlid iyo addeecid xilliga firfircoonida iyo xilliga itaaldarrida

2: Iyo wax bixin xilliga wax la’aantu jirto iyo xilliga dabacsanaantu jirro

3: Iyo in wanaagga la faro xumahana la reebo

4: Iyo in aad u istaagtaan hor Alle u khidmaynta diinta idinka oo aysan hadafkaas idinka leexin karin cid idin haaraamtay dagaalkeed

5: Iyo in aad ii gargaartaan –igarab istaagtaan—markii aan xaggiinna usoo wareego, aadna iga difaacdaan wixii naftiina, haweenkiinna iyo ilmihiinna aad ka difaaci lahaydeen –si aan diinta Alle u gudbiyo—haddaad taas fulisaanna janno ayaad leedihiin.

Dhacdadaan dacalkeeda kale ee Kacab Ibn Maalik marinayay oo uu Ibn Isxaaq soo saaray waxay sheegeen qodobkaan ugu dambeeya kaliya, waxaayna la dheer tahay in Kacab yiri: Rasuulka Alle (scw) ayaa hadlay, wuxuuna akhriyay Qur’aanka, wuxuuna noogu yeeray rumaynta Alle, wuxuu jeclaysiiyay macaanka Islamka, markaas ayuu yiri: waxaan axdi idinkula galayaa inaad iga difaacdaan wixii aad naftiinna, haweenkiinna iyo wiilashiinna ka difaacdaan. Baraa Ibn Macruur ayaa gacanta qabtay oo yiri: haa Allihii xaqa kula soo diray adoo nabi ah ayaan ku dhaartaye, waxaan kaa ilaalinaynaa ciddii aan naftayada iyo maxastayada ka ilaalino ee rasuul Allow axdiga nala gal, wallaahay anagu waxaan nahay ubadkii dagaalka iyo raggii goobta, waxaan ka dhaxallay aabbe iyo awoow.

Hadalkii oo halkaas maraya oo Baraa uu wali Nabiga (scw) la hadlayo ayaa waxaa hadalka soo dhexgalay Abul haytham Ibn Tayhaan oo yiri: Rasuulka Allow annaga iyo Yuhuud waxaa naga dhexeeya xargo badan iyo xariiro badan, xargahaasna waa goynaynaa, ee ma laga yaabaa haddii aan sidaas yeello kadibna Alle guusha ku siiyo inaad reer tolkaa usoo laabato oo naga tagto?

Rasuulka Alle ayaa (sw) ilka caddeeyay kadibna yiri: taasi ma jirtee dhiiggu waa dhiigaygii, magtii la cafiyana waa magtaydii, anigu idinkaan idinka mid ahay, idinkuna anigaad iga mid tihiin, waxaan la colloobayaa ciddii aad la collowdaan, waxaanna nabad galinayaa ciddii aad nabad galisaan.

Hadallo lagu muujinayo waynida mas’uuliyadda

Markii wadahadalladii shuruudaha ku saabsanaa soo afjarmeen, oo kaliya ay dhiman tahay guda galiddii guntidda axdiga ayaa waxaa iska daba istaagay labo nin oo kamid ah raggii islaamay sannadihii 11 iyo 12 aad ee nabinnimada, si ay ragga ugu caddeeyaan culayska wayn ee xilkaan, islamarkaana inaysan axdiga galin ayagoo aan xaqiiqadiisu u caddayn, sidoo kale inay hubsadaan heerka ay gaarsiisan tahay diyaar garowga iyo naf huridda ragga ku jirta.

Ibn Isxaaq wuxuu yiri: markii dadkii usoo urureen inay gacan qaadkii axdiga guda galaan ayaa waxaa istaagay Cabbaas Ibn Cubaada Ibn Nadla oo yiri: ragoow ma fahansan tihiin waxa aad ninkaan axdiga kula galaysaan?

Markaas ayey yiraahdeen: haa, markaas ayuu yiri: waxaad axdiga kula galaysaan inaad la collowdaan bini aadmiga mid cas iyo mid madowba, haddaad isu aragtaan in markii maalkiina balo haleesho, madaxdiinana xabbadi layso aad cadow u dhiibaysaan, ragoow haddeer arinta ka fiirsada, wallaahay taasi waa dulliga aduun iyo Aakharoba, haddaadse isu aragtaan inaad u oofin kartaan axdiga aad ugu yeerteen ee ah inaad ku sabraysaan hantidoo balo asiibto iyo madaxda iyo mudanayaashoo la laayo ku qaata, taasi wallaahay waa khayrkii Aduun iyo Aakharabee.

Markaas ayey yiraahdeen: waxaan ku qaadanaynaa –waxwalba—hantidoo la ciribtiro iyo madaxda oo la gumaado ee Rasuul Allow (scw) maxaan leennahay haddaan taas oofinno?

Markaas ayuu Nabigu (scw) yiri: Janno, markaas ayey yiraahdeen: gacantaada fidi, gacantiisa ayuu fidiyay, markaas ayey axdigii la galeen.

Jaabir wuxuu yiri: markaas ayaan istaagney annagoo –axiga dartiis—gacan qaadayna, islamarkiiba waxaa istaagay Ascad Ibn Zuraara waana ninka todobaatanka nin ugu yar oo yiri: suga reer madiinow, wallaahay geela bogga ugama aannaan soo garaacin –safarka uma soo galin—annagoo og inuu Rasuulkii Alle yahay mooyee, saarista aad maanta saartaanna –nabiga Makko ka saartaan—macnaheedu waa in Carab dhamaanteed bannaan cidla ah idin mariso, in ehlu sharafkiinna la laayo iyo in seefuhu idin martaan, haddaad ku dulqaadanaysaan arrimahaas ku qaata, ajarkiinana Alle umbaa gudine, haddaadse nafihiinna la baqaysaan cabsi haddeerba ka taga, taasaa Alle agtiisa idiin cudurdaar roone.

Guntiddii Axdiga

Kadib markii qodobadii axiga la ansixiyay, kadib markii hadalladaas kulkulul lagu adkeeyay, waxaa bilowday axdigii in lagu gunto gacan qaad, Jaabir wuxuu yiri: markii Ascad Ibn Zuraara haddalladii yiri: ayey raggii yiraahdeen: naga leexi gacantaada wallaahay inaannaan axdigaan ka tagayn dibna aannaan u dhigayne.

Markaas ayuu Ascad ogaaday kalsoonida ragga ku jirta iyo inay naftooda u hurayaan jidkaan khayrka ee cusub, sifiican ayuunna u hubsaday arrintaan, wuxuuna ahaa daacigii waynaa ee Muscab hawshiisa ku weheliyay, sidaa darteed runtii wuxuu ahaa haggaamiyaha diiniga ah ee dadkaan axdiga guntaya, wuxuu hadaba ahaa ninkii ugu horreeyay ee axdiga galay, Ibn Isxaaq wuxuu yiri: Banu Najaaar waxay sheegaan in Aba Umaama Ascad Ibn Zuraara uu yahay qofkii ugu horreeyay ee Nabiga (scw) gacan qaaday.

Markaas ayaa raggii isdaba joog u galeen, Jaabir wuxuu yiri: markaas ayaan nin nin u istaagnay, axdigii ayuunna naga qaaday isagoo (scw) Janno noogu ballan qaadaya.

Axdiga labada gabdhood ee dhacdadaan joogayi wuxuu ku guntantay kaliya afka, Rasuulka Alle (scw) waligiis haweenay ajnabi ka ah ma gacanqaadin.

Doorashadii 12 hoggaamiye

Kadib markii hawshii axdigu gabagabowday wuxuu Rasuulka Alle (scw) dalbay doorashada labo iyo toban hoggaamiye oo matalaya reer tolkood, mudanayaashaani kulligood waxay kafaala qaadayaan inay masuul ka noqdaan fulinta qodobbada axdigaan dhinaca reer tolkood, isagoo arrintaan codsanaya ayuu Rasuulku (scw) yiri: iisoo saara labo iyo toban xildhibaan oo idinka mid ah, si ay u hoggaamiyaan hawlaha reer tolkiin dhexdooda ah.

Islamarkiiba waxaa goobtii lagu doortay raggaas, waxayna ka koobnaayeen sagaal Khazraj u dhalatay iyo saddex Aws u dhalatay, magacyadoodiina waa kuwaan.
 

Madaxda Khazraj

  • 1: Ascad Ibn Zuraara Ibn Cadas
  • 2: Sacad Ibn Rabiic Ibn Camar
  • 3: Cabdullahi Ibn Rawaaxa Ibn Thaclaba
  • 4: Raafic Ibn Maalik Ibn Cajlaan
  • 5: Albaraa Ibn Macruur Ibn Sakhar
  • 6: Cabdullahi Ibn Camar Ibn Xaraam
  • 7: Cubaada Ibn Saamit Ibn Qeys
  • 8: Sacad Ibn Cubaada Ibn Daliim
  • 9: Almundir Ibn Camar Ibn Khunays

Madaxda Aws

  • 1: Usayd Ibn Xudayr Ibn Sammaak
  • 2: Sacad Ibn Khaythama Ibn Xaarith
  • 3: Rifaacata Ibnul Mundir Ibn Zubayr

Markii hadaba ay doorashada masuuliyiintaani dhamays tirantay wuxuu Nabigu (scw) si gaar ah uga qaaday axdi kale inay yihiin madaxwaynayaal masuuliin ah darteed.

Wuxuu ku yiri: dhamaan hawlaha reer tolkiin ayaad kafiil ka tihiin sidii Xawaariyiintu Nabi Ciise (cs) ugu kafaalo qaadeen, aniguna reer tolkay ayaan kafiil ka ahay –muslimiinta ayuu ka wadaaye—markaas ayey ku jawaabeen: haye.

Shaydaan oo Axdiga Fashilinaya

Markii guntiddii mucaahadadu soo gunaanadantay oo ayba qarka u istaageen inay kala dareeraan ayaa waxaa arrinta ogaaday mid shayaadiinta kamid ah, inuu hadaba xogtaan helay daqiidaddii ugu dambaysay, aysanna u suuroobi karin inuu warkaan gaarsiiyo madaxda qureysheed si ay ciidan ahaan dhaqso uga duldhacaan, wuxuu go’aansaday warka inuu faraha ka bixiyo, sidaa darteed buur dheer ayuu fiinta uga baxay, markaas ayuu codkiisa heerka ugu dheer ku qayliyay isagoo leh: hooy dadka dabakaayooyinka –guryaha—jiifoow ma la socotaan –dan maka leedihiin—Muxamed iyo kuwa raacay colaaddiinna ayey go’aansadeen?

Markaas ayuu Rasuulka Alle (scw) yiri: kaasi waa Asabkii caqabo (magac shaydaan oo macnihiisu yahay kan gaaban ee foosha xun), Allaan ku dhaartaye waan kuusoo faaruqin cadowga Alloow, markaas ayuu raggii amray inay si dhaqso ah u kala dareeraan.

Markii codka shaydaankaani la maqlay ayuu Alcabbaas Ibn Cubaada Ibn Nadla oo odayaasha Ansaareed kamid ahi yiri: Rasuulka Allow Allaha xaqa kula soo diray ayaan ku dhaartaye, haddaad doonto seefahayaga ayaan kula waabariisanaynaa dadka Mina daggan aroortii, markaas ayuu Nabigu yiri: dagaal wali nalama amrine iskaga laabta meeshii aad dagganaydeen, islamarkiiba waxay ku laabteen halkii ay dagganaayeen oo seexdeen.

Qureysh oo Eedaynaysa Madaxda Reer Madiino

Markii codkaas dheer ee shaydaanku dhagaha qureysheed garaacay oo khabarku ka dhexdhacay, waxaa kacay buuq wayn oo keenay qulqulatooyin oo abuuray walwal wayn, sababtoo ah waxay si qotodheer u garanayeen ciribxumada ka dhalan karta axdi noocaan ah iyo natiijada qaraar ee ka ratibmi karta marka loo fiiriyo naftooda iyo maalkoodaba, sidaa darteed oogguba intuusan dilaacin ayaa waxaa dhaqaaqay wafdi ballaaran oo ka kooban madaxdii iyo mudaneyaashii qureysheed iyo madaxwayntii kufriga xagga halkii martida reer Madiino dagganayd, si ay ugu soo jeediyaan eedayn ballac wayn oo ereyo kulul lagu qoray oo ku saabsan mucaahadadaan, waxay marka yiraahdeen:

Bulshada khazrajeey, waxaa nasoo gaaray inaad saaxiibkayo –Nabiga scw—u timaaddeen oo aad doonaysaan inaad naga dhex daftaan, oo aad colaaddayada axdi kula gasheen, sidaad la socotaanna wallaahay inuusan jirin qabiil carbeed oo aan ka neceb nahay in colaad naga dhex hurto qabiilkiinna.


Mina, Makka, xilli habeen ah.

Dhinaca kale madaxda mushrikiinta ee reer Madiino axdigaan waxba kalama socon sababtoo ah wuxuu ku qabsoomay hab sir iyo qarsoodi ah, sidoo kale mugdiga haybaynka ee dumay dhexdiisa, waxay habada bilaabeen inay dhaaro jeexaan oo magaca Alle maraan inaysan waxba ka jirin, inaysan ogayn, ilaa odoyaashii u tageen Cabdullahi Ibn Ubaya Ibn Saluul, markaas ayuu wuxuu yiraahdaa: waxaani waa been, waxaani ma dhicin, raggayguna waxaas oo kale ilama dhinac mareen, haddaan xataa Madiino joogo reer tolkay tallaabo nooocaas ah ma qaadeen ilaa ay ila tashadaan oo aniga wax iwaydiiyaan.

Muslimiintu dhinacooda aamuska ayey adkaysteen ayagoo qaarba qaar fiirinayo, qof kamid ahina kuma hadlin beenin iyo qirasho toona, waxay marka arrintu ka fursan wayday in odayaashii qureysheed rumaytaan madaxda mushrikiinta ee reer madiino, markaas ayey iska laabteen ayagoo hungoobay.

Khabarkii oo xaqiiqoobay

Odayaashii qureysheed Makko ayey isaga laabteen ayagoo kalsooni buuxda ku qaba in warku been yahay, hasayeeshee wali kama aysan harin inay warkaan raadqaadaan, oo ay si qotodheer u lafa guraan, sidoo kale indha indheeyaan dhamaan ilaha suuragalka ah ilaa ay u xaqiiqowday saxnimada warka iyo in dhab ahaan axdigu qabsoomay, xilligaasina wuxuu ku aaddan yahay xilli ay xujaydii dhulalkoodii ku laabteen, islamarkiiba ciidan fardoolay ah oo qureysheed ayaa waxay u dagdageen inay baacsadaan xujaydii reer Madiino, waase mar fursaddii seegtay, waxayse dhexda ku gaareen Sacad Ibn Cubaada iyo Almundir Ibn Camar.

Labadaas nin ayey baacsadeen ugu dambayntii Almundir orod ayuu ku daaliyay, waxayse gacanta ku dhigeen Sacad, halkaas oo ay inta xarig gacmaha iyo qoorta isugu xireen timaha qabteen sii jiideen ilaa ay Makko galiyeen ayagoo garaacaya, islamarkiiba waxaa yimid Mudcam Ibn Cidiyi iyo Alxaarith Ibn Xarbi Ibn Umaya markaas ayey ka siidaayeen, sababtoo ah Sacad wuxuu magan galin jirey safaradooda Madiino maraya, Ansaari dhinaceeda markii ay Sacad waayeen ayey dhexdooda shireen, waxayna ku hamiyeen inay soo laabtaan, markii ay go’aanka qaateen ayuu soo muuqday, markaas ayey dhamaan Madiino nabad ku gaareen.

Tani hadaba waa axdi diineedkii Caqaba ee labaad kaas oo loo yaqaan (baycadii caqabo ee waynayd) waxayna ku dhamays tirantay jawi ay hareysay farxad, himilo iyo ididdiilo heerkii ugu sarreeyay, jawi ay camirtay caadifad, isjeclaysi, isxigsi iyo isugargaarid mu’miniinta kala firirsan, sidoo kale ay ka muuqato kaslooni, geesinimo iyo karti badni u hiilinta jidka xaqa, mu’minka reer Madiino wuxuu u xanuunsanayaa walaalkiiska lagu silciyay Makko oo qalbiga kala jiraa, wuxuu u caroonayaa cadowga dulmiyay oo jecel yahay inuu uga aargooyo, waxaa dareenkiisa oo dhan buuxiyay raxmad iyo u diirnixid walaalkiisa uu isaga oo aan arag Alle dartiis u jeclaaday.

Sida la ogsoon yahay kalsoonida kulankaan ka dhalatayi ma ahayn xamaasad maalmo un socota kadibna dabayalaha la bidda, ee waxay ahayd mid ka dhalatay, ku dhisan kana dab qaadanaysa rumaynta Alle, Rasuulkiisa iyo kitaabkiisa, rumayntaas oo markii hiyigeedu koco aysan horjoogsan karin quwad kasta oo quwadaha dulmiga ku dhisan ahi, rumayntaas oo markii gayraheedu babbado mucjisooyin dhalisa, rumayntaan ayeyna muslimiintu ku awoodeen inay taariikhda ku reebaan dhacdooyin casriga tagay iyo kan dhimaniba ka maran yihiin ayagoo kale.

Fiiro Gaar ah

Baycada Caqabo waxay ka dhigan tahay makaabkii ugu horreeyay ee ay ku dul istaagtay amase udubkii ugu horreeyay ee la muday dhismaha dawladda Islamaka, ahmiyaddeedana waxaa laga garan karaa inay tahay halkii lagu ansixiyay axdigii ugu horreeyay ee lagu hirgaliyay dawladdaas, hadaba sida la ogsoon yahay dhacdooyinka la xariira intaan kuma koobna, kaliya waxaan iftiiminnay dulmar kooban.

Khudbadii uu Nabiga Alle (scw) ka jeediyay oo sidaan soo sheegnay dheerayd wuxuu ku bilaabay inuu dadkaan ugu yeeray towxiidka khaaliska ah, uuna sharax dheer ka bixiyay mabaadiida Islamka ee waawayn, kadibna uu qur’aan akhriyay, markaas kadib ayuu dadkaan ka codsaday inay difaacaan oo soo dhaweeyaan si uu fursad ugu helo gudbinta farriinta wayn ee Alle lasoo diray.

Albayhaqi wuxuu sheegay in markii uu Nabigu (scw) masuuliyiinta Ansaareed dooranayay, qofkasta oo uu dooranayo uu tilmaamayay malaku Jibriil (cs).

Dhinaca Qureysheed axdigaani wuxuu ku dhaliyay walwal iyo niyad jab ballaaran, ayagoo garanayay in arrintii Muxamed (cs) markaan xuduuddooda dhaaftay, hadaba habayn ayaa ayagoo soo jeeda waxay maqleen ruux aan la arkayn oo buurta Abuqubays korkeeda ka dhawaaqaya oo tirinaya tixa gabay ah.

  • Haddii sacad hormuudka ah iyo sammigii Islaamaan
  • Sax waxaa ah inuu Muxamed helay geesiyaal sare e
  • Sallad ka cabsanayiyo Makko sowt mukhaalifa e

Markaas ayuu Abu Sufyaan yiri: oo labada Sacad waa kuwee? Ma Ascad Ibn Bakar iyo Sacad Ibn Hudaym baa?

Habaynkii xigay ayey hadana maqleen dhawaaqii oo leh:

  • Sacad Sacadka Awsoow adaa saahid qaaliya e
  • Safiirrada Islamkiyo ku biir saaxibbada diinka
  • Saaxiibkaa Sacadka khazraj waa seef ilaahiya e
  • Ku sifooba iimaanku waa saadka Aakhiro e (1)

Markay waabariiisteen ayuu Abu Sufyaan yiri: wallaahay waa Sacad Ibn Mucaad iyo Sacad Ibn Cubaada.

Reer Madiino magaca Ansaar oo halkaan ka raacay macnihiisuna yahay (u gargaarayaashii Rasuulka Alle scw) markii ay ka laabteen habaynkii Caqabo ee dhulkoodii ku laabteen waxay muujisteen diintooda, taas oo sabab u noqotay inay islaameen dad badan iyo odayaal wali diintii shirkiga ku jiray oo uu ku jiro Camar Ibnul Jamuux oo wiilkiisa Mucaad Ibn Camar Ibnul Jamuux Axdiga joogay.

Ifafaalihii Hijrada oo Muuqday


Fogaanta ugu dhow ee dhexeysa  Makkah iyo Medina waa 335 km. Dhinaca xeebta ah marka la maro oo ah wadadii uu ku haajirey nebi Muxamed (scw) waa  400 km. Medina waxay  xeebta badda cas u jirtaa 160 Km.
Isha: www.hajcommittee.com
Sawirka: www.asia-atlas.com


Markii baycadii Caqabo ee labaad ay hirgashay, oo Islamku ku guulaystay asaasidda wadan uu leeyahay oo bartamaha ugu yaal saxaare ballaaran oo kufriga iyo jahligu udbaha mutay –waana kasabkii ugu muhiimsanaa ee Islamku tabcay ilaa maalintii dacwadiisu loo yeeraye—ayuu Rasuulka Alle (scw) muslimiinta ugu baaqay inay diintooda ula cararaan wadankaan cusub.

Duruufta xilligaas taagan marka si xeeldheer loogu kuurgalo waxaa muuqanaysa mushkilooyinka qallafsan ee ku hareeraysan hijradaan, marka dhinac laga fiiriyo waa ka tanaasulid dhamaan danihii Makko ku xirnaa, baylihin maalkii, maslaxadihii iyo la baxsasho nafta oo qura, dhinac kale muslimiintaasi waxay dareensan yihiin hantidoodii in lala wareegayo, waxay u bareerayaan habgooyo dheer oo bilowgeeda lagu halaagsami karo amase dhamaadkeeda, waxay wajahayaan mustaqbal qarsoon oo aan la garan karin waxa qulqulatooyin iyo dhib ka dhalan doona.

Waxaas oo dhan ayagoo garanaya ayey muslimiintu bilaabeen inay hijroodaan, dhinaca kale mushrikiintu waxay iyana bilaabeen inay jid gooyaan inay garanayaan khatarka jira awgeed, waxaan hadaba halkaan kusoo gudbinaynaa dhawr tusaale dhibkii muslimiintaasi kala kulmeen gaalada markii ay hijroodeen.

1: Dadkii hore u hijrooday waxaa kamid ahaa Abusalama Ibn Cabdil Asad –wuxuu hijrooday axdiga Caqabo intuusan dhicin sannad kahor—sida Ibn Isxaaq sheegay isaga, marwadiisa iyo wiilkooda yar, markii uu hadaba go’aansaday inuu safro ayaa waxaa isku hareereeyay seeddiyaashiis ayagoo leh nafsaddaadaan yar waad nooga adkaatay, maxaanse gabadhadayadaan kaagaga tagaynaa, inaad hawdadka la dawaafto?

Waxay hadaba ka xoogeen marwadiisii iyo wiilkoodii yaraa, islamarkiiba waxaa arrintii ka carooday Abusalama laftiisa oo yiri: haddaad gabadhiina kala harteen inankayaga maxaan idiinkaga tagaynaa cunugayaga yar, muran kadib ayaa cunugii la isku jiidjiitay sidaa darteed gacanta ayaa kala baxday, kadibna laftiisii ayaa si xoog ah uga fara marooqsaday.

Abusalama isaga oo aan marwadiisii iyo cunugiisii midna wadan ayuu iska sarfay, xaaskiisii Umusalama markii ninkeedii tagay cunuggeediina dayacmay walwal iyo walbahaar ayaa ku abuurmay, marka intay subax walba duurarka u baxdo ayey ooyi jirtay ilaa ay galabtii noqoto, sidaas waxaa hadaba ku gudbay muddo sannad dhan, mid ay Umusalama ehel yihiin ayaa dhibkaan haysta dartiis u qalbi dabcay oo yiri: maxaan miskiintaan u shidaynaynaa, ninkeedii iyo ilmaheedii ayaad ka kala tuurteen, markaas ayey dheheen orod ninkaagii aad haddaad rabtid.

Markaas ayey cunuggeedii kasoo ceshatay qaraabadiisa, wayna baxday ayadoo niyeysan inay goyso masaafo gaaraysa shan boqol oo kilomitir oo lama dagaan ah ilaa Madiino, mana jirto cid khalqiga Alle kamid ah oo safarkaan ku wehelisa, markii ay hadaba maraysay meesha lagu magacaabo Tanciim ayaa waxaa la kulmay nin lagu magacaabo Cuthmaan Ibn Dalxa, kadib markii uu xaaladdeeda fahmay ayuu go’aansaday inuu kexeeyo ilaa madiino, markii uu soo gaarsiiyay Madiino oo ay muuqatay xaafadda Qubaa ayuu ku yiri: ninkaagii magaaladaan ayuu joogaaye hore ugu gal barakada Alle, markaas ayuu iskaga laabtay Makko.

2: Suhayb Arruumi markii uu damcay inuu hijroodo ayey mushrikiintu isku hareereeyeen ayagoo leh: waxaad nootimid adigoo cayr xaqiira ah, kadibna dhexdayada ayaad ku tabcatay ilaa maalkaagii batay, oo aad gaartay heerka aad gaartay, haddaad marka waxaad doonaysaa inaad naftaada iyo maalkaagiiba la dhaqaaqdo, wallaahay inaysan taasi dhacayn, markaas ayuu Suhayb yiri: ka warama haddaan maalkayga idinku wareejiyo aniga jidkayga ma iiga leexanaysaan?

Markaas ayey yiraahdeen: haa, hantidiisii oo dhan ayaa islamarkiiba lala wareegay, kaligiis oo fara maran ayuuna ka lugeeyay markii hadaba warkaani Rasuulka Alle (scw) gaaray ayuu yiri: Suhayb waa liibaannay, Suhayb waa liibaannay.

3: Cumar Ibn Khataab, Cayaash Ibn Abirabiica iyo Hishaam Ibn Caas Ibn Waail ayaa ku ballamay meel ay aroortii ku kulmaan oo iska raacaan, kadibna ay Madiino u hijroodaan, labadii nin oo kale ayaa isu yimid, Hishaamse waa la qabtay.

Markii hadaba Cumar iyo Cayaash ay Madiino gaareen, oo xaafadda Qubaa ku dageen, ayaa waxaa ka daba yimid Abujahal iyo walaalkiis Alxaarith Ibn Cayaash, saddexdooduna waa isku hooyo, markaas ayey yiraahdeen: hooyadaa waxay nidartay inaysan madaxeeda shanlo taabsiin, qorraxdana ka harsan ilaa ay ku aragto, markaas ayuu Cayaash u dabcay, Cumar ayaa ku yiri: arrintaani wallaahay waa khayaano ay doonayaan inay diintaada kaaga fidmeeyaan, ee nimankaan ka digtoonow, wallaahay haddii hooyadaa injirtu dhibto waa shanlaysanaysaa, haddii qoraxda Makko gubtana way ka harsan, Cayaash marka waa diiday inuu nimanka raaco mooyee, si uu dhaarta hooyadiis ugu baarri sameeyo, Cumar ayaa markaas yiri: haddii aad sidaas yeeshay hadaba qaado hashaydaan, waa hal dheeraysa oo laylyoone, dhabarkeeda laasim, haddii aad nimanka ka dareento wax ku shaki galiya dusheeda ku baxso.

Markii ay dhexda marayeen ayuu Abujahal yiri: wallaahay ratigaan waan ku daalay, ma iigu baddalaysaa hashaadaan? Markaas ayuu yiri: haye, hashii ayuu fariisiyay ayaguna fariisiyeen si uu ugu wareego, markii dhulka ay wada istaageen ayey kusoo boodeen, oo xirxireen, markaas ayey Makko waqti maalin ah lasoo galeen isagoo xirxiran, oo yiraahdeen: reer Makkow doqomadiinna ula dhaqma sida aan doqonkayagaan ku samaynay.

Saddexdaan tusaale oo yari waxay caddaynayaan sida gaaladu ula dhaqmayeen qofkii ay ku ogaadaan inuu hijroonayo, taasoo jirta ayeyna muslimiintu hijroodeen ayagoo raxan raxan ah oo qaarba qaar kadaba tagayo, markii labo bilood laga joogo axdigii Caqabo ee labaad Makko gudaheeda kuma harin muslimiintii Rasuulka (scw) Abubakar iyo Cali mooyee, oo ayaga Nabigu (scw) amray inay joogaan iyo wixii muslimiin ah ee gaaladu xirtay oo khasab ku hayaan, Nabigu (scw) wuxuu diyaarsaday sahaydii safarka isagoo sugaya marka la amri doono inuu boxo sidoo kale Abubakar.

Albukhaari wuxuu ka wariyay Caaisha inay tiri: Rasuulka Alle ayaa muslimiinta ku yiri: waxaan arkay –riyo—magaalada aad u hijroon doontaan, magaalo timir leh oo labo buurood oo dhagax madow ah u dhaxaysa, markaas ayaa muslimiinta wixii hijroonayay u hijroodeen dhinaca Madiino, dadkii Xabashida aadayna intoodii badnayd waxay usoo laabteen dhinaca Madiino, Abubakar ayaa isna isu diyaariyay dhinaca Madiino, Rasuulka (scw) ayaa ku yiri: iska sii joog waxaan rajaynayaa in anigana la ii idmee, Abubakar ayaa yiri: Rasuulka Allow (scw) taas maka rajo qabtaa? Markaas ayuu yiri: haa, Abubakar markaas ayuu sugay Nabiga (scw) si u raaco, wuxuuna diyaariyay labo halaad oo lasii quudinayo caleenta iyo abqada quraca afar bilood.

_______________________________

1: Tixaha waxaa mariyay Abdirisaq Musanaf

Daabacaad: SomaliTalk.com | July 1, 2005
Sawirka: Google Search

QAYBTA 11aad

QAYBTA  

Waxaa soo diyaariyey:::
Shiikh Cabdirisaaq Macallim Abshir
Email: musanaf@hotmail.com

Onenet :: 1net create website